SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xero Naaxinta Xoolaha oo Laga Asaasay Qardho iyo Heshiis Dhex Maray Islaamic Bank iyo maamulka...

Waxaa laga asaasay magaalada qardho xero loogu talagalay quudinta iyo naaxinta xoolaha taas ay soo abaabuleen rag aqoonyahno ku xeel dheer hawlahaasi

Xerdaan oo ah mid madax banaan, ayaa waxaa iska kaashaday rag soomaaliyeed lakiin dawlada G. puntland ayaa ku yeelan doonta qaar ka mid ah maamulka xeradaasi sidoo kale haydaha caalamiga ah ee ku sugan degaanka xerada ku taal ayaa laftoodu qayb ka ahaan doona.

Rashiid biikolo oo ah Madaxa mashruuca naaxinta Xoolaha ayaa sheegay in faaiido u tahay gacnsatada sidii ay xoolaha dhoofaya u noqdaan kuwa tayeeysan.

Xeradaan naaxinta xoolaha ayaa ah mid ka duwan maxjarka ay dawladu wadato.

Raga xerdaan wada ayaa shaac ka qaaday horay mid tan la mid ah ay uga soo dhiseen magaalda muqdisho taas noqtay mid gaarta guul lixaad leh.

dadka degnaada puntlanad oo ka ganacasda xoolAha aaya laftoodu soo dhoweeyey in xerdaasi laga dhiso degnaada ay jogaan, sidoo kale maamulka puntland ayaa soo dhoweeyey dhismaha xerAdaan lagu xanaaneeynaayo xoolaha.

Hawlwadeenda xeradaan Haatan gacanta ku haya ayaa u muqda kuwa laftoodu karti u leh qabshada arinkaasi taas oo ay keenay in baahida balaaran oo loo qabo meel xoolaha lagu xanaaneeyo.

Dalka soomaaliya oo mudooyinkii u danbeyey ay xayiraad kaga rogneeyd dhoofitaankii xoolaha oo ahaa laf dhabrta dhaqaale ayaa tan u tahay mid hor u kac laga gaaro

Madaxa mashruuca ayaa u sheegay saxaafada in ay heshiis rasmi ah wada galeen wasaarada xanaanada xoolaha puntland, bankiga islaamka iyo ururka. heshiiskaan ayaa dhigya in aan xoolo keli ah lagu naaxin xeradaasi balse ay dadka reer miyigaa la baro habka xafidaanka cawska iyo korintiisa sidoo kale waxa dadka reer guragaa la siin doonaa tababaro la xiriira dhul daaqsimeedka iyo suuq geeynta caanaha iyadoo dadka raactada ah la siin doono talooyin ay xoalahooda ugu kordhiyaan si uga helaan caano dheeri ah.

Hadaba ururka oo ah hawlwadeenka mashruucan waxay shirar kala duwan la qateen masuuliyinta goblka mudug oo ay rabaan in ay halkaasi ka taagaan xerooyin mashruucaan hoos yimaada.

Sidoo kale Maamulka degmda qardho oo halka xerda ugu weyni ku taal ay ka wada hadeeln sidii loo hir gelin lahaa mashruucaan
mshrucan markuu si habsmi ah uga bilowdo waxuu ku siiqi donaa deganada balacd. beldwene ceel dheer iyo guri ceel
mashaariicda nocaan ah oo laga hirglin doono dalka ayaa faaiido u ah dadka iyagu ku hawal gacnisa xoolaha

sido kale tan ayaa u ah talaabo wax ku ool oo dad badani u noqan kara astaan in ay ku dhaqaan mashaariic noocan oo kale

ugu danbaytii faa'iidooyinka uu ka hadlay ee gaarka uu yeelan doono mashruucaan waxaa ka mid caanaha oo loo sameyn baakadayan daaweeysan si dadku u helaan caano nadiif ah oo daaweeysan, haatan mashrucaani waxuu taas ka hir geliyey magaalada muqdisho.

Sawiradan waxaa kamid ah madaxa  URUR Livestock Mr:Rashiid Biikolo iyo Frank Procella officials,Wasiirka Xanaanada Xoolaha DGPL Cali buureed,ku xigeenkiisa Caato,Governerka Gobolka Mudug Dhuubane,Maxamad Xasan Bare {shimbiro laaye} iyo Dr: Maxamuud cabdi nuur oo consultant u ah Islaamic Bank iyo World Bank.

Goobtuna waa dooxada Roox ee Gobolka Mudug oo laga sameynayo xerada.

Waxaa soo tebiyey: Sheekh Aduun
Sept 27, 2007


Kal-fadhigii Ururka Is-baheeysiga Ummaada Soomaaliyeed.. Sweden

Su’aalihii Baarlamaanku weydiiyey wasiirka Wasaaradda dalxiiska iyo duurjoogta Cali Xareed
xareedWaxaa ka mid ahaa: “Waxaan maqalney in dowladii TNG-da ay dowlada Liibiya la gashay heshiis ay deyn uga qaadatay lacag dhan $7.5Milyan..”... Akhri Jawaabaha

 

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com