Somaali Galbeed ma Xoroobi Doontaa?
Xasan
Maxamad Ibraahim
xasanyare@msn.com
Soomaali
galbeed waxaan ula jeedaa dhulka soomaaliyeed ee ay itoobiya haysato waxaana
magacan u doortay laba sababood awgood:
1. 1. Magacan
wuxuu kulmin karaa dhamaanba soomaalida dhulkaas degen maxaa yeelay waxay isla
ogolyihiin inay dhamaantood soomaali yihiin.
2. 2. Soomaali galbeed wxaa dhulkaas u bixiyay soomaali erayga ogaadeeniya se
waxaa bixiyay gumeysigii dhulkaas xabashida ku wareejiyay sidaas darteed ilama
wanaagsana inaan isku dhajino eray bxintaas gumeysiga ee aan ilaahy dartiis
loola jeedin ee danta laga lahaa ay ahayd in saamaalida la kala qaybiyo oo la
isku diro si ay u ilaawaan cadowga ay leeyihiin ee dhulkooda haysta, marka aan
sidaas leeyahay ma aha inaan necbahay qabiilka soomaaliyeed ee magacaas leh ee
waxaan ka hadlayaa in ay habboontahay in la adeegsado magac soomaalidu isla
ogoshay si looga gudbo caqabadaha ka dhalan kara isticmaalka magac loo arko inuu
qabiil ku gaar yahay.
Waxaa la
isweydiin karaa maxaa xilligan loo keenay su'aasha ah soomaali galbeed ma
xoroobi doontaa? Iayada oo soomalaidii kale ee xorta ahaydba ay gacanta u gashay
gumeysiga itoobiya? Waxaase keenay su'aashan in xilligan laga hadlo arrimo ay ka
mid yihiin:
1. 1. Markii
mugdigu xoogsado waxaa meel fog laga arkaa wax kasta oo iftiin ah haba yaraadee
mar kasta oo oonku qofka ku batana waxaa usoo dhowaada meeshii uu biyo ku ogaa
haba fogaatee, waxaan hadalkaas uga socdaa in xilligan culaysku ku sii batay
dadka soomaaliyeed si fiican loo arki karo inta xorriyaddu soo jirto iyo sidii
gumeysiga la isga qaadi lahaa ama tabihii la adeegsan lahaa.
2. 2.Itoobiya weerarka ay soomaaliya ku soo qaadday hadafka ugu muhiimsan ee
ay ka leedahay waa in la illaawo soomaali galbeed oo waxa laga hadlaa uu noqdo
sidii bal jamhuuriyadda kaliya looga saari lahaa, ama ay u sii dheerayn lahayd
sii haysiga soomaali galbeed, laakiinse waxay aniga ila tahay naagtii xaabda
qaadi weyday ee sii badsatay ama tuuggii in la qabto ka baqday ee dhankii laga
jiray u sii cararay, qormadanna waxaan ka rabaa inaan tilmaamo inaan marna la
illaaweynin soomaali galbeed wax kasta oo ay itoobiya samaysaba.
3. 3.
Xilligan waxaa kacsan dareenka soomaalida oo dhan in la soo qaado soomaali
galbeedna waxay ila tahay inay ka qayb qaadanayso sidii loo smayn lahaa ra'yil
caam guud oo soomaali oo dhan ah si ay u suurta gasho in si midaysan looga howl
galo sidii dhulka soomaliyeed loo wada xoreyn lahaa meeshana looga saari lahaa
in soomaali galbeed ama qayb kale la illaawo.
Soomaali
galbeed ma xoroobi doontaa?
Inta aynaan
su'aashaas haa ama maya kaga jawaabin bal aan eegno arrimo badan oo aan
isleeyahay waa muhiim in la soo qaado si loo gaadho jawaab sax ah.
1. 1. dhulka
soomaali galbeed waxaa deggan shacab ka midaysan dhinaca diinta dhaqanka luqadda
iyo taariikhdaba halka gumeysiga haysta ayna jirin hal arrin oo ay isku
waafaqsanyihiin, taasina waxay mustaxiil ka dhigaysaa in dadkaasu ku raalli
noqdaan gumeysiga noocaas ah haba dheraato taariikhda uu waddanka haystaye,
waana tan ilaa iyo hadda kacdoonku u socdo iyada oo hal qarni ka badan ay ka soo
wreegtay qabsashadii dhulkaas.
2. 2.
dhulkan xilligii la qabsaday iyo cidda qabsatay iyo dadka iska leh intaba waa la
yaqaannaa sida falastiin iyo kashmiir iyo meelaha la midka ah, cid kasta oo u
dhaqdhaqaaqdana haddii ay dadaasho khasab bay dunida kaga dhigi doontaa in
codkeeda la maqlo.
3. 3. dadka
reer soomaali galbeed waxay xaq u leeyihiin inay xornimadooda gaadhaan sida
dunida kaleba u gaadhay mana dhicin hadda ka hor inay ka tanaasuleen xaqaas
maantana waxaa la hubaa haddii afti laga qaado inay dooranayaan inay aayohooda
ka tashadaan xorriyaddoodana la siiyo, sida la yidhaahdana ma lumo xaq ninkii
lahaa daba joogo tusdaalena waxaa ku filan falastiin.
4. 4.
dowladda itoobiya ee gumeysata dhulkaas ma aha dowlad sii haysan karta maxaa
yeelay waxaaba ka badan mashaakilkeeda daakhilaga ah ee ka haysta qowmiyadaha
faraha badan ee kala diinta, luqadda iyo dhaqankaba duwan ee isu cadowga ah,
waxaa intaas dheer wax dadku ku aqbali karaan ma jiro gumeysigeeda maxaa yeelay
waxaan faqri iyo dib u dhac ahayn lagama dheefin.
5. 5. xoogagga iska caabbinta gumeysiga ee islaamiga ama wadiniga ah ee ka
jira soomaali galbeed waxay si xidhiidh ah u wadeen dagaal aan kala go' lahayn
in ka badan 15 sano taas oo aan horey u soo dhicin kacdoonadii hore ee ku
dhammaan jiray wakhti aad u kooban, arrintaas oo daliil u ah in dadka gobolkaasi
ay soo kordheyso xamaaska ay u qabaan inay ka hoos baxaan gumeysiga iyoobiya,
waxa kale oo arrinkaas tusinayaa in kacdoonka maanta jira ee adkeystay in ka
badan 15 sano uu leeyahay asaas shacbi ah oo uu ku taaganyahay maxaa yeelay ma
jirto taageero dibadeed oo soo gaadha sida la ogyahay marka laga reebo wax aan
badnayn oo ururada qaarkood ka helaan ereteriya.
Arrimahaas
iyo kuwo kaleba waxay si cad u tilmaamayaan in xornimada soomaali galbeed ay
maanta ka dhowdahay intii hore, haddii si fiican loo habeeyo dadaalka loogu jiro
in dadkaasi iska rogaan heeryada gumeysiga. Suura gal iima aha inaan wakhti ama
maalin sheego maxaa yeelay waxa maqan ilaahay kaligii uunbaa og laakiin wax
kasta oo dunida ka dhaca waxay leeyihiin hor dhac lagu sii garan karo ilaahay
idankii, sidaas darteed waxaan odhan karaa hordhacyadaas aan soo sheegnay iyo
kuwo kaleba waxay ina tusinayaan in goor ay noqotaba ay dadka reer soomaali
galbeed xornimo gaadhi doonaan in shaa allaah.
Maxaa
hortaagan xornimada soomaali galbeed?
Waxsaa jira
caqabado lagu sheegi karo inay yihiin kuwo hortaagan in soomaali galbeed xorowdo
waxaana ka mid ah :
1. 1.
jahliga ballaadhan ee haysata bulshada dhulkaas daggan oo keenay hooseyn xagga
wacyiga ah, taasoo gumeysiga u sahashay inuu dad badan mar walba ku qanciyo in
dhibaatada uu umadda ku hayo ay tahay maslaxad bulshadu u baahantahay, layaabna
malaha maxaa yeelay qofka jaahilka ah waxaa sahlan in lagu qanciyo in dantiisu
ku jirto in la dilo! Xeeladaha uu adeegsanyo gumeysigu si uu uga hortago
xoogagga gumeysiga ka soo horjeeda waa kuwo daciif ah oo qofkii xiskiisu
dhanyahay garan karo tusaale ahaan wuxuu odhanayaa dadka dagaalka nagu wada waa
ajnabi oo ma aha reerihiinna iyada oo bulshadu ogtahay ragga hawlahaas wada in
ina ayohooda xataa la garanayo wax kale iskaba daaye, hase yeeshee wacyi darradu
waxay keentaa in dad badani waxaas rumeystaan oo ay ka shakiyaan xoogagaga ku
howlan sidii xornimo loo gaadhi lahaa, waxaan ku filnayd bal inay eegaan
gumeysigan isagu miyuu la dhashay mise waa shisheeye? dadka ay ku laynaysose
yey yihiin soo umado kala duwan ma aha?.
Gumeysigu
wuxuu qabsadaa sida uu maalik ibni nabi sheegay ciddii aqbali karta in la
gumeysto aqbalaaddaasna waxaa u sabab wacyi darro uu jahli sababay, tusaale
ahaan waxaan dhageystay aniga oo dhulkaas jooga 1993 dad ka doodaya in la
xoroobo iyo in kale nin ka mid ah dadkii lahaa lama xoroobi karo ayaan weydiiyay
sababta aan xornimo loo qaadan Karin wuxuuna ku jawaabay taar( hallow halowga
lagu wada hadlo) ma haysanno, sanadkaas sanadkii ka danbeeyay iayana waxaan ka
qayb galay shir ballaadhan oo lagu qabtay garbo waxaana dhageystay nin oday ah
oo ka hadlaya in xornimadii loo baahnaa la gaadhay isaga oo shirka ka hadlaya
ayuuna yidhi xornimo maanta waan haysannaa qabalaygii baan haysannaa!! Wax yaabo
kale oo aan macno lahyenna wuu sheegay , qabalyga laftiisna anigu maba aqaan
qalaadidiisase waxaan ku wadaa inuu afgaalaad yahay.
Dadka sidaas u
hadlaya sida ka muuqata way miyir qabaan oo ma waalna laakiin waxaan odhan
karnaa way dhoohanyihiin waxaana arrintaas ugu wacan aqoon darrada uu gumeysiga
laftiisu abuuray.
2. 2.
beelaha dhulkaas daga oo aan u dhannayn dagaalka gumeysiga lagula jiro iyo
waliba khilaaf u dhexeeya xoogaga jihaadka iyo halganka ku jira, taasina waxay
had iyo jeer kala dhantaashaa awooddii lagu kicin lahaa gumeysiga waxayna
cadowga fursad u siisaa inuu marba qolo ka takhaluso.
3. 3.
qaadashada sababihii lagu guuleysan lahaa oo laga gaabiyay, maxaa yeelay ilaahay
guusha wuxuu u sameeyay sababo qadari ah iyo kuwo sharci ah oo ciddii an qaadan
ayna guul gaadhaynin sida isku duubnaanta raacitaanka manhajka ilaahy iwm.
4. 4. waxaa
lunsan jihada ay qadiyadani u socon lahayd oo ah dadka bud dhigaha u ah ee carab
iyo muslimiin ah waxaana muuqata in dadka qaar ay la tahay in hiil laga helayo
kuwii horay inoo shirqoolay " eelka kii dhigay u ergootooy" taasina ragaadka
ayay sii fogeynaysaa , waliba waxaa intaas sii dheer in dadka qaar ay xataa
soomaalida sidii cadow ula dhaqmayaan halka ay codowgoodii dhabta ahaan kalsooni
siinayaan.
Duuflaalka
noocaas ahina wuxuu cuskanyahay inaan dhab loo fahamsanayn cidda aan dagaalka
kula jirno iyo cidda xigaalka noo ah, bal fiiri qadiyadda falastiin yaa cadow u
ah yaase hiil iyo taageero la garab taagan America iyo ingiriis yay la jiraan ma
falastiiniyiinta mise yuhuudda sidoo kale kashmiir yaa taagera yaase u cadow ah.
Mar kasta oo
qadiyadan lagala fogaado ciddii lahyd oo hoosta loo galiyo cadowgeeda waxaa sii
fogaanaya amaba lumaya rajadii laga qabay in xornimo la gaadho.
5. 5. waxay
qadiyadani ka qarsoontahay indhaha caalamka oo ay muslimiintu ugu horreeyaan
dhibaatada ka jirta iyo jihaadka ama halganka ka socdana cidi ma oga taasina
waxay hiil u tahay gumeysiga waxayna culeys ku tahay bulshada dhulkaas ku
dhaqan. qarsoonaantan doorka ugu weyn waxaa ku leh warbaahinta reer galbeedka oo
iyadu la safan gumeysiga itoobiya taasina la yaab ma leh waxaase layaab leh sida
aan ilaa iyo hadda loo haynin warbaahin kasban karta kalsoonida bulshada oo hir
galisa qadiyaddan, marka aan sidaas leeyahay kama wado ma jirto warbaahin ka
hadasha arrintan ee waxaan leeyahay ma gaadhsiisna halkii loo baahnaa xagga
tirada iyo tayadaba, qadiyadanina waxay u baahantahay warbaahin xoggan oo tayo
leh haddii ay tahay idaacad talefishin, jaraa'id iyo bogag internet intaba.
Sidee
xornimada lgau gaadhayaa?
Kama hadlayo
inta dagaal e la galayo qoryaha la isticmaalayo iyo dhaqaalaha sida loo
adeegsanayo ee waxaan doonayaa inaan farta ku fiiqo arrimo aan is leeyahay lama
huran bay u yihiin cid kasta oo doonaysa inay cadowgeeda ka guuleysato ama
xornimo gaadho :
1. waa in si
cad lo qeexo manhajka ( wadada ) uu qaadayo kacdoona la doonayo in xornimada
lagu gaadho waana inuu noqdaa kitaabka ilaahay iyo sunnada nabiga Õáì Çááå Úáíå
æÓáã maxaa yeelay waa inuu jiraa halbeeg lagu cabbiro saxa iyo khaladka,
meesha loo socdo iyo waxa la doonayo, haddiise ay xaajadu noqoto dooni badweyn
lagu sii daayay oo aan jiheeye lahayn dadka watna aynna garanaynin meel ay ka
yimaadeen iyo meel ay u socdaan haddii halaag laga badbaado lama gaadhi doono
meeshii loo socday, arrintaasina waxay si cad uga muuqataa taariikhda halganadii
kala danbeeyay ee soo maray gobolkaas waana waxa keenay wareerka iyo niyad jabka
ilaa nin ku jiray halgankii 1977-kii uu yidhi:
Xarba kii
galloo aawadaa xabashi loo laaye
Xaraan laguu
quuday iyo xoolo booliyahe
Xigaalada
laguu soo dhac iyo xaas qaraaba ahe
Xabaalaha laguu buuxi oo xawli loo dhimaye
Nin xamaasad
weyn kuu qabpp kugu xaq dhowraaya
Xigto iyo
qabiil kuu madhyoo xoor midnimadiiye
Hadba xooggii
kuu dhiidhiyaa guul xasilin waaye
Xornimooy
xaggeed naga jirtaa waa xujiyo yaabe
Mushikallas
ilaa maanta taagan lagama bixi doono haddaan si dhab ah loo raacin toobiyaha
kitaabka iyo sunnada lamana kala garan doono meel lasocdo iyo meel loo socdo
midna xaajaduan waxay ku danbayn doontaa markay u fududahay hal bacaad lagu
lisay.
3. 3. waa in
la xaddidaa waxyaabaha ma guuraanka u ah umadda ee aan laga tanaasuli Karin wax
kasta oo dhaca, haddii kale si dhib yar ayaa maalinba qayb looga tanaasuli
doonaa qadiyadiina sidaasey ku lumi doontaa, baryahan danbena waxaaba soo baxaya
aragtiyo odhanaya itoobiya wax ha la iskala qabsado hana laga tanaasulo
xornimadii oo dhan!.
4. 4. waa in
dhammaanba qabaa'ilka dega dhulkaas laga qayb galiyo jihaadka iyo halganka
gumeysiga lagula jiro maxaa yeelay diinta la difaacayo iyo dhulkuba wuu ka
dhexeeyaa dadka dagan in qolo isku gaaryeesho ama lagu daayona ma aha, hadii
kale arrintu waxy noqonaysaa dhari xaabo aan ku filnayn lagu kariyay oo markii
tii hore dhamaato oo uu qaboobaba qayb kale lagu shidayo oo aan waligii
bislaanaynin.
5. 5. waa in
la dhuuxaa taariikhdii dheerayd ee la soo maray waana in laga faa'iideystaa
khaladaadkii lasoo maray iyo waxyaabihii wanaagsanaa ee soo dhacay si aan loogu
soo celcelin khaladaad horay u soo dhacay ama aan loo galin oodan horay loogu
soo djabay.
6. 6. waa in
la sameeyaa gole shuuro ( wada tashi ) oo ka kooban culimo aqooyhan kale iyo
madaxda qabaa'ilka dhukla dega oo gun dhig u noqda mashruuca xoreynta si
qadiyaddu u yeelato miisaan la eg baaxaddeeda .
7. 7. waan
in la saxaa jihada ay qadiyaddu u socoto oo loo soo jeediyo dhinaca bahdeed
islaamka iyo carabta ah waana in meesha laga saaraa in gumeystayaasha loo kale
ergoodo ama waraabe hilbo lagu rarto, marka aan sidaas leeyahay kama wado yaan
saaxiibbo la kasban ama qadiyadda si fiican loo suuq geynin ee waxaan u socdaa
yaan cadow la aaminin sokeeyana la nicin.
8. 8. waa in
dadweynaha jahliga laga saaro oo la wacyi galiyo waana in aad loo xoojiyo
baritaanka shareecada maxaa yeelay diintu waa darbiga kala haya dadka iyo
gumeysiga haddii ay duntana in khamrada la wada cabbo oo xornimoba hadalkeeda la
dhigo ayaa ku xigta sida haddaba ka muuqata dadka gumeysiga la shaqaysta,
ahmiyadda ay barashada diintu u leedahay xornimada dad badani maba oga waxayna
la tahay in hees iyo faataadhug kale wax tarayaan dhab ahaanse waxaa umadaha
xoreeya waa caqiidadooda ay rumaysanyiihiin.
Yaa xoreyn
doona soomalai galbeed?
Ma rabo inaan sheego magacyada dadkaas ururada ay ka tirsanyihiin iyo
qabaa'ilkooda ee waxaan tilmaami doonaa qaar ka mid ah sifooyinka dadkaasi
leeyihiin:
1.
dadkaasi waa dad tukada oo weyseysta ilaahayna ku xidhan marka aan sidaas
leeyahayna mala awaal igama aha ee taariikhdii hore iyo tan maanta socotaba
dadka umadda wax u qabtay waxay ahaayeen dad sifaadkaas leh, dib u fiiri dadkii
gumeysigii hore kiciyay sayid maxamad, sheekh bashiir iyo sheekh xasan barsane
iyo intii la socotayba waxay ahaayeen dad tukada oo ilaahay yaqaanna gumeysigana
diin ahaan bay ula dirirayeen ee magac iyo mansab doon ma ahayn maantana bal eeg
falastiin kashmiir shiishaan iyo filibiinba dadka umadda difaacaya ee jihaadka u
taagan waa dad tukada o aan shilimaan iyo gawaadhi lagu qancin Karin si ay
mabda'ooda uga tanaasulaan.
Dadka
caleenta qaadka daaqa ama buuriga sida waagada qudhqudhiya waxaa la ogaaday
inayna umad u ciil dhicin Karin marag bayna leedahay maxaa yeelay dadka noocaas
ahi calooshooda mugged ayay qaadaan, bal xataa gumeysiga laftiisa ha weydiiyo in
arritaasi dhabtahay!.
2. 2. waa in
ay dadkaasi xor ka yihiin hawo aduun iyo magac jaceyl oo ay ilaahay kaliya
adoomo u yihiin oo ayna waliba cid kale rajaynaynin ama ka baqanaynin, haddiise
ay dhacdo dad iyagu naftoodu ay gumeysato ama qalbiga gaalo ka gumeysato inay
umadda hor kacaan waxaa la arki doonaa iyaga oo dadkii oo dhan gumeysiga u
dheelmay ama ula galay.
3. 3.
dadkaasi waa inay yihiin dad wacyi iyo aqoon leh oo aan dhaga xidhnayn hadii
kale weelkii madhan waa la dhaansadaa ugu yaraanna hawaa ku jirta haddii aan
arrintaas laga taxadarinna waxaa la arki doonaa dad dhaan ku maqnaa oo awrkii
lumiyay ama birmad ahaa oo cadow lasoo guryo noqday ama ugu yaraan la siray oo
lagu qanciyay inaan gumeysi la'aantii la noolaan Karin.
4. 4.
dadkaasi waa inay yihiin dad mabaadii ee ayna ahayn dad qabiil qoys ama
ashakhaas, maxaa yeelay dadka aan ka weyneyn qabyaaladda iyo wixii la mid ah
umad ma hogaamin karaan haddiiba ay isku dayaanna waxay dhashaa tan ilaa maanta
soomaaliya ka socota ee waddankii dhannaa gumeysiga gacanta u galisay.
5. 5.
dadkaasi waa dad hammigooda ugu weyn uu yahay in umaddu ku taagnaato wadadii
toosneyd ee ay ka soo gaadhay awoowayaasheed ee ahayd islaamnimada iyo
qiyamkeeda, maxaa yeelay waxa umaddu hadda u halgamaeyso ma aha dhul sida loo
sawiro maxaa yeelay dhulkii iyagaa deggan ka guurana lama laha laakiin waxa loo
diidanyahay waa inay xor u noqdaan rabitaankooda ku saleysan islaamnimada
waxaana la doonayaa in lagu sandulleeyo rabitaan iyo dhaqan ka soo horjeeda
midkii ay lahaayeen.
Dadka ayna
arrintaasi qiimaha la lahayn ee ay masjidka iyo kaniisaddu isugu midka yihiin
ama asturka iyo qaawanaantu u simanyihiin ama ayna dhowrsanmanta iyo faaxishadu
u kala duwanayn iyaga ayaaba dadka gaalada u galinaya una cabiidinya, taasina
waxay keeni doontaa in la iska illaawo ciddii xornimada rabtay iyo ciddii laga
xoroobayay mar haddii dhaqan iyo rabitaanba la wadaago gaal iyo islaamna la kala
garan waayo.
Xasan
Maxamad Ibraahim
xasanyare@msn.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | May 13, 2007


|