SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print


somalia
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

zenaweShan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed Akhri...

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri


  • Banaanbax looga soo horjeedo xasuuqa lagu hayo shacabka Soomaaliyeed oo ka dhacay Helsinki, Finland. 
  • Qaxooti Soomaaliyeed oo Dib Looga Celiyey Ugandha

Banaanbax looga soo horjeedo xasuuqa lagu hayo shacabka Soomaaliyeed oo ka dhacay Helsinki, Finland. 

( Helsinki ) ...Dad tiradooda kor u dhaafaysay 600 oo qof ayaa Jimcadii 16.11.2007 isugu soo baxay farasmagaalaha  caasimada dalkan Finland ee Helsinki banaanbax weyn oo looga soo horjeedo xasuuqa bani’aadninimada ka baxsan ee ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo kuwa Dowladda KMG ah ee la shaqeeya ay ka wadaan  guud ahaan daka Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Muqdisho. 

Dadkaasi oo aad u xamaasadaysnaa ayaa sitay boorar waawayn ay ku qoran yihiin xasuuqa xun ee lagu hayo shacabka Somaaliyeed, iyo ereyo mujinaya in Itoobiya ay ciidameeda kala baxdo Soomaaliya, Maraykanka iyo midowga yurubna ay joojiyaan taageerada ay siiyaan dowlada KMG ah, maadama ay shacabkeeda u horseeday xasuuq iyo cadaalad daro, waa sida ay dadku ku hadaaqayeene. 

Dadkaasi banaanbaxayay waxaa ay socod ka bilaabeen bartamaha magaalada, iyagoo tagay aqalka madaxweynaha Finland, xarunta midowga yurub iyo Baarlamaanka dalkan, waxaana meel kastoo ay tagaan loo gudbiyay waraaqo muujinaya waxa ay ku taamayaan ama la gudboon in jihooyinkaasi ay ka qabtaan xaaladda Soomaaliya. 

Banaanbaxani waxaa soo qabanqaabiyay urur cusub o dhowaantan lagaga dhawaaqay Finland, kaasoo la magac baxay Ururka dib u dhiska Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka dhashay taageerda shcabku u hayaan ururka dib u xoranta iyo soo nooleynta Soomaaliya ee Asmara lagu aasaasay. 

Ururkaan cusub ee Finland laga asaasay oo ay ku midoobeen qaar ka mid ah bulshada Soomaalyeed ee reer Finland ee taagersan ururka dib u xoraynta  iyo soo nooleynta Soomaaliya ayaa ujeedooyinkiisa waxaa ka mid ah :-

  • ka qaybqaadashada xoraynta dalka
  • Soo nooleynta walaaltinimada dadka soomaaliyeed ee la kala dilay
  • Baabi’inta qabyaalada
  • ka hortaga gobolaysiga iyo taageerista in la dhowro Soomaliweynta.

Mudaaharaadkaasi oo si wanaagsan u dhacay ayaa waxaa ay dadku ku dhawaaqayeen Bush ha dhaco, Meles ha dhaco. Waxaa ugu xiisa badnaa in dadku aanay soo hadalqaadin marnaba raga madaxda ka ah dowladda kmg ah ee la shaqaysa gumaysiga Ethopia, mar aan weydiiyay mid ka mid ah sababta ay ragaas ajnabiga u haystaan , kuwii Soomaaliyeedna ay u soo qaadi waayeen, ayaa hal mar dhowr qof oo aan is ogayn waxay ku jawaabeen isku eray ah : Kuwaasi  qiimaba ma leh oo iyagu waa wakiilo fuliya wixii la soo faro, sidaas darted ayaanaan u soo hadalqaadin, mana istaahilan in la xusaba. 

Ma ahan markii ugu horaysay ee Finland lagu dhigo banaanbax noocan oo kale ah, waxaa horaantii sanadkan ka dhacay banaanbax weyn oo looga so horjeedo dowladaha Maraykanka iyo Ithopia oo iyagu ka danbeeya dilka, xasuuqa iyo burburka Somaaliya. 

abdirazak sugulle | abdirazaks@hotmail.com

Qaxooti Soomaaliyeed oo Dib Looga Celiyey Ugandha

Qaxooti Soomaali ah oo ka soo qaxay dagaalada ka socdo magaalada Muqdisho ayaa ka soo dagay garoonka diyaarada ee dalka Uganda kuwaasi qaar ka mid ah oo dib loogu celiyey dadkooda.

Qoxootigaasi oo tiradooda lagu qiyaasay 120 ruux ayaa 30 kamid ah loo ogolaaday in ay soo galaan dalka Uganda, kuwaasi loo ogolaaday dalkani ayaa waxay wateen baasabooro soomaali ah halka inta laceliyena ay ahaayey sharci la,aan.

Sidoo kale ayadoo maalmahaan lagu gudo jiro marti galinta Shirka Dalalka Barwaaqo Sooranka Aduunka (COMMON WEALTH OF GOVERNMENT MEETING) kaasi oo ku aadan 23ka bisha November. shirkaasi oo ay ka soo qayb kali doonaad madax iyo wafyuud ka kala socoto dalalka barwaaqa sooranka aduunka kuwaas oo ay ka mid tahay boqorada dalka United Kingdom (BRITAIN) Queen Elezabed II

Shirkaasi oo labadii sanoba marba wadan lagu qabto ayaa keenay in amaanka dalkani Uganda si wanaagsan loo xasiliyo ayadoo ay tahay markii ugu horaysay ee lagu qabto dalkani Uganda taasi oo sababtay in ajnabiga sharci darada kujoogo dalkani ay ka baxaan dalka ama ay iska diiwaan geliyaan boliska si loo sugo amaanka.

ABDUKADIR ADAM (ABDILUCKY)
abdilucky3@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 17, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com