SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

GOGOLDHIGGA GANACSIGA 
(DURUUS TAXANE AH)

CUTUBKA 5AAD 
 
MAAMULKA IYO MAAMULAHA

DULUCDA CUTUBKA

Qaybta: 1aad... | 2aad | 3aad...


Suldaan Nayruus X. Aadan

Marka aad akhriso cutubkaan waxaad fahmi doontaa mawduucyadaan soo-socda: 
 

  • Fikrad ahaan maamulka.
  • Maamulaha, tayadiisa iyo hawalaha uu qabto.
  • Qaabka loo maareeyo shaqaale-qoridda.
  • Astaamaha wacan iyo kuwa aan habboonayn ee shaqo-codsadeha. 

MAAMULKA IYO MAAMULAHA

Dadka wax ka qora maamulka waxay ku qeexeen, qeexitaanno fara badan oo kala duwan, waxaan-se halkaan ku sheegaynaa dhawr ka mid ah qeexitaannadaas: 

      ‘Samuel C. Certo,: wuxuu maamulka ku qeexay, sidan; “Maamulku waa nidaam lagu gaaro ujeedooyin urur, iyadoo lala shaqaynayo ama la kaashanayo dadka, khayraadka ama ilaha dhaqaale ee ururkaas”. 

      ‘Ivancevich, Donnelly, and Gibson,: waxay iyaguna ku qeexeen maamulka sida tan; “Maamulku waa nidaam uu qabto hal ama in ka badan oo dad ah, si la isugu dubba-rido wax-qabadka dadka kale, si markaas loo gaaro natiijooyin uu san hal qof gaari karin”. 

      ‘Foyl,: wuxuu isna ku qeexay maamulka sidan; “Maamulku waa fikrad, farsamo iyo hab, taas oo awood u siisa in la gaaro ahdaaf iyo ujeedooyin gaara, laguna gaaro hannaan wax-qabad fiican leh oo sidii loogu tala-galay u taabba-gala”. 

      Marka loo eego qoraha Qormadaan; “Maamulku waa halka habsami looga abaabulo daryeelidda gaaritaanka danaha guud ee urur, waana hab ay dad kuwa shaqeeyaan iyadoo la adeegsanayo ilo-dhaqaale, si loo gaaro himilooyin lagu wada midaysan yahay, iyadoon walina aan la beer-dareyn ilahaas dhaqeele. Taasi micneheedu waxaa weeye, in la isticmaalo; lacagta ugu macquulsan, waqtiga ugu macquulsan, walaxaha ugu macquulsan iyo waliba dadka ugu macquulsan”.  
 

       Haddaba, haddii uu maamulku yahay nidaam ama hab lagu tiigsado ujeeddooyin fog-fog iyo ku dhow-dhowba, waxaa lama huraan ah in ganacsigu uu yeesho maamul iyo waliba maamule-yaal si loo gaaro ujeeddooyinka iyo ahdaafta ganacsiga. 

MAAMULUHU WAA TIIR-DHAXAADKA GUULAHA GANACSIGA

 
Tayada iyo kartida maamuluhu waxay aad muhiim ugu tahay liibaanta shirkad kasta. Shirkadaha kaliya kuma liibaanaane, xitaa wuxuu lagama maarmaan u yahay dawladda, ururada aan ganacsiga ku shaqo lahayn iyo Jaamacadahaba. Wuxuu Maamuluhu lama huraan u yahay meel walba iyo ganacsi kasta. Marka uu ganacsigu koro, oo aad u ballaarto, maamuluhu wuxuu u magacaabaa maamule-yaal kale oo heer dhexe iyo hoosaba ah, qaybaha iyo waaxaha kala duwan ee shirkaddaas ama ururkaas. 
 

      Haddii aan ogaannay in uu maamuluhu yahay laf-dhabarka ganacsi kasta, isla mar ahaantaasna  mas’uul ka yahay horumarinta iyo bullaalinta ganacsiga ayaa waxaa is-waydiin mudan qofka uu yahay “Maamule”.

WAA KUMA MAAMULE?

Maamuluhu waa qofka ugu sarreeya ee ay ka soo fulaan kuna hoorsadaan hawlaha iyo ammarada la xiriira hoggaaminta shaqo fulinta, wuxuuna mas’uul ka yahay dhammaan arrimaha maamulkaasi ku saabsan yahay, mid shirkadeed iyo mid haayadeed intaba. 

      Maamuluhu waa ruuxa dejiya qorshaye-yaasha, cayima himilooyinka, qaata go’aannada. Waa ruuxa haga, dhiirri-galiya, wax ka dhaadhiciya, hoggaamiya dadka kale mas’uulna ka ah shaqadooda. Maamuluhu ma abuuro dhibaatooyin ee waa kan xalliya. Wuxuu koontoroolaa, amarrana siiya gacan-yare-yaashiisa iyo shaqaalihiisa isagoo u abuura deegaan wacan oo shaqada si hawl-sami ah loo socod siiyo. Maamuluhu wuxuu u dhigmaa dad badan, maxaa wacay, waa ruux saadaaliya ama oddorosa waxa dhici kara, caaqil ah, taariikh-yahan ah, xisaab-yahan ah, yaqaanana cilmi-nafsiga.  
 

      Waa caaqil, sababta oo ah, go’aan walba oo uu qaadanayo wuxuu ku saleeyaa sababo. Waa tariikh-yahan, sababta oo ah, khibraddiisii hore ayuu wuxuu u isticmaalaa xaaladaha hadda jira. Waa xisaab-yahan, sababta oo ah, wuxuu yaqaanaa ribixa ama faa’iidada, maaliyadda iyo aragti-mustaqbaleedka ururkiisa. Waa cilmi-nafsi-yaqaan, sababta oo ah, wuxuu yaqaanaa aragtiyada iyo maanka maamula-yaasha ka hooseeya iyo dhammaan shaqaalahaba. 

CASHARKA IYO SETIMAANKA DAMBE

Waxaad Setimaanka dambe la socon doontaan Qayb kale oo ka mid ah Cutubkaan oo shaarraxaya; Tayada maamulaha.

Qoraha: S. Nayruus

Goobta: Karachi, Pakistan

E-mail-ka: snayruus@hotmail.com iyo nayruus@gmail.com  
Mobile-ka:  +92-345-8118910. 
 

ILAHA XOG-URURINTA 

  • A practical Introduction to Business    By: Koontz and Fulmer
  • Accounting- The basis for business decisions  By: Meigs, Williams, Haka & Buttner.
  • Strategic Management – Concepts and Cases  By: Fred R. David.
  • Business Research Methods     By: Emory.
  • An Integrated Approach to Business Studies    By: Bruce R. Jewell
  • Business Accounting     By:  Frank Wood & Alan Sangster.
  • Business Law       By: Ronald A. Anderson.
  • Financial Management of the Small Firms   By: Walker W. Pitty.
  • Principles of Commerce and New Management  By: M. A. Khalid.
  • The Business – Problems and Solutions    By: Skatler.
  • Qaamuuska Af-Somaliga     By: Keenadiid. 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com