SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Minnesota oo Looga Dhawaaqay Urur Cusub

Pymouth, MN – October 22, 2007.

Waxaa Sabtidii oo ku beegnayd 10/20/2007 looga dhawaaqay Hotelka Radisson oo ku yaal Xaafadda Plymouth ee gobolka Minnesota urur Cusub oo loo bixiyey "Ururka Midowga Qurbajoogta Soomaaliyeed"  United Somali Diaspora.

Waxaa Hotelka Radisson ka dhacay shir aad loo soo agaasimay ayna soo qaban qaabiyeen koox is xil qaantay kana dhiidhiday xaalada ay ku sugan tahay Ummadda Soomaaliyeed gudo iyo dibadba. Samaynta ururka ayaa howshiisa iyo abaabulkiisa waxuu biloowday bishii May ee sanadkan 2007. Qaban qaabiyaasha Shirka oo lagu tiriyo ineey yihiin kuwa ugu dhaqdhaqaaq badan dhinaca jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota ayaa waxeey ka soo shaqeeynayeen taabagalka urur ay ku mideeysan yihiin. Ujeedadada ururkan loo aasaasay ayaa ah in la helo isku xiridda dadaaladda badan ee is barbar socda ee qaybaha kala gedisan ee Jaaliyadda Soomaliyeed ee qurba joogtu wadaan siiba Minnesota. Taas oo looga gol leeyahay sidii Soomaaliya nabad, midnimo, sharaf iyo qaranimo loogu soo celin lahaa.

Ururka Midowga Qurbajoogta Soomaaliyeed ; United Somali Diaspora ayaa lahaan doono faracyo badan oo ka shaqeeya dhamaan qaaraddaha North America, Europe, Khaliijka, iyo wadamo kalaba.

Minnesota oo ah meesha uruka looga dhawaaqay ayaa lagu tiriyaa ineey tahay gobolka eey si aad ah u degen yihiin Soomaali badan oo gaaraysa in kabada 60 kun.

Dadka ku bahoobay ururkan ayaa in badan ka qayb qaatay howlo taabagal ah oo loogu gurmanayey Soomaaliya sida; wacyigelinta tabarucaadyada loo sameeynaayo dadka ku wax yeeloobay dagaaladda Sokeeye ee ka aloosan dalkii hooyo iyo Masiibooyinka rabaaniga ah

Qabanqaabiyaasha in badan waxay ku dadaaleeyn sidii loo heli lahaa urur ay ku mideeysan yihiin dadka dadaalada isku midka ah wada si loo helo awood mideeysan, taasoo sahlaysa sidii hal qaab loogu wajihi lahaa howlaha taagan ee dib u soo celinta Midnimadii iyo sharaftii Soomaaliyeed.

Ururka Midowga Qurbajoogta Soomaaliyeed - United Somali Diaspora ayaa loo doortay ineey wadaan howshiisa gudi ka kooban sagaal xubnood. Xubnaha ururkan ayaa leh rag iyo dumar, aqoonyahano dihnaca cilmiga diiniga, dhinaca maadiga iyo ganacsato. Waxaa kaloo xusid sida ay halkaas ka muujiyeen shucuur islaanimo, wadaniyad aad iyo aad loogu riyaaqay.

Waxaa ka soo qayb galay shirkaas aqoonyahano , culimaa'udiin, dhalinyaro iyo waayeel Soomaaliyeed. Shirka ayaa kusoo gaba gaboobay sidii loogu tala galay, ugu danbayntiina waxaa halkaas khudbad gaaban kasoo jeediyey Gudoomiyaha Ururka sheegayna inay u istaagi doonaan hawlaha culus ee laga sugayo kana codsaday Jaaliyadaha Soomaaliyeed inay garab istaagaan ururkan cusub hiil iyo hooba.

Magacyada Gudiga

  • Xasan Maxamed (Dhooye) "Gudoomiye"
  • Mohamed M Adem (Tiiceey) "Kuxigayn"
  • Maxamed Wardheere Khasnaji
  • Raaxo Warsame "Xoghayn"
  • Yaasiin Garaad
  • Maxamed Cumar
  • Osman Abdullahi (Oday Cabdulle)
  • Caabiyo Ali
  • Khadra Cabdi

Sawiradii Kulanka hoos ka eeg:

 


Waxaa isku soo dubaridey:
Abdulkadir Mohamed
abaadir0@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com Oct 23, 2007

Soomaalida Qaahira iyo Tartanka Quraanka....
qaahira
Naadiga aradayda somaliyed iyo jaaliyadda qaahira

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com