SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Muqdisho Weli Kuma Dhicin Gacanta Cadawga Soomaaliyeed ,Col Cabdullahi Yusufna Weli Kuma Fadhiisan Kursigi Uu Ku Haminayay.

Abdallah Moallim Mahamud (Cabdullahi Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com


Muqdisho Weli Kuma Dhicin Gacanta Cadawga Soomaaliyeed iyo Adeegayaashooda, sida aynan weli Bagdaad ugu dhicin gacanta Cadawgi ku soo duulay Afar sanadood ka hor iyo adeegayaashooda ,waxaa Xaqiiqa ah , Subaxdi 26/04/2007 in ay DFKM ku sheega ku dhawaaqday iyada oo gacan xoogan ka heshay Ciidamada dowlada Itoobiya, in ay gacanteeda ku dhacday magaalada Muqdisho, keddib xasuuq aad u xun oo loo geystay dadweynaha madaniga ah ee ku noolaa Casumada Soomaaliyeed, ayaa iyagana isla subaxdaas 26/04/2007,  waxay Golaha Guurtida iyo Odayaasha Maraykanka ku dhawaaqeen codayn aqlabiyad ku dhamaatay keddib, in uu maamulka Guriga Cad ee dalka Maraykanka ku dhawaaqo, jadwalka ka soo bixida ciidamada Maraykanka ee xooga ku joogo dalka Ciraaq, sidaana uu Aqalka Cad ku helo, in loo soo gudbiyo miisaaniyadi sanadkan loogu talagalay ciidamada Maraykanka ee xooga ku joogo dalka Ciraaq.      

Saaxibayaal iyo Soomaalida inta qumanba waxaa hubaal ah in  uunan Waddankeena  Hooyo weli ku dhicin gacanta Tigreeda hogaanka u hayso dalka Itoobiya , adeegayaashooda iyo ciddi u soo wakiilatay dagaalka ay ku soo qaadeen dalkeena. waxaana arrintan sal u ah, asbaaba badan oo aan ku soo xusi doono qeybta ka hartay qoraalkan ,asbababahaas waxaa ugu horeeyo amaba ka mid ah qeybta kore ee qoraalkan , waxaana ugu xiisa badan sida aynan isu waafaqsanayn Dabeecada aradan ee Col Cabdullahi Yusuf ,hankiisi hogaanimo iyo Siyaasada mugdiyaysan ee ay Maraykanka oo dhinac ah iyo Tigreeda oo dhinac ah ka wadaan magaalada Muqdisho gaar ahaan iyo guud ahaan dalka Soomaliya.

 Su'aaladaha ugu horeeyo ee loo baahan yahay in aan iska-weydiino dalkeena iyo xaalada cakiran ee uu ku sugan yahay, waxaa ka mid ah, waa Col Cabdulaahi Yusuf oo ah nin aan ka been-sheegin damaciisa gurracan, fal-xumadiisa iyo fikirkiisa ku aadan siduu uga aargoosan lahaa nin kasto oo maalin ciilay, kana hor-istaagay hamigiisa ahaa mar uun ha laguugu yeero Madaxweyne iyo ma is-waafaqsan yihiin xaalada maanta ka jirto magaalada Muqdisho ,masa yahay kursiga uu Col Cabdullahi Yusuf ku fadhiyo Villa Soomaaliya gudaheeda, kii uu  ku haminayay ku fadhiisigiisa tan iyo maalinti 09/04/1978 uu isku dayay inqilaab uu ku fashilmay ee uu la damacsanaa Rejiimki uu horkacayay Maxamed Siyaad Bare(Allah ha u naxariistee) ,keddibna ay dani ku qasabtay in uu carar ku tago dalalka deriska la ah Soomaliya, si uu halkaas uga soo bilaabo halgan hor leh iyo sidi uu ku imaan lahaa magaalada Muqdisho, isaga oo ah Madaxweyne aanan amarkiisa amar ka danbayn.

          Jwaabta Su'aashan waa maya,waa isma waafaqsana ,waxaana Col Cabdullahi ku soo baxay xisaabo badan oo uunan maanka ku haynin  kolki ay isaga iyo Milis Sanaawi qaadi dhigayeen, sidi ay isu waafajin lahaayeen Col Cabdullahi Yusuf oo kursiga dalka Soomaliya ku fadhiisto iyo danaha Xabshida oo aad moodo in markaas uu Milis Sanaawi ku soo koobay, sidi ay Soomaaliya uga talin lahaayeen hogaan Saaxib la ah dalka Itoobiya, meelna isugu keeni kara danaha labada dal iyo danaha Milis Sanaawi iyo Col Cabdullahi Yusuf. balsa dhinaca Col Cabdullahi Yusuf markaas maankiisa kuma jirin ka fikirida gaarista yoolka lagu heshiiyay wax dhaafsiisan iyo ka hadlida sidi ay labadoodaba u xaqiijin lahaayeen iyada oo lagu guulaysto gaarista yoolkaas hunguriga isugu daray laba nin oo uu mid walba leeyahay miisaan ikhlaaq xumo oo aad u culus . halka Milis Sanaawi ay markaas maankiisa ka buuxday su'aalado ay ugu horeyso, sidee  xaalada  noqon kartaa kolki aad Col Cabdullahi Yusuf ku sinto ku fadhiisiga kurisgaas aad rabtid in aad u marto fulinta danaha ay xabashida ka leedahay dalka Soomaaliya, Sidee u aamini kartaa Diktatoore doonayo in uu gaarista hadafkiisa u adeegsado dad ay dadkiisa u yaqaaniin cadawgooda koowaad, maxaasa silaax(Hub) ah oo aad kaga hortegi kartaa haddii uu Col Cabdullahi ka baxo balankiina ,iwm.

   Kolkaan aqrin ugu noqona Xaalada guud ee maanta ka jirto waddankeena iyo hab dhaqanka DFKM, waxaa si Cad  kuugu Muuqanayo in Col Cabdulaahi Yusuf lagu fadhiisiyay Kursigi uu rabay oo qaleel ah ,halka Milis Sanaawi ku dhaqaaqay dhamaystirka khidhadhkiisi(plans) iyo ka shaqaysiinta quluub isu bugto ,isku maqan, kuna maqan taaba gelinta  in ay mid walba iyada noqoto tan ku guulaysato qalbiga Sayidka fadhiyo Addis-ababa iyo Sayidkiisa Washington fadhiya, si uu Milis Sanawi ku gaara Col Cabdullahi Yusuf oo fadhiid ah, gacantiisana aynaan xitaa ku jrin amar siinta taliyaha ugu sareeyo ilalada amnigiisa ee Villa Somaliya, reer Mudisho iyo wiilkooda Geedi oo iyagana lagu howlo nabad ku soo dabaalida magaalada Muqdisho, iyada oo wax walba loo marayo ka amar qaadashada General Gabra.

   Suurada DFMK ee Mudisho iyo madaxdeeda, waxay daliil cad u tahay in aynan Caasumada Soomaliyeed weli ku dhicin gacanta Tigreeda  iyo in mudda gaaban oo aanan sidee u fogayn(Ilaahey idinkiis) ay Muqdisho ka bilaabanayso in la-isaga hor-yimaado awood qeybsiga iyo sida howl maamuleedka dowlada loo kala leeyahay,  sida maalma dhoweetaba ka dhacday magaalad Kismaayo, ilayn kooxaha waddankeena isku haayo kuma jirto koox ku howlan in ummadda Soomaaliyeed mar kale lugaheeda dib ugu istaagto, una gacan banaanaato maamulka arrimaha dalkeeda iyo dadkeeda.

    Col Cabdullahi Yusuf waxaa horyaal, ka soo bixida balanki uu qaaday habeenki Nayroobi loogu doortay Madaxweynaha Soomaliya oo ahaa, in uu dib u soo nooleeyo dowladnimadi ummadda Soomaaliyeed ,iyo in uu ku dhimanaayo isagaa ku howlan raadinta dowladnimo Soomaaliyeed iyo in haddii uu gaari waayo taa uu iska casilayo jagadaas loo doortay ,waxayna xaqiiqada waddankeena ka jirto haddeer uma muuqataa in uu Col Cadbullahi Yusuf ku dhamaanaayo in uu naftiisa ku waayo doonista dowlad Soomaaliyeed oo dhab uga taliso dalka Soomaaliyeed guud ahaan ,amarkeeda ugu sareeyana uu leeyahay isaga..

    Milis Sanaawi, isagana waxaa horyaal in uu Diktatoore afartan sano raadinayay mar uun in loogu yeero madaxweyne, ka dhaadhiciyo in uu bukaan socod ku dhax ahaado Villa Somaliya ,howsha Caasumada Somaaliyeedna ay iyada sidaa ugu madaxbanaanaato Gudoomiya Maxamed dheere ee mar hore  Corneelka ugu yeeray in uu yahay oday Ciyaala Suuq ah ee qabiil xume bahdilatay.  

    Dhinaca kale  Itoobiya waa dowlad faqri ah ,duulaanka ay dalkeena ku soo qaadayna waxay gacan kaga heshay maamulka Guriga cad ee dalka Maraykanka oo beryahan gacanta ugu jiro, koox uu aad ugu fogaaday neceybka ay u qabaan Diinta Islaamka iyo  dadyowga haysta, aadna ugu dhegan diintooda.       Hadaba waxaa iyadana isweydiin mudan dowlada Itoobiya ilaa iyo  intee in la eg ayey dhaqaale kaga heli karaan dalka Maraykanka faragelinta ay ku haayaan arrimaha dalka iyo dadka  Soomaaliyeed., taa oo ay xabashida u dheer-tahay  in aynan dhaqaalahaas miliim ka mid ah wax ka siinayn DFKM oo ay iyada gadaal ka taaggeerto ,wakiilno uga tahay Adeer Saam.

     Jawaabta Su'aashan waa inta ay aqalka cad ee Maraykanka ka Arrimiyaan raggi ku dhiirigeliyay dowlada Itoobiya in ay duulaan qaawan ku qaadaan dal iyo dad ay aad uga baqan jirtay ku dhiirashada duulaan ay ku qaadaan. Iyo arrintan oo ay garab socoto muqaawama joogto ah oo lagu haayo ciidankooda iyo adeegayaashooda waxay soo dedejinaysaa in ay dalkeena kaga baxaan orod iyo maxaa idinka raacay weerarki aad ku qaadeen ummadda Soomaaliyeed iyo dhulkeeda, Ilaahey idinkiis.

Weli caasumada Somaaliyeed kuma dhicin gacanta Cadawgeena, iyadana waxay u dhamaanaysaa hadal, haddii aynan wax-garadka ummadda Soomaaliyeed si dhab ah ugu istaagin abuuritaanka dagaalyahaano aan ku dhisnayn heyb iyo ilaalinta dana shaqsiyadeed.

    Waxay u dhamaanaysaa hadal, haddii aynan wax-garadka ummadda Soomaaliyeed ka faa'iidaysan habacsanaanta iyo colaada ay isu haayaan quluubta isu bukto ee uu Mils Sanaawi u adeegsaday meel marinta danihiisa iyo danaha dalkiisa iyo dadkiisa ka leeyihiin waddankeena.

   Waxay u dhamaanaysaa hadal, haddii aynan wax-garadka Soomaaliyeed ka faa'idaysan danaha is diidan ee dowladaha isku haayo gacan ku lahaashada  arrimaha Soomaaliyeed.

   Waxay u dhamaanaysaa hadal, haddii aynan Ummadda Soomaliyeed ka faa'iidaysan mucaaradada  Milis Sanaawi looga haayo Itoobiya gudaheeda iyo cadawtooyada uu u haayo hogaamiyaha ka arrimiyo dalka Ariteree Asaasa Afooriqi.

   Waxay u dhamaanaysaa hadal, haddii aynan ummadda Soomaaliyeed ka faa'iidaysan damaca gaar ahaaneed ee dowladaha reer Yurub ,gaar ahaan dowlada talyaaniga kaga jiro iyaga oo gacan xoogan ku yeesho halbowlaha maamul dhexe oo uu yeesho dalkeena. 

   Ka faa'iidaysiga arrimahan iyo arrima kale oo badan waxay soo dedejinaysaa Xabashida oo ciidankeeda kala baxdo dalkeena ,dowlad Soomaliyeed oo aanan ahayn tan ay noo soo dhoodhoobeen dowlada xabashida iyo Kenya oo dalkeena ka ambaqaado , waxay soo dedejinaysaa mar kale oo madaxda mooryaanta Soomaaliyeed iska xaadiriyeeen dibada dalka iyaga oo baxsad ah, waxay soo dedejinaysaa Soomalida oo garato colaada iyaga u dhaxasyso in ay tahay wanaaga cadawgooda , halka wanaag iyo wax wada qaybsi wacan oo iyaga dhaxmara uu yahay guuldarrada cadawga Soomaaliyeed. 07/05/2007

Abdallah Moallim Mahamud(Cabdullahi Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa lhe qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 9, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com