SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Daabaco Boggan | Print
gaariSomaliTalk: Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa waxbarashada Puntland ugu deeqday gaari iyo buugaag, laakiin..
Akhri...

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA



2002: BORLANGE IYO SOMALITALK.COM
 

2007: Warbixin: Borlänge iyo Somalitalk.com II


Raad ba’ay iyo reer ba’ay

Qore:

Axmed-shiil Muxumed

ahmedshil@yahoo.com

Borlänge, Sweden 

Aug 26, 2007


bismillaahi, wassalaatu wassalaamu calaa rasuulilaahi 

Hordhac

Afartan iyo toddoba sano kadib markay labadii gobol ee Soomaaliyeed ee Ingiriiska iyo Talyaanigu kala gumaysanayeen ay xoriyadda qaateen ayaa waxaad mooddaa in aan wali baadigoob ugu jirro wixii xilligaa la baadigoobayey oo ahayd madaxbannaani, sharaf iyo horumarar. Qof is indhatirayo mooyee waxaa cad inaanan xor ahayn maanta, xorriyadna ayna noosoo naasa caddayn haddaanan halgan hufan oo adag ugalin. Xaqiiqda aan maanta hoos jiifno ayaa waxay tahay in meeshii horaan ay Talyaani, Xabashi, Faransiis iyo Ingiriis nadillaali jireen uu maanta Tigree booskoodii iskuwadadhaxlay oo uu inagu daray lixdanka malyuun ee ee uu kudullaysto dalka loogu yeedho Itoobiya. Wax walba waxaa kaagasii daran in inaan yarayn oo innaga mida ay kuqanacsantahay oo ay raalli katahay arrintaa. In kale oo innaga midana ayna danba kalahayn oo ayna xiisaynaynin xaalku meeshuu marayo iyagoo oo ay kahoos baxday in kol aan dheerayn  dhulkooda lugu adoonsan sitoosa iyo si dadbanba. Waxaa wax aad loola yaaba ah in dad aan kabadnayn afar malyuun oo dadkooda aqoonta leh ama indheer garadka ah ay farakutiris yihiin inay afartan malyuun oo muslimiin ah iska dullaystaan ooy waliba dillaalaan magacoodana caqdiya kala duwan kusoo qaataan. Waxaan jeclaystay marka inaan bal wax yar kadhaho mashaqada iyo musiibada taagan iyo siday iigu muuqato. 

Raad ba’ay iyo Reer Ba’ay

Soomaalida beeralayda ah iyo kuwa xoolodhaqatada ah, siiba kuwa tabcada gallayda iyo kuwa dhaqdo lo’da ayaa waxay kuhalqabsadaan labadaa weedh ama murti een cinwaanka kadhigtay. Raad ba’ay sidaan soo wariyey waxaa loola jeedaa oo laxusuusinayaa qof dhaqanayo lo’. Lo’da sideeba ceeb malaha oo waa nacfi uu alle (SWT) dadka kumannaystay ee waxaa weedhan dusha looga saaray, in siday uu qiimo badan tahay oo u caano macaantahay loona jecelyahay ayaa markuu jiilaal daran yimmaado ay billaabi inay dabar go’do oo uusan mar marka qaarkood hal neef kasoo hadhin. Sidaan qiyaasay marka qof indheergarada oo u fiirsaday arrintaa soo noqnoqoto dadkana ay katabaabushaysan waayeen ayaa murtidan allifay “raad ba’ay”. Siduu shakhsiga lo’da leh maalin walba ugu raad joogo ayay abaar ama jiilaal daba dheerady dartii u le’an, halkaana raadkeedii uu qaadi jirey ayaa kutirtirmi. Waa arrin marka jirto oo dad badanna soo martay kuwa kalana sugi. 

Midda reerka ba’ay iyada lafteeda waxba kama fogo midda hore oo waa weedh ama murti iyana kubaxday kadib markuu qof ufiirsaday tacabka latabcado ee gallayda iyo marmarka qaarkood halka ay wax kudanbeeyaan. Gallaydu waa quud aad uqiimo badan walow ayna soomaalida uga faa’iidaysan siyaabo badan oo looga faa’iidaysto aduunyada inteeda kale, haddana dadka tabcada aad ayey uqadariyaan una jecelyihiin. Marka la abuuro oo ay soo baxdo oo ay baaldhoorka bannaan usoo tuurto qofkii isha laraaco kama daalo daawashadeeda quruxda ay leedahay, haddana saas ooy tahay waxay aad ugu nugushahay qorraxda iyo cudurrada kudhaco dhirta. Qofbaa dhul masaafo ah abuuranayo markay usoo baxdo oo uu aad ugu bogo billaabana inuu caashaqo iskuna dayo bal inuu qiyaaso inta jawaan ee ay u noqoni markay soo go’do ayaa halmar ama cudur kuhabsadaa ama roob yari dartii ay dhadhaa.  Qofka ay utabcanayd aadkana ugu rajada waynaa qiyaastii wuxuu ula dhaqmi jirey beertaas sidii heer uu leeyahay oo kale, xoolaha kaceli yayna kaa daaqine, duur joogta iyana habeenkii kaceli, fal oo cawska iyo dhirta kale ee qoyaanka iyo rayska kucidhiidhini kajaf iwm, kadibna xaalad timid awgeed ayuu asagoo faro madhan kadhaqaajiyaa. Halkaana waxaa kadhalatay murtida “reer Ba’ay”. 

Dawladnimadii oo sayn lagasoo rifi waayey

Wax walba oo lasammeeyey iyo nidaam kasta oo lasoo dhoodhoobay ama dimuqraadi haloogu magacdaro ama millatari kalitalisnimo ah haloogu yeedho ama Ummadaha Midoobay qorshe hakeento ama Maraykanka kummaanan kun oo asakri keen oo yidhi soomaalibaan badbaadin wax walba oo lasammeeyey dawladnimadii waa lagasii fogaanayaa in loo dhawaado iskadhaafee. Waxaa jirto sheeko ama murti ay soomaalidu kusheekaysato oo markaad sii fiiriso aad fahmi inayba katurjumayso qaabka iyo dhaqanka aan soomaali ahaan leennahay ama u noollahay. Waxay murtidu ahayd sidan: Ninbaa xaabo uu dabka kushito doontay, hawdka ayuuna tagay oo uu xoogaa xaabo ah soo urursaday markuu isyidhi qaad ayey kucuslaatay oo uu qaadi waayey, markuu xaal halkaa marayo ayuu fekeray baa layidhi oo uu xal raadiyey xoogaa kadib ayuu go’aan kugaadhay inuu si uu xaabada uqaado uu kukordhiyo in kale, bal inay fududaatoo oo ay garabka uqabato kadibna uu halkii uu larabay ula aado. Markay noqoto dawlad raadin waayadan danbe waxaaba soo baxay eray bixinno cusub oo si kama ah ubaxay, “dawlad gacan kurimis ah” iyo “dawlad lasoo dhoodhoobay” ayaa kamida halkudhagyada ay adeegsadaan kuwa laga qadiyey waxaas lasoo dhoodhoobay ee dawladnimada loogu yeedhay. Qolyahan isticmaalayo murtidaas qiimaha kufadhido waa uun kukacso ritiga ee maba ay fahamsana waxa ay leeyihiin ama hadday fahamsan yihiin daacad kama aha weedhaas ay kudhawaaqayaan. 

Markaan hadda fiiriyo qolyahan dawladnimada ceebeeyey ee jinsigii Soomaaliga ahaa wixii karaamo uhadhay masaxay ee ciidan xabashibaan soomaaliya kuxukumaynaa yidhi qisadan laga sheekeeyey ayaan soo xusuustaa. Soomaaliya oo teedii lasilicsan oo kitaab kasta oo loo rogay iyo dawo kasta oo lugu dayey cudurka hayo lafahmi waayey ayay xabashibaan kudawaynaynaa dhaheen. 

Waxay ahayd inay kolka hore bal ukuurgalaan hadday daacad yihiin siday tahay xabashidu iyo siday ula dhaqanto dadka kuhoos nool ama dadkeedaba iyo waxa ay kukordhin karto haddayba keensadaan. Muddo sanado kabadan ayey wehel u ahayd ooy garab taagnayd difaacaysana illaa iyo haddana hal shay oon dhib, sumcad xumo iyo jahowareer ahayn oy kusoo kordhisay malaha waana wax lahubo inay kasii dari oo illaa marka danbe ayba ayaga laftooda kusoo jeedsan. 

Halkaa waxaa kaagasoo bixi in xaabadii dawladnimada ahayd ee aynnu Soomaaliyoo dhan qaadi waynay inay dusha uriteen laba nin oo midkood kudooday inuu afartan sano usoo halgamayey inuu kursiga dawladnimada hanto sidaa awgeedna uu asagu xalka iyo horumarka hayo, meesha kakalana kudooday soddon sano ayaan wax soo baranayey oon cilmi korodhsi kujirey ee jagada maamulka ee ugu sarrayso ii dhiiba. Dhibkii loo caal waayey ee laqaadi waayey culayskiisa ayey xabashi oo kasii culus 100 jeer dusha kasii saareen bal inay fududaato.

Sidoo kale baadidoonkii dawladnimo ee muddada dheer loo xusul duubayey kolbana wax ladhoodhoobayey wuxuu kudanbeeyey sida raad ba’ay iyo reer ba’ay oo kale oo saynna lagasoo rifi waa. 

Ikhlaas li’i

Soomaalida waa dad afka kanool dhaqan ahaan oo waxtarkoodu iyo kartidoodu inta badan afka kujiro oon addimada dhaqdhaqaajin. Waana sababta keentay inay dad aad inooga yar aadna innooga aqoon yar ay nadillaalaan maanta, maxaa yeelay waa dad yaqaanno shaqada sugi iyo waddada loo maro inta baddanna aan afminshaarro ahayn. Haddaad lasheekaysato qofka Soomaaliga ah ood kawaraysato siduu u’arko xalka Soomaaliya wuxuu kuu sheegi inta badan wanaag iyo khayr meesha qalbigiisu kasoo horjeedo waxa uu sheegi asagoo doonayo inuu adiga kuqanciyo oo qudha.  

Markay dhabta timmaado 100% wixii uu sheegayey wax kaduwan ayuu kudhaqaaqaa lamana moodo nin xoogaa kahor wanaag sheegayey. Taas waxaa daliil u ah markay Soomaalidu shir ama urur ama nidaam dawladeed isugu timmaaddo oo layidhaa tallaabo halla qaado waxaa lugu billowdaa khilaaf iyo isqabqabsi aan billow iyo dhammaad midna lahayn oo meesha kasaara wixii la’isugu yimid. Hadday marka dadkaa is khilaafaya daacad kayihiin waxa ay isugu yimmaadeen oyna khayaano, dhagar iyo qalbi qalloocan meesha oolin dhibkaa madhaceen. Labo unbayna mid noqoni;  

1- in dadka meesha isugu yimid ay been isu sheegayeen oo ay dano kale hoosta kuwataan saasna khilaafka kuyimmaado, 2- ama in dadka meesha isugu yimid aynaba ogayn waxa ay meesha uyimmaadeen iyo waxa lugu hayo taas oo sabab unoqoto khilaafka iyo jahowareerka.  Sideedaba waxaa hirgala shay daacad laga yahay oon dano kale oo gaara aan jeebtuugga lugu sidan. Waxaa caado inoo ah soomaali inaan israadsanno oon isu imaanno oon is urursanno annagoo walaal isugu yeedhayno kadibna khilaaf, burbur iyo colaad aan kukala tagno sida qaalibka ah.  

Waxaa hadda marka isasoo tarayo muddo dheerna sheekadeeda lahayey inay labadii attoore waa kornaylkii iyo barofasarkiiye ay is qallacsan yihiin oo ay tii ugu xumayd kamarayso. Hadaad ufiirsato marka xaalkooda iyo siyaasiintii kahorraysay ee cilmaaniyiinta ahayd ee soomaaliya soo martay waxaa kuusoo bixi in dhammaan qalbigooda iyo qawlkoodu is khilaafsanaa, macnaha afkana waxbay kasheegan jireen uurkoodana wax kale ayaa kaguuxayey. 

Meesha kornaylka loo jeedo inuu danaynayey oo qudha inuu mar madaxwayne loogu yeedho si ‘uu u amarkutaagleeyo, waxaa hoostiisa kusilicsan malaayiin soomaali ah, waxaa masaajiddii nijaaseeyey kaafir Tigree ah iyo munaafaq layidhi askari qaran baad tahay oo muqayilsan, saasooy tahay innaba hayaraatee kama muuqato damqasho iyo dareen xitaa inay dadkuu lahaa waan mathalaa ay dhibaato haysato oo ay silic kunool yihiin. Wax walba waxaa uga daran niman ay iskasoo horjeedaan oo uu uga baqay inay kursiga karidaan oo qudha. Waxaa halkaa kaagasoo bixi inuu dhaartuu kudhaartay iyo ballantuu qaaday ayna sal iyo baar toona lahayn, sidoo kale inuu ninku lahaa caqli geeljire oo ah yaanan lugu lagdin ee wax iskadhici “rag ciil cadaab kadooray” ayey ahayd murtidii jahliga kudhisnayd ee ay kuhalqabsan jirtay Soomaalida. Sidee marka qofkaas iyo qof la’aragti ah dal iyo dad wax ugu qaban umaba soo jeedee!. Markuu hunguriyeynayey kursiga niyadiisa kuma jirin inuu dad wax taro inuu xukumo mooyee oo hadday xukunkiisa diidaanna uu ciqaabo oo uu waliba uu kuciqaabo waxaan hore loogu ciqaabin waana inuu cadowgooda kufriga ah ugacan galiyo. 

Barofasarka asaga xaalkiisu wuxuu kusoo koobmay shilimo ururso oo waxaad mooddaa maadaama uu Meles meesha qotomiyey waagii horena uu khasnaji u ahaa Meles in meesha uu ukeenay inuu lacag labadooda uga ururiyo. Innaba hayaraatee kama muuqato damqasho iyo masuuliyad iyo xilkasnimo midna. Muddadii uu kumagacawnaa jago ceebeedka wuxuu kadhammaan waayey safar lacag urursi ah. Waxaase kaba sii daran nin Ra’iisalwasaarenimo sheeganayo oo lagu eedaynayo waxyaabo aad uliito oon filayo taariikhda inaan qof kale oo madax dal ah aan lugu eedayn waana Mukhalasnimo. In inta dadka lacag laga qaato wafti ahaan dal kale lugu galiyo ayaa aad loogu eedeeyaa. Markaad soo koobto waxqabadkiisa iyo xarakaadkiisa wuxuu kusoo koobmi lacag illaa ay markii danbe odaygii adeerka u ahaa ay iskuqabsadeen oo ay qir iyo qir iyo kala celiyaay ay kagaadhay. Ballantii uu qaaday iyo dhaartii uu maray 100% wuu garab maray wuxuuna kusoo koobay hawlihiisa wax urursi iyo islaam ladirir isdii asagoo islaamka dabargoyn karo. 

Ugu danbayntii

Waxaa inasoo maray fashil fara badan oo siwalba oon yeellay inaga hadhi la’, waxa ugu wacanna waa qalbigeenna iyo qowlkeenna oo is khilaafsan. Wax fiicanna waannu sheegi wax xunna waan sammaynaynaa had iyo goor.

Laba shay ayuu marka xalku kujiraa aniga aragtidayda: 

  • In aan ikhlaas la’imanno oo islaanimada aan sheeganayno ayna af qudha noqon ee ay noqoto mid hagta dhaqankeenna iyo nolosheenna. Innagoo kabillaabayno inaan is waafajinno qowlkeenna iyo qalbigeenna oon sheegno wixii aan doonayno iskana dhaafno afminshaaraynta joogtada ah ee qof walba loo sheegi wuxuu rabo inuu maqlo.
  • Inaan garwaaqsanno inayna dawlad aan 100% islaam kusalaysnayn ayna ka’istaagayn geesk afrika siiba dhulkeenna. Maxaa yeelay inta kale waynu iskukhilaafsannahay marka laga reebo diinta islaamka, waana iyada waxa isu kaayo keeni karo oo mabda’ kale dhulkeenna horena uga shaqayn waa haddana kashaqayn maayo. Qofba qofkuu ka alla cabsi badan yahay ayuu kadaacadsan yahay, maxaa yeelay camalka fiican wanaag iyo hufnaan ayuu kordhiyaa sidoo kalena iimaan ayuu siyaadiyaa meesha xummaanta, xiqdiga iyo akhlaaq xumada ay siyaadiyaan baadil iyo dulmi. Haddaynu marka dawladnimo rabno waa inaan aaminnaa inay kusalaysnaato diinta islaamka, sidoo kalena ay hogaamiyaan dad diinta u go’ay oo lagu yaqaanno cabsi alle iyo cibaado suuban. Haddii kale waa raad ba’ay iyo reer ba’ay oo joogto ah.

Axmed-shiil Muxumed
Borlänge, Sweden
ahmedshil@yahoo.com

O.N.L.F Ururkii Gobonimada Doonayey - Qaybtii Labaad... Akhri

Oday Dhaqameedyadii gummaystaha: Odayada madasha soo xaadiray, Yay nabadda  gacanta ugu jirtaa?

Afar boqol iyo afartan malyuun oo doollar: maqaal kusoo baxay jariidada göteborgs-posten.... Akhri...

Warbixin: Borlänge iyo Somalitalk.com II

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 1, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com