SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Wararkii: Sept 5, 2007
  • Prof. Ibraahim Caddow “Inta badan Madaxdii Maxaakiimta waxay ku sugan yihiin dalka gudihiisa gaar ahaan Muqdisho”
  • Baarlamaanka oo ku kala qaybsamay u yeerida Max’ed Dheere, Darwiish iyo Cabdi Qaybdiid
  • Ilaa iyo 500  oo ergo oo ka qaybgaleysa shirka Asmara
  • Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo cambaareysay xadgudubyadii ugu dambeeyey ee Magaalada Muqdisho ka dhacay
  • Beesha Reer Xaaji Suleymaan oo kulan shalay la qaatay Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf
  • Cadde Gaabow “Dowladdu waa in ka fiirsataa waxyaabaha ay ku kaceyso”
  • Cutubyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo Dhuusamareeb gaaray
  • Siminaar loo furay Garsoorayaal iyo Tababarayaal Kubbada Cagta...
  • Maxaabiistii laga soo qabtey dagaalkii shalay ee ka dhacay deegaanka Farshabeello ee gobolka Sanaag.
  • Dagaallo dhex maray gumatysiga iyo CWXO. 

Prof. Ibraahim Caddow “Inta badan Madaxdii Maxaakiimta waxay ku sugan yihiin dalka gudihiisa gaar ahaan Muqdisho”

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maxaakiimta Islaamiga ah Prof. Ibraahim Cadde ayaa isaga oo ku sugan Magaalada Doxa ee dalka Qadar ayaa isaga oo u waramay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxa uu sheegay in madaxdii Maxaakiimta ay intooda badan ku sugan dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay in xubnahaasi ay dalka ka wadaan abaabul ku aadan sidii dalka looga saari la haa ciidamada itoobiya oo uu sheegay inay xoog ku qabsadeen dalka Soomaaliyeed, isla markaana ay haatan ka wadaan dhibaatooyin isugu jira dil iyo dhac, Prof Ibraahim Caddow waxa uu sheegay in intii ay Maxaakiimtu Islaamiga joogeen dalka Soomaaliyeed ay qabteen hawlo muhiim ah, isagoo sheegay inay dalka ku soo dabaaleen nabad, isl markaana ay heshiisiiyeen qabaa’ilkii dagaalamay, sidoo kalana ay fureen Dekedda iyo Garoonka Muqdisho, isla markaana sidoo kale ay baabi’iyeen burcad badeedkii dhibaatada ku hayn jirtay ummadda iyo waliba maraakiibta.

Dhanka kale mar uu ka hadlay shirka lagu wado in uu ka furmo Magaalada Asmara ayaa waxa uu sheegay inay ka qaybgali doonaan Siyaasiyiin iyo waxgarad kuwaas oo ka arisan doona sidii looga saari lahaa dalka Ciidamada Itoobiya, waxa uu sheegay ilaa iyo 45 xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka xorta ah, sidoo kale waxa uu sheegay in ay ka qaybgali doonaan mas’uuliyiin ka tirsan Maxaakiimtii Islaamiga iyo waliba Aqoonyahanoio waliba siyaasiyiin kale oo ka kala imaan doonta dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, waxaa kale oo uu sheegay in shirkaasi ay ku casuumeen dhamaan dowladdaha daneeya arrimaha Soomaaliya, Jaamacadda, Midowga Afrika, IGAD, Midowga Yurub iyo waliba Dowladaha Islaamka, waxaa kale oo uu sheegay in uu shirkaasi socon doono mudo dhowr maalmood ah uuna filayo in ay kas oo bixi doonaan go’aano waxtar u ah bulshada Soomaaliyeed. Shirkaani waxaa si aad ah uga soo horjeestay Dowladda Federaalka oo ku tilmaantay in uu yahay mid lagu dhabarjebinayo shirkii dhawaan lagu soo gebagabeeyey magaalada Muqdisho.

Baarlamaanka oo ku kala qaybsamay u yeerida Max’ed Dheere, Darwiish iyo Cabdi Qaybdiid

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Prof. Max’ed Cumar Dhalxa ayaa waxa uu sheegay in Baarlamaanku u yeeray Gdudoomiyaha gobalka Banaadir Max’ed Dheere, Taliyaha ciidamada Nabad sugida Max’ed Warsame Darwiish, Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaaliyeed Cabdi Qaybdiid, guddoomiyaha Bankiga dhexe, kuwaas oo uu sheegay Prof. Dhalxa in wax laga weydiin doono hawlihii ay ku qabteen bulshada Soomaaliyeed, hase yeeshee warar ka imaanaya Magaalada baydhabo ayaa waxay sheegayaan in Baarlamaanku uu ku kala qaysamay arrintaasi, waxayna qaarkood tilmaameen in la doonayo in xilalka looga qaado, qaar kalana waxay sheegeen in sababaha loogu yeeray ay tahay in su’aalo laga weydiiyo arrimaha nabadgelyada gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada oo uu ugu horeeyo Xasan Dhimbil Warsame oo ah wasiirka Garsoorka ayaa waxa uu ku tilmaamay Max’ed Dheere nin aan u qalmin xilka uu hayo, isagoo sheegay in Max’ed Dheere uu ku tilmaamay dadkii ka barakacay dhibatada Muqdisho ka socoto in ay yihiin argagixiso.

Dhanka kale Muuse Suudi ayaa sheegay in Baarlamaanku uusan shaqo ku laheyn Baarlamaanka u yeerista raggaasi, gaar ahaan Max’ed Dheere oo uu sheegay in markii horeba aan laga tashan magacaabista Baarlamaanka.

Max’ed Dheere ayaa isagu aqbalay in uu hor tago baarla-maanka hase yeeshee xubnaha kale ayaa iyagu ilaa iyo hadda laga haynin wax war ah oo ku saabsan in ay hortagaan Baarlamaanka iyo in kale.    

Ilaa iyo 500  oo ergo oo ka qaybgaleysa shirka Asmara

Wararka ka imaanaya Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya waxay sheegayaan in magaaladaasi ay ku soo qulqulayaan ergooyinka ka qaybgalay shirka beri ka furmaya magaalada Asmara, waxaana ls heegay in ergooyin gaaraya 500 ay shirkaasi ka qaybgali doonaan, kuwaas oo isugu jira  Xildhibaanada Baarlamaanka xorta ah, Mas’uuliyiinta Maxaakiimta Islaamiga, Siyaasiin iyo Aqoonyahano ka kala  yimid dalka Gudihiisa iyo Dibaddiisa.

Shirkaan ayaa la sheegay in looga hadli doono ama xoogga lagu saari doono sidii ciidamada Itoobiya looga saari lahaa dalka gudihiisa shacabka soomaaliyeedna loo nabadeyn lahaa, lamana oga ilaa iyo hadda cid bixineysa tasiilaadka shirkaasi, hase yeeshee Dowladda Ereteriya ayaa iyadu la filayaa inay bixiso qarashaadka ku baxaya shirkaasi.

Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo cambaareysay xadgudubyadii ugu dambeeyey ee Magaalada Muqdisho ka dhacay

Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xaquuqda Aadanaha ayaa aad uga xun isla markaana cambaareyneysa qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee loo gaysanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan kuwii ugu dambeeyeyna waxay xarunta sheegay in ay ahaayeen Muumin Daahir Macallin iyo Xaaji Magan oo la dilay Taariikhdu markay ahayd 28/8/2007, kuwaas oo lagu dilay Xaafadda Abagado ee Degmada Madiina, Axmed Max’ed Faqey oo la dilay 1/9/200 iyo Prof Max’ed Axmed Xuseen (Dhoobaale) oo la dilay 3/9/2007, waxayna xaruntu ku tilmaantay dilalkaasi kuwo ka baxsan Shareecada Islaamka, xeerka soo jireenka ee dhaqanka Soomaaliya, axdiga Federaalka iyo baaqa caalamiga ah ee xaquuqda aadanaha qodobkiisa 3-aad oo leh (qof waliba waxa uu xaq u leeyahay in uu ku noolaado nabad iyo xoriyo), waxaana ku saxiixnaa qoraalkaani C/llaahi Calas Jimcaale madaxda Baarista iyo xadgudubyada xarunta Ismaaciil JImcaale.  

Beesha Reer Xaaji Suleymaan oo kulan shalay la qaatay Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf

Maalintii shalay ahayd ayaa waxaa xarunta madaxtoonyada ee Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Odoyaal iyo Waxgarad, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Beesha Reer Xaaji Suleymaan.

Kulankaan oo qaatay mudo dhowr saacadood ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho iyo sidii beeshu uga qayb-qaadan lahayd arrimahaasi.

Suldaanka Beesha Reer Xaaji Suleymaan Suldaan Cali Horseed ayaa mar u la hadlayey saxaafadda waxa uu sheegay in kulankaasi la iskula soo qaaday arimo u badnaa sidii wax looga qaban lahaa dadka degan xeryaha ciidamada kadib markii dhawaan abaanduulka sare ee Ciidamada Dowladda uu ku dhawaaqay in dadkaasi mudo taban maalmood ah kaga guuraan xeryahaasi.

“Dadkaani waxa ay deganaayeen halkasi mudo 17-sano ah, waxayna markoodii hore ahaayeen dada soo barakacay halkaasina u degay dhibaatooyin waqtigaasi jiray” ayuu yiri Suldaan Cali  Horseed oo sheegay in beeshu ay ka codsaday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed in dadkaasi la dejiyo meelo kale.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed oo isna ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in dowladdu aysan marnaba ogaan doonin in dad sii deganaadaan xeryihii ciidamada, isagoo sheegay in dadka degan ay dowladdu u raadin doonto goobo ay degaan.

Kulankasi waxaa goob joog ka haa wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Federaalka Max’ed Sheekh Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere).

Cadde Gaabow “Dowladdu waa in ka fiirsataa waxyaabaha ay ku kaceyso”

Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali Cadde Gaabow ayaa Dowladda Federaalka  u soo jeediyey in ay qaado bandowga saaran Magaalada Muqdisho saddexdii bilood ee la soo dhaafay.

“Waxaa fooda nagu soo haysa bishii barakeysneed ee Ramadaan, dadkuna waxay doonayaan in ay xiliga habeenkii gutaan waajibaadkii ilaahay saaray” ayuu yiri Cadde Gaabow oo sheegay in Dowladda mar kasta looga baahan yahay in ay u naxariisato bulshadeeda ee aan loo baahneyn in mar kasta la dhibaateeyo.

Mar uu ka hadlayey dhibaatooyinka taagan Muqdisho Mudane Cadde Gaabo waxa uu sheegay in dhinacyada isku haya Muqdisho looga baahan yahay in ay miiska wada hadalka ku wada hadlaan si loo soo afjaro dhibaatooyinka haysta bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool Magaalada Muqdisho.

Maalmo aan sidaasi u badneen ayaa waxaa ka harsan dhalshadii bishii barakeysneed ee Ramadaan, waxayna dadka Soomaaliyeed diyaar garow ugu jiraan soo dhaweynta bishaasi barakeysan, waxaana loogu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay gacan siiyaan dadka dhibaateysan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Cutubyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo Dhuusamareeb gaaray

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb waxay sheegayaan in shalay subaxnimadii ay magaaladaasi gaareen cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo horey ugu sugnaa Guraceel.

            Ciidankaasi ayaa waxaa la sheegay inay halkaasi u tageen sidii ay u qaboojin lahaayeen xasarad ka taagan gobalkaasi, kadib markii iska hor imaad ay dad ku dhinteen ka dhacay Magaalada Dhuusa-mareeb.           

            Saraakiil ka tirsan Ciidamada Itoobiya ayaa waxay kulan la yeesheen Odoyaal iyo Waxgarad ku sugan Magaaladaasi, waxayna isla soo qaadeen sidii degaanada ka tirsan gobalka Galguduud loogu soo dabaali lahaa nabad, waxayna dadka ku nool magaaladaas u soo jeediyeen in ay la shaqeeyaan ciidamada Dowladda Federaalka.

Ciidamada Itoobiya ayaa halkaasi dhowr jeer ku  soo laabtay, kadib markii Guriceel iyo Dhuusamareeba ka dhaceen iska hor imaadyo ay dad waxa ka soo gaareen.

Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga oo aragtiyo kala duwan ka bixiyey arrinta Xiriirka K/koleyga

Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa ka hor yimid go’aankii Wasiirka Isboortiga Mowliid Macaane ee ahaa in uu xilka ka qaaday guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed K/Kolleyga Aadan Xaaji Yabarow (Wiish), kadib markii uu ku eedeeyey in xiriirkaasi uusan gudan hawlihii K/koleyga ee Soomaliya, isla markaana lacagihii soo galay la iska lunsaday, hase yeeshee Wasiirka ku xigeenka ayaa waxa uu sheegay in xiriiirka Soomaaliyeed K/koleyga uu qabtay hawlo muhiim u ah ummadda Soomaaliyeed, uuna istaahilo in xiriirkaasi la guddoonsiiyo bilad dahab ah.

“cid ay ka qarsoon tahay ma jirto waxa uu qabtay xiriirka K/koleyga” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka oo sheegay in guddiga Olombikada Soomaaliyeed uu calanka Soomaaliyeed dhex geeyey Caalamka, sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Aadan Xaaji Yabaro oo sheegay in xilka uusan uga degi doonin hadalo la iska yiri, isagoo sheegay in uu xilka hayn doono tan iyo inta ay dib ugala laabanayaan mas’uuliyiintii markii hore u dooratay in uu qabtao xilkaasi.

Amiin Yuusuf Khasaaro

Sept 5, 2007

Siminaar loo furay Garsoorayaal iyo Tababarayaal Kubbada Cagta...

Maalintii shalay ahayd ayaa Hotel Muqdisho Ex, Daamey waxaa Siminaar looga furay, tababarayaal iyo garsoorayaal, waxaana siminaarkaasi soo qabanqaabiyey Qabiirka K/cagta iyo Fuutsalka Xaaji Yuusuf Max’ed Sheekh, isagoo gacan ka helaya Xiriiirka Soomaaliyeed ee K/cagta.

Tababarayashaan iyo garsoorayaashaan ayaa waxaa la barayaa sharciyadda cusub ee K/fuutsalka iyo Beach Soccer-ka, maadaama cayaaryahani ay ku cusub yihiin Adduunka.

Intii aan la furin siminaarka ayaa waxaa la daawaday dhowr canjaladood oo ku aadan Cayaaryaha Beach Soccer-ka iyo Fuutsalka , taas oo ay si aad ah  ugu riyaaqeen garsoorayaashii daawanayey.

Siminaarkaan ayaa waxaa furitaankiisa ka hadlay guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaliyeed ee K/cagta Cali Siciid Guuleed oo sheegay in xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta uu aad ugu faraxsan yahay in siminaar noocaan oo kale ah loo qabto tababarayaal iyo garsoorayaal, waxa uuna si aad ah ugu mahadceliyey qabiirka Xaaji Yuusuf Max’ed Sheekh, waxa uuna siminaarkaani socon doonaa mudo saddex maalmood ah, waxa uuna Xaaji  Yuusuf sheegay in ujeedada loo qabanayo siminaarkaani tahay sidii uu aqoontiisa uga faa’iideyn lahaa garsoorayasha da’da yar ee doonaya in ay ka qayb-qaataan cayaaryahan Beach Soccer-ka iyo Fuutsalka.

Amiin Yuusuf Khasaaro


Maxaabiistii laga soo qabtey dagaalkii shalay ee ka dhacay deegaanka Farshabeello ee gobolka Sanaag.

 

Dhahar: Ciidamada la dagaalanka xaalufinta degmada Dhahar ayaa waxaa shalay dagaal kaga hor yimid koox qowlaysata ah oo meeshaasi gubaayey keymaha deegaanka Farshabeello ee xadka Sanaag iyo Gobolka Bari.
 

Dadka dhuxulaysatada ah ayaa ahaa ciidan hubeysan markii ay xabada fureena u baxsaday deegaanka Qardho iyago watey gaari Toyota ah oo qori ku xiranyahay. Isla goobtaas ayaa waxaa lagusoo qab qabtey 9 ka mid ah qowlasatadii gubeysay dhirta oo halkaas hub ka dhigis lagu sameeyey. Sideed ka mid ah ayaa waxaa la geeyey xabsiga magaalada Dhahar halka mid dhaawac ah lagu dabiibaaya isbitaalka guud ee degmada Dhahar.
 

Dadka lasoo qabqabtey ayaa waxaa ka dambeeya ganacsato waa weyn ee ka ganacsada dhuxusha kuwaasoo dadka dhuxusha gubaaya ku daro ciidan sharciyeysan ee ah kuwa Puntland. Taas ayaa waxay dhalisay in xoog iyo gacan ka hadal looga joojiyo baabi'inta dhirta iyo kaymaha gobolada Sanaag iyo gobolka Bari.
 

Waxaa kaloo xusid mudan in taliyaha gobolka Karkaar ee Maamulka Puntland uu todobaadkii hore u hanjabay Ciidanka Ladagaalanka Xaalufinta laga aasaasay Dhahar, taas oo uu ku tilmaamay inay sharci daro tahay hadii ay qof dilaan, waayo ayuu yiri qofkaanan ahayn Booliis Puntland ah oo cid disha in ay sharci daro tahay.
 

Hadalkaasi ayaa waxaa aad uga carooday Ciidamada xaalufinta Dhahar kuwaasoo ku tilmaamay hadal loogu xalaalaynaaya dadka inay dhuxusha gubaan, sidaa darteedna aan loo joojin doonin. waa sida ay hadalka u dhigeene.
 

Gudiga la dagaalanka xaalufinta degmada Dhahar ayaa waxay la wareegeen hubkii ay wateen dambiilayaashan iyo 90 kiintaal oo dhuxul ah, ay u diyaarsadeen inay qaataan. waxaa kaloo laga aasay 20 tog. Dadka hoos ku qoran, qaar ayaa Oroma ah qaarka kalena waa Soomaali, waxaana idiin soo gudbiney magacooda sadexan iyo dhalashadooda Soomaali iyo Oromo.

 

dhahar@dhahar.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 4, 2007 


Dilal Kala Duwan Oo Ka Dhacay Caasimada Muqdisho Oo Ay Ku Jirto Gabadh 18-jir Ah.

Dil Qorsheysan ayaa xalay maqribnimadii waxaa dabley hubasyani ku dileen gabar da,yar ah oo xiligaas ka ag dhowayd agagaarka suuqa weyn ee bakaraha gaar ahaan Ex-dugsigii hoose dhexe ee xamar jadiid .

Dableydan hubaysan oo aan haybtooda la aqoon ayaa dil u gaysatay gabadhan yar oo lagu qiyaasay ilaa 18-sano jir islamrkaana aan la ogayn sababta ka dambaysa dilkeeda taasoo lagu toogtay sida ay saxafada u xaqiijiyeen goobjoogayaal ka ag dhowaa xiligii falkaasi dhacayey dugsigii hore ee xamar jadiid .

Dilalkan kala duwan oo ku ekayn gabadhan oo keliya ayaa ilaa shalay waxaa magaalada muqdisho dil loogu gaystay ilaa afar qofood oo uu ku jiro masuulkii ugu sareeyey machadka Simad ee magaalada muqdisho taasoo ay dhamaan dilalkani ay wada gaysteen dabley hubaysan oo aan haybtooda la aqoon .

Si kastaba ha ahaatee dilalka kala duwan ee ka dhaca caasimada muqdisho ayaa ah kuwo soo noq noqday islamrkaana salka ku haya amaan xumada ka taagan magalada muqdisho oo xiliyadii ugu dambeeyey amaankeedu faraha kasii baxay .

Mid Kamida Masuuliyiinta Shirkada Isgaarsiinta Nation-Link Ee Magaalada Kismaanyo Oo Xalay La Diley. (Aug 4, 2007)

Dabley hubaysan ayaa xalay dil u gaystay mid kamida masuuliyiinta shirkada isgaarsiinta Nation- Link xarunteeda magaalada kismaanyo ee gobolka jubada hoose .

Masuulkan xalay lagu diley magaalada kismaanyo oo magaciisa la yiraahdo marxuum Cabdi -weli Cabdillaahi Xirsi ayaa kamid ahaa masuuliyiinta shirkada isgaarsiinta Nation -Link xarunteeda jubada hoose gaar ahaan magaalada kismaanyo dilkan oo ay gaysteen dabley hubaysan oo aan haybtooda la garanayn ayaan la ogayn xaqiiqda dhabta ah ee ka dambaysa dilkan marxuumka .

Sidoo kale ciidamada booliska dowlada KMG ah ee ku sugan magalada kismanyo ayaa sheegay in dableyda dilka geysatay ay ahaayeen burcad hubaysan islamrkaana ay sida ay sheeganayaan ku raad joogaan kooxda ka dambaysay dilkan .

Qaar ka tirsan dadka shacabka ah ee ku nool Magaalada kismaanyo ayaa saxaafada u sheegay inay magaladasi dhowaanahan kasoo if baxayaan dhibaato amaan xumo islamrkaana aysan jirin cid si cad uga talisa magaalada kismaanyo iyadoo dadkaasi qarkood qabaan inay gobolada jubooyinku aysan gacanta ugu jirin dowlada KMG ah .

Degmada Dhuusa -Mareeb Oo Saaka Ku Waaberiisatay Cutubyo Ciidamada EThiopia Ah.

Cutubyo Ka tirsan ciidamada xukuumada ethiopia oo saaran gawaarida gaashaaman ayaa saaka waaberigii ku ruqaansaday degmada dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka gal-guduud iyagoo ka kicitimay degmada gurey-ceel ee isla gobolkasi .

Dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada dhuusa mareeb ayaa saaka waxay ku waaberiisteen ciidamada xabashida oo wata baaburtooda dagaalka oo ay saaran yihiin ciidamo badani iyadoo argagax ku ridey dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegankasi .

Lama garanayo sababta keentay inay ciidamada ethiopia ay u tagaan deegaankaasi iyadoo aysan jirin cid ka hadashay sababta dhabta ah ee ka dambaysa tegitankooda ,ciidamada oo xiligoodii hore ku sugnaa degmada gurey ceel ee isla gobolkaasi .

Warar iskhilaafsan ayaa kasoo baxaya tegitaanka ciidamada ethiopia ay u tageen degmada dhuusa mareeb oo dadka qaarkiis qabaan inay ciidamada ethiopia ay cagta dhgigayaan meel kasta oo wadanka soomaaliya ah halka dadka qarkiisna qabaan inay halkaasi ka jiraan asbuucyadii ugu dambeeyey dhibaatooyin amaan daro .

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

Sept 4, 2007


Barnaamijkii Radio Xoriyo

04 September 2007.  

Dagaallo dhex maray gumatysiga iyo CWXO. 

Dadwayne gumaysigu meelo kala duwan ku xidhxidhay. 

Gumaysiga oo calooshood u-shaqaystayaal u diray gobollada Ogaadeenya. 

War Murtiyeed Golaha Dhalinta Ogadenya uu kasoo saaray Xaaladda Ogaadeenya. 

Barnaamijka Faaqidaada Gudiga xaqiiqa raadinta ee QM udirtay Ogadenya aaraada iyo afkaaraha  dhagaystayaasha Radio Xoriyo  ee aduunka dacaladiisa. 

 

======================    

Dagaallo dhex maray gumatysiga iyo CWXO 

Wariyaha RX uga soo warrama gobolka Jarar ee dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah oo dhex maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya, kuwaasoo ka dhacay gobollada Qorraxey iyo Jarar. Dagaalladu waxay u dheceen sidatan; 

22/08/07 dagaal ka dhacay Kaaraha, oo Shilaabo ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 8 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay. 

18/08/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar gaadmo ah ugu gaystay Shabeeleeyaha, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxaana weerarkaas cadowga lagaga dilay 4 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay. 

Sidoo kale 18/08/07 dagaal ka dhacay Biya-guduud, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 7 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay. 

Dadwayne gumaysigu meelo kala duwan ku xidhxidhay. 

Sida uu noogu soo warrama wariyaha nooga soo warrama arrimaha bulshada ee dalka Ogaadeenya, waxay ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah waxyeellooyin iyo xidhay ugu gaysteen dadwayne rayad ah. 

25/08/07 Gal-da’a, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen;

1-    Ibraahib Xasan Mataan iyo

2-    Ina Axmed Daahir oo magaciisa aanaan haynin. 

30/08/07 Baabili waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dad rayad ah oo badan, waxaanan magacyadooda helnay;

1-    Cabdi Xasan Nuur

2-    Burco Maxamed

3-    Gaani Yuusuf iyo

4-    Shariif Cali 

Isla 30/08/07 waxay ciidammada gumaysigu guryohooda kala baxeen dadka toddoba qof oo rayad ah, oo uu ku jiro nin lagu magacaabo Muxumed Budhle

 Isla 30/08/07 ciidammada gumaysigu gurigiisa magaalada Jigjiga kala baxeen Suldaan Fawsi Suldaan Maxamed Cali

29/08/07 ciidammada gumaysiga ayaa magaalada Galadiid ku xidhxidhay dadka kala ah;

1-Saxardiid Muxumed Faarax iyo

2-Sooc Muxumed Aaden

27/08/07 magaalada Waafdhuug waxay ciidammada gumaysigu ka taxaabteen dad shacab ah, waxaana ka mid ah;

1-Maxamed Cabdi Waayeel

2-Nasteex Xirsi Axmed

3-C/llaahi Sh Xuseen iyo

4-Faysal Sarhaye Xaashi

26/08/07 Jilba-gaabo, oo ka tirsan degmada Dhagaxmadow, waxay ciidammada gumaysigu jidhdil ba’an ugu gaysteen dadka kala ah;

1-Maxabo Maxamuud Carab iyo

2-Cabdi Xasan Carab

Isla 26/08/07 Tantoomi waxay ciidammada guamysigu kala tageen oo aan la ogayn meel ay geeyeen Siqiir Axmed Taajir

25/08/07 magaalada Wardheer waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;

1-C/llaahi Sh Xuseen

2-Cawke C/qaadir

3-Cali Shiraac Cilmi

5-    Faysal Cali

5-Shukri C/llaahi Dool iyo

6-Cabdi-madoobe

Sidoo kale 25/08/07 Uubataale, oo ku yaalla duleedka magaalada Wardheer, waxay ciidammada guamysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;

1-Jaamac Aaden oo ay sidoo kale labo Aqal ka gubeen

2-C/llaahi Aaden oo ay 10 Neef oo Adhi ah ka qasheen

3-Cabdi Daahir oo ay isagana 6 Neef oo Adhi ah ka qasheen

4-Faarax Cali Jaamac iyo

5-Rabiic Cismaan Khaliif

25/08/07 Dhursan, oo ka tirsan degmada Dhagaxmadow, waxaa lagu xidhay;

1-Axmed Cumar Lacag oo ay labo Aqal ka gubeen, kana dhaceen hal Qori oo M14 ah

24/08/07 magaalada Walwaal waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;

1-Ayaanle Soofe iyo

2-Labo nin oo Ilma Mukhtaar C/casiis ah oo magacyadooda aanaan helin

Isla 24/08/07 magaalada Dhuxun waxay ciidammada guamysigu ku xidhxidheen dadka akla ah;

1-Maxamed Axmed Xasan

2-Maxamed-Madoobe Xasan

3-Axmed Maxamed Xasan Kaahin

4-Ardo Sh C/llaahi Barkhadle

5-Ayaan C/llaahi Barkhadle

6-Saynaba Mawliid Nuur

7-Xaliimo Siyaad Cabdi Xaashi

8-Gorda Macalin Mahad iyo

9-Fardowsa Maxamed Macalin

Sidoo kale 24/08/07 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Galadiid ku xidhxidheen dadka kala ah;

1-Xadiis Cabdi Daahir iyo

2-Axmed Xuseen Muxumed

24/08/07 Waxay ciidammada gumaysigu Garbo ku xidhxidheen gabadh Umul ah oo lagu magacaabo Ruqiya Maxamuud Dhagacadde iyo gabadh kale oo Uur leh oo magaceeda aanaan haynin

23/08/07 Garasley, oo Dhuxun ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadwayne rayad ah oo tiradoodu 40 qof gaadhayso, waxaanan magacyadooda helnay dadka kala ah;

1-Maxamed Siraaje

2-Busuri C/qaadir

3-C/fataax Sh Cali

4-Xayi Muxumed

5-Muxumed Daahir Khaliif

7-    Aaden Xaaji

7-Rooda Sh Cali

8-Xamdi Siraaje

9-Samsam Haybe

10-Nimco C/qaadir

11-Qureesh Muxumed

12-Daahir Haybe

13-Nafiisa Muxumed

14-Samsam C/llaahi Gangaale iyo

15-Sahra Maxamed Cumar Sahal

20/08/07 Hore-khaliif, oo degmada Qabridaharre ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;

1-Khaliif Xasan Axmed

2-C/xakiin Macalin Xuseen

3-Muxumed Axmed Cumar

4-Yuusuf C/llaahi Cumar iyo

5-Abshir C/llaahi oo ay isaga Qori ka dhaceen

Dhinaca kale markii ay taariikhdu ahayd 29/08/07 waxay ciidammada guamysigu dab qabadsiiyeen tuulooyinka kala ah, Warandhaab iyo Mara-maydh. Tuulooyinkaas waxay ku gubeen hanti badan oo dadwaynuhu lahaa.

Gumaysiga oo calooshood u-shaqaystayaal u diray gobollada Ogaadeenya. 

Xukuumadda gumaysiga Itoobiya ayaa billowday qorshayaal cusub oo ay u adeegsanayso kala qaybinta iyo isku dirka bulshada Ogaadeenya, arrintaasoo ka mid ah ahayd khudbad uu dhawaan maamul ku-sheegga Kililka u jeediyay kaligii taliye Meles Zenawi.

Xukuumadda gumaysiga Itoobiya ayaa amar ku bixisay in dhammaanba xubnaha waxa loogu yeedho maamulka Kililka, heer gobol iyo heer degmaba, ay u baxaan gobollada ay ka soo jeediyaan, si ay u fuliyaan qorshihii uu Meles faray ee ahaa in dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya la kala qaybiyo, iyadoo la adeegsanayo magaca qabiilka.

Xubnahan calooshood u-shaqaystayaasha ah ayaa lagu maray in toddobaadkan gudihiisa ay iska xaadiriyaan gobollada laga soo magacaabay, si ay hawshaas kala qaybinta iyo isku dirka ah u guda-galaan.

Sidoo kale, iyadoo ka gaashaamanaysa in loo warramo guddiga xaqiiqo raadiska ee Qaramada Midoobe ee ka hawlgalaya dalka Ogaadeenya, waxay xukuumadda gumaysigu malleeshiyo Dabaqoodhi ah iyo ciidammo is-ay degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Doollo.

Nimanka malleeshiyooyinkan horkacaya ayaa dadwaynaha ugu hanjabaya inay tallaabo ka qaadi doonaan oo layn doonaan cid kasta oo guddigaas la kulanta. Waxay sidoo kale dadwaynaha ku yidhaahdeen waxba guddigaas ha u sheegina, haddii aad wax tabanaysaana innaga ayaa dhammaysanayna. 

Haddaba waxay JWXO dadwaynaha ku guubaabinaysaa inayna hanjabaada cadowga u nuglaanin, isla markaana ay ka faa’iidaystaan fursadan qaaliga ah oo dhibka iyo xasuuqa lagu hayo ay si fiican ugu sheegaan guddigan xaqiiqo raadiska ah ee u yiid inay dhibkooda soo bandhigaan, si wax looga qabto oo maxkamad caalami ah loo soo saaro saraakiisha iyo masuuliyiinta gumaysiga ee dhibkan ka denbeeya.

 War Murtiyeed Golaha Dhalinta Ogadenya uu kasoo saaray Xaaladda Ogaadeenya. 

Xaaladda Ogaadeenya oo marba marka ka dambaysa ay xukuumadda Gumaysta ee Itoobiya u gaysanayso dhibaato aad ubadan taas oo saamaysay dhamaan shacabka Ogaadeenya xadkudubka lagu samaynaya dadkooda.

Waxaan lasoconaa xaaladda Ogaadeenya ay manta ku jirto in dadka sabab laan loo laynayo oo lagu ridayo meelaha boholada dadka qaarna ayba waraabuhu cunayn, qaarna maalmo kadib ehelkoodo helan, qaarna ilaahadda la layahay.

Dhibaatada naxariisdara ah ee uu gumaysigu ku hayo shacabka waa mid marba marka ka sii dambaysa sii kordhaysa waxaana ka bara kacay Ogaadeenya dad aad u badan oo ukala cararay waddamada dariska la ah Ogaadeenya. Hadaba qayladii ay ONLF u gudbisay caalamka waxay saamaysay dhamaan hayda caalaka ayaga oo ka soo jawaabay waxaana dadka socda UN maanta Jogaan Ogaadeenya.

Hadaba Ururka Dhalinta Ogaadeenya oo loo yaqaano Ogaden Youth Forum isaga oo ka xun dhibaatada dadkooda lagu hayo wuxuu soo saaray Baaqan 

Baaq

 

A       Ogaden Youth Forum  Wuxuu waftiga Qaramida midoobay ugu baaqayaa in ay tagaan meelaha ay Militariga Itoobiya ka gaysteen xadgudubka meelahaas oo u badan dhulka baadiyaha ah gaar ahaan Tuulooyinka Ogaadeenya oo lagu laayay dad aad u badan oo shacab xooladhaqto ah.

B       Ogaden Youth Forum  Wuxuu shacbiga Ogaadeenya Gudo & dibadba ugu baaqayaa  inuu ku mintido halganka xaqa ah ee aaya-ka-tashigiisa uu ugu jiro.Wuxuuna ku gubaabinyaa inuu u dhabar adaygo cadaadiska isa soo taraya ee gumaysigu ku hayo shacabka Ogaadeenya.

C       Ogaden Youth Forum  wuxuu dadwaynaha Ogaadeenya ugu baaqayaa inay halganka u midoobaan, isla markaana ka digtoonaadaan shirqoollada cadowga ee la xidhiidha iska hor-keenka Beelaha walaalaha ah ee dalkeena wada-dega.

D       Ogaden Youth Forum  wuxuu shucuubta, dawladaha iyo ururrada caalamiga ah ugu baaqayaa inayna iska indha-tirin xadgudubka, dulmiga iyo cadaadiska uu gumaysiga Itoobiya ku hayo shacbiga Ogaadeenya iyo shucuubta kale ee ku hoos jirta.

E        Ogaden Youth Forum  Wuxuu si gaar ah ugu baaqayaa dhalinta Ogaadeenya meel ay joogaanba in ay dadaal xoogan galaan sidii ay caalamka ugu soo bandhigli lahaa yeen dhibaatada uu gumaysigu ku hayo shacabka Ogaadeenya gaar ahaan dayarta Ogaadeenya ee ka buuxa jeelalka ay Militariga Itoobiya ka sameeyeen Ogaadeenya.

F        Ogaden Youth Forum wuxuu Jaaliyaadka Ogaadeenya ee dibada ugu baaqayaa in ay abaabulaan banaan baxyo ay ku muujinayaa dhibaatada ka jirta Ogaadeenya.

G       Ogaden Youth Forum, wuxuu shacabka Ogaadeenya ee gudaha ku jira ugu baaqayaa in ay muujiyaan dhibaatada loo gaystay oo ay u muujiyaan hay’adaha ka socda Qaramada midoobay waana in ay qarama midoobay dadkaas balan qadaan amnigooda.

H       Waxaan Ogaden Youth Forum aduunka u jeedinayaa in ay maxkamad caalami ah soo taagaan saraakiisha Itoobiya ee gaystay falalka xadgudubka ku ah bani aadmka ee ka dhacay Ogaadeenya.

 

Canbaarayn

 

A       OYF wuxuu canbaaraynayaa hawl galka milatari ee ciidamada gumaysiga Itoobiya ka Wadaan dalka Ogaadeenya laguna gumaadayo shacab aad u badan kuwaas oo Militariga Itoobiya kula keceen xasuuq bahalnimo.

B       OYF wuxuu canbaaraynayaa fikirka gaboobay ee gumaysiga talisiyada Itoobiya ee ku dhisan cadaadinta shucuubta, dhul-ballaadhsiga gardarrada ah iyo falalka dilka, xasuuqa, dhaca iyo xabsiga uu ku hayo shacbiga Ogaadeenya ee dulman iyo shucuubta kale.

C       OYF  wuxuu canbaaraynayaa caga juglayta ay xukuumadda Itoobiya & kuwa maqaarsaarka ah ee Kililka ku hayaan shacabka Ogaadeenya gaar ahaan dadka dadkodii lalaayay ee ay leeyihiin uma sheegi kartaan Qaramada Midoobay.

D       OYF wuxuu canbaaraynayaa shaqsiyaadka u dhashay Ogaadeenya ee hor ordaya gumaysiga Itoobiya in ay ka waantobaan tacadiga ay ku hayaan dadkoodo waxaana shaki ku jirin in maalin ay noqotaba lakeeni doono maxkamad. 

Barnaamijka Faaqidaada gudiga xaqiiqa raadinta ee QM udirtay Ogadenya aaraada iyo afkaaraha  dhagaystayaasha Radio Xoriyo  ee aduunka dacaladiisa.  

04 September 2007

Axmed Gaal-Eri

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmahaa Talaadada & Sabtida  7:00PM – 7:30  waqtiga Afrikada Bari

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com