SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

22-tan ka mid ah Wasiirada Xukuumada Prof. Geedi oo shir Jaraa’id ku qabtey Magaalada Baydhabo.

Buubaa “Golaha Wasiirada iyaguna hadii ay isu yimaad intooda badan waa ay fariisan karaan…”
 
Xaabsade “ anaga waxaa ceeb nala ah oo kalsooni xumo nala ah inaan isku adkeyno xilka..”

Caraale “Kulankan waxaa isugu yimid xubno gaaraya 22 oo ka mid ah Golaha Wasiirada, danta kulmisayna waa dan Soomaaliyeed”

 
Wasiirka Haweenka Marwo Aamino “ sidaad la socotaanba in waqtigeena uu dhamaaday ayaan filayaa..”
 
Cali Axmed Jengeli wuxuu yiri “ Xalay waxaan u dirnay 4 Wasiir oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare ku xigeen..”

 
22-ka Wasiir  oo shir jaraa’id ku qabtey abaaro 12-kii iyo qadar 15-daqiiqo ee Khamiis (Oct 11, 2007) meel ku dhow Xaruntii hore ee Ra’iisul Wasaare Geedi ee Magaalada Baydhabo, ayaa  Ujeedada shirkood jaraa’id ku sheegay shan qodob oo ay ka soo saareen fadhi gaar ah oo ay yeesheen magaalada baydhabo, qodobada shirkooda jaraa’id ay ku xuseen ayaa waxaa ka mid ahaa:-
  • 1-markii la arkey khilaafka ka taagan kalsooni weydiisashada Golaha Baarlamaanka,
  • 2-markii ay suuroobi weydey in Xukuumada FKMG ka shirto oo go’aan ka qaadato arita taagan,
  • 3-markii ay sugnaatey in qoraal lagu tilmaamay go’aan Gole Xukuumadeed loo gudbiyey Golaha Baarlamaanka, kaasoo aan waxba ka jirin, wax golaha Xukuumaduna ay go’aansatey aysab ahayn,
  • 4-markii la tixgeliyey sumcad derida ay u keeni karto Xukuumaddu oo diida kalsooni weydiisashada Baarlamaanka,
  • 5-markii Wasiirada Xukuumada ay tixgeliyeen arimahaas waxay go’aan sadeen, in iyadoo la raacayo qodobada Axdiga ee qaybaha 8-aad iyo 9-aad ee Qodobka 11-aad ee Axdiga KMG, in Golaha Xukuumadu kalsooni u qaadaan Golaha Baarlamaanka waqtiga uu sheegay Axdiga ee ah 12 Oktoobar 2007.

 22-ka Wasiir ee ku midaysan go’aankan ayaa waxay kala ahaayeen:-

  1. Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamedi Maxamuud Guuleed {Gacmo dheere},
  2. Wasiirka Amniga Qaranka C/llaahi Cabdi Garuun,
  3. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Maxamedi Tarax,
  4. Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamedi Ibraahim Xaabsade,
  5. Wasiirka Waxbarashada Ismaciil Maxamuud Hurre "Buubaa",
  6. Wasiirka Dekadaha Cali Ismaaciil cabdi {Giir},
  7. Wasiirka Warshadaha Maxamedi C/llaahi Kaamil,
  8. Wasiirka Ganacsiga C/llaahi Axmed Afrax,
  9. Wasiirka Dibu-dhiska C/raxmaan Jaamaca C/lle,
  10. Wasiirka Caafimaadka Qamar Aadan Cali,
  11. Wasiirka Dalxiiska iyo Duuroogta Cali Maxamedi Maxamuud,
  12. Wasiirka Gaashaandhiga C/risaaq Isaaq Biixi,
  13. Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Maxamedi Nuuraani Bakar,
  14. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cali Axmed Jengeli,
  15. Wasiirka Beeraha C/qaadir Nuur Caraale,
  16. Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Aamina Maxamedi Mursal,
  17. Wasiirka Maaliyada Xasan Maxamedi Nuur {Shaati Guduud},
  18. Wasiirka Batroolka iyo Tamarta C/llaahi Yuusuf Xaraare,
  19. Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Horumarinta dhaqaalaha Cali C/llaahi Cosoble,
  20. Wasiirka Garsoorka Xasan Dhimbil Warsame,
  21. Wasiirka Wasaarada Deegaanka Maxamedi Maxamuud Xayd,
  22. Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Madoobe Nuunow Maxamed. 
Wasiirka Dekedaha Cali Ismaciil Cabdi Giir oo ujeedada shirka jaraa’id xusaya ayaa wuxuu yiri “ waxa ugu weyn waa inaan sharciga meel looga dhicin, tan labaad shekhsi shekh-si baan sumcad u leenahaye in Baalamaankeenu aan wediisano kalsooni, hadii aanan weydiisan waxaan u arkeynaa in aan anugu kalsooni nalagu qabin iyo inaan badbaadino khilaafka meesha ka jira, sidoo kale inaan muujino inaan ku kalsoonahay Baarlamaankeena, sababahaas ayaan u sameynay shirkaan jaraa’id, 27-wasiir baa ku sugan Magaalada Baydhabo, shan ayaa naga maqan qaarna waa ay jiran yihiin, Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ayaa naga dhaawacmay Xabad baana si aan kas ahayn uga dhacadey, inta naga maqan cudur daar ayey ku maqan yihiin, mid aan la ogahay iyo mid aan la ogeynba, qaarkood waxay ku maqan yihiin dibada, inkastoo aan booskiisa Wasiirka hawlaha Guud iyo Guriyeynta la buuxin, anagu waxaan go’aankaas aan u gaarnay inaan Qarankii Soomaaliya ku badbaadino, sharafteenuna aan ku badbaadino, intaas waa go’aanka Golaha Xukuumada”.

      

 
 Wasiika Wax-barashada iyo Barbaarinta Md. Ismaaciil Max’uud Hure Buubaa, waxaa uu isna  yiri “ Wasiirada Xukuumada badidooda maanta halkan bay wada fadhiyaan sida laydinku sheegey Waqad ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka loo gudbiyey oo lagu cadeynayo Golaha Wasiirada inay midaysan yihiin, in Qaanuunka lagu dhaqmo, jecel yahayna in si degan oo waafaqsan sharciga wixii u qabsoomaya ugu qabsoomo sidaa ayaan go’aansanay anagoo ilaalinayna wadanka deganaan-shihiisa iyo sharciga, Xukuumadana ay weydiisato Baarlamaanka Kalsooni, iyadoo la fiirinayo Qodobka 11aad ee Axdiga KMG, farqadiisa 8-aad iyo midka 9-aad, in Xukuumadu ay weydiisato Baarlamaanka 12-ka Oktoobar, kaasoo Xildhibaanada badidooda ay isku waa faqsan yihiin, midaas ayaan isugu nimid, waxaana walaahayaga ee Baarlamaanka aan ku wada jirno ka codsanaynaa in si degan oo danta shacabka ay ku jirto loo qabto hawsha”.

Md. Buu baa Mar la weydiiyey in xeer hoosaadka Golaha Wasiirada uu waafaqsan yahay kulankoodan ayaa wuxuu ku jawaabay “Cida kalsoonida weydiisanaysaa waa Golaha wasiirada, waxayna kalsooni weydiisanayaan Golaha Baarlamaanka, , sida aan u soo jeedinay ma ahan Formal ee waa in Formal, waxa laga hadlayaa waa in Baarlamaankii Ummada kalsooni la weydiisato Xukuumada, inta aysan isu imaana Golaha Wasiiradu, Ra’iisul Wasaaraha waan u tagnay waxaana u sheeganay in Xukuumada kalsooni weydiisato Baarlamaanka, taasina suurtagal bay noqonweysay sida qoraalka aad haysataan u xusan si cad uuna u yiri Ra’iisul Wasaaraha, hadii aad adinku is arkaysaan is arka wixii Ra’yi ee uu idiinku yiraahadana ogaada”. 

 
Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamedi Ibraahim Xaabsade oo isna halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu yiri “ anaga waxaa ceeb nala ah oo kalsooni xumo nala ah inaan isku adkeyno xilka weydiisashada kalsoonida aan Baarlamaanka weydiisanayno, waayo Baarlamaanka waan ka tirsanahay, shalay isagaa ogolaansho nasiiyey, isagaana diidi kara ama ogolaan kara waqti ha dhamaado ama yuusan dhamaane, anagu waxaan ku kalsoonahay inaan kalsooniweydiisano Baarlamaanka, hadii uu inoo ogolaado, hadii uusan ogolaana Rag kale oo shaqeynaya meesha lagu bedelo, tan kale warqada sheegaysa in Xukuumada hore go’aan midaysan uga soo gaartey wax jira ma ahan, aniga meel lagu hadal hayo waligey ma joogin wax jirana, ma ahan wax aan jirin anaa rabee yeelna ma ahan Xukuumadu, waxaa weeyey intooda badan ee hada warqadan ku qoran iyo inta kale anagu maajoorati baanu nahay, go’aankayaga anagoo isku kalsoon ku kalsoon Baarlamaankayagana , raali waxaan ku nahay inaan ogolaansho weydiisano Baarlamaanka, cidii aan ku kalsooneyn iyada ayey jirtaa”

Xaabsade mar la weydiiyey sow aintu uma eka mid Jabhadeyn ah, mise Af-gembi miyaa ka dhex jira Golaha Wasiirada dhexdooda? Ayaa wuxuu ku jawaabay “ ma aha mid aan Ra’iisl Wasaaraha ula jeedno, isagu wuxuu noo yahay shir gudoon, madaxna wuu inoo yahay, hadii aanu niri si khilaafka meesha uu uga baxo oo aan u dirnay Gudi oo aanu ku niri na gudoomi ma aha inuu khilaafka iska sii socdo adinkoo leh odayaashii baan is qabtey, cidna meel looga dhacayo ma jirto hadii Ra’iisul Wasaare yahay iyo hadii Madaxweyne yahayba, hadii kalsooni nala siinwaayo waxaan idiin sheegnay in wadanka ay ka jiraan Beero aan ku noolaano oo aan falan karno”. 

 
Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Marwo Aamino Maxamed Mursal oo ka hadashay halkaas ayaa iyaduna waxay tiri “ sidaad la socotaanba in waqtigeena uu dhamaaday ayaan filayaa, aniga waxaan ku hadlayaa codka Haweenka Soomaaliyeed, Haweenka Soomaaliyeed  waligood nabada ayey jecel yihiin, Baalamaanka inaan kalsooni weydiinsano hadii ay inoo ogolaadaan inaan shaqadeena dib ugu noqono shaqadeena ayaan dib ugu noqonaynaa, hadii ay diidaana sida uu sheegay wasiirka Gaadiidka waxaan qabaa in ruux kasta Beertiisa uu iska fash-to, Qoraalka uu waday Wasiirka Dastuurka waan la socdey, laakiin waxaa lagu balan sanaa in todobaad kadib laga wada hadlo ee marka qoraalkaasi wax ka jira malaha”.

 
Wasiirka Beeraha C/qaadir Nuur Caraale oo isna halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu yiri “Kulankan waxaa isugu yimid xubno gaaraya 22 oo ka mid ah Golaha Wasiirada, danta kulmisayna waa dan Soomaaliyeed, sidaad la socotaan Golaha Wasiirada markooda hore waxaa laga soo dhex xulay Baarlamaanka, wayna ka tirsan yihiin waxaana aamin sanahay Golaha wasiirada xubno ka mid ah in Shaqo wanaagsan ay qabteen, hadii ay dhacdo dhaliilo ah in kalsooni weydiista Baarlamaanka, waxaan filayaa inaan ,marka hore ka nimid Baarlamaanka, kalsooni inaan weydiisano wax dhib ah uma arko, iyadoo si kalsooni iyo nidba ay ku jirto, waana mid aduunka oo dhanka jirta, mana jiro nin saacad kasta iskaga fadhinaya kursiga, hadii uu rabo Gudoonka Wasiirada ha noqodee, sababtoo ah anagu waxaan diidaynaa is-qabqabsi siyaasadeed oo daba dheeraada, islamarkaana bur bur keena oo u keena Golaha Baarlamaanka, Golaha Wasiirada iyo Shacabka ayaan diidaynaa inay dhacdo, waayo waa wax fudud oo la dhameystiri karo, waxaana jirey qodob dhahaya Hadii dowladu ay ku dhameystiri weydo mudo 2-Sano iyo Bar Dastuurkii dalka waa inay kalsooni weydiisataa Baarlamaanka, runtii Wasiirka Dastuurka wax-yaabo badan ayuu keentey in 2-Sano iyo Bar lagu dhameytiriwaayo dastuurka, taasi waa dood, Qodobka dastuuriga ayaa wax kasta ka weyn, marka naloo ogolaado dood waan ka furi karnaa, laakiin waxaa ka horeyso in kalsooni aan weydiisano Baarlamaanka, kadibna Xukuumada waxa ay isku difaaci karto ay la timaado si kalsoonida ay u hesho, kulankaanina ma ahan mid wax lagu xumayno ee waa mid la doonayo in lagu hagaajiyo wadanka horumarkiisa si loo qaado tilaabo deg deg ah, waayo shan sano ayaan qabsanay, waxaana uga gudbi karaa hadii aan shaqeyno nidaam iyo dimogoraasiyad, hadii aan si dhab ah u shaqeyno”.

 
Cali Axmed Jengeli oo isna wuxuu yiri “ Xalay waxaan u dirnay 4 Wasiir oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare ku xigeen Saalim Caliyow, Anigoo Cali ah, Gacmo dheere Cali Xareed, waxaana ka codsanay inuu shir qabto si qoraalka aan waxba ka jirin ee Golaha Wasiirada aan uga fariisano, islamarkaana aan ra’yigayaga aan uga dhiibano, waayo Go’aamkaasi mid sax ah ma ahayn, waxaana loo balamay mudo todobaad kadib, sidaas darted markii aan ogaanay qoraalkaas beenta ah in Baarlamaanka loo gudbiyey, waxaan ka codsanay ku xigeenka Ra’iisl Wasaaruhu, isagoo fadhigayaga hore noo gudoominayey, hadana isaga ayaaaba ogol inuu idiin cadeeyo arinkaas, mana ahan go’aankaasi mid dhacay oo waana u sheegnay Ra’iisul Wasaaraha in shir uu qabto, taasina wuu diiday, wuxuuna yiri “hadii aad kulmeysaan kulma, wax nala fasaxay bay ahayd, anaguna waan shirnay ee go’aankii runta ahaa ee inaan go’aan la gaarin Golahaa Wasiirada ayaan meesha ku cadeynay, waxaa kaloo cadeynay in aan diyaar u nahay kalsoonida ee ma ahan Ra’iisul Wasaaraha oo keli ah in uu kalsoonida weydiisanayo, Golaha Wasiirada marka sedax loo dhigo 2- meel ayaa diyaar u ah in kalsooni weydiisato Baarlamaanka, Gole kasta marka laba meel uu isku raaco go’aan xitaa marka sharciga wax laga bedelayo waa arin dhamaatey oo golaha Wasiiradu ay ka go’an tahay in kalsoonida Baarlamaanka weydiistaan”. 
 
Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Baydhabo.

SomaliTalk.com | Oct 11, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com