Borlänge iyo
Somalitalk.com II
Axmed-shiil
Muxumed
ahmedshil@yahoo.com
Borlänge, Sweden
May 14,
2007
Bismillaahi wassalaatu
wassalaamu calaa Rasuulilaahi.
Tusmada qoraalka
- Gogoldhig
- Maxaa isbadalay shan
sano kadib?
- Maqaallo laga qoray
Soomaalida
- Isbaddal kuyimid
khariiddada siyaasadda ee magaalada
- Is’abaabulid iyo
is’ururin
- Ururro dhicisa
- Yaa horjooge maanta u
ah Soomaalida magaaladan?
- Waxbarashada dadka
waawayn
- Waxbarashada
carruurta
- Caruur lasoo
luggooyey
- Wadajir (bulshada aan
lajoogno saldhiggeeda)
- Dhibaatada dumarka
Muslimiinta haysato.
- Gunaanad
Horudhac
Maqaalkan wuxuu dabasocdaa
maqaal kan lamagac ahaa oo kusoo baxay somalitalk.com taariikhu markay ahayd 24
May sanadkii 2002 dii iyo waliba maqaallo kale oo dhowr ahaa oo iyana isku
mawduuc kahadlayey uuna qoray wariye Cabdixakiin Axmed Guuleed. Maqaalkaa
iyo maqaallada kale ee wehliyey waxay kahadlayeen xidhiidh kadhaxeeyey
Somalitalk.com iyo soomaalida Borlänge waagaas, xidhiidhkaas oo uu abuuray
wariye Cabdixakiin Axmed Guuleed oo markaa joogay Borlänge ugana soo gudbin
jirey Somalitalk.com wararka iyo arrimo kale oo badan guud dalkan Sweden, gaar
ahaanna magaaladan yar ee Borlänge loo yaqaanno. Qoraalkan ayaa ay sababta
loosoo qoray tahay Bahda Somalitalk.com oo aad u xiisaynayso bal in ayaga gaar
ahaan iyo guud ahaan soo booqdayaashoodaba ay helaan macluumaad kusaabsan Reer
Borlänge iyo xaalkoodu wuxuu kudanbeey, Maxaa isbadalay shantii sano ee lasoo
dhaafay? Maxaa hagaagay? Maxaan hagaagin? Iyo arrimo kale oo soo hoos galayaba.
Marka maxaa isbadalay shan
sano kadib?
Waxyaabaha isbadalay ayaa
waxaa kamida inay soomaalidii magaalada dagganayd laba jibbaarantay shan sano
kadib oo ay kudhow yihiin 600 meesha ay 2002 dii ka’ahaayeen kudhawaad 300 oo
qof iyadoo laqiyaasayo inay dhammaadka 2008 da gaadhi doonaan 700 oo qof ugu
yaraan. Sidoo kale waxaa aad Soomaalida looga bartay magaalada iyagoo caan
kanoqday marka labarbar dhigo dadka kale ee ajaanibta ah ee kula nool magaalada.
Sidoo kale inay 99% soomaalida kunool yihiin kaalmada adeegga bulshada oyna
ahayn dad muruqooda maala iyadoo ay ugu wacantahay sababo ay ugu horrayso shaqo
yaraan sideedaba iskataagan iyo Soomaalida oo ay kuyar yihiin dadka xirfadaha
leh ama shahaadooyin sarsare sita iyo dadka intiisa badan oo wakhti yar dalka
joogo (baadhis ay sammaysay Jaamacadda Gothenburg dhowr sano kahor ayey
kusheegeen inay tahay 12 sano qiyaastii wakhtiga uu ubaahan yahay qofka ajnabiga
ah ee kayimmaado dunida sadeexaad intuu kala qabsado nolosha dalkan isagana
fillaan karo) . Shantaa sano ee lagasoo gudbay majirto hal shay oo
ladhihi karo horumar ayaa laga sammeeyey illaa iyo hadda. Iskadhaaf waxkale ee
waxaa xidhmay madaaristii ilmaha yaryar quraanka loogu dhigi jirey, waxaa sidoo
kale xidhmay meelihii ay ururrada Soomaalidu fureen ee marna lugu qaxwayn jiray
marna turubka lagu ciyaari jirey.
Maqaallo laga qoray
Soomaalida:
Intii muddo ah waxaa
jiray qoraallo aan ufiicnayn sumcadda soomaalida oo ay jaraa’idka gobolka iyo
kamagaaladaba kaqorayeen, waxayna ahayd arrin ay soomaalida laftoodu billaabeen
qorsho xumo awgeed ayagoo markaa kacalaacalayey dhibaato kahaysatay xagga
horumarka. Waxaa jirtay markaa inay rag soomaali ah ayagoo jaraa’idka
adeegsanayo ay soo gudbiyeen duruufaha kuhaysto magaaladan ayagoo markaa farta
kufiiqayey shaqo la’aan jirtay balse si gaara u saammaynaysay soomaalida ayagoo
waliba kudaray in 300 ee qof ee Soomaalida ah ee magaalada kunool ay shaqo
kahaystaan labo ama saddex qof oo qudha. Dalka iswiidhan qofkii sheegta inuusan
shaqaysan waxaa durbababa loo qaataa inay masruufto dawladda ama magaalada uu
markaa daggan yahay. Arrintaana waa arrin foolxun maxaa yeelay dadka dalkan daga
noloshooda waxaa ugu muhiimsan oo kow ka’ah erayga shaqo, waxaa
la’iskugartaa xirfadda iyo meesha laga shaqeeyo, sidoo kalena waa la’isku
abaabulaa oo la’isku urursadaa, waa halka aan annaga qabiilka ka’isticmaallo oo
kale. Qofkii markaa aan shaqayn wuxuu kadhigan yahay qof dadka kaduwan ama
kaliito ama ay wax kakhaldan yihiinn.
Waxaa dhacday markaa inay dood dabo
dheeraatay oo wali socoto ay billaabatay, dooddaas oo guud ahaan khusayso
ajaanibta dalkan immaato gaar ahaanna soomaalida oo ayagu noqday bar jilicsan oo
si dhibyar lugu duqayn karo. Waxaa markaa dooddii soomaalida kusaabsanayd cirka
kusii shareerey kadib markii ay dad gaadhayo 200 qof oo soomaali ah oo sharciga
dalkan lasiiyey isla sanadkaa ay soo dageen sanadkii 2006-dii Borlänge ayagoo
bilaa qorshe kusoo dagay, sida la sheegay (bilaa qorsho waxaan
kawadaa markuu qofku sharciga qaato dalkan waxaa iska kaashado magaalo
dajintiisa Wasaaradda Midaynta bulshada oo wasaarad heer qaran ah iyo
magaalooyinka iyadoo markaa magaalo walba lugula heshiiyo intii qof ee ay dajint
karto dawladdana ay lacag kuus ah kusiiso, magaalada borlänge iyada sanadkii
waxaa qorshe u ahaa inay dajiso isugayn 35 qof ama qoys sanadkaa oo dhan meesha
ay 300 qof oy 200 boqoli soomaali tahay ay qorshe la’aan kusoo dageen iyadooy
magaaladu raalli ka’ahayn)
Magaaladan oo ah magaalo yar
oo dadkeedu gaadhayo 47000 oo qof, miisaaniyaddeeda sandkiina ay tahay qiyaastii
260 USD.m., dhaqaalo ahaan iyo bulsho ahaanba maxammili karto dad intaa dhan oo
wakhti saa uyar kuyimmaado haddana 100% ah dad aan isibixin karin dhinac walbana
kaalmo uga baahan, haddana saasooy tahay magaaladu waxba kama ayna qaban karin
oo isma horistaagi karin dadka kusoo qulqulayey maadaama ayna qulquliddoodu
kasoo horjeedin sharciga dalka.
“Muslimiinta
waxay Iswiidhan kusoo kordhiyeen laba shay, inay carruur fara badan dhalaan iyo
inay si ba’an oo naxariis darro ah u maalaan deeqaha ay dawladda ama
magaalooyinka bixiyaan”
Hadalkaas murduxan waxaa ay
si sir ah uga fakatay nin iswiidhish siyaasi ahaa oo iyadoo ay doorasho jirto ay
qolo kamera usoo qarsadeen ayagoo kucalaacalayo una sheegay inaysan jeclayn
muslimiinta kadibna siyaasigii inta ishayn waayey ayuu wixii uurkiisa kujirey
afka kasii daayey. Sidaas uu sheegay ayaana laga aaminsan yahay muslimiinta guud
ahaan iyo gaar ahaan Soomaalida. Tirakoobkii ugu danbeeyey oo dhawr sano kahor
lasammeeyey waxay hay’adda tirakoobka qaranka sheegtay inay Soomaalida 12% oo
qudha shaqayso ooy 88% qiyaastii kunoolyihiin kaalmada bulshada iwm. Ogoowna
Soomaali waxaa loo yaqaanna dalkan qofka kayimmid Jamahuuriyaddii Soomaaliya
oonan wali qaadan jinsiyadda dalkan. Dadka uu tirakoobku kahadlayo waa dadka
joogay dalkan qiyaastii siddeed sano ama wax kayar, siddeed sanona waaba inta uu
qofkii dadaalo kala qabsan karo dalkan. Marka waxaa meesha kamaqan kummanaankii
dalka laqabsaday muddada dheerna joogay.
Isbaddal kuyimid
khariidadda siyaasadda ee magaalada:
Doorashadii Golaha sharci
dajinta qaranka, Goloyaasha magaalooyinka iyo kuwo gobollada ee sanadkii 2006 da
ayaa waxaa kadhacay isbadal aan muddo dheer kadhicin magaaladan, isbaddalkaasoo
ah in Xisbigii Dimoqraadiga Hantiwadaagga ( xisbiga shaqaalaha) oo asaga
waligii aqlabiyadda Golaha sharci dajinta ee magaaladan haysan jirey uu
markii ugu horraysay waayo aqlabiyaddiisii waloow uu wali yahay xisbiga ugu wayn
magaalada haddana waa jab kudhacay oo uusan ubaran. Taas waxaa ugasii darraa in
markii ugu horraysay baarlamaanka magaaladan uu kusoo biiray oo laba kursi
kacantoobsaday xisbi cunsuri ah oo midab kalasooca aaminsan oo layidhaahdo
Sverige Demokraterna (SD) “iswiidhiskii dimoqraadiyiinta ahaa”.
Xisbiga Hantiwadaagga Dimoqraadiga ah aqlabiyadiisa hawaayoee wuxuu aad uga
naxay magaaladan oo taariikhdeeda aanan lugu arag xisbi caynkaasoo kale ah
inuuba Golihii Shacbiga kuraas kacantoobsado xisbi fikaradahaas oo kale
aaminsan. Arrintaa waxay dad katirsan maamulka magaalada usaariyeen qoraalladii
farada badnaa ee laga qoray Soomaalida iyo Soomaalida halka mar soo dagtay
qorshe la’aan magaalada oo xitaa miisaaniyaddii magaalada ligligay.
Is abaabulid iyo is
ururin:
Maqaalladii laga qoray
borlänge 2002 da waxay intooda badan si gaara uga hadlayeen cinwaankan aan hadda
kor kuqoray, waxaan rabaa marka inaan yara sharxo halka ay arrintaa kudanbaysay.
Sida lugu yaqaanno soomaalida
guud ahaan ama gaar ahaan kuwa qurbaha joogo waxaa la’iskudayaa in la’is
abaabulo ururrona lassaamysto iyadoo lugu dayanayo bulshada martida loo yahay,
arrintaasoo 90% mushkilad, dhibaato iyo colaad abuurto. Waxaa magaaladan kajirey
dhowr urur oo ay kala sammaysteen dadyow kala dan iyo kala aragti ahaa.
Arrintaas waxay soomaalida magaalada daggan usoo jiidday sumcad xumo qotodheer
oo qofkii maamulka magaalada laxidhiidh is yidhaahdaba lawaydiiyaa waxay
Soomaalida oo dad waxwalba wadaaga ah haddana aad utiro yar oo cusub ay intaasoo
urur oo kala duwan usammaysteen halkii ay hal danahooda u dooda wada sammaysan
lahaayeen?
Mar haddii lakala urur yahay
lana kala aragti duwan yahay hadafka ururka loo sammaystayna uusan inta badan
saafi ahayn, waxaa meeshaa imanayso in loo kala hoos maro hay’adaha dawladda oo
qoloba qolada kale xagal daaci istidhaahdo. Halkaa marka dhibwaynbaa kayimid oo
sababay in Soomaalida laga qaato sawir xun sidoo kale in intii yarayd ee wanaag
doonka ahayd ay niyad jabaan oy faraha kala baxeen arrinta abaabulidda iyo
ururinta dadka maadaama ay umuuqato fashil mooyee inaanan horumar laga sugayn.
Haddii ummad walba wax lugu
imtixaano imtixaanka ugu daran ee Soomaalidu ladhutinayso aniga aragtidayda waa
is abaabulid iyo is ururin la’aanta caadada unoqotay.
Ururro dhicisa oo cimri
gaaban:
Ururrada laga hadlayo wax
wayn ooy soomaalida iyo bulshada ay martida uyihiin ay uqaban jireen majirin oon
ka’ahayn inay kidheeyaan guryo marna lugu qayilo marna wakhtiga qaaliga ah
siyaabo kala duwan loogu lumiyo, sida turub iyo dubnad laciyaaro iyo kaddoodidda
siyaasadaha Qabaliga kusalaysan ee fadhiidka noqday. 90% ururrada ma’ayna kasoo
bixi jirin ahdaaftii lugu siiyey kaalmada ay kudhaqdhaqaaqaan taasoo loo fasiran
karo inuu meesha yaallay musuqmaasuq foolxun.
Sideedaba waxaa liibaana
wixii khayr kudhisan oo ay kadanbayso fikrad xalaala oo kanadiif ah, been abuur,
khayaano, xigsasho iyo musuqmaasuq, marka wax iskacad ayey ahayd inayna ururro
sidaa udhisan ayna meel gaadhayn waxayna dhammaan kudanbeeyeen burbur maadaama
ay horaanba kutaagnaayeen cimri dayn ah.
Maanta majiro hal urur oo
firfircoon oo xitaa intii hore looga bartay wax kamida fuliya halkaas ayayna
Soomaalidii magaalada uga raysatay isqaqabsi iyo isxagxagasho fara badan oon
dhib mooyee cidina wanaag ugu fadhin.
Yaa maanta horjooge u ah
soomaalida magaaladan?
Hal qof oo mathala majiro
Soomaalida maanta magaaladan inkastoo aan baahi badan loo qabin inay soomaalida
cid ugasho maamulka magaalada maxaa yeelay xuquuqda qofka daggan dalkan sharcina
kujooga waxaa dammaanad qaadayo sharciyada dalkan udajisan marka qofkii jecel
inuu dhawrsado asagana ladhowro inta badan dhib lama kulmo. Waxaa jiray
dhallinyaro dhowra oo kukala biirtay xisbiyada magaaladan kajiro inkastoo
intooda badan ay kabaxeen amaba iskaba illaaween hawshaas haddana illaa iyo
hadda wax firfircoon oo xubin ka’ah xisbiyada waxaa kajira hal nin oo qudha.
Intaan lagaadhin in soomaalida lamathalo ayey tahay in horta laxalliyo
guurguurka maanka qofka soomaliga ah oo laga yaabo inuusan hal meel oo rasmi ah
ku’adkaysan yeelanna mabaadii, uu noloshiisa kusaleeyo. Hadday dhacdo in qof loo
doorto inuu soomaalida mathalo oo markaa qofkii meel gaadho waxay ubadan tahay
inay kukacaan dadkii doortay kolkii hore maxaa yeelay colaadda iyo heshiiskaba
soomaalida waa u geedka labadiisa hoos oo meel dheer majiraan. Marka waxaan
is’idhi dadkii kaqabqablayn lahaa arrintaas billaa saasay uga gaabsadeen.
Waxbarashada dadka waa
wayn:
Aad ayey ugu liitaan dadka
waa wayn xagga waxbarashada oo iska dhaaf cilmiya sarsare ee xitaa waxaa dadku
in badan rag iyo haweenba meel saari waayeen barashada luqada iswiidhishka.
Xusuusana iswiidhan waxbarashada laga billaabo dugsiyada aasaasiga ah illaa heer
jaamacdeed waa kharash la’aan oo uu waliba qofku uu masruufkiisa heli saasooy
tahay soomaalida heer jaamacadeed gaadha dalkan waxaa lugu qiyaasaa 5%. Arrintaa
waxaa loo saariyaa qodobadan hoos kuqoran:
- Dadka intooda badan oon
waxbarasho aasaasi ah ama soo qaadan ama ay tayadeeda yarayd waxa as soo
qaateen.
- Dalkan oo ah dal aad
uhoremaray marka dhinac walba laga eego taasoo sababta inay qofka kuqaadato
ugu yaraan dhowr sano intuuba fahmo waxa jira iyo shakhsi ahaan waxa ufuran
ee uu qabsan karo.
- Dadka intooda badan oo
hadafkooda koowaad ahaa inay uun halmar dalkan yimmaadaan sharcina kahelaan
kadibna tooshkii tahriibka ee aduunyada oo dhan lugusoo jeexay halkaas lugu
dammiyo.
- Dadka qaar ay qayrkood
kareebtay balwadda siiba midda soomaalida lugu salliday ee cagaaran
(jaadka).
- Haweenka soomaalida oo
ayagu aqlabiyadooda uu hadafkooda yahay inay carruur badan dhaloodaan
intayna dhaqmaadda kabixin taasoo adkaynaysa waxbarasho iwm maadaama ay
carruur dhalidda iyo korintooduba tahay shaqo buuxdo oon wax kale lugu dari
karin.
- Dishibiliin li’i oon
kawado qofka oyna noloshiisaba habaysnayn asagoon jadwal udajisan jirin oo
noloshiisu ay sidii qubane un iska qulquli asagoon dibba u’eegin wax uu soo
qabtay iyo waxa uusan soo qaban wax qorshe ahna aan dajisan sidii uu
mustaqbalka meel ugaadhi lahaa.
- Dadka oo intooda badan
aad uxiiseeya musuqmaasuqa, in xoogga lamaalo ama maskaxda laga dhididiyo
waxaa kasahlan wax la’isdabamariyo taasoo dayacayso caqligii sida wanaagsan
looga faa’iidaysan lahaa. Dadka waxaad arki qaar khubaro kunoqday wax
isdabamarinta ood isdhihi markaad aragto hadduu xagga cilmiga ujeedsan lahaa
wuxuu kusoo bixi lahaa caalim bartay cilmi kamida qaybaha kala duwan ee
cilmiyada.
- Dad tusaale noqdo oo
kuyar soomaalida magaaladan, maadaama ayna jirin dad badan oo hurumar
sammeeyey oo markaa dadku kor u’eegaan kuna daydaan, booskoodiina waxaa
buuxiyey mukhallaska dadka soo gura oo had iyo goor baasaboorrada foojariga
ah jeebabka kusito.
Waxbarashada carruurta:
Wax
badan kama duwana midda dadka waawayn maxaa yeelay ilmaha waxaa tusaale u ah
waalidkii iyo qaraabadiisa iyo dadka ay isu dhow yihiin ama isfahmaan haddii
marka ayna ayaga unoqon tusaale uu ilmuhu kudaydo markaa ilmaha cid kale ayaa
tusaale unqoto inta badanna ciddaas waa cid aan khayr badan tusin ilmaha.
Carruurta in badan oo kamida waxbarasho iskadhaafee akhlaaqdoodii ayaa hallowday
waxaana aad ubadan xatooyada, mukhaadaraadka iyo danbiyada kale oo ay
lawadaagaan ilmaha ajaanibta ah ee dalkan daggan, meesha kuwa dalkan udhashay ay
aad uga fiican yihiin kuwa ajnabiga maadaama ay haystaan fududayn badan haba ugu
muhiimsanaato ayagoo waalidkood dhaqanka dalka kajiro yahay dhaqankiisii
yaqaannona sida looga daabbasho sidoo kalena la’isga mooso daadadka soo fataha.
Dhibka ugu wayn ee ilmaha udiidan inay horumaraan ayaa ah waalidka dhalay oon
ogaynba meesha uu joogo iyo waxa ilmihiisa sugayo waxaa loo dhaqmaa sidii
soomaaliya marka lajoogo loo dhaqmi jirey oo kale.
Carruur lasoo luggooyey:
Dalkan iswiidhan wuxuu deeqsi ku’ahaa xagga isu keenidda qaraabada dalkii looga
soo tagay hadda wixii kahoreeyey. Dad badan ayaa fursaddaa kafaa’iidaystay oo
keenay ilmo ayna dhalin oo ay qaraabo yihiin. Qiyaastii 90% ilmahaas
qaraabonimada dalkan lugu keenay waxay iskudhacaan qofkii keenay iyadoo inta
badan la’isaga horyimaado xagga edbinta oo uu ilmuhu diido inuu maqlo qofkii
keenay iyo xagga dhaqaalaha maadaama ilmaha loo sheego in magaciisa dhaqaale
lugu qaato. Ilmaha ugu badan ee kusilca dalkan kuwaas ayaa ugu badan. Mucjisada
jirtase waxay tahay inaad arki qof intuu ilmo yar ooy qaraabo yihiin soo
luggooyey oo dalkan keenay oo ilmihii kuqaloocday gacantiisana kabaxay oo rafaad
iyo dagaal iyo mushkilo dheer kadib kasabra ilmihii haddana saasooy tahay
raadinayo kuwo hor leh oo uu sidiiyoo kale yeelo. Qaar kamida ayaan shakhsi
ahaan ulahadlay anoo iskudayayo inaan kadhaahdiciyo inuusan khaladkii hore oo
kale kunoqon. Waxaa lugu jiraa tartan anaa intaasoo qof soo galiyey iyo anaa
intaa kabadan soo wado iwm. Loomaba jeedo ubadkan ladullaynayo, marka ilmahaas
lagasoo waday waalidkii iyo asalkiisii ee meesha cidlada ah looga dhaqaaqayo
waxaa loo arkaa guul lagaadhay.
Wadajir (aasaaska bulshada aan martida unnahay):
Waxaa jirto arrin ay aad u adagtahay inay fahmaan dadyawga kusoo barbaaro dunida
saddexaad taasoo ah in bulshada hore’umartay isdaryeesho oo had iyo goor dadka
inta udhaxeeyo 20 sano illaa 65 ay masruufaan inta kale (wixii kayar 20 oo ubada
ah iyo wixii kawayn 65 oo duqow ah), qofkii jirrada, kii ilmo yar udhasho oo
kukhasban inuu guriga lajoogo oo sidaa shaqadiisii uu qaban jiray uga baaqdo iyo
kii ay asaga shaqo la’aani haleeshoba. Aqlabiyadda shacabka waxay ogyihiin kuna
xisaabtamayaan sidii ay qaybtooda ugasoo bixi lahaayeen mas’uuliyaddaas dushooda
saaran ayagoo canshuur fara badan bixinaya. Waxaa marka baryahan danbe ay
dareemmeen magaalooyinka ay ajnabiga kusoo bateen siiba kuwa asalkoodu dunida
saddexaad kasoo jeedo inuu abuurmay halkudhagga layidhaahdo (isudheellitir
la’aan), macnaha waxaa yaraanayo dadkii wax soo saarayey ee canshuurta
bixinayey waxaana kabadanayo intii larabay dadkii ubaahnaa in lakaalmeeyo taasoo
saammayn wayn kuyeelato dhaqaalaha magaalooyinkaas oo iyagu 90% dhaqaalahoodu
kuxidhan yahay canshuurta laga gooyo dadka mushahar qaato ee magaaladaa daggan.
Durba waxaa isasoo tarayo magaalooyinka ayagoyna cunsiriyad iyo ajnabi nacayb
ka’ahayn rabo inay xaddidan ajnabiga magaaladooda soo dagayo. Waxaa
lagamamaarmaan ah inaynu ukuurgalo noloshooda bulshadan aan kusoo biirray ee
sida gobonimada kudheehan tahay inoosoo dhawaysay oo aan u abaalgudno annagoo
ugu abaalgudayno inaan kaqaybqaadanno habka ay isugu tiirsanyihiin dhaqaale
ahaan asagoo qofku intuu xoogga leeyahay iskudayi inuu buuxiyo kaalinta laga
sugayey oo aanu takhasus kadhigan siduu umaali lahaa nidaamka, wax xil ahna
isagaba saarin qaybtiisii laga sugayey sidii asagoo socoto ah bal sida dhabta ah
aan meel uu usocdaa ayan jirin.
Dhibaatada dumarka muslimaadka kuhaysto dalalkan:
Dumarka muslimaadka ah ee dalkan joogo inkastoon filayo dhammaan dalalka Yurubta
Galbeed kuwa joogo in ay laqabaan waxay noloshoodu kudhisantahay qaabkii ay ugu
noolaayeen dalkoodii hooyo. Waxaa kamuuqato intooda badan inaynaba qorshaha ugu
jirin inay ama waxbartaan ama shaqo ukallahaan. Haddii haweenayda ay haysato nin
kumasruufa nolosheeda iyo hadba qaabka ay ay rabto inay u noolaato, markaa dhib
arki ay mayso bal markay tidhaa (kaalmada adeegga bulshada) ayaan
doonan miiska ayaa lugu sugi oo lashaqshaqi iyadoo lugu khasbi inay billowdo
hawl aan qorshahana uguba jirin niyadna ayna uhayn. Waxaa lugu khasbaa
waxbarasho iyo hawlo kale oo ayna intooda badan horumar kakeenin aadna ugu
dhibaatoodaan. Waxaa lugu khasbaa oo lala simmaa haweenka dalkan udhashay oo
ayagu sidii rag oo kale loo tababaray oon askari waxba kaduwanayn, meesha
kuwayaga loosoo tababaray inayna ragga latartami karin kana dheeraadaan
waxyaabaha ragga lugu yaqaanno. Siday iskumeel ugasoo wada bixi haweenay laga
yaabo inayna waligeed ilmo dhalin hadday dhacdo inay dhashana 1,79 dhali ( waa celceliska ay haweenka dhaqmaadda kujiro ee iswiidhishka ay dhalaan) halkaas waxaa kaagasoo bixi xitaa inayna haweenka dalkan laba ilmood
dhalin oo haddayba dhalaan ay ku khatimmaan 1 iyo jajab, meesha haweenkeenna ay
kutartamayaan inay kala ilmo badsadaan ama ay sanad walba ilmo dhalaan. Waa
arrin aad ukala fog waxa laga sugi haweenkeenna dalkan joogo iyo waxa ay
awoodaan iyo sidoo kale waxa ay diyaarka uyihiin.
Gabogabadii:
Soomaali haddaan nahay waxaa nalaga habaaray inaan is’urursanno isna abaabullo,
ummad aan labadaas kuguulaysan horumar waa kamamnuuc. Ummad walba umadda kale
intay iska urursan ogtahay oo ay iska abaabuli ogtahay way ka horumari ogtahay,
sidaa caksigeeda ummad walba oon aqoon is’abaabul iyo is’urursi waxay kudhax
noolaataa fashil aan billow iyo dhammaad midna lahayn oo uun iskasocdo. Waxaan
sheeko kumaqlay shan boqol oo sano kahor markuu Imaam Axmed Guray
halganka kujirey ciidamadiisa ugu firfircoon waxay ahaayeen Soomaali sidoo kale
kuwa ugu dhibka badanna waxay ahaayeen Soomaali. Waxaa lasheegay in Imaamka oo
dagaallo waawayn kumaqan markuu katago xaruntiisa uu u iman jiray iyadoo ay
bililiqaysteen qolyo ciidamadiisii kamida oo markaana ay xerada ubanneeyaan.
Waxaa nadabasocoto fawdo aanan ogayn goor ay billaabatay sidoo kalena goor ay
dhamaani. Markii xal loo helo mucjisada noo diiday inaan is’abaabullo oon
is’ururinno horumarku wuu iman inta kahorraysose waa dibusocosho iyo dadnimo
xumo farta lugugu fiiqi.
AKHRI: QORAALKII
2002 ee BORLANGE
iyo
SOMALITALK.COM