SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Dagaalka Somalia waa uu sii kordhayaa ,xalna waa uu adkaaday!!

W/D:Muxyadiin Axmed Rooble | Nairobi,Kenya

Email: muhudin01@yahoo.com


 

(Mareykanka oo Somalia ku tilmaamay Meesha saddexaad ee uu Mareykanka ka wado Dagaalka ka dhanka ah Argagixisada,)

 

    Warbixin dheer oo ay Qortay Jariirada Time

     

                                Qeydtii 1aad

 

 
Meyd Askari Ethiopian ah oo ay jeedayaan Caruur AFP

Wali Rajada lama laalikaro waana macquul in nabad ay dib uga hirgasho Somalia laakiin xiligan Somalia waxaa ka muuqata rajo la liidikaro,Wadanka iyo meesha aan ka hadlayo waa Somalia,waxaana asiibay Dhib aad u daran,Ciidamada Ethiopia   ee ku soo duulay wadanka Somalia Bishii December waxa ay dileen oo ay laayiin Kumanaan Somali ah,iyadoo kumanaan Guryahoodii islamarkaasana ay ku barakaceyn Qeybaha kale ee dalka ee wax sidaas u baaran aan dhaamiin Xaalada Caasimada Somalia ee Muqdisho ,dhibkaas oo dhan inta badan horay uma uusan jirin oo waxa ay noqdeen kuwo la soo kacay ama la yimid Imaanshaha Askarta Ethiopia ee Muqdisho ,waxa uuma dhibka umuuqdaa mid ka sii daran kuwii hore ee Muqdisho ka dhicijiray Muqdishana waxa ay gashay Sanadkii 17dii ee dagaalo iyo Colaado ay ka jiraan.

Sidoo kale waxaa ka dilaacay Muqdisho oo Dagaalada ka socda ay dhaliyiin Dhibaato Bini aadnimo iyadoo Boqolaal kun oo dad ay ka barakaceyn Caasimada islamarkaasna Qaarkood ay ka smaeynsteen Duleedka Magaalada uu dadka ka Holcayo ee Muqdisho Xerooyin ay ku noolaadaan maadaama ay iska soo hayaameen Guryahoodii Muqdisho oo Bartilmaameydsi u noqday Hoobiyayaal iyo madaafiic waaweyn oo lagu duqeeyay.
 
dad Qaxaya Sawir AFP

Dagaalada waa ay sii socdaan,Xabadana waxaa sii kordhaya Dhibaatada ay ugeysaneyso dadka Shacabka ah Ee Reer Muqdisho,Laakiin Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi   waxa uu sheegay Bishii August ee lasoo dhaafay waxa uu sheegay in dagaalkii uu dhamaaday islamarkaasna Xasiloonida ay dib usoo laabaneyso,Washington Waxa ay dirtay Tiro ka tirsan Ciidama Gaarka ah ee howlgalada si ay gacan uga geystaan Daagaalada Ethiopia ay wado,kuwaas oo lagu yeeray Kuwo Gacan ka geysanaya gacan ku dhigista Dowlada Somalia.

Dowlada kmg ah ee somalia waxa ay umuuqatay mid iskudayeeso inay sameyso Geedi Socodnabadeed oo dalka dib luugu dajiyo,taas oo haddii ay suurtagalilaheyd ay Hay'ada Gargaarka ee Qaramada midoobay iyo kuwa kale suurtagal u ahaalaheyd in ay caawiyaan dad aad u farabadan oo Somali ah kuwaas oo ay dhibweyn ka heysto dhanka Nolosha iyo caafimaadka,mar ahaantaasna somalia ka dhigilaheyd mid wax la qeybsada Dunida inteeda kale,Iyadoo ku beerilaheyd Gacansiga Caalamiga ah ee Aduunka ,kuwaas oo ay hormuudka u yihiin Shirkadaha Maalgalinta ee Chineha ,taas oo somalia ka hirgalin alheyd Hormnar Dhanka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha ah,taas oo sanado badan oo horseeday Dagaalo iyo colaado ka jiray somalia kadib dib unu soo beereneyso Dunida marka kale Somalia.

 

Qaar ka mid ah dadka ka qaxay Muqdisho Sawir AFP

Rajada laakiin hadda waxa ay gashay Mugdi bishan Octobar  oo kaleya ,TFG,UGU Horeentiiba waxaa soo wajahday dhibaatooyin dhanka Qabaa'ilada ah,iyadoo sare ay usiikaceyn Dagaalkii iyo khilaafaadkii Qabaa'ilada Somaliada u dhaxeeyay ,taas oo xitaa aakharkii ak dhexaloosantahay Labadii Masuul ee ugu sareysay Dowlada KMG ah ee Somalia ee C/laahi Yuusuf Axmed oo ah madaxweynaha Somalia iyo Ra'iisulwasaare Geedi oo kasoo kala jeeda labada Qabaa'il ee waaweyn ee Daarood iyo Hawiye oo xifaaltanweyn ka dhaxeeyo .

Bishan aan ku jirno hadda Dagaal u dhaxeeyaMilitry-ga Ethiopia ee jooga Muqdisho iyo Xoogag Somali ah oo kasoo horjeeda Ethiopia  ayaa ka qarxay Muqdisho oo ah Caasimada Somalia ,taas oo sare usii kicisay marka dhibaatooyinka Dadka Qaxootiga ah iyo kuwa barakacaya,iyadoo dadka soo xasuusisya Dagaalkii Muqdisho ka dhacay sanadkii 1993 ee u dhaxeeyay Dagaalhanadii Somalida iyo ciidankii Maricanka ee meydkooda lagu jeeday Wadooyinka Muqdisho,iyadoo Askar Ethiopiana ahna markale Meykooda Ay Ciyaalka iyo haweenka ku jeejeedeyn Wadooyinka Muqdisho,kuwaas oo ku dhintay Gacanta Kooxaha la dagaalamayay,inkastoo Ethiopiaka Qudhooda ay xasuuqeyn Shacab badan oo reer Muqdisho ah kuwaas oo ay maafeec ugu tagtay Goobahii ay ku sugnaayeen ,waxa uuna dagaalka somalia noqday mid isku badala Sida dagaalada ka jira Ciraaq oo ay ku sugan yihiin Ciidamo uu horkacayo Maricanka.

Caruur ay caro ka muuqato oo ku soo xuumayMeydka askari ethiopian ah Afp

 

Labada dagaal ee ka jira Somalia iyo Ciraaq waxaa u dhaxeeya Labo Farqi,kida koowaad oo xumeyneysa kana sii dareysa xaalada Somalia waxa ay tahay Dhibaatada Gaarka ah eek u saleysan Muradana Dowladaha Geeska Afrika iyo Ogalaansha loo ogolaanayo in Ethiopia ay sii joogta somalia islamarkaasna aysan ka bixin,inta uu socday Dagaalka Muqdisho ee lagu hoobtay ,Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay Ban ki moon ayaa xusay in Golaha Amaanka ee Jamciyada Quruumaha Ka dhaxeysa aysan Ciidamo u direyn Somalia Xiligan Dhibaatada Sii xoogeysaneysa ay ka jirto Somalia Awgeed,isaga oo muujiyay Rajo Xumada ku aadan in Somalia loo diro Ciidamo ka socda Un-ka oo soo Afjara Haysashada Somalia ee Ethiopia oo askarteyda la rumeysanyahay inay Xasuuqeyn Shacab badan oo Somalia ah.

 


Qaar ka mid ah dad lagu xasuuqay Muqdisho AP

Midowga Afrika oo horay u balanqaaday Askar Nabadilaalineed oo gaarayay 8,000 kun oo askar   ayaa hadda laga helay 1,600 oo Uganda Ka socda,waxa ayna Midowga Afrika umuuqdaan kuwo ay niyad jabinayaan Meydadka Askarta Ethiopia ee calaqan Wadooyinka Muqdisho islmarkaasna Gacanta u galay Haween iyo Caruur careysan oo aad u nicib Ethiopia islamarkaasna Ehiladoodii ay ku waayeen Duulaanka Ethiopia ay somalia kusoo qaatay .

mid ka mid ah Dadka Muqdisho ay ku xasuuqeyn Ciidamada Ethiopia AFP


Qeybtii Labaad

Waxaa jira labo Sababood oo si dag dag ah usoo muuqanaya Mida koowaad waxa ay tahay Dhibaatada Xiisadaha Bini'aadninimo ee ka jira Muqdisho oo noqday kuwo la mid ah kuwo ka aloosan Gobolka Darfur ee wadanka Sudan ,Jamciyada Qaruumaha ka dhaxeysa waxa war ay soosaartay ay   ku sheegtay in 1.5 million oo qof  ay ubaahanyahiin Gargaar Aadanimo oo dag dah ah ,iyadoo Gargaarkaas ay heleyn tiro aad uga yartatirada u baahneed kuwaas poo gaaraya 60,000 oo qof   ay sheegeen ,somaliana waxa ay tahay meel leh istiraajiidiyad Muhiim ah.

Askar Ethiopian ah oo dhexmareysa Muqdisho  Google/Baaris

Mid kale oo jirta ayaa noqoneysa Brcad badeeda Somalia ee ka qowleysta Xeebaha Somalia kuwaas oo si toos ah uweerara Maraakiibta Bagaashka wada iyo kuwo kaluumeysiga ee kasoo dhaqaaqa Suez Canal ,iyagoo sburcadaas ay isticmaalaan Madaafiic waaweyn oo dhibgeysta.

Khilaafaadka Somalia ee ay sii qarxiyeen Ethiopia askarta ay u dirtay Somalia iyo Kooxda Dowlada oo hadda aan u muuqan kuwo awood buuran leh maadaama ay howgalada fuliyaan Ethiopia iyo kooxaha Mucaaradka ee Beesha Caalamka ay sheegto inya dabada ka riixeyso Dowlada Eritrea   ayaa sidoo kale noqotay mid sii huresa dhibaatada iyo daaalada Gobolka ka aloosan taas oo xariir la leh Muranka dhanka Xadka ee u dhaxeeya Ethiopia iyo Eritrea.

Bush iyo Meles oo u muuqda kuwo ku faraxsan Dhibaatada Somalia afp

Todobaadkii lasoo dhafay Ban Ki moon oo ah Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay   ayaa muujiyay Walaacooda ku aaan Dagaalada ii xoogeysanaya ee la xaira Muranada dhaxka Xadka ee Ethiopia iyo Eritrea ,Iyadoona Afhayeenka White House ee wadanka Maricanka looga taliyo Sean McCormack ugu baaqay Eritrea iyo Ethiopia in ay dib uga baxaan Goobaha la isku hayo ee xadka islamarkaasna laga hortago oo la joojiyo Dagaal kale oo dhiig uu ku daado.

Muhiimada ugu weyn ee Maricanka waa Somalia aakharkii Noqota in laga waayo fursado kasta oo keeni kara in Ay hoy u noqoto Argagixisada caalamiga ah waxa uu ku tilmaamo ,waxa ayna somalia aheyd Guri Ay ku hoydaan Kooxaha Xariirka la leh Al-Qaeda taniyo wixii ka dambeeyay 1990 xiligaas oo ay burburtay Dowladii Somalia ayuu sheegay mid ka mid ah diplumaasiyiinta Reer Galbeedka.

 Somali women and children displaced by fighting cook at a makeshift camp in Jowhar, 90km north of Somalia's capital Mogadishu August 4, 2007.
Continued violence driven by US government money in Somalia, all funded by the U.S. taxpayer, has driven thousands from their homes into squalid camps.
Picture: REUTERS/Raphael Sourt

Ethiopia ayaa ku soo dushay Somalia si ay u soo ajarto Xukunkii Maxkamadaha Islaamiga ahaa ee ( U.I.C.) ku waas oo umuuqday kuwo sii fidaya Islamarkaasna kasbaday kalsoonida in badan oo reer Muqdisho ah ,inkastoo muddo yar oo lix bil ah oo maamulkooda uu jiray ay shaaciyiin Dagaal Jihaad ah oo ka dhan ah Ethiopia ka hor inta aysan soo Galin Muqdisho,taas oo Ethiopia ay ugu heshay Marmarsiyo ay beesha caalamka uga gado in ay qarka u saarantahay in lagu soo duulo.

Marka Kooxaha Mucaardaka Xiligan ,waxaa Ay yihiin kuwo aan ka marneyn Muqdisho,Faragalinta Maricankankana waxa ay tahay mid cad oo lagu taageerayo Askarta Ethiopia ,Qaar ka mid ah Diyaaradaha Maricanka ayaan Gantaalo ku garacaay labo mar Goobo ku yaal koofurta Somalia oo looga cabsi qabay inay ku dhuumaaleysanayaan Kooxaha Maxkamadaha   Bishii January ,waxa ay sidoo kale maraakiibta Dagaalka ee Maricankanka ayaa weeraray Goobo kale oo ku yaal Putland halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Xoogaga Maxkamadaha bishii June.

Sarkaal sare oo Marican ah ayaa sheegay In somalia ay tahy goobta Saddexaad ee maricanka kawado dagaalka ka dhanka ah Argagixisada iyadoo ay ka horeeyana Afghnistan iyo Ciraaq oo kale ah ,Boqolaal Islaamiyiin Carab ah ayuu Usaama ku seeyay Amar inay tagaan Somalia si ay uga fuliyaan Dagaal Jihaad ah.
Dulmilow Farxad ma arko Google/Baaritaan 
Inkastoo warar kasoo baxay Duqeynta Maricanka ee Koofurta Somalia  Bishii junuary ay sheegayeen in Aadan Xaashi   Ceerow oo ah mid ka mid ah Ragga uu Maricanka doondoonayo islamarkaasna aad ugu adag Diinta Islaamka  uu ku dhaawacmay Dagaalkaas hadda waxaa warkaas wax kama jiraan ku tilmaamay Ceerow waqti yar uu Codkiisa laga siidaayay Qalabka Warbaahinta isaga oo oranaya"waa aan badqabaa mana dhaawacmin",isaga oo hadda hogaaminaya Dagaal ka dhan ah Maricanka iyo Isbaheysigiisa islmarkaasna ku sugan sida Xogta ay sheegeyso Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Afwerki oo sameyn ku yeeshay Siyaasada Somalia ,Meles muxuu dhaamidoonaa

 

Marka la isku Daro Faragalinta Maricanka iyo Ethiopia iyo Joogitaanka Muqdisho Ceyrow iyo Rag kale waxa ay muujineysaa Su'aal la iskaweydiinkaro Sida uu usoo afjarmayo Dagaalka Muqdisho,waxaase kuusoo baxeysa Islamarkiiba in Xaalku uusan sahlaneynin Inkastoo Somalida ay nabada jeceshahay,haddana Waxaa horboodaya Kooxo Awoodo leh oo aysan Shacabka iska maquuninkarin.

waxa dad badan oo aqoonyahano Somalli ah ka yaabiyaya Dagaalka uu sheegayo Maricanka in uu ka dhanka yahay Argagixisada ee Somalia uu ka wado cida uu kula jiro Ma shacabka ay Ethaiopia xasuuqday mise umad kale ayaa jirta oo somalia ku dulnool.

                                                  Dhamaad

W/D:Muxyadiin Axmed Rooble
Nairobi ,Kenya
Email: saadaam_7@hotmail.com
Email: muhudin01@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 19, 2007

gaaniXildhibaan Gaani oo UNICEF ku eedeeyey ay Musuqmaasuqeyso $7 million oo doolar....
waxana uu yiri: "Hogaamiye kooxeedyada ka harey Soomaaliya waa Hay'adaha Qaramada midoobey" Waraysi

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com