SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO

Barnaamijkii Radio Xoriyo
16 October 2007.
 
 
Maamulka Hargaysa oo dad reer Ogaadeenya ah Itoobiya u dhiibay.
 
Jaaliyada Ogaadeenya ee Austria oo shir isugu timid.
 
Shir wayn oo Ogaadeenya ku saabsan oo ka dhacay Northampton
 
Ciidammada gumaysiga Itoobiya oo dad ku laayay Shilaabo.
 
Waraysi aan la yeelanay gudoomiyaha jaaliyada Ogadenya ee wadanka Austria Cumar Cabdi.
 
  ======================        
 
 
Maamulka Hargaysa oo dad reer Ogaadeenya ah Itoobiya u dhiibay.
 
Aroornimadii sabtida ahayd ee taariikhdu ku beegnayd 13 Oct. 2007, wuxuu maamulka Woqooyi Galbeed ku wareejiyay taliska dhiigya-cabka ah ee Addis Ababa 7 nin oo shacab ah oo u dhashay dalka Ogaadeenya oo sababo kala duwan u joogay magaalooyinka Hargaysa iyo Burco.
 
Toddobadan nin ayaa dhawr maalmood ka hor laga qaqabtay magaalooyinka Hargaysa iyo Burco, kuwaasoo sabtidii lagu wareejiyay taliska Addis Ababa, iyadoo ayna jirin wax denbi ah oo maamulka Woqooyi Galbeed uu dadkaas ku soo oogay.
 
Dadkan shacabka ah ee loo gacan galiyay xukuumadda gumaysatada Itoobiya waxay kala yihiin;
1-    Sh Maxamed Sh Cabdi
2-    Maxamed Aaden Cumar
3-    Muxumed Cabdi Aar “Galadiid”
4-    Khadar Cabdi Ibraahim
5-    Jawhar Sh Bashiir
6-    Axmed Daahir Geesoole iyo
7-    Xasan Ibraahim
 
Dadkan cadowga loo gacan galiyay waxay dhammaantood ahaayeen dad shacab ah oo u dhashay dalka Ogaadeenya, kuwaasoo qaarkood ay muddo dheer ku sugnaayeen gobollada Woqooyi Galbeed oo xirfado kala duwan kaga shaqaysan jireen, qaarkoodna ay ahaayeen dad ka soo qaxay xasuuqa ay ciidammada Itoobiya ka wadaan dalka Ogaadeenya.
 
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa soo saaratay bayaan kulul oo ay ku canbaaraynayso falkan waxshinimada ah ee maamulka Riyaale uu ku kacay. Jabhaddu waxay bayaankan ku sheegtay in dhiibista dadkan shacabka ah loo dhiibay xukuumadda Itoobiya ay si toos ah uga soo horjeedo Heshiiska Qoxootiga ee Qaramada Midoobey ee sannadkii 1951, isla markaana meel ka-dhac ku tahay Xeerarka Caalamiga ah, maamulka Riyaalana ay ka dhigayso mid qayb ka ah denbiyada dagaal ee Ogaadeenya ka dhacaya.
  
Jaaliyada Ogaadeenya ee Austria oo shir isugu timid.
 
Jaaliyada Ogaadeenya ee waddanka Austria ayaa shir ballaadhan isugu timid maalintii jimcaha ahayd ee tariikhdu ku beegnayd 12/10/07, waxaana shirkaas lagaga hadlay sidii ay Jaaliyadu kaalin muuqata uga qaadan lahayd halganka Ogaadeenya ee JWXO hormuudka ka tahay.
 
Shirkaas, oo lagu qabtay magaalada caasimada ah ee Vienna, waxaa ka soo qayb galay dadwayne fara badan oo ku nool dalka Austria. Shirkaas waxaa lagu falanqeeyay sidii ay Jaaliyadu u kordhin lahayd dadaalkeeda ku wajahan ka qayb qaadashada hawlaha halganka iyo in sidoo kale la xoojiyo xidhiidhka ay Jaaliyadu la leedahay jaaliyadaha kale ee Ogaadeenya.
 
Shirkan waxaa lagu go’aamiyay in la sii labanlaabo waxqabadka Jaaliyada eek u aaddan halganka xaqa ah ee shacbiga Ogaadeenya uu ugu jiro madaxbannaanidiisa.
 
Shir wayn oo Ogaadeenya ku saabsan oo ka dhacay Northampton
 
Maalintii axadda ahayd ee taariikhdu ku beegnayd 14/10/07 waxaa magaalada Northampton ee dalka Britain lagu qabtay shir wayn oo lagaga hadlayay arrimaha Ogaadeenya, kaasoo ay soo qabanqaabisay Jaaliyadda Ogaadeenya ee dalka Britain, faraceeda Northampton.
 
Shirkan waxaa ka qayb galay dadwayne aad u fara badan oo ka kala yimid meelo kala duwan oo dalka Britain ah, isla markaana isugu jira bulshada Soomaalida Ogaadeenya iyo Soomaalida Jamhuuriyadda. Waxaa sidoo kale shirkan ka qayb galay madax sarsare oo ka tirsan Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya.
 
Shirkan waxaa lagu furay wacdi diini ah oo dhiirri galinaya faa’iidada ay leedahay midnimada iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in bulshada Soomaaliyeed, meelo kastoo ay joogto, ay u midowdo xoreynta dalkeeda. Wacdigan ayaa bulshada soomaaliyeed ku boorriyay inay taageero dhinac walba ah u fidiso xoogagga gumaysiga Itoobiya kula dagaallamaya Ogaadeenya iyo Jamhuuriyadda dhexdeeda labadaba.
 
Waxaa markaas erayo furitaan iyo soo dhawayn isugu jira shirka ka soo jeediyay guddoomiyaha faraca Northampton ee Jaaliyada Ogaadeenya ee Britain, kaasoo ka xogbixiyay qaabka ay Jaaliyadu u shaqayso iyo hawlaha laga sugayo.
 
Waxaa markaas ka dib hadalkii lagu wareejiyay guddoomiyaha Hooggaanka Warfaafinta JWXO Axmed Yaasiin Cabdi, oo warbixin dheer oo dhinacyo badan taabanaysa halkaas ka soo jeediyay. Guddoomiyuhu wuxuu ka xogbixiyay ololaha xasuuqa ah ee ciidammada Itoobiya ay ka wadaan dalak Ogaadeenya, wuxuuna tilmaamay in Itoobiya ay ololahaas ku guul darraysatay, isla markaana ayna haba yaraatee ka gaadhin wax natiijo ah.
 
Wuxuu tilmaamay in fashilaada ay Itoobiya ku fashilantay ololahaas ay gundhig u tahay kartida lama loodiyaanka ah ee ay muujiyeen CWXO iyo dhirbaaxooyinka lama illoobaanka ah ee ay u gaystaan ciidammada cadowga, taasoo quusisay ciidammadii cadowga ay ololahaas waday. Waxaa kaloo ololahan fashiliyay adkaysiga cajiibka ah ee dadwaynaha Ogaadeenya ay muujiyeen. Wuxuu tilmaamay in dilkii, kufsigii, cunaqabatayntii, xidhaygii iyo dhibaatooyinkii kala duwan ee ciidammada cadowgu u gaysanayeen ay dadwaynuhu ka qaadeen dhiirranaan iyo isku duubni ay cadowgooda kala hortageen.
 
Wuxuu sheegay in Itoobiya, gudaha iyo dibaddaba, ololahaas lagu fashiliyay, iyadoo diblumaasiyada JWXO ay horseeday in maxfallada caalamiga ah lagu falanqeeyo xadgudubyada ay Itoobiya u gaysato dadwaynaha Ogaadeenya.
 
Guddoomiyuhu wuxuu dadwaynihii Jamhuuriyadda ee shirka ka qayb galay ku guubaabiyay inay ka shaqeeyaan sidii bulshada Soomaaliyeed loo midayn lahaa oo loogu jihayn lahaa inay la dagaallamaan gumayisga dalkoodii qabsaday, wuxuuna kula taliyay inay gumaysiga gacan bir ah kala hortagaan inta uuna si fiican isugu ballaadhinin dalkooda.
 
Intaas ka dib waxaa hadalka lagu soo dhaweeyay guddoomiyaha Jaaliyada Ogaadeenya ee dalka Britain mudane C/shakuur Cali Budul, kaasoo ka qayb galayaasha ku guubaabiyay inay kaalinta kaga aaddan halganka ka soo baxaan, isla markaana ay xusuusnaadaan in halganku uu yahay mid ay filalkoodii hore ka dhaxleen, iyaguna ay filalka soo socda uga tagi doonaan, sidaas darteed looga baahan yahay inayna dayicin taariikh halganeedkii ay awoowyadood uga tageen.
 
Waxaa kaloo iyaguna shirkaas ka hadlay wakiilka Britain u fadhiya Ururka Qurba-joogta Soomaaliyeed, kaasoo ka xogbixiyay xaaladda Soomaaliya iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in ummada soomaaliyeed ay u midowdo xoreynta dalka Soomaaliya ay gumaysiga cusub galay.
 
Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalak Britain ayaa isaguna shirkan ku soo bandhigay barnaamijyo muujinayo xadgudubyada ay ciidammada Itoobiya u gaysataan dadwaynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho. Waxayna barnaamijkaas ku soo bandhigeen muuqaallo iyo cajalado murugo aad u badan ku reebay ka qayb galayaasha shirka oo tilmaamaya burburka iyo baaba’ ay ciidammada Itoobiya u gaysteen dadka iyo dalka Soomaaliya. 
 
Ciidammada gumaysiga Itoobiya oo dad ku laayay Shilaabo.
 
Wararka ka imanaya magaalada Shilaabo ayaa sheegaya in galabnimadii axadda ahayd nawaaxiga Shilaabo laga helay maydka toddoba nin oo ciidammada Itoobiya ay silig ku mirrijiyeen.
 
Raggan ay ciidammada gumayigu laayeen waxay ka mid ahaayeen  dadka reer guuraaga ah eek u dhaqan deegaanka Laba-baar, oo ku ogog-leh magaalada Shilaabo.
Ciidammada Itoobiya ayaa wali wada xasuuqii ay ku hayeen dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya, oo seddexdii bilood ee u denbeeyay ay dhibaatooyin badan ka soo gaadheen gumaadka ay ciidammada Itoobiya gayigaas ka gaysanayaan.
 
16 October 2007
 Axmed Gaal-Eri
 
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmahaa Talaadada & Sabtida  7:00PM – 7:30  waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 17, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com