SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Meles oo Muqdisho Xukuma Iyo Ashahaado-la-dirir uga Madiidin ah Laakiin Yaa Waqooyi Maareeye Uga Noqon Doona 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Maaddaama qabiil wax lagu qeybsaday Meles Zenawi iyo Gabre oo Soomaaliya xukuma, qabiilkee ku hilbo qeybsadeen?! Soow Meles Zenawi Tigree maaha? Horta qof la xukumo wax ma xukumaa? Yaa muran uga jiraa inuu Muqdisho xukunkeeda Ilaahay ka sokoow uu ugu sarreeyo janan Itoobiya u dhashay oo Zenawi soo diray? Sidee niman janan xukumo u dhihi karaan waxaan nahay madaxweyne, ra’iisul wasaare, guddoomiyaha Muqdisho iyo taliye booliis? War innagoo Zenaawi sida rakuubkii noo kooreystay haddaan dhahno waxaan nahay madax iyo qabiillo sare soo ceeb maaha? Nin gabyaa ah baa yiri: 

  • anoo deegta la ii saran yahay,  sida dameer muuna
  • inaan faan dabnaha kaga hadlaa,  wey damiir xumo e

Guddoomiyaha xisbiga UCID baa yiri: wiilka Addis Ababa jooga ayaa iga xiga kan Muqdisho jooga! Laakiin afhayeenka wasaarrada arrimaha dibadda ee Itoobiya wuxuu yiri: Soomaaliya waa isagu kaaya mid mana aqoonsanin wax la yiraahdo Somaliland laakiin wuxuu muujiyey iney korneylka u rabaan inuu Soomaaliya oo dhan xukumo iyagoo Hargeysa u geynaya wada-xaajood! Sidoo kale dad badan oo reer Koonfur ah (waxaan Waqooyiga Soomaaliya ahayn) baa aammin in Tigreegu ka xigo qabiillo Soomaaliyeed! Si caddaan ah bey dariiqyada iyo saxaafadda uga dhahaan arrintaas. Laakiin aan eegno waxa Xuseen Yowle yiri mar Ingiriis oo Waqooyi xukuma inta u yeereen dhaheen qaado haddiyad oo gabay caay ah u tiri Jarmal. Bal ninkaas muslimka ah oo Soomaaliga ah ee aan sidaan filayo arag aqoon diin iyo mid maaddi oo badan midna laakiin yaqaanney dhaqankiisa baa sheegay ineysan Jarmal iyo Ingiriis kala xigin uusanna shuqul ku lahayn waxay is gaarsiiyaan. Sidoo kale, inta xanaaqay ma oran maaddaama Ingiriis Waqooyi gumeysto waxaan ammaanayaa Jarmal maxaa yeelay wuxuu ogaa haddii Jarmalku qeyb ama fursan u helilahaa inuu Soomaaliya gumeysto inuu gumeysan lahaa. Marka ninkii u qaba iney Meles iyo kan Eritereeya xukuma ay kala fiican yihiin waa nin khaldan. Waa caadi inaad aaddo meeshii aan lagugu dhibeyn sidoo kalana waad ka soo qaadan kartaa wixii dan ugu jirto diintaada iyo dalkaaga laakiin qof aan Ilaahay wanaajin cidna ma ammaani karto. Xuseen Wuxuu yiri: 

  • maxey aan labo gaal
  • oo abtirsiinyo ii gudboon
  • midna aan gar u siin
  • midna aan u guhaadin

Halka “taliyaha booliiska” mar uu xaflad ka hadlayey isagoon dadkii Soomaaliyeed iyo kuwii Yugaandha u dhashay aan walaal ku sheegin, walaalnimadii ku ekeeyey jananka Gabre oo keliya! 

Marka Koonfurtii waxaa loo doortay iney xukumaan nimankii Ashahaado-la-dirirkee yaa Waqooyi loo dooran? Riyadii dadka Soomaaliyeed ee Waqooyi jooga lagu asqeysiinjiray soow meesha kama bixin? Fiicnaan lahaydaa haddii dadka Soomaaliyeed meel uga soo wada jeesan lahaa Tigreega. Soow meydaan arag in Xamar ay intaas oo maalmood kula dagaalayeen boqolaal shacabka ah? Ma meel aan Muqdisho iyo Baydhabo ahayn oo si toos ah Tigree uga tasho baad aragteen? Marka kacdoonkii shacabku waa diyaare, reer Waqooyi diyaar ma yahay? 

Reer Waqooyiyoow, mar kasta waa innaga is xasuusinna sheekadii seddexdii dibi! Ma xasuusto hal-abuur curiyey laakiin waxaa qaadijiray Axmed Mooge. Waxay ahayd: 

  • ruux walaal ku mooddaa
  • haddii uu ku weheshado
  • oo wacadka diiddaa
  • warankaad ku tuurtaa
  • kugu weecan doonee

Warankii uu guddoomiyaha UCID ku tuurayey shacabka Muqdisho oo markaas Ashahaado-la-dirir u afduubnaa soow hadda ninkaas kuma soo noqon? Marka waxaa fiican in dadka walaalaha ah ee Soomaaliyeed aan wax ka sheegooda lagu degdegin. Anigu dagaaloogayaasha baan ka hadlaa. Xitaa laftooda waa la dhihi karaa ka dabci laakiin in iyadoo cadow la istusayo la caayo shacabka Soomaaliyeed meesha kuma jirto. 

Gabyaa Soomaaliyeed oo tirsanayey in reer tolkiis qaarkood dagaal uga hareen baa laga hayaa: 

  • heeryada i saarani tolkey,   hagarti weeyaane
  • intii ley hogaan bari lahaa,   waan harjadayaaye

Haddaan nahay shacabka Koonfureed een gaalo-raaca ahayn, wixii Ilaahay nakala siiyaba waan la harjadeynaa Tigree iyo Tigree-raac laakiin waxaan godob ka tirsaneynaa waa shacabka reer Waqooyi oo iyagana beri shililka u saran Tigreega. Marka, marna kama tegeyno diintayada iyo dalkayaga haddii Ilaah idmo. Marka: 

  • dugaagga iskorow yuu sidii,   deero kuu cunine

Haddii Qiyaamihii kacay oo qof madiidin ah madax sheeganayo waa yeelkeed laakiin Xamar iyo Soomaaliya waxaa xukuma Zenawi. Marka sidoo kale aan aragno waxa wiilka Addis Ababa ku dhashay iyo guddoomiya UCID Ilaah kala siiyo.

C/Waaxid C/hi Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 9, 2007


 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com