SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print



Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

zenaweShan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed Akhri...

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri


Wafti Ka socdey Beesha Caalamka oo Gaarey Baydhabo, kuna laabtay Nairobi...

9-xubnood oo ka socdey Beesha caalamka, islamarkaana uu hogaaminayo isku duwaha Arimaha Bani'aadaninimada ee Qaramada Midoobey ayaa waxay soo gaareen Magaalada baydhabo, waxayna si guud shir ugala qayb galeen kulankii xubnaha Baarlamaanka DFKMG, waxayna ka warbixiyeen ujeedada socdaalkood, waxaana la hadley kusimaha Ra'iisul wasaaraha Prof. Saalim Caliyo Ibrow, Gudoomioye ku xigeenka Baarlamaanka Prof. Dhalxa, Gudsoomiyaha Baarlamaanka Sh. aadan Max'ed Nuur, waxaana soo xirey Madaxweynaha DFKMG Col/ C/llaahi Yuusuf.

Xubnahaan soo gaarey Magaalada Baydhabo waxay isugu jireen kuwo ka socday midowga Yurub, Uk,France, South Africa,Sweden iyo xubnin ka socotey Presidency EU.

ujeedada wafdigaan ayaa waxaa lagu sheegey inay ahayd in DFKMG warbixin ay ka siiyaan dadka ka soo barakacay qaybaha kala duwan ee dalka oo dagaalada ay ka socdaan sidii wax loogu qaban lahaa iyo in DFKMG ay gacan ka geysato sidii dadkaasi loogu gurman lahaa.

wafdigan wuxuu gooni gooni ula kulmey Madaxweyanaha DFKMG iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaana qado sharaf loogu sameeyey Hoteel Manchestar ee Magaalada Baydhabo, waxayna dib ugu noqdeen magaalada Nayroobi.

Maxamed Macallin Cismaan {All-man} SomaliTalk Baydhabo.
faxtumaalik@hotmail.com

SomaliTalk.com | Nov 9, 2007

HAA: Ra'iisul wasaaraha DKMG halaga keeno bannaanka
baarlamaan
Dhegeyso: Qaabkii ay u dhacday doodii Baarlamaanka DFKMG ku ogolaaday in dawladda laga keeno baannaanka...
Faafin:

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com