Warar: May 11, 2007
- Xildhibaan reer Uganda oo ka ka hadlay
xaalada ciidankooda ku sugan Soomaaliya...
- Ururka Ardayda Soomaaliyeed Ee Suuriya
Oo Qabtay Xaflad Sharafeed Loogu Mahad Celinayey Ganacsade Reer Suuriya Ah
Oo Wiil Soomaaliyeed Gargaar U Fidiyey.
- Qarax Xoogan Oo Laga Wada Maqlayey Guud
Ahaan Caasimada Oo Khamiistii Ka Dhacay Agagaarka Taleex.
- Dad Ku Barakacay
Dagaaladii Muqdisho Oo Deeq La Gaarsiiyey
- Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya oo Casuumad rasmi ah ka helay
dhigiisa liibya
- Prof. Cabdurahman M. Cabdullahi iyo
Prof. Yahya Haji Ibrahim oo la kulmay jaaliyadaha Norway ...
- Isbitaalladii gaarka loo lahaa ee ku
xirmay dagaalladii Muqdisho ka dhacay oo haatan dib loo furay
Xildhibaan reer Uganda oo ka ka hadlay xaalada
ciidankooda ku sugan Soomaaliya...
xildhiban u hadlay dowlada dalka Uganda oo ka
howlgalo Soomaaliya tiro dhan 1500-askari kuwaas oo ka mid ah ciidammada nabad
ilaalinta ee AMISOM ayaa waxay cabsi weyn ka qabaan in ciidammo Afrikaan ah ay
nabad ilaalin ahaan u tagaan gudaha dalka Soomaaliya.
Xildhibaan Hussein Kamuja oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka dowlada
Uganda ayaa hadalkaan u sheegay in baarlamaanka dalka Uganda uu si weyn u
cambaareynayo dalalka Afrikaanka ah ee horey ugu baaqay in ay ciidammo ka
howlgala Soomaaliya ay u diri donaan dhaqso kuwaas oo weli ka cago-jiidaya inay
ciidammo geeyaan Soomaaliya.
"Ciidammadeenu waxay noqonaysaa inay ka soo baxaan Soomaaliya, haddii aan loo
helin ciidammo kale oo Afrikaan ah oo nabad ilaalineed, waayo ma aqbalayno inay
dhibaatooyinka Soomaaliya oo dhan dusha u ritaan ciidammadooda" ayuu yiri
Hussein Kamuja oo sheegay inay ka fiirsanayso dowladdiisa inay ciidammadiisu sii
joogaan Soomaaliya.
sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga ee Uganda Crispous Kiyonga ayaa isne meel
fagaaro ah ka sheegay sida aysan ugu qanacsanayn inay ciidammadeeda oo keliya ku
sugnaadaan Soomaaliya, waxuuna intaa raaciyey in Qarammada Midoobay ay weydiisan
doonaan inay ciidammo nabad ilaalin ah u dirto Soomaaliya.
"Haddii codsigeennaan uu noqdo mid meel mara, waxaan kala baxaynnaa
ciidammadeena gudaha dalka Soomaaliya, mana dhacayso inaan ku sii sugnaanno"
ayuu yiri Kiyonga oo sheegay in ciidammadooda aysan awood u lahayn inay nabadda
Soomaaliyo oo dhan ilaaliyaan.
waxaa haatan ku sugan gudaha dalka somaiya Ciidammada Uganda ah muddo 3-billood
ah ayay sheegayaan welina ma helin wax mushaar ah oo horey loogu balanqaaday
ciidammada AMISOM ee ka imaanaya dhanka Midowga Afrika, sababta ayaa ugu weyn
carada ay qabaan Madaxda dalka Uganda.
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Ururka Ardayda Soomaaliyeed Ee Suuriya Oo
Qabtay Xaflad Sharafeed Loogu Mahad Celinayey Ganacsade Reer Suuriya Ah Oo Wiil
Soomaaliyeed Gargaar U Fidiyey.
Xaflad sharafeed ay soo qaban qaabiyeen Ururka
Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Suuriya , laguna qabtay Xarunta ururka
macalimiinta ee magaalada Dimishiq, Ayaa waxa loogu mahad-celiyey ganacsade reer
Suuriya ah oo gargaar bani-aadanimo u fidiyey wiil yar oo Soomaaliya
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen madax kala duwan ayaa waxa ka mid ahaa ,
Ganacsadihii xaflada loogu mahad naqayey oo isagu hore u ahaan jiray xubin
Golaha shacabka ee dalka Suuriya Md. Xasan Al-sibaahi, waxa kale oo ka mid ahaa
madaxdii ka soo qayb gashay Xoghayaha Qaybta Wadamada Carabta ee Xisbiga dalka
ka arrimiya (Al-ba’ath) C/kariim Cuweyda, Qusulka Safaaradda Soomaalida Maxmed
Xasan,Xoghayaha Safaaradda C/raxmaan Sh.C/qaadir , Xoghayaha Xisbiga Al-Ba’ath
ee qaybta Soomaalida Sahra Maxmed Fariid , Madaxa ururka Ardayda Soomaaliyeed ee
dalka Suuriya Ismahaan C/laahi, Guddoomiya ku xigeenka Jaaliyadda Soomaalida
Maxmed Daahir, iyo G.G.Odayaasha Soomaalida C/raxmaan Taamow. iyo dadweyne
Soomaaliya iyo Suuriyiin isugu jira.
Madaxa Ardayda Soomaaliyeed Ismahaan C/laahi ayaa waxa ay iyada oo ku hadlaysa
magaca Ardayda Soomaaliyeed mahad balaadhan u soo jeedisay ugu horayn hogaanka
dalka Suuriya madaxweyne Dr. Bashaar Al-asad , xukuumadda iyo shacabka Suuriya
sida ay Soomaalida isu garab taagaan dhibaatada had iyo jeer la soo gudboonaata,
waxa kale oo ay mahad aad u balaadhan u soo jeedisay Md. Xasan Al-Sibaahi sida
Islaamnnimada iyo walaaltinamada leh ee uu ugu diirnaxay wiilka Soomaaliyeed ee
dhibaatadu soo gaadhay markii uu ka daawaday T.V-ga Aljazeera warbixin uu ka soo
tabiyey dhibaatada wiilka oo aan Aabihii iyo Hooyadii midna haatan noolayn.
Waxayna intaas ku dartay Ismahaan in talaabadaas uu qaaday ilaahay agtiisa ajar
iyo xasanaad looga qori doono, Qofkasta oo Soomaali ahina uu mahad balaadhan u
hayo Md.Al-Sibaahi Gargaarka uu U fidiyey Muuse Cosoble Afrax oo dagaalada
Muqdisho dhibaato ka soo gaadhay ka dib markii firidh madfac uu laf-dhabarta ka
haleelay ilaa maanta firir ku jiro.
Waxayna hadalkeeda ku soo gabagabaysay Ismahaan in ay ka xunyihiin haday ardayda
Soomaaliyeed yihiin dhibaatada ka taagan Soomaaliya Gaar ahaan faragalinta ay
dawladda Itoobiya ku hayso arrimaha Soomaaliya.
Md.Xasan Al-Sibaahi oo isaguna hadal Kooban madasha ka soo jeediyey ayaa sheegay
in ay arrintani tahay waajib saarnaa oo uu gutay, hadeerna rajeynayo in uu wax u
qabto qofkasta oo Soomaaliya oo dhibaataysan wixii awoodiisa ah, isla markaana
uu shacabka Soomaaliyeed ilaahay uga baryayo in uu dhibaatada ka
dulqaado,wuxuuna intaasi ku daray in labada shacab Suuriya Iyo Soomaaliya
xidhiidh walaaltinnimo oo qoto dheer ka dhaxeeyo, ugu danbayntii waxa uu
tibaaxay in uu u mahadnaqayo dhamaan xubnihii ka soo shaqeeyey xafladan.
Waxaana halkaasi lagu guddoonsiiyey Md. Xasan Al-Sibaahi Bilad Sharafeed,
waxaana guddoonsiiyey Qunsulka safaaradda Soomaalida Maxmed Xasan isaga oo
magaca shacabka Soomaaliyeed ku guddoonsiiyey Biladaasi.
Wiilka gargaarka loo fidiyey Muuse Cosoble Afrax ayaa waxa si buuxda u kafaalad
qaaday noloshiisa iyo wixii daaweyntiisa ku baxay Md. Al-Sibaahi, waxaana lagu
daaweeyey wiilka Cisbitaalada dalka Suuriya, in kasta oo aanu wali socon Karin
lana sheegay in uu u baahan yahay qalitaan culus, ayaa haddana waxaad
dareemaysay sida uu isu badelay, tan iyo markii laga soo qaaday magaalada
Muqdisho muddo haatan laga joogo Afar Bilood, uuna helay daryeel caafimaad.
Asad Caddaani Ibraahim
Dimishiq Suuriya
asadlaska@hotmail.com
Qarax Xoogan Oo Laga Wada Maqlayey Guud Ahaan
Caasimada Oo Khamiistii Ka Dhacay Agagaarka Taleex.
Qaraxan oo ahaa mid aad u xoogan oo laga wada maqlayey magaalada caasimada ah ee
Muqdisho ayaa ka dhacay wadada isku xirta Hotekii Ex- Taleex, iyadoo wali aan la
ogeyn qaraxaan qasaaraha uu geeystay.
Qaraxan oo ahaa mid weyn oo gil-giley deegaanada ku dhow dhow meesha qaraxani ka
dhacay ayaa ku cusbaa dhegaha daka tan iyo intii ay istaageen dagaaladii lagu
hoobtay ee dhowaantan ka dhacayey magaalada muqdisho .
Warar xogogaal ah ayaa saaxafada u xaqiijiyey inuu qaraxani mid aad weyn oo sida
la sheegay gaysan kara khasaare xoogan waloow aysan jirin warar sheegaya
qasaaraha ka dhacay halkaas inaan la xaqiijin karin ,qaraxa oo ku aadanaa
Khamiistii aroornimadii 8-subaxnimo iyo daqiiqado ayaa ahaa mid laga wada
maqlayey guud ahaan caasimada muqdisho.
Goob joogayaal ka ag dhowaa deegaanka qaraxani ka dhacay ayaa sheegay in
islamrkiiba qaraxa kadib ay halkaas isku gadaameen ciidamada dowlada KMG ah
islamrkaana aysan jirin cid si dhab ah u ogaatay khasaaraha iyo halka uu ku
qaraxan lala beegsaday iyo waxa uu ahaaba ,iyadoo ay xireen ciidamada dowladu
wadooyinka soo gala halka qaraxu ka dhacay .
Qaraxyada lala beegsanayo ciidamada dowlada KMG ah ayaa kusoo badanaya magaalada
muqdisho iyadoo habeenkii Khamiistu soo geleysey fiid horaadkii qarax lala
beegsaday baabuur nooca loo yaqaano nissanka oo ay saarnaayeen tiro askar ah oo
ciidamada booliska dowlada KMG ah iyagoo xiligaa marayey agagaarka Isgoyska
wadada Aadan Cadde,islamrkaana la sheegay inuu qaraxaasi ahaa bam-gacmeed lagu
tuuray baabuurkaas oo wadadaas marayey .
Qaraxyada isdaba jooga ah ee lala beegsanayo ciidamada dowlada KMG ah ayaa kusoo
beegmaya xili ay ku dhex jiraan bur-burinta dhismayaasha dadku lahaayeen ee ku
dhisnaa sharci darada islamrkaana ay meelo badan oo uu kamid yahay suuqa weyn ee
bakaaro ,wadada sodonka ,jidka wadnaha ,KM-4 iyo meelo kale ay ka bur-buriyeen
meheradaha laga dukaamaysto ee ka samaysnaa jiingadaha iyo al-waaxda.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Dad Ku
Barakacay Dagaaladii Muqdisho Oo Deeq La Gaarsiiyey
Golaha samafalka iyo horumarinta soomaaliyeed wuxuu deeq raashin ah oo ka kooban
Bariis iyo Saliid gaarsiiyey 540 qoys oo ka mid ah dadkii ku barakacay dagaalada
Muqdisho, kuwaasoo degan Km 13 iyo Km 14 (Xanaanada digaagga ) .
Lacagta lagu
iibiyey deeqdan waxay Golaha ka soo gaartay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku
dhaqan dalka Finland magaalada (Murmaki) iyo Jaaliyadda Ingiriiska magaalada (
Manchester).
Baaq & Mahadcelin
Golaha Samafalka & Horumarinta Soomaaliyeed wuxuu u
mahadcelinayaa dhammaan dadkii ku tabarrucay deeqdan.
Deeqdan la gaarsiiyay ma ahan mid ku filan dadka ku dhibaataysan
daafaha magalada Muqdishu oo aay haaystaan dhibaatooyin badan oo kala duwan ,
sidaas darteed Goluhu wuxuu ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay
kaalmo u fidiyaan walaalahooda dhibaataysan .
Waxaana kaalmadiina ku soo hagaajin kartaan accounada Golaha ee
kala ah :-
No |
Magaca
shirkadda |
Account
Number |
1 |
Qaran
Express |
117 |
2 |
Dhabashiil Bank |
2283 |
3 |
Amal Bank
|
11073 |
4 |
Global
Money Transfer |
21042 |
5 |
Tawakal
Bank |
309 |
6 |
Mustaqbal
Bank |
22315
|
|
|
|
Golaha samafalka iyo horumarinta soomaaliyeed wuxuu deeq raashin
ah oo ka kooban Bariis, Sokor, Saliid, Oomo iyo Firaash / Barkimo gaarsiiyey
bukaanjiifka isbitaalka Madiina .
Deeqdan ayaa ka koobneyd :-
Bariis 50 Loor
Sokor 25 Loor
Saliid 25 Kartoon
Oomo 40 Kartoon
Firaash & Barkimo 100 Xabo
Lacagta lagu iibiyay deeqdan ayaa ka timid shirkii aqoonyahanada
ee ka dhacay magaalada Lester ee dalka Ingiriiska.
Baaq & Mahadcelin
Golaha Samafalka & Horumarinta Soomaaliyeed wuxuu u
mahadcelinayaa dhammaan dadkii ku tabarrucay deeqdan,
Deeqdan la gaarsiiyay ma ahan mid ku filan dadka ku dhibaataysan
isbitaalka Madiino oo ay dhibaatysan yihiin bukaanka ku sugan isbitaalka, sidaas
darteed Goluhu wuxuu ka codsanayaa dhammaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan
ganacsatada & Jaaliyadaha dibedda in ay si wax ku ool ah uga qeyb qaataan
howlaha lagu gargaarayo walaalahooda ku barakacay dagaaladii Muqdishu.
Waxaana kaalmadiina ku soo hagaajin kartaan accounada Golaha ee
kala ah :-
No Magaca shirkadda Account Number
1 Qaran Express 117
2 Dhabashiil Bank 2283
3 Amal Bank 11073
4 Global Money Transfer 21042
5 Tawakal Bank 309
6 Mustaqbal Bank 22315
Dhinaca kale Golaha samafalka iyo horumarinta soomaaliyeed wuxuu
deeq raashin ah oo ka kooban Bariis, Sokor, Saliid, Oomo iyo Firaash / Barkimo
gaarsiiyey bukaanjiifka isbitaalka Madiina .
Deeqdan ayaa ka koobneyd :-
Bariis
|
50 Loor |
Sokor |
25 Loor |
Saliid
|
25
Kartoon |
Oomo
|
40
Kartoon |
Firaash &
Barkimo |
100 Xabo |
Lacagta lagu iibiyay deeqdan ayaa ka timid shirkii aqoonyahanada ee ka dhacay
magaalada Lester ee dalka Ingiriiska.
Baaq & Mahadcelin
Golaha Samafalka & Horumarinta Soomaaliyeed wuxuu u mahadcelinayaa dhammaan
dadkii ku tabarrucay deeqdan,
Deeqdan la gaarsiiyay ma ahan mid ku filan dadka ku dhibaataysan isbitaalka
Madiino oo ay dhibaatysan yihiin bukaanka ku sugan isbitaalka, sidaas darteed
Goluhu wuxuu ka codsanayaa dhammaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada &
Jaaliyadaha dibedda in ay si wax ku ool ah uga qeyb qaataan howlaha lagu
gargaarayo walaalahooda ku barakacay dagaaladii Muqdishu.
Waxaana kaalmadiina ku soo hagaajin kartaan accounada Golaha ee
kala ah :-
No |
Magaca
shirkadda |
Account
Number |
1 |
Qaran
Express |
117 |
2 |
Dhabashiil Bank |
2283 |
3 |
Amal Bank
|
11073 |
4 |
Global
Money Transfer |
21042 |
5 |
Tawakal
Bank |
309 |
6 |
Mustaqbal
Bank |
22315
|
Kala soo xiriir Golaha emailadan :
kaalmeeye@hotmail.com,
kaalmeeye@yahoo.com
Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
002521-580916
Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya oo Casuumad rasmi ah ka helay
dhigiisa liibya
11,May- 2007
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Libya iyo ururka
ay ku bahoobeen 23-ka dowladood ee la isku yiraahdo
Saaxil Wasaxaraa, Mudane Dr Maxamed Xuseen Maxamed
(Ilka-Dahab), ayaa sheegay asigoo jooga xafiiskiisa
safaaradda Soomaaliya ee tripoli in madaxweynaha
dowlada federaalka kmg ah ee soomaaliya mudane:C/laahi
yuusuf axmed uu casuumad rasmi ah ka helay dhigiisa
dalka libya mudane:col-mucamaral al-qadafi.
Safiirka iyo Qadaafi
Casuumada loo diray madaxweynaha DFKMG soomaaliya ayaan la
ogeyn waxa ay uga wada hadlayaan labada madaxweyne
wallow ay horey u jireen heshiisyo aan la dhameystirin
la rabana in hada la dhameeyo dowlada libya ayaa
sheegtay in ay dowlada soomaaliya ay hiil iyo hooba la
garabtaagan tahay soomaaliya sidii wax looga qaban
lahaa gacana ay uga geysan lahayd dowlada libya oo ay
horey u balanqaadey in ay soomaaliya ka taageeri
doonta dhinacyo badan haba ugu darnaatee arimaha
nabadgelyada iyo weliba dhaqaalaha lagu taageerayo
ciidamada nabadgelyada ee wadamada Africa ee tagaya
somaliya
Sacii axmed .Antenno.
saciidanteno@yahoo.com
Prof. Cabdurahman
M. Cabdullahi iyo Prof. Yahya Haji Ibrahim oo la kulmay jaaliyadaha Norway ...
Prof. Cabdurahman M. Cabdullahi
iyo Prof. Yahya Haji Ibrahim oo la kulmay jaaliyadaha Norway.
Kulan ay soo abaabuleen Xiriirka
Ururada Soomaaliyeed Ee Norway (XUSEEN/SONIN) oo ka dhacay Oslo ayaa waxaa lagu
martiqaaday halkaa Prof. Cabdurahman iyo Proff Yahye oo soo gaaray dhowaan
dalkan Norway.
Labadan Proffesor oo ka socday
Jammacadda Magaaladda Muqdisho ayaa waxay u soo bandhigeen jaaliyahada
soomaaliyeed Cilmi baaris ku saabsan dhaqaalaha iyo ganacsiga dhul uu dagaal ka
jiro.
Cilmi baaristaan oo ay soo
sameeyeen arday soomaaliyeed iyagoo kaashan Prof. Yahye iyo Cabdurahman ayaa
ahaa kuwa meelo badan kaa tusin xiriirka ka dhaxeeya Nabada,Dagaalada,Ganacsiga
iyo Dhaqaalahaba.
Xiriirka dagaalada iyo dhaqaalaha .
Iyadoo ay dagaaladan geysteen
burbur dhan kasta ah, sida dhanka bulshada, horumar iyo hantiba ayaa haddana mar
walba waxaa jira qolo ka hesha dhaqaale sida wadamada/shaqsiyaadka ka iibinaya
hubka xoogaga ku dagaalamaya soomaaliya. Waxaa soo baxay warlord’ya ka taliya
degaano kala duwan oo iyana ganacsi/Contracts/canshuuro ka fuliya meelaha ay ka
taliyaan kana helay dhaqaalo fara badan mudadii ay socdeen dagaalada sokeeye.
Xiriirka Ganacsiga, Nabada iyo dagaalada .
Ardadii soomaaliyeed ee sameysay
cilmi baaristan ayaa la kulmay shirkado badan oo ka howl gala Muqdisho iyagoo
weliba xushay shirkadaha ugu yaraan heysta shaqaale ilaa labaatameeyo ah.
Waxyaabihii ay ku soo qaateen cilmi baaristan waxaa ka mid ahaa sida ay
shirkadahan dhaqaalo fara badan ugu bixin jireen stuff’ka waardiyeeya hantidooda
la’aantoodna aysan marnaba macquul aheyn in la fuliyo howlaha ganacsiga. Awoode
dhaqaale oo ay leeyihiin ganacsatadan ayey marna ayid sanaayeen ama ka soo
horjeedeen siyaasadaha kala duwan (siyaasad sababta nabad ama dagaal).
Prof. Abdurahmaan ayaa isna
warbixin dheer ka bixiyey marxaladaha kala duwan ee uu soo maray dalkeena laga
soo bilaabo ka hor intuusan imaan gumeystihii.
Xilligii Hogaamiyo
dhaqameedyada
Soomaalidda inta uusan gumaysigu
imaan dalka waxaa ay ahayd qoowmiyad u badan reer guuraa waxaana ay lahayd xeer
iyo dhaqan ay umaddu isku xukunto. Hogaan bulshaddana waxaa hayay odayaal
dhaqameedka sida Boqorada, Suldaanada, Ugaasyada, Malaaqyada, Webarada iwm.Sidoo
kale dadka beeralayda ama xeebaha daga waxaa talada reerka hayay odayaal
dhaqameedyada. Tuulooyinka qaarkood waxaa talada hayay culumaa’udiinka.
Xilligii
Isticmaarka iyo nidaamka uu uga tagay dalkii
Markii uu gumaysiga Reer Yurub
yimid dhulka Soomaliyeed waxaa uu durbadiiba la yimaadeen maamuladii ka jiray
dhulkooda taladii umadana waxaa la wareegay iyaga iyo dad ay u magacaawdeen
maamuladii waqtigaa jiray.
Xilligii Isticmaarka iyo nidaamka uu uga tagay dalkii
Markii uu gumaysiga Reer Yurub
yimid dhulka Soomaliyeed waxaa uu durbadiiba la yimaadeen maamuladii ka jiray
dhulkooda taladii umadana waxaa la wareegay iyaga iyo dad ay u magacaawdeen
maamuladii waqtigaa jiray.
Dowladii xigtay
isticmaarka iyo xukunkii military
Gumaysiga oo xoog ku haystay
dhulka soomaalida markii uu talada umada ku wareejiyay dadkii uu tababaray waxaa
ay durbadiiba isqabteen odayaal dhaqameed yadii uu talada bulshada kala
wareegay. Taasina waxay keentay in ay mucaaradaan xukunka casriga ee uu
gumaysigu noo keenay. Taasina waxay sababtay in nadaamkii uu gumaysigu ka tagay
uu ka maarmi waayo inuu qanciyo qabiilka iyo kabaqabiiladiisa. Taasina waxay
fashil ku keentay xukuumadii ugu horeeysay ee soomaaliddu yeelato gumaysiga
kadib. Fashilkaasna waxaa sabab u ahaa musuq maasuq iyo eex qabiil. 1969kii ayaa
waxaa u suuragashay ciidankii xooga dalka soomaaliyeed oo ahaa haykalka
dawladeed ee ka badbaaday nadaamka qabaailka. Dadkii magaalooyinka daganaa oo u
badnaa dad aqoonleh iyo indheer garad ay aad u soo dhaweeyeen. In uu la wareego
xukunkii dalka. Dhisyna maamul milateri oo la dagaalama nidaamkii qabiilka siina
ambaqaaday maamulkii dawladda casriga ahaa ee uu gumaystuhu noo keenay.
Xukinkii milatariga ahaa waxaa
awoodiisii wiiqantay markii uu dagaalka la galay Dawladda Itoobiya oo haysatay
dhulka soomaaliyeed ee Ogaadeenya loo yaqaan. Waxaa durbadiiba soo baxday inay
soo laba kaclaysay qabyaaladii oo ay ku xoogaysatay xukiinkii milateriga ahaa
dhexdiisa taasina ay keentay in xukunkaasi u kala jajabo qabaa’ilo iska soo
horjeeda.Taas waxaa tusaale u ah in markii lagusoo fashilmay dagaalkii lala
galay Itoobiya ay soo if bexeen jabhadu ku salaysan qabiil oo kasoo horjeestay
xukuumadii milateriga ahayd sida SSDF oo asaasantay 1978dii iyo SNM oo
aasaasantay 1983dii.Iyo xukunkaas oo ku sifoobay eexqabiil iyo
musuqmaasuq.Dagaalkii qabiiladu wuxuu ku guuleystay in uu burburiyo xukunkii
milateriga ahaa ee ku dhisnaa nadaamka xukuumadaha casriga ah ee uu gumaystuhu
noo keenay, kadib markii ay jabhadii qabiiliga ahayd ee USC ay ka cayrisay
magaalada Muqdisho madaxweeynihii xukumadii milatariga ahayd. Halkaa waxaa umada
soomaaliyeed uga biloowday nidaam cusub oo qabiil ku dhisan ayna hogaaminayaa
dagaal oogayaal.
Mudo yar kadibna qabiil walba oo
soomaaliyeed waxaa uu yeeshay dagaal ooge isku magacaabay inuu yahay madaxa
siyaasada ee reer qansax. Waxayna ku caanbexeen in ay huriyaan colaado qabiil
oon dhamaad lahayn iyo isu tanaasulid la’aan si loo dhiso xukuumad soomaaliyeed
oo loo dhan yahay. Waxaa soomaalida oo ay hogaaminayaa dagaal oogayaasha
siyaasadeed loo qabtay 12 shir oo aysan kasoo bixin wax dawlad ah oo shaqeey.
Shirkii 13aad ee dib u heshiisiinta ee lagu qabtay Carta ee wadanka Jabuuti
waxaa la isugu yeeray dhamaan qabaailada kala duwan ee soomaalida oo ay
hogaaminayaa odayaal dhaqameedyo, culumaa udiin, ururadda bulshada rayadka ah
iyo soomaalida qurbajooga ah.
Waxaa qadacay shirkaas intii
badnayd dagaal ogayaasha. Waxaa dhacday dood dheer kadib in ay ergooyinkii isugu
yimid meesha oo ahaa 3000 oo qof ay isku raacaan in soomaalidu qabiil isku
laysay xukunkoodiina u burburisay qabil dartii. Si arrinkooda loo xaliyana ay
lagama maarmaan tahay in xalka laga raadiyo qabiilka. Taasoo ay ergadu isku
raacday in ay soomaalidu tahay afar beelood iyo bar ayna lagama maarmaan tahay
in hada kadib ay wax ku qaybsato qabiil.
Carta waxaa kaloo la’isku raacay
in arrinkaas lagu qoro dastuurka kumeel gaarka ah. Hada wixii ka dambeeyana
soomaalidda wax loogu qaybiyo nidaamkaas kor ku xusan.
Dagaalkii sokeeye,
warlord’yada, dowladii carte iyo maxkamadaha
Dawladii Carta waxaa durbadiiba ka
hor yimid dagaal oogayaashii hubaysnaa oo diiday in awoodu farahooda ka
baxdo.Ayagoo kaashanaya Itoobiya cadawgii soo jireenka ahaa ee soomaalidda waxay
geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen inay burburiyaan dawladii soomaaliyeed ee
ay soo dhiseen dad matalaya qaybaha kala duwan ee bulsha waynta
soomaaliyeed.Waxaa ay ku guuleysteen in Dawladii lagu soo dhisay Carta ay dhaafi
waydo magaaladda Muqdisha. Taariikhdu markay ahay 2004 ayaa waxaa ay dawladii
Carta ka codsatay dawladaha IGAD in ay dhexdhaadiyaan dawladda iyo mucaaradka.
Itoobiya oo arrintaas ka
faaiidaysanaysa ayaa durbadiiba waxaa ay usuura gashay in ay iska horkeento
kalana dirto maamulkii lagu soo dhisay Carta. Waxaan halkaa laga anbaqaaday
shirwaynihii 14aad ee loo qabto soomaalida oo ay hogaanka u hayaan Itoobiya iyo
Keenya. Durbadiina waxaa mudnaata la siiyay dagaal ogayaashii hubaysnaa si ay u
soo xulaan xubnihii ka qayb gali lahaa Barlamaanka ku meelgaarka ah. Awoodii
madax dhaqameedkana waxaa lagu soo koobay in ay ansixiyaan waxa ay dagaal
ogayaasha hubaysani soo magacaabaan. Dawladii ay hormuudka ka ahaayeen dagaal
ogayaashu intii aysan soo dhaafin Nayroobi ayay u kala jabtay laba garab.
Taasina waxaa ay dhaxalsiisay inay u kala guuraan laba magaalo oo kala ah Xamar
Iyo Jawhar.
Intii ay labadan garab ku
murmayeen arrimihii ay isku qilaafsanaayeen oo ay ugu waynayd in aan ciidamo
shisheeye dhulka la keenin. Ayaa waxaa u suuragashay maxkamadihii Xamar ka jiray
iyo ganacsatadii oo u arkay keenida ciidama shisheeye in ay khatar ku tahay
iyaga iyo danahooda in ay is abaabulaan una diyaar garoobaan ka hortag arrintaa.
Durbadiiba waxaa Xamar ka bilawday shirar iyo isabaabul ku wajahan in laga
hortago ciidamada shisheeye iyo DFKM ee soo hogaaminaysa.
Waxaa arrintaa khatar iyo in
awoodii caasimada laga fara marooqsaday u arkay dagaal oogayaashii Muqdisho.
Islamarkiina waxaa ay ku dhawaaqeen isbahaysi la magac baxay Isbahaysiga
Ladagaalanka Argagixisada. Dagaal dhowr bilood socday kadib waxaa ay guushii
raacday oo la wareegay Xamar iyo inta badan koofurta Soomaaliya Isbahaysigii
Maxkamadaha Islaamiga. Durbana bilaabay inay khalkhal galiyaan DFK ahayd ee
fadhigeedu markaa ahaa Baydhabo iyo Dawladda Itoobiya. DFK oo kaashanaysa
ciidamo Itoobiyaan ah iyo taakulayn dhinaca milatariga ah oo ay ka heleen
Maraykanka ayaa ay usuura gashay inay iyana markooda si sahlan uga saaraan
dhamaan meelihii ay mudada yar ku qabsadeen IMI ahaa burburiyayna awoodoodii
milateri.
Proff. Yahye iyo Proff
Cabdurahmaan ayaa meelo badan ka tusay dadkii halkaa isugu yimid marxalada
wadankii uu ku sugan yahay iyo waxa la filan karo mustaqbalka dhow iyo kan
fogba.
Gabagabadii ayaa waxaa halkaa
loogu mahad celiyey aqoonyahanada soomaaliyeed ee booqashada ku yimid dalkan
Norway leyskuna raacay sidii leysugu xiri lahaa jaaliyadaha, aqoonyahanada ku
nool dalka dibadiisa iyo jaamacada Muqdisho.
Qoraalka waxaa soo diyaariyey
xubnaha Xiriirka Ururada Soomaaliyeed Ee Norway (Xuseen)
Somalisk Organisasjoners Nettverk
I Norge (Sonin)
Cowslafil.com, Oslo, Norway
cowslafil@cowslafil.com
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Isbitaalladii gaarka loo lahaa ee
ku xirmay dagaalladii Muqdisho ka dhacay oo haatan dib loo furay
Isbitaallada Al-xayaat iyo Carafaat oo ahaa isbitaallo waaweyn oo dadweynaha
Soomaaliyeed u fidin jiray daaweyn, howlo fara badanna fulin jiray isla markaana
ku xirmay dagaalladii ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa haatan si rasmi ah waxaa
dib loogu furay labadaasi isbitaal ee Carafaat iyo Al-xayaat.
Isbitaalladan oo si weyn ugu waxyeeloobay dagaalladii ka dhacay Muqdisho
qaarkoodna ay xarumo u noqdeen ciidamada iska soo horjeeda qeybo ka mid ah ayaa
haatan waxaa lagu sameeyay dayactir iyo nadiifin waxyaabihii burburka ahaa ee
soo gaaray, waxayna mar kale dib uga howl galayaan magaalada Muqdisho.
Wasiirrada u qaabilsan dowladda Federalka WAsaaradda Caafimaadka Qamar Aadan
Cali oo saakay kormeer ku soo martay isbitaalka Al-xayaat ee degmada Wardhiigley
ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay in mar kale goobihii isbitaalada ay
dib u furmaan, waxayna kula dar-daarantay howl wadeenada isbitaalkaasi inay ku
dadaalaan sidii ay dadweynaha Soomaaliyeed wax ugu qaban lahaayeen.
Dr. Max’ed Max’ud Xasan Bidey ayaa sheegay in isbitaalka Al-xayaat uu si rasmi
ah howshiisa u gudan doono 12ka bishan oo ku beegan maalinta Sabtiga ah ee soo
socota, wuxuuna shacbiga Soomaaliyeed u sheegay inay isbitaalka ka heli karaan
daaweyn iyo bukaan socod eegto intaba.
Dhinaca kale agaasimaha isbitaalka Carafaat Muuse xuseen Cumar ayaa isna sheegay
in isbitaalka Carafaat oo waxyeello ba’an ka soo gaartay dagaalladii ka dhacay
Muqdisho, dayactir iyo dib u habeyn kaddib uu si rasmi ah howshiisa u bilaabay
maanta, isagoo sheegay in isbitaalka ay soo gaareen khasaare aad u weyn oo
dhinaca qalabka ah, balse haatan dib loo dayac tiray, howlihiisana dib u
bilaabay.
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Ciidamada AMISOM oo maanta olole
nadaafadeed ka fuliyay waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho
Howl gal
nadaafadeed ayay saakay aroortii hore u dhaqaaqeen ciidamada AMISOM ee haatan ku
sugan magaalada Muqdisho iyadoo ololahaasina ay ka bilaabeen waddooyinka waaweyn
ee magaalada Muqdisho qaarkood, kuna nadiifiyay dhul baaxad leh oo haatan ay ka
soo ifayso nadaafad aad u qurxoon.
Ololahan ayaa waxaa ka qeyb qaatay
qeybo ka tirsan ciidamada AMISOM kuwaasoo watay gaadiidka qashinka lagu qaado
iyo waxyaabaha lagu nadiifiyo dhulka sida xaaqimaha, fargeetayaasha iyo
badiilada, iyagoo isla markaana isticmaalayay gaadiidka waaweyn kana qaadayay
goobaha ay nadiifinayaan qashinka, iyagoo geynaya meel ka fog magaalada Muqdisho
oo ah meelaha loogu talo galay in lagu daadiyo waxyaabaha wasaqda ah ee laga
nadiifiyo goobaha waaweyn ee halbowlaha u ah dadka.
Afhayeenka ciidamada AMISOM Captain Buddy Akunda ayaa sheegay in tani ay tahay
howl qiimo leh oo isu soo dhoweyneysa ciidamada AMISOM iyo shacbiga
Soomaaliyeed, waxaana haatan diyaar u nahay inaan sii wadno ayuu yiri mar wax
laga weydiiyay ololahan ay ku dhaqaaqeen maanta.
Howlahan ayaa u muuqdo kuwo isu soo dhoweynaya ciidamada AMISOM ee nabad
ilaalinta u yimid dalka Soomaaliya iyo shacbiga Soomaaliyeed, waxayna meesha ka
saareysaa in dowladda Uganda oo ciidamadan ka socda uu xiriir weyn kala dhexeeyo
shacbiga Soomaaliyeed.
Ethiopia oo sheegtay in ay
ciidamadeeda kala baxayso gudaha somaliya
Dowladda Ethiopia oo cadaysay sida ay ciidamadeeda joogo gudaha somaliya ugala
baxayso gaar ahaan Muqdisho
Wararka madax banaan oo aanu ka helay dalka Ethiopiamagaalo madaxdiisa ee adis
ababa ayaa waxay tibaxayaan inay ka fiirsanayso dowladda Ethiopia sidii ay
ciidamadeedu uga bixi lahaayeen gudaha dalka Soomaaliya.
la bixitaankaan cidamada ayaa la xaqiijiyey inayqeyb ka yihiin kuwo Midowga
Afrika oo Ethiopia ku cadaadinayo Ethiopia in ay kala baxdo gudaha dalka
somaliya si ay u yimaadaan ciidammadii nabad ilaalinta ahaa ee ay ugu
talo-gashay midowga africa inay Soomaaliya geeyaan sida ugu dhaqsiyaha badan
isla markaana aan ciidamada Ethiopia mardanbe lagu arag gudaha dalka Soomaaliya.
arintaa ayaa cadeyn u ah sida Dowladda Ethiopia ay u go'aansatay inay kala baxdo
ciidammadeeda ku sugan gudaha dalka somalia gar ahaan Muqdisho, iyada oo la
filayo in ay ciidamadoodu isku urursadaan gobollada dhexe ee Soomaaliya, mudo
gaaban ka dibna uga baxaan dhanka dalka Ethiopia.
Ciidammada Ethioipa oo aan inta badan laga jecleysan dalka somaliya ayaa waxay
bishii April dagaallo xoogan isaga horyimaadeen dagaal yahano somaiyeed kuwaas
oo ka dhacay gudaha Muqdisho waxeyna ku tilmaantay kooxo ka soo horjeeda in ay
yihiin kuwo xiriir toos ah la leh Al-Qaacida, taana waxaa beeniyey qabaailada
dega muqdisho iyo hogaamiyeyaashii maxaakiimta islaamiga
sidoo kale dowlada Ethiopia weli si rasmiah daboolka ugfama qaadin gorta iyo
xiliga ay ka saareyso ciidamadeeda gudaha dalka soaliya laakin waxey cadaysay
uun kala bixitaanka ciidamadeeda ee ku aadan dalka Soomaaliya
Maalintii labaad oo uu si xawli ah uga sodo
howlgallo lagu burburrinayo dhismayaasha sharci darrada ah ee suuqa Bakaaraha ee
magaalada Muqdisho
Waxaa maalintii labaad si xawli ah uga socda suuqa weyn ee Bakaaraha waddooyinka
soo gala iyo kuwa ka baxaba howl gal ballaaran dhulka lagu dhigayo dhismayaasha
sharci darrada ah ee muddaa 16ka sano ay ka dhisteen dadka Soomaaliyeed ee ku
dhaqan magaalada Muqdisho.
Howlgalkan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya ciidamo isku dhaf ah oo isugu jira
Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Booliiska, waxaana haatan uu marayaa heerkii
ugu dambeeyay inkastoo ay wax badan dhiman yihiin.
Waxa la bur-burrinayaa dhamaan sandaqadaha isugu jira dhagaxa, laamiyeeriga iyo
gaari gacannada kuwaasoo dad badan ay ku ganacsan jireen ka hor intaanu soo
bixin amarkaan.
Waxaa kaloo jira waddooyinka waaweyn oo dhererkeedu yahay 15x15 m kuwaasoo dadka
ay la fariistaan inta badan waxyaabaha yaryar sida shidaalka, raashinka quutul
daruuriga, miisaska iyo shaaha, biyo-miirka iyo ganacsi yar-yar oo dhulka la
dhigto, waxaana haatan dadkaasi guud ahaanba kuwii u dhisnaa iyo kuwii sidaas
ugu ganacsanayayba lagu qasbay inay ka guuraan, iyadoo ilaa iyo haddana si rasmi
ah aan loogu qoondeynin halkii ay degi lahaayeen oo ay ku ganacsan lahaa marka
laga reebo suuqyada waaweyn sida Bacadlihii Xamarweyne, Suuqii isku raran,
Ansalooti iyo Siinaay oo iyagu ruuxoodu sidaas si la mid ah ay ugu ganacsadaan
dad aan sharci u haysan.
Kumanaan ruux ayaa haatan ka barakacaya Suuqa weyn ee Bakaraha kuwaasoo labadii
maalmood ee ugu dambeysay aanay haysan wax ganacsi ah iyagoo ku mashquulsanaa
sidii ay uga guuri lahaayeen goobihii ganacsiga, iyagoo ku howlanaa duminta iyo
daabulidda wixii u dhisnaa iyo wixii u dhex yiil intaba.
Ololahan burburinta ee lagu duminayo goobaha sida ugu sharci darrada loo dhisay
ayaa ku eg muddada loo qabtay maalinta Sabtiga, iyadoo ganacsatada lagu
wargeliyay in wixii ka dambeeya maalintaas la isticmaali doono Baldowsarro ka
qaada waxyaabaha ku dhisan waddooyinkaas, waxayna tani keentay in dad badan ay
ka wal-walaan labo qodob oo kala ah: halka ay ku ganacsan doonaan iyo muddada ay
ku jiraan howshan waxa ay heli doonaan.
Dhinaca kale waxaa haatan soo baxaya ifafaale wanaagsan oo dadka intooda badan
farxad gelinaya taasoo ah sida loo banneeyay waddooyinka suuqa oo si aad ah ugu
muuqdo kuwo dib ugu soo noqnoya bilicdii uu lahaa Suuqa weyn ee Bakaaraha,
waxaana haatan arrintaasi ay fursad weyn u noqon doontaa dadka sida gaarka ah
uga ganacsan jiray suuqaas sida baqaarada waaweyn oo haatan waxoogaa nafis ah ka
helay markii laga qaaday dadkii isku dul saarnaa, balse waxaa cabsi weyn ay ka
jirtaa haddii dadkaasi laga dumiyo goobihii ay ku ganacsan jireen cidda iyagana
wax ka iibsan doonta.
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Hambalyo iyo taageero loo diray
Ambasadorka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Indonesiya
Kadib
markii maalintii shalay Ra'isal wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Cali Maxamed
Geeddi uu u magacaabay Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Indonesiya
Danjire Maxamuud Coloow Barroow (Maxamed Soomaali) ayaa waxaa si isdaba joog ah
inoo soo gaaraya hambalyo iyo tahniyadeyn loo jeedinayo Danjire Maxamed Coloow
Barroow (Maxamed Soomaali).
Dad badan oo isugu jira mas'uuliyiin, Siyaasiyiin, waxgarad, Culumaa'udiin,
Cuqaal, Aqoonyahanno, Dhalinyaro Rag iyo haweenba leh oo magacyadooda aan qoraal
lagu soo koobi Karin ayaa waxay Danjire Maxamuud Coloow Barroow (Maxamed
Soomaali) leeyihiin hambalyo, xilka adag ee lagu magacaabayna noqo mid si
mas'uuliyad leh ku guta.
Dadka kala duwan ee hambalyada ilaa iyo hadda na soo gaarsiiyey ayaa waxay
nagala soo xiriireen gudaha dalka Soomaaliya iyo dalal dibadda, gaar ahaan
Gobollada Banaadir, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Shabeellada Hoose, Shabeellada
Dhexe, Hiiraan, Bay iyo Bakool, halka dadka dibadda nagala soo xiriirayna ay
dhambaaladooda naga soo gaareen dalalka Denmark, Indonesiya, Waqooyiga Ameerika,
Ingiriiska, Holland, Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, K/afrika, Kenya iyo waddamo
kale.
Ambasador Maxamuud Coloow Barroow (Maxamed Soomaali) ayaa waxay dhammaan
dadkaasi ugu duceeyeen inuu Alle ku garab galo xilkaas culus ee loo magacaabay,
waxayna sheegeen in Ambasadorka ay sugeysow howl adag oo u baahan bay yiraahdeen
dhabar adayg iyo geesinimo.
Caaqil Dalmar
Email: dalmar2005@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 10, 2007
Wararkii: May 9, 2007
Ciidamada Dowlada KMG ah Baaritaan Xoogan Ku
Haya Xijaabka Indho Shareerka Haweenku Isku Asturaan.
Ciidamada dowlada KMG ah ee baaritaanka ka wada magaalada muqdisho ayaa ka furay
haweenka xijaabka indho shareerka Allah dartii u qaatay iyagoo ku macneeyey inay
argaggixiso yihiin .
Wadada wadnaha ee magaalada caasimada muqdisho
oo ay Talaadadii ka howl galeen cutubyo ciidanka dowlada KMG ah ayaa baaritaan
xoogan lagu hayey haweenka xijaabka indho shereerka qaata iyadoo laga wada
xayuubiyey haweenkaas indho shareerkii ay xirnaayeen islamarkaana inta laysku
uruuriyey meel wadada bartamaheeda ah lagu gubay.
Ciidamada dowlada KMG ah ayaa xijaabka indho -shareerka ay haweenku alle dartiis
isugu asturaan u sababaynaya inay gubaan in xijaabku indho shareerku yahay
waxyaalaha laysku qariyo oo dhan inay yihiin waxyaalaha nabad xumada keenaya waa
siday qabaane , sida ay sheegeen qaar kamida ciidamada dowlada ee baaritaanka ka
wada wadooyinka iyo xaafadaha inay dadka qaraxyada gaysta ay yihiin dadka
daboolan islamrkaana ay lamid yihiin baabuurta muraayadaha madoow ee dhowaan
laga mamnuucay magaalada muqdisho in lagu wato .
Mid kamida saraakiisha ciidamada baaritaanka ka wada wadada wadnaha ee caasimada
muqdisho oo magaciisa diiday inuu shaaciyo ayaa saxaafadu wax ka waydiisay
arintan ugubka ah ee ay lasoo bexeen ciidamada dowlada KMG ahi ee haweenka
xijaabka indho-sheerka lagaga fiiqayo, sarkaalka ayaa sheegay inay tahay
arintani mid la xiriirta arimaha amniga lagu xasilinayo magaalada muqdisho
,balse aysan ahayn mid arin kale ah waa siduu hadalka u dhigaye .
Sarkaalka ayaa intaas ku daray arimaha amaanka
lagu xasilinayo waxay keenayaan in shay kasta oo laga shaki qabo baaritaano lagu
sameeyo laakiin aysan waxba ka bedelayn xaalada caadiga ah ee dhaqanka
asluubaysan .
Sidoo kale mid kamida haweenka Talaadadii naqaamka (indho-shareerka ) laga
xayuubiyey oo magaceeda ku sheegtay Ramla cabdi –wahaab ayaa saxaafada u
sheegtay inay tahay arin murugo badan oo diinta iyo muslinimada wax u dhimaysa
islamrkaana ka hor imaanaysa dhaqankii iyo sunihii rasuulkeenii muxamad SCW uu
sheegay inay haweenka muslinka u dhaqmaan.
Ramla ayaa intaas ku dartay iyadoo ay murugo ka muuqato ma anaga ayaa is qarxina
mise waxaa laga wadaa haweenka asturan ayaa argagixiso ah ,islamarkaana dowlada
KMG ah ka codsatay inay ka fiirsadaan arimahaas dunuubta ah ee ka dhanka ah
diinta iyo sunihii suubanaa ee rasuulkeenii Muxamad SCW.
Si kastba ha ahaatee ciidamada dowlada KMG ah ayaa dar dar geliyey baaritaanka
xaafadaha ,baabuurta ,shaqsiyaadka laga shakiyo iyo weliba nadiifinta wadooyinka
sharci darada lagu dhistay ee magaalada caasimada ee muqdisho ,arintaan
baaritaanka haweenka asturan ayaa kusoo beegmaysa xili ay cutubyo ka tirsan
ciidmada xukuumada Ethiopia ku sugan yihiin dalka gudishiisa gaar ahaan
caasimada muqdisho.
Yaasiin maxamed cali (faytin)
Yaasiinfaytin@hotmail.com
|