SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

CAMR KHALED OO 100-KA DUNIDA UGU SAAMAYNTA BADAN KU BIIRAY


Amr_Khaled

Sheekha saamaynta xoogga badan ku dhex leh muslimiinta, gaar ahaan dhalinyarada Camr Khaled ayaa lambarka 13-aad ka galay boqolkii qof ee ay Jariiddada Time u garatay inay ahaayeen kuwii dunida ugu saamaynta badnaa sannadkii tagay ee 2006-da.

Camr Khaled oo ka soo jeeda dalka Masar, ayaa sannadihii tagay si weyn uga dhex muuqanayay guud ahaan taleefishinada carbeed, isagoo duruuso iyo barnaamijyo la xiriira taariikhda islaamka siinayay ardayda dhigata jaamacadaha ee isugu jira wiilal & gabdho.

Daaciga dhalinta yar ee Camr Khaled ayaa taleefishinka Al-Mixwar ee Masar u sheegay inuu nasiib u yeeshay inuu ka qaybgalo kulan xafladeed lagu maamuusayo qaar ka mid ah 100-kii qof ee dunida ugu saamaynta weynaa, isagoo dhinaca kalena intaas raaciyay inuu kulankiisaas uga faa’iidaysan doono gaarsiinta dhambaalka islaamka ee uu xambaarsan yahay.

”waxaa la i siiyay 2 daqiiqo, waxaana labadaas daqiiqadood la beegsan doonaa sida ugu wanaagsan ee aan ugu soo bandhigi karo maqaamka iyo sharafta weyn ee suubbanaha Rasuulka (scw)” ayuu ku yiri barnaamijka 90 min. ee Tv-ga Al-Mixwar.

Sheekh Camr Khaled ayaa barnaamijyadiisii xiisaha badnaa ee la xiriiray Siirada Nebiga (scw) iyo taariikhda Saxaabada Allaha ka raalli noqdee laga mamnuucay dhammaan kanaallada Masar sannadkii 2002-da guud, wuxuuna sheekhu wixii intaas ka danbeeyay holwihiisa dacwo ku gudan jiray dalalka Lubnaan iyo Britain.

Inkastoo ay dowladda Masar mamnuucday naashaadaadka iyo duruustii uu ka bixin jiray Camr Khaled gudaha Masar, haddana waxaa sii laba-jibbaarmay dhalinyarada faraha badan ee isaga sababtiis ku soo hanuunay. Gabdho badan oo aan horey u qaadan jiray xijaabka, ayaa durbaba qaatay, wiilal badan oo aan salaadda tukan jiray ayaa si weyn uga muuqday masaajidyada, waxayna dhalinyartan u badnaayeen dabaqadda sare ee dhalinyarada reer Masar.

”hadda, waxaan u dhaxeeyaa Cairo iyo London, sidii hore xaalku waa dhaamaa hadda” ayuu lahaa markii tv-ga laga wareesanayay Camr Khaled.

Isagoo hadalkan danbe sharaxaya wuxuu markale yiri ”iima suurtoobayso inaan sii joogo Masar, taasi macnaheedu ma ahan in aan dhibaatooyin la kulmayo, hase ahaatee weli waxaa i iga mamnuuc ah inaan risaaladayda dacwo ku guto gudaha Masar, xittaa inaan xiriir toos la sameeyo taageerayaasheeda, waana tan iigu daran wax walba” ayuu yiri Camr Khaled.

Mar Camr Khaled wax laga weydiiyay sababta keentay inuu 100-kan qof magaciisa ku biiri, ayuu ku jawaabay ” Wargayska Time keliya kama danbeyn in magacayga laga dhex doorto dadyow fara badan, ee waxaa ugu wacnaa shabaabka carbeed iyo kuwa muslimiinta oo ku dadaalay inaan galo lambarka 13-aad”.

Camr Khaled wuxuu kaloo sheegay inuu aadi doono New York ee Mareekanka, isagoo danta weyn ee safarkiisa ka danbeesa uu yahay gaarsiinta iyo sharaxaadda diinta toosan ee islaamka.

”mas’uuliyad weyn inay dacwada iga saaran tahay ayaan dareemayaa, waxaan Allaha weyn ka baryayaa inuu i waafajiyo guusha muhimaddayda” ayuu misna ku duceystay.

Ibrahim Salah
Ibraahim Saalax Aaden
ibra88@hotmail.com

Qoraaladii hore ee Ibraahim Saalax

Faafin: SomaliTalk.com | May 13, 207


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com