SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARQAD FURAN

“WARQAD FURAN KU: MADAXWAYNE KU XIGEENKII HORE EE SOOMAALIYA GENARAAL MAXAMED CALI SAMATER”


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

Marka hore iga gudoon salaan iyo ramadaan wanaagsan Jaalle Madaxwayne Maxamed Cali Samater,waxaan doonayaa in aan warqad furan ku soo mariyo website-yada Soomaalida oo ku saabsan,war ku soo baxay qaar ka tirsan website-yada Soomaalida qaarkood, warkaas oo ahaa  war u sii daayey ninka u qaabilsan  arimaha dibadda kooxda shaqaalaha u ah Tigreega  ee la yiraahdo Xuseen Ceelaabe Faahiye oo sheegay sidaten:

“Xuseen Ceelaabe Faahiye ' Cali Samatar dowladdu waxey u magacowday safiirka Talyaaniga, waana gaarsiinay Dikreetada lagu magacaabay, in dhowaan uu halkan soo gaaro ayaan rajeyneynaa”.

Hadaba Madaxwayne-xigeen arinkaa iyada ah, waxay ummadda Soomaaliyeed ku noqotey arin ay la yaaban oo ay ka fajacaan suurtagalnimadiisa, sida ay ku dhici karta nin ka mid haa madaxdii Soomaaliya xilalkii ugu waynaa ka soo qabtay barisamaadkii ,kana mid ahaa madaxdii dhaliyey dowladii kacaanka ahayd ee dalkeena maamulaysay 21 ka sanadood ( 21 oktobar 1969 ilaa 26 janaayo 1991)inuu qaato jagada safiirka Soomaaliya u fadhiyo dalka Talyaaniga.

Waxaan warqadaan kugu soo direy inaa ku xusuusiyo waxaa ka taagan dalkeena ,oo aan ogahay inaa la socotid waayo aragnimo badan aad u leedahay ,balse waxaan rabaa inaa sharaxaad kaa siiyo waxa ay doonaayaan kuwa raba inay sumcadaada hoos u dhigaan dambiga ay galeena aad la gasho oo mudan inaa ku iftiimiyo si aad go'aan uga qaadato, go’aankaas oo noqon doono mid taariikhda kuu gala sax iyo khalad.

Ummadda Soomaaliyeed waxay kuligood ku qirsan yihiin inaa tahay muwaadin Soomaaliyeed ahna ragga ugu horeeya xagga ciidamada xogga dalka Soomaaliyeed, taariikh lama iloobaana ku leh guushii dagaalkii 1977 ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Ethopia.

Waxaana ka mid tahay ragga fara ku tiriska ah ee aan ka qayb qadaanin dagaaladii Sokeeya ee ka dhacay dalkeena Soomaaliya kadib burburkii dowladii aad madaxda ka aheyd, dalkana dibbada uga maqan mudo dhan 17 sanadood.

Hadaba Madaxwayne-xigeen ma waxaa rabtaa inaa la shaqeeyso koox dalkeena baday taariikh xumo weyn oo lama iloobaan ah,sidaan la socono wareysi aad siisay British Broadcasting Corporation Laanta AF-Soomaliga ayaa ku tiri sidatan:

"Waxaa sharaf ii ah oo aan ka tagayaa taariikh fiican Libaaxii Geeska Afrika ayaa ka dhigay bisadii Geeskii Afrika" oo aad u la jeeday dagaalkii aad hogaaminaysay ee dhaxmarey ciidamada xogga dalka Soomaaliyeed iyo cadawga xabashida 1977 ee aad kaga adkaateen balse quwado waaweyn oo dagaalka soo galey aad uga soo baxdeen dagaalka kadib markii ay u soo gurmadeen Ethopia.

Kooxda u ah shaqaalaha ee gumaysiga galiyey dalkii aad madaxda ka aheyd waxay sameyeen waxyaabo badqan oo aan rabo inaa kaa xusuusiyo arimo adiga ku khuseeya oo ay sameyeen ciidamada qabsadey dalkeena ,kuwaas oo dalka ku qabsadey ama ku soo galey Soomaali ku sheegyo raba inay ku khiyanaan si ay dambi ku galiyaan aadan la galin.

Xaruntii Wasaaradda Gashaandhiga Soomaaliya oo ku aheyd xafiiskaada ,meeshii aad ka maamusheen dagaalkii 1977 lagana xukumay ciidammada qalabka sida ee qarankii Soomaaliyeed  waxaa dagan ciidamo Ethopian ah oo waxaa ka taagan ama ka babanaya calanka Ethopia iyo calanka ciidamada qalabka sida ee Ethopia.

Waxay tageen oo  ay sawiro ka qaateen ciidamada Ethopia iyo Tvga Ethopia aqalkii aad ka daganeyd magaalada Muqdisho Villa Soomaaliya waxaa ka taagan Calanka dalka Ethopia ,waxayna xarun u tahey ninka Soomaaliya ciidamada qabsadey hogaamiya ee la yiraahdo  2 alifle Gabre oo ay Soomaalida u yaqaniin General Gabre maadama aysan garan Karin Soomalidu inaa lagu noqon Karin 16 sano Genaraal ciidan waayo 16 sano ka hor waxaa u joogay Soomaliya isagoo jabhad ah.

Ciidamada Ethopia ee dalka qabsadey waxay xasuuqaan shacabka Soomaaliyeed ee diidan joogitankooda iyagoo kaga soo duulaya xaruumihii ciidamada qalabka sida Soomaaliya ee aad adiga madaxda ka aheyd.

Ali Samatar
Siyaad Barre oo la hadlaya Cali Samatar | Oct 21, 1983

Waxay dad badani is waydinayaan sida ay ku dhici karto in aad la shaqeeyso dad u horseeday dalkeena  mugdi iyo magac xumo, walina kuu qaba colaad fog, kuwaas oo ahaa kuwii markii aad madaxda ka aheyd dalka kaga soo duulay Ethopia iyo kuwii riday dowladii Soomaaliyeed ee qaranka ahayd ,kuwaas oo ahaa jabhado qabaa'ilka ku dhisnaa.

Waxaa xusid mudan inaa ku xusuusiyo Jaalle Madaxwayne Mohamed Ali Samater inaysan jirin dowlad citirafsan kooxdatan marka laga reebo Ethopia & Kenya oo ay u yihiin u adeegayaal dalkooda u dhibaateeya cadawga tariikhda xun naga dhaxeysa.

Kooxdatan waxay ka tanasuleen dhulalka Soomaaliya ee ku maqan wadamada Ethopia iyo Kenya waxayna Jamhuuriyadii Soomaliya ka dhigeen mid ka liita ama ka hooseeya dhulka la haystey qarniyaal.

Waxay u magacaabeen dad aan laheyn aqoon guud iyo mid diplomasiyadeed safiiro shaqsiyaad ay wadagaan hayb iyo dano, hadaa eegto taarikhdooda ragaas ay magacaabeen waa  darawalo taxi, maqaayadlayaal , kawaanlayaal, dalalayaal, foorjaristayaal, foorno dubayaal,iyo tuug hore.

Wamadamo badan oo caalamka ah ayaa ku gacansayrey inay aqbalaan inay u aqoonsadan dad aan waxbo aheyn darajo been ah oo tolnimo loogu soo magacaabay wata safiirno ama qunsulinimo ,waxaana ka mid ah wadamada sida cad u diiday  SIIRIYA, RUUSHKA, MAREYKANKA FRANCE EMARAADKA, KUWAIT, QATAR, OMAN ,YEMEN, LIBIYA ,ITALY iyo South Africa, Germany ,Belguim iwm.

mad dog
DAAWO: Video: Meles Zenawi oo Afkiisa ka Qirtay in uu Weeraray Qaranka Soomaaliya
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo


kalmoyKornayl Sheegtay in uu Soomaali yahay oo Hadallo La Yaab Leh Ku Hadlay isagoo difaacaya gumeysiga Itoobiya... daawo
"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

Waxay aniga ila tahay inadan qaadanin oo aadan yeelin inay ku shirqoolan talis dambiyo waawayn ka galay dalka, dadka iyo diinta Islaamka, oo raba inay faraha kuu galiyaan wax aadan ka mid aheyn si ay u garaan dano ay ka leeyihiin wadanka ITALY oo horey u diiday inay aqoonsato dowlad ku sheega ay hogaamiyaan khaa'inul wadaniyiin aan damiir laheyn kadib markii ay Cali Ugaas Abdulle u magacaabeen inuu noqdo safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga, diidmadaas  ayaa keentey inay rabaan inay mar labaad adiga kugu shir tagaan madaama Dowlada Talyaaniga si wayn ay kuu taqaan ayay rabaan u adeegayaasha Tigreega inay adiga ku isticmalaan si ay uga faa'iideystaan danaha ay ka leeyihiin Dowlada Talyaaniga.

Waxaa kale cad in Dowlada Sacuudiga ay u diiday inay aqoonsato Pasapoor been ah oo ay lacago uga gurteen dad aan lahayn waayo aragnimo oo  un wax ku taageera hebel waa reerkeena waxa u rabo waa rabnaa balse ogeyn ujeedada laga lahaa  arinkaas.

Gabagabadii warqadeyda waxaan is leeyahay in aad go’aan ka qaadan doonto arinkaa isaga ah ee aan kaala hadlay oo mudan inaa jawaab ka bixiso deg deg ah si ummadda Soomaaliyeed ugu kala cadaato mowqifkaada iyo rabitaankaada.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “waa la doogi doonaa ee yaan la dacaroonin” oo aan ula jeedo hadii aad rabto xil oo xil qiimo leeyahay, horey ayaad u soo martey xil kii ugu sareyay uguna fiicnaa taariikhda Soomaaliya ee ha ku khatalmin lugooyada ragga dhooqeysan ee damiirka ka dhintey ee maanta dable xun oo injir leh ka amar qaadanaya.

Ummadda Soomaaliyeed waxay ku jirtaa halgan kii ugu dambeeyay ee looga xoreynaayo  Tigreega iyo dabadhilifyada u wato ee waxaa lagaa doonaayaa inaa kala qayb qaadato oo soo gudbiso istaraajiyada dalka lagu xoreynaayo oo aad talo ka dhiibataa arinkaas madaama aad khibrad weyn u leedahay sida dharbaaxada loogala daalo cadawga.

Hadaa dooneysid darajo iska sug dalka waa xoroobayaa safiirka United Nation Soomaaliya u fadhiya ayaaba si sahlan ku noqoneysaa waayo Raga rabo inay ku dhooqeeyan waxba uma harin oo 4 sano maxay qabteen ma jirto, joogitaankoodana waxay ku xiran tahay inta Tigreega ay xoogga ku joogaan Soomaaliya.

Dardaarankeygu waxaa weeye Jaalle Madaxwayne wax Soomaali kuwada dhan tahay ka noqo waxaa rabto ee ha iska dilin magacaaga wayn sharaftaadana hoos ha u dhigin, waayo aragnimadaada qaranka Soomaaliyeed kama maarmo ee waxaa la sugtaa qaran kuu qalma oo qiimo leh kuna qadarin doona.

Soomaaliya Soomaali baa leh

Waan ku salamayaa mar labaad

Mahadsanid

Dhamaad

Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
mrsomalia@hotmail.com
London England

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 19, 2007

baydhaboBaarlamaanka DFKMG oo qaban qaabinaya qorshe loogu yeerayo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha DFKMG
Xildhibaan Maxamed Qanyare: "shir 45-casho socdey inay ku baxdo $8-milyan wax dhici kara ma ahan..." Akhri...

plAfhayeenka Madaxweyne-xigeenka Puntland oo Shaqaaqooyinka Laascaanood ku eedeeyey inuu ka danbeeyo Xaabsade.... Akhri

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com