SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Isha weerka ee laalaada ku quusta. 

Bismilaahi Raxmaani Raxiim. 

Soomaaliya waxay soomartay 50-kii sano ee lasoo dhaafay ee ka danbaysay markii gumaysigii caddaa ee reer yurub laga saaray soomaaliya lana soo noqotay madaxbanaanideeda wax cibro qaadasho ugu filan qofkii ku cibro qaadanaya ama ku waantoobaya, laakiin markii ay ciidamadda cadowga Itoobiya Soomaaliya duulaanka kusoo qaadeen ayna qabsadeen caasimadda umadda soomaaliyeed ee Muqdisho ayaa waxay ahayd bilowga imtixaan ama jaribaad wayn oo lasoo gudboonaatay ummadda soomaaliyeed guud ahaan iyo shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya gaar ahaan, imtixaankaas oo ahaa inay kala soocmeen gumaysi diidka wadaniga ah iyo gumaysi kalkaaka dabadhilifka ah, wadaniga sharafta leh ee garanaya in xornimada dalkiisa ay ka qaalisantahay sandareerto  uu ka helo gumaysiga iyo gumaysi kalkaalka diyaarka u ah inuu dalkiisa iyo dadkiisaba ku iibsado  maalin joog  uu ka helo gumaysiga iyo magac masuuliyadeed  been ah oo loogu yeero isagoo aan ogayn in laga yaabo in hadii uu ka qadeeyo gumaysiga aanu ka  cashayn doonin, hadaba imtixaankaas culus wuxuu ahaa fursad lagu kala saaro inta wanaagsan iyo xuma u jooga oo hada kadib aan si wadajir ah loogu yeeri doonin dadka soomaaliyeed halhayska ah “soomaalidu wadaniyad ma leh”. 

Markii cadowgu dalka soomaaliya qabsaday ayaa inta indheergaradka ahi yiraaheen war gumaysigu macno aan ahayn inuu ku gumeeyo malahan siyaasad-na maahan inaad wadankaaga cadow u dhiibto, waxayna tibaaxeen in kuwa lasocda  inta cadowgu ku fushado ujeedooyinkiisa midba mar tuuri doono arintaas oo hada si cad u muuqata, taas waxaa kasoo horjeeday dad yiri Itoobiya waa dal daris ah waxayna doonayaan inay na heshiisiiyaan, laakiin waxaa la yaab leh dadkaas qaar ka mid oo aan la kulmay ayaan waydiiyay kawarama dalalka Ciraaq iyo Afgaanistaan ma xorbaa mase gumaysi ayay ku jiraan waxay markiiba iigu jawaabeen gumaysi ayay ku jiraan, meeshaas waxaa kasoo baxday aragti gaabnida salka ku haysa qabiil jacaylka indhala’ ee dadkaasi ku sifoobeen. Hadaba maanta oo loo wada jeedo sida Itoobiya ula dhaqmayso kuwii kusoo hogaamiyay dalkooda iyadoo inta laysku diray midba mar looga yeerayo guriga Meles Zenawi iyagoona caalamka ka noqday wax lagu qoslo, iyadoo horayna loo arkay walina ay socoto sida arxan darrada ah ee cadowgu u gumaadayo shacabka soomaaliyeed taasoo si aan mugdi ku jirin u cadaysay waxa gumaysiga madow uu la damacsanyahay dalkeena hooyo iyo dadkeenaba, hadaba ma waxaa haray dad wali doonaya inay  sababo u samesytaan lasocodka iyo taageerada cadowga ummada Soomaaliyeed iyo kaaliyayaashooda!!, waxaan kuwaas ku leenahay ku quusta isha weerka ee laalaada -sida murtida soomaaliyed tilmaantay- mar hadii kuwii mansab iyo magaca  ku doonayay la jirrida cadowga itoobiya ay noqdeen wax lagu maadsado maxay filayaan kuwaas dadka taageersani!!. 

Waxaan ognahay in dadku aanu malaa’ig ahayn waana khaldami karaan, shaydaanku waa u qurxiyaa dadka camalka xun laakiin waxaa loo baahan yahay in marka aad aragto qalooca wadada aad ku socotay inaad awoodo inaad ilaahay u tawbo keento una soo noqoto, inaad jidka toosan qabsato inta goori goortahay oo aadan aakhiro iyo aduunba seegin. Waxaan ugu baaqayaa inta lasocota wali gumaysiga inay kusoo biiraan muqaawamada Soomaaliyeed ee sharafta leh oo danbigii horay ay u galeena isaga mayraan inay si aan waxba lala harin ula dagaalamaan cadowga haysta dalkeena qof walbaahi qaabka iyo awooda uu isticmaali karo, Muqaawamadda sharafta leh waxaa la gudboon inay soo dhoweeyaan qof kasta oo doonaya inuu ladgaalamo cadowga xataa haduu shalay la jiray.Waxaa allaah mahadiis ah in haatan muqaawamadu ay ka gudubtay isbahaysi fikir ama deegaan ayna noqotay arrin ay u istaageen bulshadii Soomaaliyeed qaybaheedii kala duwanaa, kacdoonka gumaysi diidkuna uu si lixaad leh usii fidayo, waxaana wax lagu farxo ah jabka cadowga loogu gaysanayo wadooyinka Magaalada qaaliga ah ee Muqdisho, waxaa noo muuqata in ciideenu ay qubuuro daa’im ah unoqon doonto ciidamadda cadowga ah ee kusoo duulay ilaahay idanki halka ay rabaan iyagu inay saldhigyo daa’im ah ka dhigtaan dalkeena. 

Ogaada maanta ninkii raba liibaan xagga alle iyo waliba magac aduun oo isla socda wuxuu haystaa fursad qaali ah waayo hadii ilaahay gaarsiiyo marka dalka la xoreeyo waa la karaamayn doonaa waxaana la siin doonaa maamuus, hadii waqtigiisu dhamaado oo uu shahiidana waxaa uu ka tagi doonaa magac facyaasha danbe loo gudbin doono iyadoo ay u dheertahay abaalmarinta allaah ugu tala galay kuwa dalkooda dadkooda iyo diintooda difaaca ayagoo ilaahayna talo saaranaya, hadaba waarimayside war hakaa haro. 
 

Qore: Jimcaalerooble (Jimcaalerooble@hotmail.com)

Tar:29.10.2007 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 30, 2007

Somaliland turns from Hope to Despair


XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com