SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wasiirka Dastuurka iyo Arimaha Federaalka Prof. C/llaahi Sh. Ismaaciil oo Jawaab ka bixiyey shirkii jaraa’id 22-kii Wasiir ee Baarlamaanka ka dalbaday kalsoonida iyo Baydhabo oo u muuqata…

Qoraal uu ka soo saarey Wasiirka Arimaha Dastuurka iyo Federaalka ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Prof. Geedi  Prof. C/llaahi Sh. Ismaaciil oo uu kaga jawaabayey 22-kii Wasiir ee maanlinimadii shalay shir jaraa’id ku qabatey Magaalada Baydhabo ayaa u qornaa sedan:-

Iftiimin   

1.90 (Sagaashan) Maalmood gudahood halagu magacaabo Gudiga Dastuurka iyo arimaha Federaalka.

2.Q.2-aad Farqadiisa 6-aad ee Axdiga KMG ah wuxuu sheegayaa in Gudiga loo sameeyo sharcigii uu ku hawlgeli lahaa, lana horgeeyo Baarlamaanka.

3.24-kii Maarso 2006 ayaa sharciga Baarlamaanku ogolaadey.

4.16-kii Juun 2006, Madaxweynuihu wuxuu ansixiyey sharcigii Baarlamaanku ogolaadey.

Wasiirku wuxuu is weydiiyey,

Su’aal. 

. Goormuu Waqtiga 2-da Sano iyo Barku ka bilaabanayaa?. 

Wasiirku isagoo isu jawaabaya ayaa wuxuu yiri “Waqtiga la xiriira labada Sano iyo Barka wuxuu ka bilaabanayaa 16/6/2006 oo ah maalintii la ansixiyey sharciga, sharciga dhismaha gudiga iyo waajibaadkiisa maadaama aysan jiri Karin intii ka horeysay soo saarista sharciga”. 

Md. C/llaahi Sh. Ismaaciil wuxuu qoraalkiisa ku soo gebagebeeyey Mudada u harsan diyaarinta Dastuurka iyo hawlgelintiisa oo aftidu ku jirto waa sanad iyo laba bilood (14 Bilood), laga bilaabo 1-da Nofembar 2007.

Dhinaca kale Wasiirku waxaa uu xusay in diyaarinta Dastuurku uu marayo meel aad u hormarsan oo ku dhow gebo gebo iyo soo ban dhigid mudo gaaban. 

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xili DFKMG ay mudo sedax Sano jirsatey islamarkaana hawsheeda ay ku soo aruurtey khilaaf iyada dhexdeeda ah, hadalada dadka ku xeel dheer arimaha maamulka, marka dib loo eego mudadii ay jirtey DFKMG  waxay carabka ku adkeynayaan in ilaa iyo hada aan la  dhihikarin dowladu waxay gaartey guulo waaweyn, waxayna ku sababeynayaan mudadii ay jirtey DFKMG waxay ku jirtey khilaaf iyada dhexdeeda oo soo noqnoqdey, dagaal ay kula jirtey Kooxo iyada ka soo horjeeda, mana jiro wax aan ahayn dhimasho, dhaawac iyo bur bur soo gaarey meelaha ay  dagaalka kula gashay kuwa ka soo horjeeda mooyee, mana ahan mid ay soo gebagebaysay hawlihii dagaalka ay ka waday goobihii ay dirirtu ka bilowdey, waxaana Magaalada Baydhabo ka soo cusboonaadey, hadalo hore loogu yeeri jirey Hogaamiye Kooxeedyadii ka jiri jirey Deegaanka kaasoo ah TUHUN IYO TOORA BOORO. 

Marka aad eegto Magaalada dhexdeeda waxaa kuu soo baxaya in ay wax ka jiraan hadaladaasi, waayo markii Magaalada Baydhabo ay ku soo noqdeen Mas’uuliyiinta sare ee DFKMG waxay isu bedeshay meel dadweynaha jooga ay dareemayaan Cabsi aan la saadaalin Karin,  inkastoo  qaar ka mid ah dadweynaha magaalada ay la dhacsan yihiin qaabka ay wax u maamuleyso DFKMG waxayna qabaan in wax weyn ay ka qabatey Dowlada arimaha Amaanka Degmada Baydhabo, islamarkaana ay shaqeynayaan Xafiisyo kala duwan oo ay leedahay Dowladu, sida saldhigii Booliiska, Maxkamadaha Gobolka iyo Degmooyinka, Xafiisyada Gobolka iyo Degmooyinka, kuwa Ciidamada kale ee qalabka sida, kuwaasoo shaqaalaha ka hawlgala aysan qaadan intooda badan wax mushaar ah, 

Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Baydhabo.

SomaliTalk.com | Oct 12, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com