Bayaanka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed.
-Xassan
C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Guud- -Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada Iyo Cadaaladda.
-England-UK-
sharifhassan50@yahoo.com
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada, Midnimada iyo Cadaaladda
Waxeey halkan ku soo gudbinaayaan Bayaan ama Baaq rasmi ah kuna
turjumaaya Aragtidooda Wadaniyadaeed, masuuliyada Qarameed oo ka
Saaran Dalkooda Hooyo iyo Dadkooda Somaaliyeed oo xiligan ku jira
Xaalad adag,waqtiga Cakiran iyo gacanta Gumeeysiga Itoobiya iyo
Cawaanta Xalafadiisa leh oo magac Somaaliyeed sheeganaaya.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey ku baaqaayaan
kuna adkeeysanaayaan Qodobadan Asaasigga ah:-
1-In Sida ugu Dhakhsaha badan Dowladda Itoobiya ugala Baxdo Dalka
Somaaliya guud ahaanba Ciidankeda Duulimaadka Qaawan, Gardaradda
cadaan ah,xadgudubka weyn ku heeysta,Shuruud la'aan.
2-In Ururadda Caalamiga ah Sida-Qaramadda Midoobeey,Midoowga Yurub
iyo Jaamacada Carbeed dusha kala Socdaan bixidda Ciidnaka Itoobiya
si Rasmi ah loo xaqiijiyo arrintaas.
3-In Dowladda Itoobiya ka Soo deeyso Jeelasheeda Muwaadiniinta
Faraha badan oo Somaaliyeed isuguna Jira-Culimaa'udiinka,Aqoon-
yahanka,Taageerayaashii Midoowgii Maxaakiimta iyo Shakhsiyaadka
loo Nisbeeynaayo in eey Qaraabo ama Ehel la ahaayeen Madaxdii Sare
ee Golohii Maxaakiimta Islaamiga Somaaliyeed iyo Weriyaashaba.
4-In Dowladda Itoobiya ka Waan-toowdo Fara-gelinta Xad dhaafka ah
iyo ku xadgudbida Arrimaha Daakhiliga ah iyo guud ahaanba Arrimaha
Siyaasada Somaaliyeed, Hubeeynta Qabqablayaasha Dagaalka iyo qaska
Joogtadda oo eey ku heeysta Dalka Somaaliya.
5-In Urur Goboleedka IGAD gacanta kala Baxo Siyaasada ama Taladda
Dalka Somaaliyeed iyo ku adeegsigeedaba.
6-In Dowladda Kenya ka Dhaafto Ummadda Somaaliyeed Dhibka weyn oo
eey ku Heeyso Gaar ahaan kuwa Dalkeeda ku ah Qaxootigga iyo kuwa
ku dhaqan Xuduudka Labada Dal,Isla Markaana Illaalisi Derisnimada
iyo Walaalnimadda Dadka Somaaliya iyo Kenya.
8-Dowladda Mareeykanka ama Maamulka Mareeykanka Waxaanu u soo
Jeedineeynaa Talo ahaan in eey Gartaan Masuuliyadooda akhlaaqeed
farahana kala baxaan Arrimaha Somaaliya iyo Caqabadaha Waaweyn oo
eey ku curyaaminaayaan Hanashadda Dowladda Somaaliyeed oo Xalaal
ah,Dalkeeda iyo Dadkeeda u adeegeeysa, kana waan-toobaan qiilka
Rakhiiska ah ee La Dagaalanka Argagaxisida-Ujeedooyinka Qarsooni
ka Dameeyeen,lana oran karaayo waa waa Riwaayad Been-beeneed.
9-Dowladda Federaalka ah(Dhoob-dhoobka ah)waxaanu soo jeedineeynaa
in eey joojiso Dhibaatooyinka Xad dhaafka ah iyo tacadiya eey ku
heeyso Ummadda Somaaliyeed, eeyna ogaato kuwa eey Dowladnimada u
Sheeganeeysaa in eey yihiin Dadka Somaaliyeed oo eey Xasuuqeeyso,
waana arerin ayaan daradeeda leh,waana lagula Xisaabtami doonaa
Masuuliinta Sare iyo Saraakiisha Ciidankaba Falalka eey Geeystaan.
10- Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey ugu baaqaayaan Dowladda
Federaalka ah(Hadii eey Dowlad Somaaliyeed tahay) in eey Wax ka
Qabtaan Dhibaatooyinka Faraha badan,xanuunkooda iyo culeeyskooda
leh oo xiligan heeysta Dadweynaha Bara-kacay,Tabaaleeysan iyo
kuwo Dowlada iyo Xaliifkeedii Itoobiya Guryahoodii iyo Hantidiidi
Burburiyeen, iayagoo ka eegaaya Dhanka Bani-aadaminimada waa hadii
eey Garanaayaan(Shaki weyn ayaa ka Jirra Heerka Garashadooda iyo
Damiirkoodaba).
11-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu uga Baaqaayaan,ka Codsanayaa
Ururada Caalamiga iyo Dowladaha Deeqda bixiya in eey Il-Naxariised
ku eegaan Ummadda Somaaliyeed oo ku jirata xaalad Cakiran,dhibaato
weyn iyo Dayac baahsan.
12-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey ugu baaqaayaan kuna dhiiri-
gelinaayaan Jaaliyadaha Somaaliyeed ee qurba jooga ah garashadd
iyo Gudashada Masuuliyadooda Diineed, Qarameed iyo Akhalaaqeed oo
ka Saaran Walaalahooda Tabaaleeysan iyo Dalkood ku jira Gacanta
Gumeeysiga Itoobiya iyo Cawaanta Khaayiniinta ah,Taakuleeynta iyo
u gargaarida Dadka Bara-kacay iyo kuwo Gudaha Caasimada ku Dayacan
waa Waajib weyn oo ina saaran Dhammaanteeen, Ummaduna la timaado
Isku duubni iyo Wada Jir dhab ah.
Cambaareeynta
Go'aankii Urur Goboleedka (IGAD).. iyo qoraalo kale.. AKhri
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)
-Af-Hayeenka Guud-
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabad,Midnimadda
iyo Cadaaladda.
-England-UK-05/05/2007-
- sharifhassan50@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | May 5, 2007
Sawiro laga qaaday dadka Dhaawaca ah ee ku jira
cisbitaalka keysaney ee Muqdisho...
Waxaa soo tebiyey:
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
|