SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

YAA RAYSAL WASAARE KU HABOON?

W.Q. Xildhibaan Ibrahim Maxamed Deeq

imdeeq@hotmail.com

Baydhabo | Soomaaliya


Waddaniyiintii waagii nabadda, Soomaali u heesi jitrey, waxay is weeydiintan oo kale ka yiraahdeen: “ waa su’aal da’ waynoo madaxa daalinaysee, adoo deggan u fiirsoo, ujeeddada na deeqsii” sidaa darteed in kastoo la iga figrad balaadhan karo, haddana waxaan ugu yaraan wax ka odhan karaa saadaashan muhiimka ah ee aaytiinka ummadda soomaaliyeed saamaynta weyn ku leh. Taas oo ay igu kalifayso masuuliyadda culus ee aan guud ahaan ummaddan dhibaataysan ee tacaddiga aan yarayn loo geystey, u hayo iyo jacaylka aan soo noqoshada Soomaaliya oo mid ah u qabo.

Sideedabana, hogaan-xumadu, waxba kama tarto, is-bedel dad jira u horseeda horumar nololeed iyo deganaansho siyaasadeed oo ay labadaba wakhtigan soomaalidu baahi weyn u qabto. Waxaase nolosha aadanaha bila oo wax ku soo kordhiya hogaamiyaha u ban-baxa adeegga guud ee bulshadiisa ee had iyo goor si cilmi ku dhisan uga fekera mashaqada haysata ama, ku soo fool leh dalkiisa iyo dadkiisa, isla markaana, sidii ay dadkiisu ummadaha caalamka ula mid noqon lahaayeen ficiladiisa siyaasadeed iyo hab-maamulkiisaba saldhig adag uga dhiga. Balse masuulkii waajib qaran guudka loo saaro ee masuqmaasuq iyo wax-qabad xumo ay daacad-darro ka dambayso, iyo karti la’aan ay aqoon darro hagayso oo danaystanimo lagu hungoobayo ku sii lamaan tahay, ku sifoobaa, shacabkiisa kama kasban karo magac wanaagsan oo u baxa iyo maamuus ay ummaddiisu u aqoonsato oo uu, mustaqbalka intifaacsado. “hilibkiisi buu cunay, nin hagraday dhulkisii” “Xasan Diiriye Faarax”

Intaas kaddib, xaaladda aynu dhamaanteen ka war-qabno ee ay dalka Soomaaliya iyo dadkiisu ku sugan yihiin ee liidata iyo hogaamiyaha maanta loo xulan karo inuu ka arrimiyo oo xal iyo nidaam ay dhibka jira kaga baxaan maskaxdiisa in laga helo lagu aamini karaa wuu ka gun-dheer yahay in lagu saleeyo cabbirrada ay waayahan soomaalidu caadaysatey ee haadaanta dheer danihii dadkan is bur-bur-buriyey ee la isu adeegsaday ka tuuray. Xafiiskan muhiimka ah ee  dadkan kala irdhoobey inuu waajibaad qaran, u fuliyo laga sugayaa, cidda qabanaysaa kuma iman karto raali gelin looga gudbayo ballan qaad hore iyo tix-gelin saaxiibtinimo la isku ixtiraamayo ama, qof jaclaysi, si gaar ah loo beegsanayo oo intuba, aan wax faa’iido ah u lahayn, fulinta adeegga guud ee dalka ee ay dadka soomaaliyeed inay dawladdoodu u xaqiijiso ka sugayaan.

Ra’iisul wasaaraha hagi doona xukuumadda bedelaysa, golihii saddexda sanadood ee aan dalkan la gabay ka go’in khasaariyey, xulashadiisu waxay u baahan tahay baaran-deg dheer oo si fog oo waddaninimo ku dheehan tahay looga fiirsado iyo cabbirka soo dhiraan-dhirintiisa lagu salaynayo oo aan madaxweynaha Soomaaliya looga maarmin inuu isagoo baahida dadkiisa iyo xaqiiqda taaggan ee aan laga boodi karin ka shidaal qaadanaya, shiishka la helo masuul halgankiisa shaqo ay wax-tar iyo horumar u dhali karto qarankan bur-buray ee muddada dheer, ay dadkiisu colaadaha sokeeye ka sokoow, dawlad la’aantii iyo nidaam-darradii haleeshay, daba qabashadeeda iyo xal-u-helideeda wakhtiyo kala duwan loo caal waayey. Magacaabista qofkan oo fikir dan guud waafaqsan lagu raadiyo, isla markaana raysul wasaare hufan oo karti aqooneed iyo daacadnimo uu leeyahay oo qudha shaqadan culus loogu dhiibaa waa tallaabo loo qaaday dhinaca is-xukunka-suubban oo dawladda federaalka ah u sahli kara sidii ay u hanan lahayd amniga iyo maamulka dalka.

Maanta oo ay muddo yari ka hadhay xiligii loogu talo galay inay dawladdu ku hir-geliso waajibaadyo fara badan oo dadka soomaaliyeed wax-tar iyo mustaqbal wanaagsan u noqon kara; guddoomiyaha golaha fulinta ee soomaali laga dhex doonayaa waa inuu noqdaa mid Soomaaliya, wax ku soo kordhin kara oo aan wakhti qaali ah oo ay ummaddu u baahan tahay ka luminayn. Ra’iisul wasaraha loo baahan yahay waa inuu ku xisaabtamaa muddo laba sanadood ka yar oo uu u, haysto inuu ku fuliyo hawl aan si fudud looga gun gaari karin oo. Madaxweyne magacaabay iyo baarlamaan la xisaabtamayaa u caleemo saari doonaan. Midaynta ummadda soomaaliyeed ee kala yaacday, ama xal u helidda dadka ku adkaysanaya inay soomaali ka go’een iyo kala qoqobnaanta dadka dhex taal, isu keenideeda iyo qaramayntoodu waa mid dusha ka saaran xukuumadda ra’iisul wasaaraha la sugayo ee iman doona oo laga yaabo inuusan aad u fahamsanayn hawsha halkan u taal.

Hir-gelinta nidaamka federaalka oo horay xukuumaddii hore ugu guul-darraysatay iyo dhamaystirka dib-u-heshiisiinta dadkii colaadahu dhex marayeen iyo weliba xaqiijinta nidaam dawli ah oo ay si nabad ah dadku u ayidaan ayaa ka mid ah hawlaha waaweyn ee ra’iisul wasaraha cusub hor yaal. Adeeg cafimaad iyo waxbarasho tayo leh oo ay ugu horayso midaynta manaahiijta guud ee sida kala duwan dalka looga fuliyo ayaa ka mid noqon kara shaqooyinka ugu fudud ee qofka jagada ra’isul wasaarenimada ku soo ordaya iyo golaha wasiirada ee uu dhisi doono inay xal u helaan laga rabo. Sidaa awgeed shaqsiga imanayaa waa inuu noqdaa hogaamiye fikir ballaaran kaashanaya oo afkaar qaranimo oo qodobadaas oo dhan iyo kuwo kale oo dal yeelan karo garaadkiisu koobi karo.

Dawlad aan ciidan lahayn sharafkeeda gobanimo iyo magaceeda qaran, ceeb iyo fool xumo aan jiritaankeeda bad-baadin karin baa wakhti kasta soo food-saari karta, madaxbanaanideedana nuqsaan baa ku jirta, sidaa awgeed, ciidan milateri oo ku filan difaaca dalka iyo mid booliis oo nabad gelyada dadka iyo hantidooda kaafiya oo aan hadda wax fiicani ka jirin ayaa laga sugayaa dawladda cusub ee dhismi doonta. Marka hogaamiyaha xilkan culus qaadayaa waa inuu noqdaa mid ay dhab ka tahay hir-gelinta nidaam dawladnimo oo Soomaaliya xukunkeeda ku ballaariya, isla markaana aan ka wahsan, kana war-wareegin waajibaadyada illaa la fuliyo aanay nolosha dadka soomaaliyeed waxaba iska beddeli karin. Taageerada beesha caalamka iyo waddamada Soomaaliya ay saaxiibka yihiin ee aan laga maarmin oo la kasbado, iyo sii xoojinta xiriirka wax wada qabsi iyo saaxiibtinimo ee ay ummaddan go’doonka ahi harraadka badan u qabto ayaa ka mid ah shaqooyinka cidda shaqadan lagu aaminayo qabyada u ah.

Maleeshiyooyinkii Soomaaliya guul-darada baday oo weli soo taag-taagan ayaa ra’iisul wasaaraha cusub iyo xukumaddiisa iman doonta laga sugayaa Jihaynta iyo xir-fad u samayntooda si loo mshquuliyo oo ay bulsho weynta soomaaliyeed uga nabad gasho. Xogagga hubaysan ee caasimadda Soomaaliya sida muuqata uga dagaalama iyo shaqaaqooyinka siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa hogaamiyaha xukuumadda cusub laga filayaa inuu la yimaaddo siyaasaddii uu kaga gudbi lahaa caqabadahaas aan yarayn oo jawi nabadeed oo Soomaaliya lagu soo dabbaallo iyo xaqiijinta nidaam dawladnimo ka sokoow, ay muhiim tahay inuu noqdo mid had iyo goor ka fekera xal u helidda mashaqada daba dheeratay ee ummadda soomaaliyeed ku laba raadlaysey. Sidoo kale, magacaabista masuulkan oo waayo aragnimo guud iyo xogogalnimo looga cabir qaataa, waxay ka khasaare iyo hawl yar tahay in xilkan loo dhiibo hogaamiye aan wax xog ah ka hayn xilliyadii colaadaha iyo xaaladihii saddexdii sano ee u dambeeyey ay dawladdu dalka kala kulantay. Haddii bisayl waddaninimo iyo karti aqooneed oo daacadnimo iyo aaminimo hufnaani weheliso baadi goobka qofka jagadan ku habboon loo cuskanayo, muwaadin tilmaamahaas ku gaashaaman oo siyaasad dawladda guul u horseedda la iman kara, baarlamaanka iyo dadweynaha soomaaliyeed ee Axdiga loo furayba waa laga heli karaa ee yaan la seegin .

Xildhibaan Ibrahim Mohamed Deeq
imdeeq@hotmail.com, imdeeq@yahoo.com
Baydhabo/Somaliya

GEEDI TEGYE MAXAA TAAGAN? W.Q: Xildhibaan Ibrahim Maxamed Deeq

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 19, 2007

gaaniXildhibaan Gaani oo UNICEF ku eedeeyey ay Musuqmaasuqeyso $7 million oo doolar....
waxana uu yiri: "Hogaamiye kooxeedyada ka harey Soomaaliya waa Hay'adaha Qaramada midoobey" Waraysi

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com