SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -MAQAAL

XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)


Magaalada Baydhabo oo Marti Gelinaysa Maxkamadeyn Culus

shirkii la xisaabtanka Xukuumada Prof Geedi oo loo rogay in Xukuumada ay kalsooni weydiisato Baarlamaanka ayaa la filaayaa in uu dhaco maalinta Beri ah, iyadoo xubnaha Baarlamaanka ay   qaybsan yihiin, islamarkaana laga  laga yaabo, in kala qayb sanaan taasi ay keento wajiyo awood isu muujintii lagu yiqiimay Siyaasiinta Soomaaliyeed ee mudooyinkan 17-ka sano soo kacay, inkastoo xubno ku dhow dhow Gudoonka Baarlamaanka ay sheki gelinayaan qabsoomida shirka.

Gudoomiyayaasha Gudiyada Arimaha Baarlamaanka ayaa kulmay 23/10/2007, taasoo aan la shaacin waxyaabihii ka soo baxay iyo ujeeda shairkooda, balse warar kala duwan oo ka soo baxaya ayaa waxay sheegayaan, in laysku qabtey Qoraalkii ay soo saareen 24-ka Wasiirka iyo mid uu soo gudbiyey Ra’iisul Wasaare Geedi, taasoo ilaa iyo hada aysan war sugan  oo ka soo baxay.

Shirkaan furmaya maalinta ee kalsooni weydiisashada Xukuumada ay Baalamaanka hor fariisanayso ayaa ah mid in mudo ah ay isku hayeen mudanayaasha Baarlamaanka, waxaana layskudayey marar badan in Xukuumada la rido, waxaana hor istaageyey arimo badan oo aan la soo koobi Karin iyo farsamooyin isugu jira mid dhaqaalo iyo mid siyaasadeed, iyadoo lag eegayey wajiyo waaweyn oo isasaarnaa, sida ay qabaan xeel dheerayaal siyaasadeed.

Wajiyadaan waaweyn  ee la eegayey ayaa waxyaabaha salka u ah ay ka mid ahaayeen, Xukuumada oo culayso waaweyn dhinaca awooda ka haystey, sida Hogaamiye Kooxeedyadii Muqdisho oo ahaa awood jirtey, islamarkaana caqabad ku ahaa hanaanka geedisocdka Xukuumada islamarkaana ka tirsanaa Xukuumada iyo Baarlamaanka iyo khilaafyo iyada dhexdeeda ah oo in mudo ay ku kala maqneyd, taasoo loo arkaayey in xiliga ay isu timid Xukuumada aysan awoodi Karin in mid kale la soo dhiso maadaama raadkii khilaafka kala qaybsanaantii mudada 9-bilood ay dhoweyd.

Markii ay wiiqantey awoodii Hogaamiye Kooxeedyada Magaalada Muqdisho iyo kuwa ku hareereysnaa oo ay soo baxeen Maxkamadihii Islaamiga ee la wareegay inta badan Gobolada Koofureed ee Soomaaliya, ayaa waxaa meesha ka baxay wajiyadii iska soo horjeeday ee Dowlada, waxaana soo baxay in ay meel uga soo wada jeestaan inta badan xubnaha Dowlada, inkastoo qaarkood xubin nimadooda ku waayey, ayna jiraan kuwo kale oo daba socda kuwaas.

Waxaa maalmaha soosocda la sugayaa in la soo gebagebeeyo dooda Baarlamanka ee dhinaca kalsooni weydiisashada Xukuumada, iyadoo la hadal hayo, in hadii Xukuumadu ay weydo kalsoonida Baarlamaanka, aysan ku koobnaan doonin dhicitaanka Golaha wasiirada iyo Ra’iiskooda, balse laga yaabo in xubno kale oo muuhiim ah, islamarkaana ka tirsan Mas’uuliyiinta sar sare ee DFKMG ay ku xigi doonaan, taasoo ay keeni karto qalalaasi siyaasadeed oo aan hada soo muuqan, sida ay qabaan xeel dheerayaal arimaha maamulka iyo siyaasada.. 

Sida ka muuqata Magaalada Baydhabo marka la fiiriyo dhaqdhaqaaqa Xukuumada iyo Baarlamaanka ayaa waxaa laga cabsi qabaa in Magaalada Baydhabo ay marti gelin doonto Maxkamadeyn culus oo in mudo ah laga cabsi qabay sidii loo fulin lahaa, dadka arimaha sharciga ku xeel dheer waxay carabka ku adkeynayaan in arintan waligeed Soomaaliya aysan ka dhincin ayna tahay mid ku cusub, sidoo kale Gudoomiyaha Maxkamda sare iyo garsoorihii la xirnaa ayaa la hadal hayaa in lagu Maxkamadeyn doono magaalada baydhabo, Waxayna aas aas u noqon doontaa hadii lagu guulaysto, arimo badan oo isa saarnaa tan iyo intii madax banaanida ay qaadatey Soomaaliya oo soo jiitamaayey, waxaana la gaari doonaa isbedelo waaweyn oo dhinaca horumarka ah, balse taasi waxay u eg-tahay dhedo Roob noqon weydey, waxaana muuqda Mowjado dabaylo ah oo qaarkood duufaano cudur ah xambaarsan, balse muhiimada Arinta ayaa waxaa maamulaya Alihii na uumay in arintan uu ku soo gebagebeeyo halka wanaagsan. 

waxaana intaa dheer magaalada Baydhabo waxaa hada ku sugan inta badan Hogaamiye Kooxeedyadii Soomaaliya, waxayna  hawshooda u bedeleen arimo siyaasadeed iyo wajiyo kale, Soomaaliya dhibaatadeeda waxaa ka shaqeeya Kooxo kala duwan oo mudo 17-Sano ka waday hawlo iska soo horjeeda, hadii aan wax ka xusno kooxahaan waxaa ka mid ah Hogaamiye Kooxeedyadii ka jirey Soomaaliya, TNG-dii waqtigeedii, Kooxdii SRRC oo hada dhowr garab isu rogtey, Maxkamadihii Islaamiga ahaa oo hawshooda bedelay, islamarkaana si xawli ah hawshooda ay ku socoto, Ururada Bulshada kuwo isku sheega oo iyagana intooda badan ka shaqeeya danaha Dowlado gaar ah, Soomaliland oo iyaduna mar aan ogoleyn in Koofurta Soomaaliya ay degto, si ay u helaan madax banaanida ay ku taamayaan iyo Kooxaha dibad jooga ah.

Dhamaan Kooxahaan waxay ka shaqeeyaan dhibaatooyinka dalka ka jira guud ahaan, waayo mid kastaa wuxuu wataa hadaf u gaar ah, hadii ay isku hadaf ahaan lahaayeen, seddax meelood, laba hawshu way ka dhibyaraan lahayd sida hada ay wax ku socdaan, xitaa hadii hal meel oo isku mowqif ah la heli lahaa, waxaa soo bixi lahaa isbedel weyn.

 Dhinaca kale tan iyo markii Mas’uuliyiinta sar sare ee dowlada ay dib ugu soo noqdeen Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka muuqda isbedelo dhinaca amaanka ah waxaa la xiray Guud ahaan wadooyinka soo gala Magaalada Baydhabo iyo Goobta lagu wado inuu shirka ka dhaco, bartamaha magaalada waxaa yaala bar koontaroolo aan hore loogu ogaan jirin marka laga reebo mid ka mid ah kuwii xiliyadii berisamaadkii ahaan jirtey mooyee, waxaa la baaraa Baabuurta yar yare ee shekh-siyaadka iyo kuwa laga shekiyo, waxaana magaalada lagu soo rogay Bandow aan la ogeyn xiliga uu ku eg-yahay iyo sababta rasmiga ah, waxaana magaalada ka dhacay qaraxyo kala duwan, inkastoo kii ugu weynaa ee ka dhacay Warshadii Xasey oo ay deganaayeen Ciidamo Ethobia-an ah ayaa la sheegey in naftii hura is qarxiyey gaariga uu watay la soo baarey, mar la weydiiyeyna waxaa uu sheegay baa la yiri in uusan wax wadan balse waxa qarxay uu ku watey Loor dhuxul ah, kadibna uu isku dayey in Baakin ahaan u dhigto Hoteel Bakiin soo naheeda laakiin, taasi waa uu ku guulaysan waayey wuxuuna dib ugu soo laabtey halkii ay deganaayeen Ciidamada Ethobia, isagoo iska dhigay wax garab maraya kadibna Al-baabka hore ee xera ku wada jaray gaarigii isagoo xawli ku socda, dadweynaha ku nool magaalada baydhabo ayaa waxay inta badan is weydiinayaan, halka ay wax marayaan iyo waxa xaajadu ay ku soo gebageboobayso.

Akh-ristayaasha aynu jecelnahayoow waxaan maanta idiin soo gudbinayaa Gabay jacbur ah oo mudadii 17-ka sano ahayd aan isku dayey, mana ahan mid ku yimid si iska dheh ah, hadii aan idiin bilaabo, Markaan arkay shacabkii Soomaaliyeed oo ay ka muuqaan  dhibaatooyin badan ayaan waxaan iri:-

Shacyahoow Shakaalani anoo Shixnad Gabay sidaa Shirka la iiga yeeray, Sheki waxaa iga galay Niman Shaarib lahoo Shaarka Siibanaaya, Shirko waxay la yihiin Shisheeyaha iyo inay Shacabka laayaane, Shardi waxay ku galaan Shidadiyo inay Shirarka badshaane, Shati waxay u goostaan inay Shilinka Shubtaane,  Shabac waxay la yihiin Shabaabkiyo  dhiiga Shacabkeen, Sharaf nooma reebin hadaan Shaahidka ku dhaarto ka Sheekeeya Shibtu waa Shalaay noo dambeeyee.

Kani  waxaan tirey markii shirarka kala duwan ay Soomaaliya ka bilowdeen, islamarkaana islamarkaana ay soo baxeen in dhibaatada wax laga qabto.

Mid kale waxaan iri :-

Tanina markaan ka quustey qaabka kala duwan ee shirarka looqabto iyo waxa ka soo baxa halka ay ku dambeeyaan ayaan sidaan iri.

Masaafada Rag baa ku hara Maangaabnimadeed, Miciy dheerihii soo haraa Murug u taalaaye, Markab hadii la idiin raro Maalin iyo laylba, ood maamushaan Maalikii dunida yiil Mudac yaraantiis Maqaalin Mowlahey na siiyaa, nooga filan Madaxnimadiinee.

Mid kale;-

Tanina markaan arkay Soomaaliya guud ahaanteed waxa ka socda, islamarkaana aan ku suganahay Magaalada Muqdisho,  iyadoo ah Caasimadii Soomaaliya ayaan waxaan ku hal qansadey Banaadir

Bismilaahi dhaha Barbaareey Bahda Reed Banaadir, Bishii la Arko hadii balaayo la sheego oo Baadoow Boobo watiyo Booska soo istaago, oo Bayaankii la soo diraba uu Ba’ayda soo sheego oo Barbaartiyo Bilcaatu ay is Biimeeyaan, Bilaash weeye xaajadu hadaan badi u fiirsho.

Afartaas Bayaanshaye waxaan Bixid ka raac-siiyey, Baadarigu ma seexdiyo Ragii Baananka lahaayeen, Barta waaga Boos wada shaqaa loo banaan Bixiye, Baraaruga Barbaarey Balaayadu waa badownimo weynee.

Waxaan ku soo gebagebeeyey Gabaygii midba maalin aan tirinaayey markii ay hawshii sii socoto oo aan si daran uga quustey ayaan waxaan iri;-

Silic weeye Siroow iyo Safiih Saban Colaadeede, Silic weeye Siyaasi Seerada Gefay haduu Seeriga kuu yeersho, Silic weeye Sagaal iyo Toban jir Saariq soo hayaamay, Silic weeye Sagaashan jir Shaahadada qirey Samir yeelan waayey, Silic weeye Sicir bararr Sagaal sano jiroo soohdin yeelan waayey, waxba Gabaygu yuusan ila siqine waxaan ku soo gaabshay Alaahayow naga saar sidaas Saamic baa tahaayee 

Maaxamed Macallin Cismaan

Maaxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.

faxtumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 25, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com