SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOORAMA

Dahabshiil oo lacag gudoonsiisay dugsiga Sheekh Cali Jowhar ee Borama.

Maamulaha Shirkada Dahabshiil ee Borama Ismaaciil Cabdi Riiraash ayaa maanta (Oct 27, 2007) xafiiskiisa magaalada Borama lacag deeq ah ku gudoonsiiyay dugsiga Sheekh Cali Jowhar ee magaalada Borama. 

Ismaaciil Riiraash oo ka hadlay goobta uu lacagta ku gudoonsiinayay dugsiga Sheekh Cali Jowhar ayaa sheegay in shirkadooda mar walba aysan daneyn inay faa’iido hesho oo ay awooda saarto waxqabadka bulshada. 

Waxa uu sheegay inay waxyaabo badan ka qabteen xaaladaha bulshada ee gobalka Awdal iyo guud ahaan Somalia isla markaana Dahabshiil ay u taagan tahay daryeelka bulshadeeda. 

Riiraash ayaa sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan dhamaan waxyaabaha horumarka gobalka Awdal ku saabsan ee shirkadooda loogu soo baahdo mar kastana ay diyaar u yihiin inay dhexda u xirtaan horumarka bulshada. 

“Dahabshiil waxaa iska leh bulshada, waxeyna u taagan tahay habeen iyo dharaar horumarka bulshada” ayuu yiri Maamulaha Shirkada Dahabshiil ee Borama Ismaaciil Cabdi Riiraash. 

Maamulaha ayaa sidoo kale sheegay ka qeyb qaadan doonaan mashruuca lagu dhisayo wadada isku xirta Borama iyo Dilla oo dhawaan gudi loo magacaabay ka shaqeeya dhismaha wadadaan oo halbowle u ah horumarka gobalka. 

Riiraash ayaa deeqdaan lacageed gudoonsiiyay Maamulaha Dugsiga Sheekh Cali Jowhar Xaamud Ibraahim Barqadle oo aad u soo dhaweeyay deeqdaan wax ku oolka ah ee Dahabshiil ugu deeqday. 

Xaamud waxa uu sheegay inay deeqdaan maanta guddoonsiisay shirkada Dahabshiil ay ku baqan doonaan dhismaha darbiga dugsiga Sheekh Cali Jowhar. 

“Aad baan ugu faraxsanahay deeqdaan wax ku oolka ah shirkada Dahabshiil inoogu deeqday waana ka fileynay mar kasta inay na garab taagan tahay” ayuu yiri Xaamud Cabdi Jabriil. 



Waxa uu sidoo kale sheegay in Dugsiga Sheekh Cali Jowhar dhigtaan arday aad u fara badan isla markaana waxbarashadiisa ay tahay mid aad u wanaagsan dadka ku dhaqan Borama iyo guud ahaan Gobalka Awdalna aad ugu riyaaqeen. 

Si kastaba ha ahaatee, Dahabshiil ayaa mar kasta deeqo noocaan oo kale ah guddoonsiiso goobaha wax tarka u leh bulshada sida goobaha waxbarashada, Isbitaalada IWM. 

Abdifitahaam Ahmed
Email: abdifitahaam@gmail.com 
Borama

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 28, 2007

Dhismaha Jidka Isku xiriiriya Boorama iyo Dilla
Booraama

Ururka ARNA oo ka shaqeyn doona dhismaha wadada isku xirta Dilla iyo Borama oo lagu dhawaaqay... Akhri..


XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com