SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
QORMADA MAANTA:: Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Daabaco Boggan | Print

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

Somalia: The Other (Hidden) War for Oil

Freedom for Ogaden, the West’s Last Choice in Africa

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

 Garka Xiir Waxaa Xiga

Xijaabka Xoora Xaawaley

WQ: Cali-Daahir X Muxammad
mohiyadin@hotmail.com

بسم الله الرّحمن الرّحيم الْحَمْدُ للّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ  والصّلاة والسّلام                        علي نبيّنا محمّد وآله أجمعين.

Xeradii Daynuunaay baynu ku ogayn in garka laga xiiro ciidamada taa oo ay amar ku bixisay saraakiisha xabashida si aan lookala garan somaalida iyo Xabashida maadaama ay qalbiga ka midaysan yihiin muuqaalkaase kala duwan. 

Maantana xamar bay taagan tahay in weerar lagu qaado niqaabka beritana maxaa xiga? 

Waxaa beryahaan aad u badatay ku dhiirarashada iyo aflagaadada lagula kaco muqadasaadka diinta islaamka haba ugu sii darnaato xijaabka. 

Waxaase nasiib daro ah in dad badan laga dhaadiciyay kol hadduu niqaab yahay waxa laisku hayaa inaysan dhib lahayn maadaama uusan waajib ahayn. 

Qofka garaadkiisu uu halkaa gaarsiiyay waxaan u sheegayaa haddii uusan niqaabku aktaada uusan waajib ka ahayn culimo badan ayaa ku tagtay inuu waajib yahay, xitaa kuwa aan qabin niqaabku inuu waajib yahayna waxay isku waafaqeen inuu mashruuc yahay uuna kamid yahay diinta kana fadli badan yahay niqaab la’aanta qofka wax ka sheegana uu duray shay islaanimada kamid ah islamarkaana uu diinta kaga baxayo.

Qaabab badan oo lagu gaaloobo ayaa dad badan waxay  caado ka dhigteen inay ku dhacaan gaalnimo iyagoo aan ku baraarug sanayn.                                   

Xudayfa RC wuxuu yiri:

الْمُنَاْفِقُوْنَ الّذِيْنَ فِيْكُمُ اليَوْمَ شَرٌّ مِنَ الْمُنَاْفِقِيْنَ الّذِيْنَ كَاْنُواْ عَلَىْ عَهْدِ رَسُوْلِ اللهِ صَلّىْ اللهُ عَلَيْهِ وَآلِهِ وَسَلَّمَ.

Munaafiqiinta maanata idinla joogta ayaa ka shar kadan munaafiqiintii joogtay xilligii Rasuulka SCWW.

Kolkaa bay waydiiyeen sababta? Kolkaa buu ugu jawaabay:                                                                          

إنَّ أولئكَ كَاْنُواْ يُسِرُّوْنَ نِفَاْقَهُمْ ، وَإنَّ هؤلآءِ يُعْلِنُوْنَ / رواه البخاري.

Kuwaasi nifaaqoodu way qarsan jireene, kuwanise wayba caddaysteen

Sheikh Cabdul Casiis IbnuBaaz RC markuu ka hadlaayay waxyaabaha islaamka buriya  wuxuu ku sheegay kitaabkiisa:                                                        

الْعَعِيْدَةُ الْصَّحِيْحَة ُوَمَاْ يُضَاْدُهَاْ.

مَنْ أبْغَضَ شَيْئاً مِمَّاْ جَآءَ بِهِ الرَّسُوْلُ صَلَّىْ اللهُ عَلَيْهِ وَآلِهِ وَسَلَّمَ وَلَوْ عَمِلَ بِهِ فَقَدْ كَفَرَ لِقَوْلِهِ تَعَاْلَىْ : ذَلِكَ بِأنَّهُمْ كَرِهُواْ مَاْ أنْزَلَ اللهُ فَأحْبَطَ أعْمَاْلَهُمْ / سورة محمّد / 9

Qofka u carooda wax kamid ah wixii uu rasuulku SCWW uu layimd haba ku camal falo wuu gaaloobay sababtoo ah Alle SW wuxuu yiri: kuwaasi waxay naceen wixii Alle SW soo dejiyay kolkaa buu Alle SW camalkoodii buriyay.                                                       

Wuxuu kaloo yiri Sheikhu RC isla kitaabka:

مَنْ اسْتَهْزأ بِشَيْئٍ مِنْ دِيْنِ اللهِ ثَوَاْبَهُ أوْ عِقَاْبَهُ كفر والدليل قوله تعالى : قل أبالله وآياته ورسوله كنتم تستهزءون * لاتعتذروا قد كفرتم بعد إيمانكم -- الآية * / سورة التوبة / 65- 66   

Qofka ku jeesjeesa wax uun diinta kamid ah abaalmarintiisa ama ciqaabtiisa waa gaal, waxaana u daliil ah hadakii Alle SW:

Waxaad ku tiraahdaa: Alle, Aayaadkiisa iyo Rasuulkiisa miyaad ku jees-jeesteen * Ha cudur daaranina waad gaalowdeen iimaankiina dabadii.       

وبالله التّوفيق

وصلّى الله وسلّم على نبيّنا محمّد وآله أجمعين.    

WQ: Cali-Daahir X Muxammad
mohiyadin@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | May 13, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com