SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

  • Ducaysane oo u Hambalyo u Diray Hoggaan-Dhaqameedka iyo Bulshada Reer Puntland heshiiskii lagu gaarey Cagaaran...
  • Minneapolis: Taageeridii Reer Minnesota Taageereen Heshiiskii Buurtinle

Ducaysane oo u Hambalyo u Diray Hoggaan-Dhaqameedka iyo Bulshada Reer Puntland heshiiskii lagu gaarey Cagaarane...


Abdirizak M. Dirir (Ducaysane)

Anigoo ah Abdirizak M. Dirir (Ducaysane), kuna hadllaya magaca Jaaliyadda Puntland ee Nabadda Jecel oo ku dhaqan Maraykanka, waxaan halkan ku soo gudbinayaa taageerada Jaaliyadda ee ku aaddan ama salaysan heshiiska Taariikhiga ah oo laga gareey xiisadii iyo colaadii ka aloosnayd degaanka Cagaaran una dhexeeysay Beelaha walaalaha ah, degaankana wadaaga oo dhawaan lagu soo afjaray degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal.

Ilaahay baa mahad leh, suurtagaliyey, in arrintan xal waara laga gaaro.

Waxay Jaaliyaddu hambalyo iyo bogaadinba u soo gudbinaysaa dhammaan Hoggaan Dhaqameedki, Cuqaashii, Guurtidii iyo Waxgaradkii arrintan u dhabar adaygay, kana miro dhaliyey, meel kastoo ay ku nool yihiin, dalka iyo dibaddaba.

Waxay kaloo Jaaliyaddu ammaan u soo jeedinayaan Walaalihii dirirtu dhexmartay oo muujiyey dulqaad iyo sida ay ugu hoggansameen go’aanka Isimada, waxayna ilaahay ka rajeynaynaa inuu boggooda bur-cad isu mariyo, waxii dhacayna xalay dhalay laga noqdo.

Waxay Jaaliyadda xusaysaa kalinta wax ku oolka ah oo haweeka Puntland ay arrintan ka qaateen, bilowgii illaa iyo dhammaadkii, waana ku ammanan yihiin.

Nabaddu waa aasaaska Nolosha iyo horumarka. Nabad la’aani waa Nolol la’aan.

Jiritaanka Puntland Ha Waaro.
Abdirizak M. Diriri (Ducaysane)
Minneapolis, Minnesota
amdirir@hotmail.com


Minneapolis: Taageeridii Reer Minnesota Taageereen Heshiiskii Buurtinle

Xaflad si qurux badan loo soo agaasimey ayaa xalay waxa ay ka dhacdey magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Xafaldaas ayaa waxa soo qabanqaabiyey dumarka ka soo jeeda dowlad goboleedka Puntland.

Xafladaas ayaa waxa lagu casuumey mas’uuliyiin kala duwan oo ka soo jeeda beelaha degan Puntland. Inka badan todobaatan qofood ayaa ka soo qayb galay, waxana xafladu ku saabsaneyd sidii loo taageeri lahaa hashiiskii dhawaan lagu soo afjarey dagaalkii beeleed ee ka dhacay Cagaaran oo ka tirsan Puntland.

Hadii aan u gudo galno xafladan sida ay u dhacdey ayaa waxa ay ka koobneed sidatan: Qudbado is daba joog ah, Buraanbur iyo Ducooyin.



Aan ku bilowno qudbadaha sida ay u dhaceen; qudbadii ugu horeysey ayaa lagu soo dhaweeyey Dr. Luul Xasan Laariye, ereyadeediina waxa ka mid ahaa in xafladan ay tahay xaflad aad u qiimo badan xambaarsan tahayna culeys weyn, ka dib markii ay soo abaabuleen dumarka degan gobalka Minnesota kuna casuumeen dhamaan dadka degan gobalka Minnesota ee ka soo jeeda beelaha Puntland, iyagoo ku taageeraya heshiisiinta ka dhacdey Buurntile oo ah mid muhiim ah maadaama ay yihiin dad walaala ah dadkii dagaalamey, wada dhalashana ka dhexeyso soo jireen ah.



Dr. Luul Xasan ayaaa waxa ay u mahad celisey dhamaan dadkii ka qayb qaatey heshiinsiinta sida Garaadada, Isimada, Caaqilada, Ugaasyada Suldaamada, madaxda dowlada Puntland iyo qaybtii ay dumarka ka qaateen.

Dr Luul Xasan oo ahayed gabadhii fikradan laheyd in la sameeyo xafladan, ayaa gebgebadii hadlakeeda ku soo qatintey hambalyo ay u jeedisey dhamaan dadkii ka soo qayb galey xafladan.

Waxa Dr. Luul hadalka ku soo dhaweysey hogaamiyaha communiti-ga African Community Service, Abdullahi Guleed Nuur oo hadalkiisa ku bilaabey mahad celin uu mahad celiyey dhamaan gabdhihii soo abaabuley xafladan iyo marti sharaftii ka soo qayb gashey

Abdullahi oo ka sheekeeyey goobta dagaalku ka dhacay iyo sidii uu u bilowdey, gebagabdiina ku soo gebagabeeyey in lagu gaarey guul heshiisiin la dhexdhigey labadii beelood ee dagaalka ka dhexeeyey.

Waxa mudane Abdulahi Guleed uu ku soo dhaweeyey mudane Galac, waxana qudbadiisa ka mid ahaa mahadcelin, taariikh iyo dardaaran.

Waxa uu mudane Galac u mahad celiyey dhamaan dumarkii soo abaabuley xafladan iyo sida weyn ee looga soo qayb galey, waxa kale oo Galac uu ka sheekeeyey taariikhda dadka Puntlan ay ku leeyihiin Soomaaliya iyo sida ay u dowlad jecel yihiin, gebegabadiina waxa uu yiri waa in aanu iska ilaalinaa in aysan mardanbe dhicin isku dhac qabiil.

Waxa sidoo kale ka hadley xaflada Hooyo Sahra Axmed oo amaan u soo jeedisay dumarka iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane, Maxamed Abdi Xaashi oo tiri ku soo dhawoow Minnesota.

Kaliye ma aheyn qudbaduhu intaas ee waxa sidoo kale hadalo muhiim ah ka soo jeedisey madasha Xaliimo Faarax Cade, oo ku boorisey dumarka Puntland in ay kor dhiyaan dadaalkooda oo ay wax weyn ka qabtaan wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba.

“Waxa aan rabaa in aan tacsi u diro qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintey dagaalkii dhawaan ka dhacay Cagaaran, Allana waxa aan ka baryayaa in Alle janadii ka waaraabiyo dadkii ay ka tageena samir iyo iimaan ka siiyo, AAMIIN”.

Waxa si weyn loogu soo dhaweeyey madashii hadalka Xaawo Ayeeyo oo ku caan ah Buraanburka marwalabana lagu casuumo xafladaha waaweyn ee gobolaka Minnesota iyo meelo ka baxsanba, ereyadeediina waxa ka mid ahaa sida tan: waxa aan rabaa in aan caawa halkan idin kula wadaago Buraanbur ku saabsan heshiiskan ka dhacay Buurtinle.

Bilowgii Buraanburkii

Badweyntii reer Puntlaney bishaaro dhaha, Baraaraan maanta gaarnee bishaaro dhaha, sharkii waanaga baxaye bishaaro dhaha, waakaa xaasidkii burburaye bishaaro dhaha, waaka cadowgii bashiishtee bishaaro dhaha, waaka calankii babanaayee bisdhaaro dhaha, waata barqada isku aragtaye bishaaro dhaha, waata beerka isku xaarataye bishaaro dhaha, waata dumarkii bogaashaye bishaaro dhaha, waatan dhalintii balweysaye bishaaro dhaha, dhulkiibaa farax bilqaayee bishaaro dhaha, dhirtii baa ubixii bixisayee bishaaro dhaha, Puntlaaney nabada aahdayey lagu baraaar, barqada noo curatayeey rabiyow hanaga badelin.

Suldaan boqow ayaa u mahad celiyey dhamaan dadkii xaflada ka soo qayb galey iyo dhamaan gabdhihii soo abaabuley.

Suldaanka ayaa waxa kale oo u mahad celiyey dhamaan Isimada degaanka Puntland oo xil muhiim ah iska saarey in ay Puntland ka dhigaan meel nabad ah oo ay isku soo jiidaan dadka wada dhashey, iyagoo u dhabar adeega marxalad kasta oo la soo darista.

Suldaan Aadan Boqow oo isagu degan gobalkan ayaaa waxa uu ku soo dhaweeyey hadalka Madaxweynahii hore ee dowlad goboleedka Puntland Mudane Abdi Xaashe oo isagu xaflada xirayey.

Madaxweynihii hore ee Puntland mudane Abdi Xaashi ereyadiisii waxa ka mid ahaa sida tan:

waxa aan marka hore hambalyo u soo jeedinaya dhamaan dadkii soo abaabuley xafladan qiimaha badan oo ay ku dheehan tahay gacaltooyo iyo iswalaaleysi, Puntland waxa mar walba nabadeeda ka shaqeyn jirey shacabka oo iyagu ay ahaayeen dad u bisil in ay wada noolaadaan isna garab istaagaan.

Dadka reer Puntlan ee dibada joogana waxa ay qayb weyn ka qaateen xaga dhaqaalaha iyagoo dib u dhisey dalkii, dowlada Puntlana garab istaagey.

Dadka reer Minnesotana waxa ay leeyihiin hambalyo, waayo waxa ay ka qayb qaateen nabada, dhaqaalaha, waxbarashada iyo siyaasada, waxana aan idin leeyahay mar labaad hamabalyo.

Waxa aan rabaa in aan halakan ka xuso Isimada Puntland sida weyn ee ay uga qayb qaateen in ay nabad dhexdhigaan walaalaha ku dagaalamey Cagaaran. Gebegabadii, hadii aan kaftamo,

“waxa aad isiiseen amaan badan oo aan anigu laheyn, waxase la yiri African-ku amaanta ma diido ee waa iska qaataa, marka anigu waa diidey, hadaadse igu qasabteen waan idanka gudoomayaa”.

Mudane Abdi Xaashi ayaa halkaas xafladii ku soo gabagabeeyey duco lagu xirey shirka.

Liiska Magacyada Marti-Sharafka:

Hodan Aadan,
Saciido Jaamac,
Siraad M. Ali,
Maryan Hassan
Qayibo Ciise,
Aamina Warsame,
Kiin Geele,
Warsan Yuusuf,
Haliima Dirir,
Faduma Ali,
Nuuro Maxamed Xasan,
Faaduma Cadow,
Asli Ali,
Miski Abdulle,
Ardo Xuseen,
Faaduma Xasan,
Aamina Warsame,
Xaawo Adan,
Maryan Faarax,
Xaliima Faarax,
Faaduma Xasan,
Nadiifa Warsame,
Xaawo Cigaal,
Sahra Xaaji Maxamed,
Maryan Maxamuud,
Siciido Maxamed Xasan,
Cambaro,
Proff. Dahabo Xasan Faarax,
Drs. Luul Xasan Laariya,
Kayf Abdulkadir,
Xalwo Yuusuf,
Faduma Maxamed Mire,
Fatma Naasir,
Maryan Aadan,
Indhadeeq Soomajeeste,
Xaawa Aadan (Xaawo Yaray),
Faduma Abdi,
Faduma Abdi,
Faduma Maxamed Mire,
Fatma Naasir,
Maryan Aadan,
Indhadeeq

Magacyada Raga:

Muse Hassan Yusuf,
Maxamed Abdi Qaac,
Abdikarium Axmed Johor,
Hussen Muse Ciise,
Maxamed Sadiq,
Abdullahi Ali Bare Botan, 
Suldaan Aadan Boqow,
Abdirisaq Abdulqadir Catoosh,
Ibrahim Maxamed Huruuse,
Axmed Salax Maxamed,
Abdullahi Guleed,
Maxamed Qalaf,
Cumar A. Salax,
Maxamed Xaashi,
Faarax Mahdi,
Hassan Daarood,

waxa aan ka cudur daaraneynaa in aanu wada qorin ragii ka soo qayb galay shirka magac yadooda.

Waxa qorey qoraalkan oo diyaariyey:

Abdimalik Askar
Somali Media,
aabdimalik@hotmail.com
somalimedia@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 16, 2007

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com