SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print



Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

zenaweShan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed Akhri...

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri


Somalia oo guul ka gaartay Ganacsiga Gaarka ah ,Iyada oo Faraha kula Jirta Dhiig daadasho

W/D:Muxyadiin Axmed Rooble | Nairobi,Kenya

Email: muhudin01@yahoo.com


Mogadishu – Muqdisho waa caasimada somalia oo ah wadan Geeska Afrika ku yaal waxaana la dagay Dhibaatooyin ay geysanayan dadka ku nool oo saameyn ku yeelatay Nolosha dadka reer Muqdisho,laakiin Samira Maxamed oo ah Somali dagan Muqdisho waxa ay sheegtay inay ku noolyihiin Nolol Noormal ah

Xabadad habowga ah iyo mida aan habowga aheyn ayaa waxa ay iska dhexmushaaxeysaa Wadooyinka Muqdisho ,Adiga oo aan Garan garin Halka ay ka timid iyo Waliba meesha ay Bartilmaameedkeedu yahay waxaa sidaa ku sheegay Warbixin uu ugu magacdaray Somalia ooh or mar ka gaartay Ganacsiga Gaarka iyada oo aysan jirin Nabad wariye Katirsan Jariirada xaanka ah ee la yiraahdo The Independent ,kaas oo tagay Magaalada Muqdisho ee uu dhibku ka jiro.

Risaasta wadooyinka dhexmashaaxeysa waxa ay qastaa sheekada saaxiibada isku ooman ee ku sugan goobaha hodheelada loo yaqana ama maqaayada lagu qaxweeye ee shaaha lagu cabo waxaana kala erya dadka Ganacsiga ku jira Rasaas aan la maqleyn oo ku soo dhaceysa Goobaha dadka ay ku badanyihiin taas oo jirta Somalia waxa ay hormar ka gaartay Ganacsiga Muddii ay ku jirtay dhibaatada aysna jirin cid la qabta oo Dunida Guudkeeda saaran.

Xabada ,Hubka ,is dilka iyo dhibaato kasta waxa ay Muqdisho ka tahay sida Bariiska la quuto ,maalinkasta sida loogu xisaabtamo Cunta quudka u ah Aadana ayeey reer Muqdisho ugu Xisaabtamaan Xabada waxa uuna qof walba afka ku haaa Duco iyo Ilaah tuug maadaama ay yihiin Dadka somalia ah kuwo heysta Diinta Islaamka waxa ayna Rumeysan yihiin Waxkasta inay yihiin Qatar Eebe.

Laakiin dhibku waxa uu yahay mid ubadan dad aan waxba galabsan oo aan laheyn Awood ay ku cararaan ayna ogafogaadan Goobaha dagaal,xabadkasta oo kasoo baxda Qoricaaradisi ma seereyso oo waxa ay haleyshaa mid ka mid ah dadka aan Dambiyada galabsan.

Wariyahan Qoray Warbixinta uu cinwaanka uga dhigay Gacansiga Gaarka ah oo guul ka gaaray Muqdisho ,iyadoo ay Nabad jirin oo la yiraahdo Luifi Sheriff Mohamed waxa uu la kulmay uuna la sheekeystay Dad Xog ogaal u ah Ganacsiga Somalia,kuwaas oo uu kala sheegaystay Xaalada Ganacsi ee Dalka,waxaana dadkaas ka mid ahaaMid ka mid ah Dhalinyarada Cuslaatay Ee somalia "waxa aan ku noolahay goobtan ay Rabshadahu ay caadiga katahay in ka baan 17 sano . markii aan Maqlo Qaraxyada iyo israsaaseynta waxa aan dareemaa Cabsi daran ,laakiin markii ay joogsato ayaan dareemaa Farxad iyo raaxo waxa aana soo xasuustaa Ganacsigeygii waxa aana Dib u bilaabaa iibinti waxyaabha aan hayo ,"ayuu yir Wiil dhalinyaro ah oo soomaaliyeed lana Yiraahdo Maxamed oo jira 29-sano ahan Milkiilaha Goob Dharka lagu iibiyo oo ku taal Gudaha Suuqa ugu wyen somalia ee Bakaaro halkaas oo ay caadi ka tahay iska Horimaadyada Hubeysan oo u dhaxeeya Xoogaga Ethiopian ee taageera Dowlada Somaliada ah iyo kooxaha Mucaardka.

Maxamed Waxa kale oo uu hayaa Shaqooyin kale oo uu ku Dhexwado Dukaankiisa ,waxa uuna hadda Awood u leeyahay in uu School u diro caruurtiisa si ay wax uga soo bartaan Aalada Computerka,waxa ay sidoo kale helaan Biyo Nadiif ah ,inkastoo ay meesha ka maqantahay Dowladii Dhexe ee dabooli laheyd baahidaa ,sidoo kale aysna Jirin Fursad lagu Aado School xitaa Qoyskii Awooda sida Qoyska Maxamed oo kale.

Rabshadaha ayaa hareeyay Muqdisho iyo guud ahaan Somalia wixii ka dambeeyay Dowladii dhexe ee military-ga aheyd ee Siyaad Barre ee la riday 1991-dii ,taas oo ay Somalidu iminka ku tilmaamaan mid loo darsaday laakiin Waqtigii la ridayay umuuqatay mid weysay Kalsoonida shacabka kadib Dhibaatooyin Waxyeeleen u geystay Diinta Islaamka oo ay ku kacday .

Laakiin Dhibaayooyinkaas oo Jira haddana Qoyska maxamed oo kale ayaa Nasiib u yeehsay in ay ku noolaadaan Nolol Caadi ah oo la mid ah nolosha ka jirta Wadamo badan oo African ah,waxa uuna ku guuleystay isaga iyo dad la mid ah inay wadan Burbursan ka fuliyaan Ganacsi ay ku tiirsanyihiin Qoys dhan.
.

Mid oo kaliya ayaa ah mida ka raqiisan dhamaan shirkadaha tel phonada ee Qaarada oo dhan,Marka la fiiriyo Tartanka dhanka Isgaarsiinta ah ee u dhaxeeya Shirkadaha waxa ay hoos u dhigaty Qarashaadka loo isticmaalo Shirkadahaas marka lo doonayo in lagu hadlo,iyadoo aysna jirin Dowlad dhexe iyo Amaan ayaa waxa ay Shirkadaha somalida ee isgaarsiinta waxa ay ku guuleysteen inay noqdaan kuwo ugu hormarsan Qaarada marka loo iigo.

School-laadka loo ma helo si isku mid ah ,inta badan Caruurta soomaaliyedna ma ahan kuwo ka diiwaangashan school-aadka Waxbarashada,laakiin Gacansiga gaarka ah ayaa noqday mid faa'iido leh wixii ka dambeeyay Markii ay burburtay Dowladii dhexe ee somalia.

" waxa aynu gaarnay oo aan ku guuleysnay in aan Waalideenta aan ak dhaadhicino inay aqbalaan Waxbarashada Gaarka ah ayna ogolaadana inay caruurto ka bixiyaan qarashadka yare e schoolka ,maxaa yeelay in badan oo ka mid ah Waalideenta ma fahansana faa'iidada Waxbarashada gaarka ah ," waxaa sidaas Indepedent u sheegay Mukhtar Ghedi Ibrahim oo ah Agaasimaha xarun qaabilsna Arrimaha Bulshada oo ka tirsan dalada Schoolaadka ee Koofurta iyo Bartamaha Somalia.

Wadanka Geeska Afrika ku yaal waxa uusan laheyn Dowlad Dhexe wixii ka dmabeeyay 1991 oo la riday Xukuumadii Maxamed Siyaad Barre,waxaana fashilmay in ka badan 14 iskudya oo ay beesha caalamka ugu sameyneysay Maamul somalia ,taas oo kordhisay shrcidarada iyo khilaafaadka ka dhexjira Somalia.

17-sano oo Fowdo ah waxa uu wadanka ka helay oo hormar lagu tilmaamikaro waxaa ka jira Hormarka dhanka Shirkadaha iyo Gacansiga ah iyo waliba dhanka Electricity-yada .

waxa ay u kala qeybiyiin Goob-goob iyo xarun xarun waxaana lookala qeybiyay dhanka Korontada maalin iyo habeen iyo waliba 24-saac oo xariir ah.

" waxa aynu qalabka kasoo iibinaa Dubia waxa ayna intooda badan ay tahay Cilis ama Gacantii labaad ,ma awoodno in aan soo gadno kuwo cusub,wxaa aynu ku xirnaa Qalabka sheegaya inat la isticmaalay ama kilowatt sheegaya inta la isticmaalay saacadii,waxa aynu qarashka ku qaadnaa Waqtiga udu dambeeya ee bisha ," Mohammed Yusuf Tumal oo ka tirsan shirkad Qaabilsan dhanka Korontada ayaa sidaas yire.

sidoo kale waxa ay Ganacsatada Isticmaalaan Duulimaadyo kuwaas oo kasoo kala Duula Dubia iyo Nairobi ,iyaga oo isticmaalaya xeerar is badbaadinta ee caalamiga ah waxaana Diyaaradahooda lagu hubiyaa Garoonada Kenya iyo Dubia.

Fursadaha Ganacsiga ee ka hirgalay Somalia oo ah meel sharcidaro ah ayaa waxa ay tahay kuwo hormar leh ,inkastoo ay tahay Goob Khatar badan,in badan oo ka mid ah goobahii waxbarashada ee la hirgaliyaya Xiligii Dowladdiii burburtay ayaa waxaa dagan dad barakay oo hoy ka dhigtay.

Somalia waxaa ka dilaacay Diyaarado duulimaadyo oo dhowr ah kuwaas oo ay leeyihiin Ganacsato somalia ah Islamarkaasna ana bixin Wax canshuura ah Dowlad la'aanta jIrta Awgeed.

"Dowlada somalia hadda waxa ay nagaqaataa Adeega Canshuurta oo dhulka iyo hawada," waxa sidaas ay Jariirada Independent ay kasoo xigatay Abdirahman Hassan Mohamoud oo a maamulaha shirkada Diyaaradaha ee Jubba Airlines.

Warbixin uu soosaaray Bank Aduunka ayaa lagu sheegay in Ganacsiga gaarka ah uu u baahanyahay la shaqeyn dhanka Dowlada ah laakiin wixii ka dmabeeyay Markii Dowladu ay tagtay Muqdisho waxa ay keentay hoos u dhac ku yimaada Ganacsiga .

"Somalida waa dad wax garad ah oo hormarka yaqaan iyo ganacsiga taniya waxa ay tahay sheeko Guul leh ," ayuu yire Sibel Kulaksiz, a World Bank ka tirsan.

Sikastaba Somalia ayaa waxa ay umuuqdaan inay yihiin Dad aad ugu dheereeya dhanka Ganacsiga ,maadaama Wadankooda oo aan Dowlad Dhexe laheyn ay ku guuleysteen inay Ganacsigooda Hormariyaan oo ay la tartansiiyaan Wadamo dhowr ah oo uu nadaam ka jiro .

W/D:Muxyadiin Axmed Rooble
Nairobi,Kenya
Email: saadaam_7@hotmail.com 
Email: muhudin01@yahoo.com 

igasho: Warbixin ay Qortay Jariirada The Indepedent oo ku saabsan Somalia

SomaliTalk.com | Nov 9, 2007

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com