SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

MA GUURSAN DOONO ILAA AAN SOO GABAGABEEYNAYO HOOSHA AAN ISLAAM-KA U HAYO..!!

Qore:Ibraahim daa’uud c/laahi (Gentleman)

sayfudiin@hotmail.com

Nairobi-kenya


Horudhac..

Mucaad Bin Jabba l:-Saxaabi Jaliil ah.

"Barta waxaad doontaan(Jeceshihiin), Alle idinkuma anfici doono Cilmi ilaa in aad barataan ma ahanee".

Mikhdaad Bin Camri :- Saxaabi Jaliil ah.

"Waxaan u dhimanayaa (Shahiidayaa), islaamka in uu Cizoobo"

Mujaahid Bin Khabiir .

"Qofka naftiisa ay la weeynaato(Cizeeya) diintiisa ayaa duloowda, balse   Qofkii naftiisa u duleeya Diintiisa Diintiisana way Cizoobeeysa(sharaf ayay yeelaneeysaa)".

Salaaxudiin Al.ayuubi :- ninkii furtay Masjidka Al.aqsa.

"Sideen u Qoslaa(u farxaa) iyadoo masjika Al.Aqsa uu maxbuus u yahay cadowaga".

Xassan Al.hadhiibi :- waa mas'uulkii 2-aad ee ururka walaalaha islaamka(Ikhwaan Al.Muslimiin) ee Masar, kadib markii uu Shahiiday asaasihii ururka Xasan Al.banaa.

"Dowlad islaam ah Qalbigaakada ku dhis, dhulkiina ayay ugu danbeen ku arki doontaa ( Shiekha waxa uu ka hadlayaa waa niyada iyo wanaaga oo Qalbiga lagu hayo)"

Abdallah Bin Adbulaziz ;-Boqorka Saudi Arabia

"Tilabaabada ay Malaysia ee hawada sare waxa ay inoo tahay ka islaam ah mid lagu faano"

Sheikh Muszaphar Shukor :-Cirbixiyeen-ka reer Malaysia ee aan maanta ka hadlayo.

"Ma guursan doono ilaa aan hoosha aan islaam-ka u qabano aan soo gabagabeeyo".

Cirbixiyeno fara badan oo uu horkacayo cirbixyeenki ugu horeeyay ee hawada sare u duulay ee la oran jiray Yuri Ganguri ee sanadkii 1961 ahaane reer Russia. Balse  waxaa xarunta Baikonur ee dalka Kazakhstan ka duulay cirbixiyaankii ugu horeeyay ee Malaysia Sheikh Muszaphar Shukor iyo 2 cirbixiyeen kale oo u kala dhashay wadamada USA iyo Russia oo midkood ay haweeney tahay, xilligii uu dayac gacmeedka duulay waxa si toos ah u daawanayay dad badan oo reer Malaysia ah oo uu kor kacayo Ra'iisul Wasaaraha xilligan ee dalka Malaysia Abdullah Axmed Badawi isaga iyo dad ba badan 3,000 oo qofood oo ay ku wada dawanayeen Xarunta Ganacsiga isaga oo saxaafada la hadlayana waxa uu diri " Aad ayaan ugu faxsanahay ugana qanacsanahay dhacdadan Taariiqida ah, waxayna muhiim u tahay dalka iyo dadka reer Malaysia" [ am happy and satisfied with this historical event," Abdullah told the gathering. "It is significant for the country and the citizens."]

Guud ahaan caalamka islaamka waxa ay xasuustaan sanadii 1985 markii Amiir Sultan Bin Suleeman oo ka mid ah Boqortooyada Saudi Arabia uu raacay dayaxgacmeedkii Discovery. Waxayna aheed xilli bil Rammadan.isaga oo u waramayay wargeeska Al.sharqul awsat waxa uu yiri "Ma hilmaami doono Tijaabidi iyo soonka aan ku soo qaatay hawad sare"
cirbixyeenkii ugu horeeyay

Sidoo kale waxa jirta gabar kale oo islaam ah balse heesata dhalasho waddanka America ah asal ahana ka soo jeeda waddanka Iran iyadoo dhiibtay lacag gaareeysa 20$ million ee lacag America ah.waxayna gaartay hawada sare.

Sida la rejeeynayo 21 bishan October ayuu soo laaban doonaa cibixyeenka reer Malaysia Sheikh Muszaphar Shukor, maalintaasna waa maalin kale oo taariikhi ah Allana waxaan ooga baryayaa in uu nabad ku soo celiyo

Sheikh Muszaphar Shukor waa nin ceenkee ah..?
cirbixiyeenka reer malaysia sawirka
google.

Waxa uu dhashay July 27, 1972, waxaa uuna ku dhashay isla waddan-ka Malaysia gaar ahaan caasimada Kuala Lumpur, waxa uu waxbarashada Dugsiga sare ku soo dhameeyay Maktab Rendah Sains kadibna waxa uu ku biiray College ku yaala waddanka India lana yiraahdo Kasturba Midical College halkaas oo uu ka Qaatay shahaadada Bachelor of medicine and surgery, sanadii 1998-dii waxa uu uu jaamacada Kebengas ka ahaa lecture.sidoo kale sanadihii 1999, 2000-2001 waxa uu ka soo shaqeeyay hospitalo kala duwan ee isa wadanka Malaysia ah. Waana doctor.mana guursan wax caruur ahna ma heesto

Dadka reer Malaysia iyo tartanka qofka cirbixiyeenka ugu horeeya noqon doona.?

In ka badan 11 Kun oo Qofood ayaa tartanka u soo wada galay Qofka ugu horeeya ee noqon doona Cirbixiyeen-kii ugu horeeyay ee Malaysia. Balse ugu danbeentii waxa loo doortay Sheikh Muszaphar Shukor iyo nin kale oo ay wali tartan ku wada jireen ninkas oo la yiraahdo Dr. Faiz Khaleed waxaana Tababar mudo 18-bilood ah loogu qaaday waddanka Russia, ugu danbeentiina waxaa la doortay Sheikh Muszaphar Shukor wuxuuna noqday ninka ugu horeeya ee reer Malaysia ah ee noqda Cirbixiyeenkii ugu horeeyay matalayana bahweenta islaam-ka oo dhan meel kasta oo ay joogaan "Shukran Malaysia".

Malaysia oo horumar lataaban karo gaartay muddo gaaban..!!

Malaysia waa waddan xorriyadaba helay 1957 waddankena Somalia waxa uu ka horeeyay 3 sano oo kaliya maantana halkeey beey marayaan.?!, waana waddan dad kala duwan iyo luuqado kala duwan intaba laga helo 1963-dii ayayna sameestaan federal dadkaas oo dhan mideeysay dabcan waana kala diin, balse Khiyaastii ku dhawaad dadka reer Malaysia 60% ayaa Islam ah xukuumada waddan-kana waxaa gacanta ku haya dadka Islam-ka ah ee waddankaasi . Somalia isku  Luuqad, isku jinsiyad, dad walaalho ah, hal diin ah heesta balse ma iyagaa heshiin la' mise waa la is tusay.? dhaqaalihiisa horumar balaaran ku sameeyay, sidoo kale waddanka gobladiisa intiisa badan wax ka jiro Boqortooyooyin kala duwan ileen waa wadan federal ah. Somalia iyada oo mid ah inta ay heshiin waayeen ayuu gueeysiga u sameeyay wax loogu magic daray federal balse federal yaa loo sameeyaa maase kaani kara nin la saemeeyo federal, dabcan in ay jirin ayaan filayaa wax federal loo sameeyo.
calanka dalka malaysia shukran malaysia sawirka/google.

Ra'iisul wasaarihii hore ee horumarka gaarsiiyay waddanka Malaysia Mahathir Mohamed intii uu talada waddanka hayay waxa uu dajiyay qoshe ah in Malaysia sanada 2020 "Vision 2020"   ay noqoto waddan isku filan dhinac walba, Dhaqaalaha, Siyaasada, Arrimaha Bulshada, Aqoonta Qeebaheeda kala duwan iyo in waddanka baahida laga ciribtiro.

Waxaa jira qoraal aan aad u jeclahay kuna soo baxay shebakada somalitalk runtii marka aan qoraalkaas aqriyo waan cishooda markaas ayaan iraahda maxaad Malaysian isaga ahaan waysay. Qoraalkaas oo la magaca loo bixiyay iyo macluumaadka ku dhaxjira ayba kala duwanyihiin magaca qormadaasna waa INTA CAQLIGA LEH oo uu qoray Sheikh Mohamed Idiris sanadkii 2006.

Malaysia maanta waxa ay faaneeysaa in ay caasimadeeda ay ku yaalan daaraha dunida Guudkeeda ku yaal kuwa ugu dhismaha dhaadheer ee loo yaqaan Patronas twin towers. Sidoo kale dhanka warbarshada waa waddan aad horumar fiican ka gaaray iyadoo arday badan oo Somali ah ay wax ka bartaan dadka somalida ahna aad ayaa looga qadariya dalka Malaysia xitaa baasaboor-ka Somalia ah ee dhintay dalka Malaysia waad ku gali karta halka xarunta ay baasaboorka Somalia laga qaato eek u taal dalka Kenya ay marnaba aan laga qadarin Somali passport, ceebtooda saafaarad ayaaba ooga sii furan kuwa dowlad ku sheega ah.!!!!
Daaraha mataanaha ah ee dalka malasiya ay ku faanan ee la yiraadho Petronas twin towes.isha sawirka Wikipedia
Maylasia waxa ay wadanka Russia ka soo iibsatay 18 diyaaradood oo nooca dagaalka ah iyada oo dhiibtay lacag gaareeysa 900$ million oo 25$ million oo ka mid ah ay ku bixisay sidii u cirbixiyeen reer Malaysia ah uu hawad sare ugu maqnaan lahaa cilmi baaris mudo 10 maalmooh ah. Waa lacag aad u fara badan balse waxa ka dhalan kara ayaa ka badan, ar guuldarada Somalia heesata, imisa ayaa ku baxda lacagaha dhiiga aan ku daadino ama aan codad aan kaga iibsano dad wax ma garato ah ee sheegta in ay madax Somali ah yihiin.
somaliyey meeshan ayaynu caalamka ka mareeysa qori
ayaa ka taliya iyo caqli aan saliin ahaane sawirka/google

Gunaanad .

Malaysia mahadsanid runtii guul lataaban garo ayay guud ahaan dadka ku abtirsada islaamka u soo hoyisay, cid walba oo qorsha fiican leh qof ama dowlad intaba waxaan hubaal ah in qofkaas uu guuleeskaro, dalkeena waxa qaribay miyaysan aheen qorshe la'aan sabab.? Shalay markii dowladii Somalia la riday ma jirin qorshe lagu badalo waxaana ka dhashay in dadka Somalia ah daafaha dunida ku dayacanyihiin dalkiina uu qeebo fara badan u qeebsamay

Alle ha inooga gargaaro dhibka ma heesto koleey Malaysia ma gaari karnee sabab.? Markii aan si qorshe la'aan ah kooxo jabhado ah ay dowladeeni iyo sharafteeniiba ay ku dheeleen ayay Malaysia sameeysatay qorshe 30 sano ah oo ilaa 2020 ka ah.

Malaysia guul iyo horumar… Somalia cadaalad iyo nabad ayay u baahantahay kadib ayuu xigi doonaa Guusha iyo horumarka.

Wabilaahi towfiiq.

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 18, 2007

dfkmg

Dood ka dhalatay Ajande sameyntii Baarlamaanka DF Usbuuc kadib  Baarlamaanka FKMG oo is-weydiinaya Ajandihii uu ka doodi lahaa, Xukuumada oo is khilaafasan, Baarlamaanka oo u kala qaybsamay laba iyo Ciidamada Ethoobiya oo la wareegay Amaanka Goobta shirka.

 


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com