SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Ma ilaawi karnaa wixii shalay dhacay?

W. Q. Zahra Abdi Hersi –Holland-
umubakar@hotmail.com

 
Xigmad ayaa oranaysa “ Hadal kasta oo wanaangsan  wuxuu sabab u noqdaa is fahan iyo is oggolaansho, dib iskugu noqosho iyo wadatashi, waa mid naga go’an in aanu isweydiino,  maxaa talo ah iyo sidee ayaan maanta uga bixi karnaa masiibadan na kala dirtay,xusuuso xadiiskii rasuulkeena Ilaahay korkiisa nabad iyo naxariis ha yeele laga soo weriyay “hadalka wanaangsan waa saddaqo” 

Hadallada xun iyo dhaqanka xun ee aan caadaysanay  waxay sabab u noqdeen kala fogaanshaha shacabkii Soomaaliyeed ku yimid  iyo sababta  uu dabka kuleyl uga shidmay dalkeena, waddankeena waxaa caadi ka noqotay in dhiig walaalaha wada dhashay ay si macnodarro ah iskaga daadiyaan,, ugu dambayntiina la kala saari waayo mujrimka ama dhiigya cabka iyo midka wax dhibsanaaya ee aan raalliga ka ahayn waxaan dhacaaya,waayo waxaa la la’ yahay mid wax wanaangsan sheega iyo mid si cad u diiddan waxaas,

waxa keliya oo muuqda waa aniga oo reer hebel ah iyo aniga oo ku hadlaaya magaca reer hebel, waxaase is weydiin mudan waxa loo la’ yahay aniga oo ku hadlaaya  magaca dhibbanayaasha shacabka Soomaaliyeed iyo magaca dhibbanayaasha la liido, waxaan been ahayn haddii la is daba qaban waayo in la waayi doono, dad iyo dalba, murugada iyo colaaddana waxay noqon doontaa (inkastoo ayba hadeer tahay) mid caadi ah oo aan lala yaabin ama nolosha ka mid ah.

 Laakiin haddii guud ahaan na loo eego oo aan qabiilka dhinac iska dhigno, qof kasta oo Soomaali ah wuxuu ka murugsan yahay arrimaha Soomaaliya ee murugsan, haseyeeshe xalka waxaa hortaagan oo aan weli la fahmin  meesha ay ka unkatay ama ka bilaabatay mushkilada, eedayn aanu is eedaynayno iyo mid aanu dad shisheeye naga ah eedaynayno waqti badan ayaa nooga lumay, inagga oo aan ogeyn sababta aanu isku eedaynayno dad kalena u eedaynayno, waxay keentay in xalkiina la garan waayo meel laga baadi goobo. 

Wax kasta sabab ayay leeyihiin ama sabab ayay ku bilaabmaan, dabka waddankeena ka shidan wax ayaa sabab u ah, in bulshada ay wareersato oo ay kala garan waydo wax wanaagsan iyo waxa xun sabab ayaa keentay, waxaana sababahaas ka mid ah, sida aan isku cunsurino oo isku kala saar saarno, sida aan isku liidno ee midkeen midka kale iska weyneysiiyo, sida dhaqankeenu uu u kala fadilay haweenka iyo ragga, sida xun ee aan ubadkeena u barbaarsano, dhibaatada haweenka loo geesto sida gudniinka, sida ragga beenta dhegaha loogu shubo oo loo yiraahdo waxaad tahay nin 100 ah halka haweenka  looga qaado  sharafta iyo karaamo oo la yiraahdo waxaad tahay 50. Akhristow ama aan diidno ama aan doono inta dhaqamadaas aan ku dhaqmayno ka bixi mayno noloshan mugdiga iyo xanuunka wadata. Waa in aan colaaddan soo afjarnaa, innaga oo cidna eedaynaynin, innaga ayaa dabkan shidnay cid damin karta ma jirto oo aan ka ahayn innaga,innaga ayaa is nacnay, cidina dhexdeena jacayl ma dhex dhigi karto ilaa aanu innagu isku naxariisano oo is jeclaano in aan nabad iyo sinnaan u wada noolaano aan marka hore isku raacno oo isla fahano waxna laga qabto qodobadan hoos ku qoran: -

Waxaa ugu horreeya xalka waddankeena in aanu marka hore erayga qabiil la isku raaco in uu yahay eray af lagaado ah ama erey la isku caayo. -In ragga iyo haweenka lagu kala fadli xagga u dhowaanshaha Rabbi Subxaanahu Watacaala waxaana fadli badan oo karaamo iyo sharraf u sugnaaday qofkii Allah u dhow. -In la baabi’iyo dhammaan maahmaahyada lagu liidayo haweenka lana raacsiiyo raga u taagan in ay markasta haweenka liidaan. -In carruurta lagu barbaariyo jacaylka diintooda iyo waddankooda lana baro taariikhdoodaa dahabiga ah iyo geesiyaashooda. -In ay bulshada ka soo baxaan aqoonyahano aan aqoon qabiilkooda ama kuwa aan haba yaraatee sheegan qabiil iyo qurunkiisa si ay aqoonyahanadaas u abuuraan Soomaali weyn. 

-In kuwa wata magacyada xun xun ee casrigii jaahiliyada laa isticmaalayay la baabi’yo kuwaasoo ah: Ugaas, Garaad, Wabar, Malaaq, Suldaan, Beeldaaje iyo wixii la mid ah, intii ay kuwaasi jiraana aan la helyn wax la yiraahdo Soomaali weyn oo ku wada noolaato nabad iyo caano. 

-In  aan lagu soo qorin bogagga Soomaalida siiba kuwooda waxtarka leh, kuwa yiraahdo waxaan ku hadlayaa magaca reer hebel ama war ay soo saareen reer hebel, inta kuwaasi waxaasi soo qorayaan kama baxayno mugdiga iyo jahliga, middaa kale, kuwaasi oranayaan waxaan ku hadlayaa reer hebel ama war ay soo saareen reer hebel waa 4 nin oo meel iskugu tagtay oo aan cidne u hadleyn oo wareersan.

 -In haweenka Soomaaliyeed garab weyn lagu siiyo sidii ay u cirib tiri lahaayeen gudniinka nooc kasta ha la haadeene iyo in haweenka ay ogaadaan oo ay qiraan xanuunka uu gaarsiiyay falkaas waxashnimada ah. 

-In ragga Soomaaliyeed ay 100 ka qayb qaataan ka hortagga gudniinka haweenka ee loo geysanayo hablahooda.  Ugu dambayntii in aan iska illowno wixii shalay dhacay, maanta aan dareeno in aanu Soomaali nahay mustaqbalkeena berritana aanu ka wada tashano 

W. Q. Zahra Abdi Hersi –Holland-
umubakar@hotmail.com

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 4, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com