SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UN-GENEVA

Bannaanbax looga soo horjeeday xasuuqa iyo Barakicinta ay Ciidamada Gumeystaha Itoobiya kula kacayaan Ummada Soomaaliyeed oo ka dhacay Magaalada Geneve UN-ka hortiisa.

m1
UN-ka Geneva

Banaanbax aad u balaaran ay soo abaabuleen Ururada Dhalinyarada & bulshada ee Midowga jaaliyadaha Switzerland oo maanta 23.11.07, ka dhacay Magaalada Geneve ee cariga Switzerland.


Daawo Video-ga Mudaaharaadka


m77

Mudaharaadkaas oo looga soo horjeeday xasuuqa iyo Barakicinta baaxada leh ee ay Ciidamada Gumeystaha madoow ee xabashada kula kacayaan, dhamaan Ummada Soomaaliyeed si kala har aan lahayn ! qaasatan shacabka Muqdisho.

Dad tiradooda ay kor u dhaaftay ilaa iyo ku dhowaad 500 qof ayaa Jimcadii 23.11.2007 isugu soo baxay United Nations-ka, Geneve, Xarunta Qaramada Midoobey (UN-ka). 

m78

Isku soo baxaan oo loogu magacdaray (Ilintii Somalia) ayaa ahaa mid ula jeedkiisu aheyd mid jaaliyadaha Somaliyeed ee ku dhaqan cariga Switzerland, sida ay uga xun yihiin, kagana ashtakoonayaan caalamka, dhibaatada baaxada leh, Xasuuqa aan loo meel dayan, barakicinta aan taariikhda aadanaha lagu arag, caburinta ay Gumeystaha madoow ee Xabashida ku hayaan Shacab weynaha soomaaliyeed.

m76

Jaaliyadaha Somaliyeed ee Switzerland, oo aad iyo aad ugu careysan aamusnaanta beesha caalamka, qaasatan UN-ka, (Qaramada Midoobay) ayaa sitay Boorar ku qoran halku dhegyo iyo sawiro taariikhdu xusi doonto, muujineysayna falalka arxan darada iyo Halaaga umada Somaliyeed loo geeystay, iyadoo loo adeegsanaayo, calooshood u shaqeystayaal iyo Dowlada fashistaha ah ee Ethiopia.

m72

EREYADA AY KU DHAWAAQAYEEN SHACABKII MUDAAHARAADAYAY AYAA WAXAA KA MID AHAA.-

  • MUQDISHO, DARFURTA CUSUB, EE QARAMADA MIDOOBAY KA SAMEYSATAY GEESKA AFRIKA.
  • ETHIOPIA HADHACDO, KALIGII TALIYE MELES HA DHOCO, HADHOCO GUMEYSIGA, HADHACAAN DABA DHILIFYADA, BUSH HADHACO,
  • AAMUSNAANTA CAALAMKA EE XAALADA MURUGADA LEH EE SOOMAALIYA, WAXAY CADEYNEYSAA KA KA RAALI AHAANSHAHA XASUUQA SHACABKA SOOMAALIYEED !
  • QARAMADA MIDOOBAAY, AANO DARTEED MAAD ETHIOPIAN NOOGU SOO HUBEYSEEN ?
  • SAAXIIBKA ETHIOPIA WAA CADOWGA JIRITAANKA XAQUUQUL INSAANKA !
  • ETHIOPIA WAA IN SI DEG DEG AH LOOGA SAARAA SOOMAALIYA iwm

m79

Waxaa halkaas ka hadlay, oo kasoo jeediyay qudbado xasaasi ah, Sheikh Cafif. Oo ka socday gudiyada Bern.

Waxaa xigsaday Axmed Dhicisow (Zurich), oo ah caaqiliinta Soomaaliyeed ee dalkana ku dhaqan, waxaa kaloo ka hadashay, goobtaas, Xaliima Sacdiya (geneve) Mustaf Bashiir (Goobdoon Zurich)  Qalimoow, (Zurich) iyadoo uu soo qatimay qudbooyinka Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Bern (Dr Aadan Ibraahim).

Gudi ka kooban jaaliyadaha gobolada Switzerland ayaa u gudbiyay, xoghaynta Amniga iyo xoghaynta guud ee qaramada midoobay, warqad ay si wada jir ah u soo diyaariyeen, gudiga qabanqaabada iyo Jaaliyadaha Somaliyeey ee Switzerland, taasoo ay hoosta ugu xariiqeen, dacwad ka dhan ah, horjoogayaasha xasuuqa ba’an ee ciidamada gumeysiga xabashada ka wadaan dalka Somaliya iyo, ka kaalmo la i’da shacabka la barakiciyay ee beesha caalamka.

m85

Waxaa kaloo daba socday, iyadoo mar walbaa uu ka soo baxo qof xafiiska qaramada midoobay, in dhalinyaro somalia ah ay gacanta kasaarayeen, warqad muujineysay xaalada murugada iyo nasiibdarada haysata somaliya.

Sharaxaad koobana ka bixineysay, Waxa mudaaharaadka ku saabsan yahay, Iyadoo sidoo kale la wargelinaayay, dad weynaha reer Geneve guud ahaan.

Ma ahan markii ugu horaysay ee Switzerland laga dhigo banaanbaxan oo kale, Waxa uuna daba socdaa, kuwa ka dhaca qaarada Yurub iyo Amerika Jaaliyadahana waxey balan ku qaadeen in ay wadayaan illaa iyo inta uu gumeysiga Ethiopia wadanka uu kabaxayo.

SomaliSwiss Yusuf Garabey
SomaliSwiss@hotmail.com

Banaanbax ka dhacay shalay magaalada GENEVA ee wadanka SWITZERLAND

Bannaabax ballaaran oo looga soo horjeeday dilka barakaca ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya iyo weerarada gardarada ah ee sababay dhimasho dad badan oo rayid ah, bililiqo, dhac iyo boob is biirsaday oo ay shacabka Soomaaliyeed ku hayaan  ayaa maalintii jimcada aheyd ka dhacay magaalada GENEVA ee dalka switzerland. Bannaabaxaas oo ay kasoo qeyb qaleen dadweyne aad u fara badan oo isugu jiray haweenka, culimada, aqoonyahannada, waxgaradka, cuqaasha, dhalinyarada iyo carruurta soomaaliyeed ee ku nool wadanka Switzerland kuwaasoo ka kala yimid gobolada dalka.

Bannaanbaxa ayaa waxaa uu ka billowday kasoo horjeedka xafiiska UN ka ama qaramada midoobay ay ku leedahay dalka switzerland ee GENEVA. Dadkii halkaas isugu soo baxay ayaa waxey ku dhawaaqayeen ereyo ay kaga soo horjeedaan joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya iyo gardarada qaawan ay ku baabiěnayaan shacabka soomaaliyeed. Bannaanbaxayaasha ayaa waxey tageen xafiiska Qaramada midowga iyadoo qabanqaabiyeyaasha bannaanbaxa ay halkaas kula kulmeen Ergey gaar ah oo ay qaramada midooway u xilsaartay loona gudbiyay qoraalo ku aadan banaanbaxa  asagoo u balanqaaday inuu farriintooda gaarsiin doono madaxda ugu sarreysa Ururka Qaramada midoobey una gudbiyeen bayaan dheer oo aan kasoo qaadan karno arimaha soo socda:   

·        Itoobiya waa inay si deg deg ah ugala baxdaa ciidamadeeda dhulka soomaaliya

·        Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland waxey cambaareyn kulul dusha uga tuuraysaa dhammaan hawlgallada melleteri ee ka dhacaya wadanka soomaaliya, waxeyna soo jeedineysaa inaan xoog waxba lagu xalli karin ee wadada kaliya ee lagu gaari karo nabadda iyo horumarka ay tahay miiska wadahalka iney isugu yimaadaan dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed.

·        Dowladda Mareykanka waa iney joojisaa taageerada indho la’aanta ah ay u fidineyso itoobiya si loo xasuuqo dadka soomaaliyeed, isla markaana ay ka saartaa ciidamadeeda.

·        Bulshada caalamka waa iney kasoo baxaan waajibaadka kaga aadan arimaha soomaaliya, isla markaana ay fiiro gooni ah u yeeshaan tacadiyada loo geysanayo bulshada rayidka ah iyo saxaafadaha.

 Bannaanbaxaas ayaa waxaa ka hadlay odayaal, siyaasiyiin, waxgarad, badan oo run ahaantii shucuurtooda wadaniyad aad  u kacsaneyd maadaama lagu xadgudbay shucuurdii caalamiga iyo kuwii dalka iyo bini’aadamnimo. 

Waxaa lagu soo gunaananay abaahiriii 17H00 galabnimo laguna balamay in lasii wadi doono kacdoonkaan oo kale ee lagu doonayo in soomaaliya xornimadeeda iyo madaxbanaanideeda laxaqiijiyo.

Mahadsanidiin 

Abukar Mursal Cabduqaadir (Sanka)
Switzerland
abukar_mursal@net2000.ch

Sawirada bannaanbaxa hoos ka daawo

 

m1 m66 m67 m68 m69 m70 m71 m72 m73 m75   m76 m77 m78 m79 m85

Sawirada: SomaliSwiss Yusuf Garabey
SomaliSwiss@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 24, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com