SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dafooy Gurigaa Ba’a

amiinW/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Bahashan Dafada la yiraahdo waxay ka mid tahay haadda duusha, waxayna si aad ah u jeceshahay ama u cuntaa hilibka, waxaana dafadani inta badan lagu yaqaan dhulka baadiyaha ah, hase yeeshee waqtiyadan dambe waxay soo gashay Magaalooyinka, waxaana maalmahan Magaalada Muqdisho ku soo batay dafadaas iyo bahalka Dukaha la yiraahdo, waxaana inta badan lagu dul arkaa Antoonooyinka dhaadheer ee ay leeyihiin shirkadaha Isgaarsiinta, waayo waagii hore marka lagu arko daafooyinkaasi Geedaha, dhibaatooyin u gaysan jiray carruuta oo tuuryeen jiray, hase yeeshee maanta waxay heshay fursad ay kaga badbaado carruurtaasi, waxayna iska dul saaran tahay hanteenooyinka dhaadheer oo ay ka gaado dadka dhulka socda, oo markaasi gacanta wax ugu jiraan, inta badanna waxay gaadaa hilibka.

inta aanan u sii guda gelin haadaas Dafada la yiraahdo, bal aan dib u qooraansano dhacdooyin la yaab leh oo ka dhacay Magaalada Muqdisho oo intooda badan ay sababeen xayawaanaad kala duwan.

Haweenay lacag boqol Doolar ah ka soo qaadatay mid ka mid ah Xawaaladaha Muqdisho ayaa iyadoo ka cabsaneysa in laga isbaareysto, waxa ay lacagtii ku soo qarisay mar ay ka soo adeegatay suuqa Bakaaraha dambiil uu ka buuxay Buunshe, markii ay guriga sidaasi u soo dhigtay ayaa labo neef oo Ari Carbeed ah oo ay ka caddahay waxay ku soo qamaameen dambiishii, waxayna markiiba boosiis u galeen Buunshihii dambiisha ku jiray, waxaana qacdii horaba lacagtii boqolka doolar ahayd ee ku dhex jiray Buunsha afka u gashay mid ka mid ah Ari Carbeedkii, markiiba waxaa soo jeestay Islaantii, waxayna aragtay Buunshihii dambiisha ku jiray oo gabaabsi ku sii jira, iyadu buunsha dan kama laheyn, balse waxaa maskaxdeeda ku soo dhacday lacagtii ay duub-duubtay ee ay dambiisha ku dhex qarisay, waxayna markiiba baaritaan ku sameysay buunshihii dhexdiisa, markii ay weysayna inta ay naxday ay ku calaacashay “Alla lacagteydii Boqolka Doolar ahayd”, waxayna markiiba u yeertay gabar ay dhashay, waxayna ku tiri “yaa leh labadan neef Ari carbeedka ah?”, waxayna gabadhii ku jawaabtay Hooyo waxaa leh Islaanta deriskeena ah ee la yiraahdo Cambaro, markiibana inta dhexda xiratay ayay waxay tiri “waa aniga iyo reer cambaro waxa na dhex mara, ama boqolka ayey  bixinayaan mise labada neef ayaa mindida la marinayaa si looga soo saaro lacagtaasi”.

Markii reer Cambaro gaartay arrintii ayaa gar loo fariistay, wax la lafaguraba oo laga doodo arrinta fajicisada ah, ayaa waxaa la go’aamiyey in labada neef la qalo ayna bixiso qiimahooda islaanta ay lacagtu ka maqan tahay.

Labadii neef markii la qalay oo uuskoodii la jeexay ayaa waxaa la soo saaray boqolkii Doolar oo googo’ay, Islaantii labo khasaare ayaa u soo hoyotay mid waa boqolkii Doolar oo ay weysay halka mid kalana uu ahaa iyadoo bixisay qarashkii labadii neef, waxayse kaalme yar ka heshay hilibkii labadaasi neef markii la iibiyey.

Aan u soo laabano bahashii Dafada ahayd, anigoo fadhiya meel darbi ah saacadduna tahay 5:00 galabnimo loona diyaar-garoobayo afurkii ayaa nin xooggaa yar oo timir ah gacanta ku sitay waxaa mar qura indhaheygu qabteen Dafo isla markiiba ninkii timirtii ka daftay, sidoo kale wiil yar oo loo dirsaday in uu soo iibiyo xooggaa yar oo hilib ah ayaa markii uu soo iibiyey hilibkii oo u soo socdo gurigii, waxaa hilibkii ka dafay Dafo, canugii oo sasan ayaa gurigii dib ugu soo laabtay isagoo leh “Hooyo shimbir weyn ayaa hilibkii iga dafay”.

Dhacdooyinkaan aniga oo la yaaban rumeysanna la’ in Dafo ay soo haweysaneyso Bini’aadam gaar ahaan dadka waaweyn ayaa waxaa todobaadkii hore Gabar walaashay ah oo gacan ku wadatay Hilib gacanna ku wadatay 20$ laabaatan Doolar oo ku duubneyd Xaashi ayaa iyadoo ku sii dhow gurigeeda, waxaa waxyaabihii gacmaheeda ku jiray soo haweystay Dafo, hase yeeshee Dafada bartilmaameedkeedu waxa uu ahaa in ay dafto hilibka  ay gabadhu wadatay, balse waxay beegsatay gacantii lacagtu ugu jirtay, waxayna halkaa ku daftay 20$-kii Doolar.

Gabadhii inta naxday ayay waxay ku qaylisay “Alla….Alla….Alla…”.Dafadiina inta ay labo jiiro gashay ayay ku miriqday Magaalada Muqdisho, waxayna gabadhii ogotaay in lacagtaasi daysay, waxayna soo gaartay gurigii, dadkii xaafadda ayaa jug isugu soo yiri, waxayna weydiyeen waxa ku dhacay, waxayna u sheegtay in lacag 20$ ah ay Dafo ka daftay, Gabar ka mid ah dadkii deriska ahaa soo jeedisay in la raadiyo, basle mid kale ayaa ku qososhay oo iyana muujisay in aysan jirin meel loo raadin karo, waxaase Islaan ka mid ah Islaamihii meesha ku soo xoomay soo jeedisay arrin aan lagu tashan, waxayna tiri “Naa heblaayo ma ogid miyaa haadda mararka qaar la adeegsado, waxaan u maleynayaa in lacagtii maanta lagu baashaalayo”, inta mar qura la wada qoslay ayaa la wada yiri “naa naga aamus waxaas dad yaqaana wadankeena ma joogaane”, isku soo wada duuboo Haweenkii meesha isugu yimid ayaa mid waliba iyadoo oroneysa “Dafooy Gurigaan Ba’a…. Dafooy Gurigaan Ba’a, maanta wixii ka dambeeya waa in aan iska kaa ilaalinaa”

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

 II CODDEE: “Ii coddee”, “kuu coddeyn maayo”, “war ha loo coddeeyo”, “War yaan loo coddeyn”

SomaliTalk.com | Oct 9, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com