SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CIID MUBAARAK

Sidee Looga Ciiday Kaakuma, Nairobi iyo Minnesota

  • Qoraalada waxaa isku soo dubarey: Cabdiqani Makhtal Maxamed (Nairobi) iyo Seid Ismael Hassan (Kakuma), iyo Cabdiwali Bashir (MPLS) .
  • Sawirada waxaa qaaday: Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan (Nairobi) iyo Cabdiwali Bashir Warsame (Minneapolis), Seid Ismael Hassan (Kakuma) iyo akhyaar kale oo ka tirsan bahda SomaliTalk.com oo jooga Minneapolis...

Sidee Looga Ciidey Xerada Qaxootiga ee Kakuma
 
Marka hore waxaan halkaan salaanta ciidul-fidrida ugu tabinaynaa bahda SomaliTalk.com iyo bulsho waynta kale ee Soomaaliyeed meel ay joogtaba.

 
Xeryaha qaxootiga Kakuma oo ay ku nool yihiin muslimiin fara badan oo ka soo kala jeedda wadamada Somalia, Ethiopia, Uganda, Rwanda, Brundi, Kongo iyo waddamo kale ayaa Jimcadii  oo taariikhdu tahay 12-10-2007, waxaa ay u dabaal degayaan ciidul-fidrida dhammaansha bisha barakaysan ee ramadaan.

 
Muslimiinta halkaasi degen oo isugu soo baxay tukashada ciidul-fidrida ayaa bannaada iyo barxada degaankaasi u yeelay muuqaal aad iyo aad u qurux badan, kaasi oo aad moodaysid aleel la daadshey,
 
Goobaha lagu tukadey oo kor u dhaafaya ilaa 10 goobood ayaa waxaa noo suura gashay in aan sawir ka soo qaadno goob kaliya oo ahayd goobta ay ku takanayeen dadka degan xaafadda KK1, taasi oo lahayd bilic dheeraad ah iyo qurux aan la qiyaasi karin. [Kakuma waa xero qaxootiga oo ku yaalla galbeedka fog ee waddanka Keenya.]




WABILLAAHI TAWFIIQ
Seid Ismael Hassan
Tel. 254 7262 55 8 44
Email: seidismael@gmail.com

Sidee Looga Ciidey nairobi::


Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan oo khudbad ka duubaya  Sh. Maxamuud Shibili (ram)

Magaaladda Nairobi ee xarunta wadanka Kenya ayaa maanta si weyn looga Ciiday Ciidul  Fidirigii ka dib markii habenimadii xalay ahayd   bisha Shabcaan dhalashadeedda laga arkay meelo badan oo ka mid ah Waddamadda Islaamka iyo Soomaaliya qaybo ka mid ah.  

 
Waa barigii saakay ilaa iyo barqadnimadkii waxa  fakaaraha weyn ee Seera Cali Muslim Clup ku soo qul qulayey dadweynaha Muslimiinta ah ee Degan magaaladda Nairobi iyaga oo kala  kala  imanayey Xaafadaha ay ka kooban tahay Caasumadu , waxa ay ahaayeen kuwo wajigoodu farxadi ay ka muuqato, waxa ayna isku ku jireen Ciroole iyo Caruurba ,
 
Musliminta ayaa saakay waxa aad ka dheehan kartay sida ay u weynaynayaan Ciidooda iyada oo qaybo qaybo ay u sii qaadayeen TAKBIIRTA sidoo kale waxa ay dhamaantoodba ahaayeen kuwo u soo diyaargaroobay Maamuuska Ciidul FIRIKA sanadkan.


Salaadii ciida ee Niaorbi...

Goobtaas waxaa saakay laga jeediyey Qud bado aad u xaasaasi aha kana hadlayey xaaladda uu wadanku hadeer marayo iyo Awoodda Islaamka ,Maxaadirooyinkii aadka u kululaa ee kiciyey dadweynaha ka horeeyeyna  Salaaddii Ciidda ayaa waxa lagu soo qaatay sida uu Madaxweynuhu u a dhaqmay Umadda Islaamka ah ee Reer Kenya iyo Balanqaadadiisii hore ayan sheegeen Culumadu in uu ku wacad furay, sidoo kalena kuu Musliiinta Kenya ka Iibiyey Reer galbeedka ayna u xidh xidhan yihiin sabab la'aan  

 
Wadaadani waxa ay Xuseen in ay Kuuradooda ugu ridi doonaan doorashooyinka Sanadka ninka sida weyn ugu soo horjeedda KIBAKI  hugaankana u haya Xisbiga ugu taageeradda badan wadanka Kenye ee ODM mr RAILA, oo hadeer Muslimiintu isku ku dhawyihiin sheegayna in uu Xaquuqdooda iyo Rabitaankooda ilaalin doono balse Culumadani waxa ay sheegeen hadii uu Raila ku wacad furo Muslimiinta in ay La xisaabtami doonaan
 
Markii  la Tukaday Salaadii Ciida ayaa qudbadii ka danbaysa waxaa qaatay Sh Maxamuud Shibili oo ah Shiikh caan ka ah Wadankan Kenya iyo Soomaaliya, Shiikh Shibili Iimaamna uhaa Umadda Maanta ku Ciidaysay Seera Cali Muslim Clup ayaa khudbada waxa uu ku jeedinayey Afka Carabiga maadaaba ay kala  jinsiyoda kala duwan oo muslimiin ahi ay isku ku soo baxeen koobtaas ayana Luuqata Carabigu tahay ta kaliya ee Umadda Islaamku isku Afgaran karo.

Shiikh Maxamuud Shibil ayaa umadda ugu Bishaaraynayey in ay bishii Ramadaan dhamaatayna ay Ciidayaan, Shiikh ayaa waxa uu Xasuusiyey Umadda in ay sidii ay Bishii dhamaatay ee  Ramadaan Alle u soo cabudeen in aysan hadeerna ka caajisin , waxana uu xusay in Eebihii Ramadaan lahaa uu Shacbaana leeyhaya ayana tahay in sidii Ramadaan oo kale loo Caabudo . 

 
isku soo wado Xooraamiyo maanta ayaa Umadda Islaamku Badankoodu ay ciideen inkasta oo ay jiraan Muslimiin aan Maanta Ciidin balse Bari doonaya in ay Ciidaan maanta Sooman
 

cabdiqani makhtal
nairobi kenya
254726950180
cmakhtal@yahoo.com

Sawirada hoose: Maxamed C.M. Bootaan oo khudbad ka duubaya  Sh. Maxamuud Shibili (ram), iyo isaga uu muujinaya farxadda iyo hambalyada ciida.


Muslimiinta Minnesota oo Si Wadajir ah uga Qayb Galay Salaadii Ciida:

Jimcadii dhammaan muslimiinta America waxay ku Ciideen farxad gaar Ahaan Muslimiinta Minnesota oo u badan Carab iyo Somali waxaana lagu Tukaday  Minnesota State Fair oo goobta Reer Minnesota ay ku kulmaan Xiliyada
Fasaxaa sida Sanadka Cusub oo kale.

Waxaa khudbada ciida Akhriyey Shiikh Abdirahman Shiikh Omar allah ha xiftidee waxuu Dhammaan muslimiinta ku Booriyey in ay iska daayaan adduunya jacaylka faraha badan waxaa ka mid ahayd khudbadiisii Muslimiintu waxay ku jiraan (Wahan) oo uu macnaheedu yahay Adduunyo Jacayl iyo Geeri nacay.


Sawir kaan waxaan ku qaaday phone-ka gacanta Shiikh Abdirahmaan ayaa Muslimiinta gaar ahaan Somalida mar kasta u duceeya.

Habayn kii ugu danbeeyey Saaladda Tahajudka waxuu u duceeyey Dhammaan Muslimiinta gaar ahaan dad kii Bishan Ramadaan ka Faa,idaystay kuwii Sadaqaad ka labaxay  iyo Waliba runtii Dhalin yaradii noo suurta galisay in aanu si farxad ah ku cibaadaysano iyo shida yari kuwaas oo runtii qabowga taagnaa Oo hagayey baabuurta Dhammaan Shiikhu waxuu u duceeyey Maamulka Masjidka Abubakar taas oo uu ku daray kaftan waxuu yiri Shiikh Abdirahman Somali haddii aan nahay ma jeclin Maamul in aan maqalno waxaan u Malaynayaa ayuu yiri Reer baadiya nimada ayaa keenaysan oo Somalidu Reer Guuraa ayaan ahaan jirnay nin kii nin ku xanaaqa waa ka guuri jiray in aan Free Xor ahaano ayaan jecel nahay. Habayn kii tahajudka ugu danbaysay Masjidka Jaamaca ee ugu  weyn Minnesota waxuu Shiikhu u duceeyey Dhammaan Umadda Somaliyeed.

Waxaa ka mid ahaa dad weynihii aand Ciida kula kulmay Yaasiin Mohamud Jaamac Yabarag oo ah Siyaasi dayar waxuu ka codsaday in saxaafaddu cod kiisa gudbiso waxuuna yiri waxaan allah ka Baryayaa muda gaaban aan arko umadda Somaliyeed oo ku Ciidaysa Dalkeedii Hooyo isla Markaasna Jawigii iyo saxan saxadii dalkaygii aan ku dhex ciido oo aan i raahdo Ciid wanaagsan. Waxuu intaas Raaciyey in uu socdaal ku tagi doono Somalia  gaar ahaan Gobalada Puntland Mr Yabarg Waxuu ka Mid Ahaa Raggii wax ka dhisay Dowladdii Sal Balaar ee Ganeral caydiid Madaxda ka ahaa Mr Yarbag Waxuu yiri dal ka hadda ayuu ila macaan yahay waayo wax baan u baranay allah waxaan rajaynayaa In aan helno ogaan wanaagsna una dabacsan shacab kooda lana Ciida Shacab kooda.
Waxaan kaloo kula kulmay walaal keen Mohamed Ali in kastoo aanan wakhti badan wada qaadan.

Jawigu magaalada waa yare Qaboobaa, Goobtuna cariiri ayey ku ahayd muslimiinta Minnesota ee soo camiray, waxaan la kulmay dadweyno dumar iyo Waayeeliyo Carruur u badan oo ka cawday cariiriga iyo waliba baabuurta Oo meel fog la soo dhigtay, laakiin isku soo duub oo waxay ahayd ciid ay ka soo qayb galeen dadweyne Muslimiin ah kuwii ugu badnaa oo hal meel isugu yimaada Minnesota, waxaana dadka wajiyadooda ka muuqatey farxad.

Dhammaan Reer Minnesota waa yeel iyo wakh garad iyo Culuma u diin iyo Masjidka Jaamaca Abubakar waxaan leenahay تقبل الله منا ومنكم الأعمال الصالحة

Ustaad Abdiwali Bashir Dalboon North America
Minnesota cdalboon@hotmail.com

Sh. C/raxmaan oo Khubada salaada ciida jeedinaya..
Sawirada hoose ee reer Minnesota oo camiray meesha lagu tukaneya salaada ciida





Sh. C/raxman oo khudbad jeedinaya


Cabdiwali Bashir Warsame "Dalboon" oo ku faraxsan salaada ciida sida ay muslimiint usoo camireen... Minneapolis

SomaliTalk.com | Oct 12, 2007

Mutamarkii Toronto - Dhegeyso Muxaadarooyinka

.Waajibka Ummadda ka saaran Gudbinta Dacwadda - Sh. As-Sancaani
.
Sunnada iyo Meesha ay Islaamka kaga jirto - Sh. Xasan Xuseen Aadam
.
Haweeneyda Muslimadda ah ee Galbedka ku nool - Sh. Xasan Takar

.Diinta Xaqa ah waa islaam - Sh. Xasaan Xuseen
.Qabyaaladda iyo Cirib xumadeeda - Sh. C/Qaadir Nuur Faarax
.Sidee Nidaamka Dhaqaalaha Islaamka - Dr.  Axmed Xaaji C/raxmaan
.Muslimiinta ku nool Reer Galbeedka - Sh. C/raxmaan Sh. Cumar
.Islaamku sida uuu ilaaliyey Qoyska Islaamka ah - Sh. Xasan takar
.Fiqiga isu soo dumida iyo ka hortagga khilaafka - Sh. Xasaan Xuseen
.Sidee qofka Muslimka isaga ilaalinka karaa Fidnooyinka- Sh. Sancaani
.Islaamku Waa Xalka Dhibaha haysta Adddunka - Sh. Xasan Takar

Video: DOHA Debates - DAAWO

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com