SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Ogaysiis

United Somali Diaspora
Waxay u soo bandhigaysaa bulshada Soomaaliyeed
Daah ka Qaadista Dhibka Soomaaliya
&
Dib u soo celinta Rajada


Eeg flyer-ka oo weyn(pdf)
ama img

Ururka Midowga Qurba joogta Soomaaliyeed (United Somali Diaspora) waxay ogaysiinayaan dhamaan Soomaalida ku nool Maraykanka, Gobolka Minnesota iyo Nawaaxigiisa inay u soo qaban qaabiyeen shir aad looga soo shaqeeyey, laguna qaban doono xarunta caan ka ah Minneapolis Convention Center. Shirka oo looga hadli doono danaha Soomaalida Minnesota, Maraykanka iyo Soomaaliyaba. Shirkan oo ka kooban laba qaybood oo kala ah " Daah ka qaadida Dhibka Soomaaliya & Dib usoo celinta Rajada " Waxaa ku casuman marti sharaf aad looga yaqaan bulshada Soomaalida dhexdeeda kuna leh qadarin, Marti sharaftaas oo ka kala imaan doona meelo kala duwan sida: Maraykanka, Yurub iyo Africa.

Waxaa laga codsanayaa kasoo qayb galayaasha Sharafta leh inay waqtiga ilaaliyaan kuna yimaadaan xiliga ku qoran flayer-ka.

Soo xaadiritaan 2:45pm bilaabasho 3:00pm

xiriir: unitedsomalid@gmail.com

Goobta shirku ka dhici doono, xiliga iyo Faah faahin intaa dheer ka bogo Flayerka (PDF). ama eeg halkan (img)

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com