SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Lix halkaad ku joogtaan dagaal laabta ka ogaada, haddii luqunta sare leydin jaro lugaha meermeersha!

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Email: Ingiriis@yahoo.com


Marka hore, waxaan salaan u gudbinayaa ummadda ku nool Xamar. Waxaan u tacsiyeynayaa dadkii masaakiinta ahaa ee ku le’day, intii ku dhaawacantay iyo intii ku qaxday gumaadkii ciidanka Ethiopia ay ka geysteen caasimadda. Waxaan ku niyad-qaboobahay inay dadaaleen oo guul weyn oo taariikhda gashay ay soo hooyeen xoogagga wax iska caabinta. Waxay niyaddoodii soo celiyeen malaayiin Soomaali ah oo qalbi-jabsanaa, una haystay in laga guuleystay. Waxay muujiyeen inaan ciidanka Ethiopia iyo dadka la socda aysan guul ku ledayn Muqdisho.

Waxaa lagu soo warramay in kooxaha u adeega Ethiopia, sida Col Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Geeddi ay sheegteen guul inay gaareen. Falsafad Giriig ah ayaa waxay tiraahdaa, “Guusha sida lagu helo wey howl yar tahay, laakiin sida lagu hayo wey howl badan tahay.” Markii Mareykanku ay qabsadeen Ciraaq ayaa gabay uu tiriyey Saddaam Xuseen waxaa sadarradiisa ka mid ahaa, “Yuusan ku murjunin waqtigu si kastoo ay eeyuhu ugu dul danciyaan maydadka libaaxyada, hana u maleynin dancigoodaas ama qoob ka ciyaarkoodaasi inuu yahay mid ay uga koreeyaan libaaxyada, libaaxuna weligiis libaax ayuu ahaanayaa.”

Waxaa aniga ii muuqata oo aan caad iga saarnayn in xaaladda Soomaaliya ay ahaanayso sida Iraq iyo Afghanistan. Waxaa Soomaaliya ka jiri doonta dowlad tabar daran oo aan dalka wada maamuli karin, nabaddana sugi karin, dadkana aan wax kalsooni ah ka haysan oo laaluush iyo musuqmaasuq ku shaqeyn doonta. Waxaan qabaa in jahawareerkii ugu weynaa ee Soomaaliya soo mara inuu hadda kow yahay oo uu billowday.

Muddo lix iyo toban sano ka badan waxay Soomaaliya ku soo jirtay Tiih la mid ah kii reer Banii Israa’iil. Waxaan aad iyo aad uga murugeysanahay in markaan ka baxnay Tiihaas, iyadoo ay mahaddaa leeyihiin Maxkamadaha Islaamiga ah, dib na loogu celiyey Tiihii iyadoo lagu dowgalayo War on Terror ama la dagaallanka argagixisada.

Meeshan kagama hadlayo in meel looga dhacay sharaftii xuduudeed ee Soomaaliya, the territorial integrity of Somalia. Waayo si bareer ah ayaa loogu tuntay, iyadoo aysan jirin wax qaraar ah oo la cuskaday, waxaana la hareer maray go’aamaadii Qaramada Midoobay. Waxaad mooddaa in la laalay qaanuunkii caalamiga ahaa, International Law ee adduunyadu ay ku wada socotay. Sidaad la socotaan, heshiisyadii Geneva Convention ee dagaallada dhammaan waa laga tallaabsaday, waxaana mas’uul ka ah arrintaas Maamulka Mareykanka oo noqday Aar raabiyo qaba oo meeshii Islaam loogu sheego ku malabsada.

Hoggaamiyihii Dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Aadanaha Mareykanka, Martin Luther King, wuxuu yiri, “There comes a time when silence is betrayal” oo macnaheedu yahay “Waxaa imaan doona waqti aamusnaantu ay tahay qiyaamo.” Sidaa awgeed, waa in laga hadlaa oo laga dhiidhiyaa waxa ka socda Soomaaliya oo ka xoog badan xasuuq (Genocide), erey-bixinta loo isticmaali karaana ay tahay isir-sifeyn (Ethnic Cleansing) la mid ah wixii ka dhacay Yugoslavia iyo Rwanda.

Haddaba, waxaan rabaa inaan u soo jeediyo xoogagga xaq u dirirka ah inay beddelaan their political and military strategy – istaraatiijiyaddooda siyaasadeed iyo tooda militari ee ay hadda ku socdaan. Mowqifkii hore ee xaq u dirirku wuxuu ahaa inaan la oggolaan ciidan ajnabi ah oo yimaadda Soomaaliya wax walbuu yahay. Laakiin, mowqifkaasi waa inuu hadda is beddelaa oo lala saanqaadaa siyaasadda cusub iyo marxaladda adag ee la galay. Waa inaan lagu sii socon siyaasado aan shaqeynayn. Hase ahaatee, ma qabo in wax laga beddelo ideology-gii xaq u dirirku horey ugu socdeen oo ahaa in sida keliya ee nabad loogu soo dabaali karo Soomaaliya ay tahay iyadoo loo hoggaansamo shareecada Islaamka.

Waxay xaaladdu hadda maraysaa baraka ma leh iyo barbarkey ka baxdaa waa bakeyle qaleen. Culumada Islaamku waxay qabaan in qofka Muslimka ee waxgaradka ah uusan ahayn kan kala garta waxa fiican iyo waxa xun, carruurtuba wey gartaan taas, balse qofka waxgaradka ahi waa kan marka ay soo wajahaan laba arrimood oo kala daran xusha midda sahlan. Ciidanka Ethiopia iyo ciidanka African Union markey noqoto, waa inaan xulannaa African Union. Haddiise ay dhacdo in labadooda isku si loo wajaho, waxaa dhacaysa in dowladda Ethiopia ay ka dhaadhiciso caalamka fekrad qaldan.

Waa in caalamka, gaar ahaan reer galbeedka la tusaa waxa la diiddan yahay inay yihiin ciidanka Ethiopia ee aan la diidanayn ciidammada Afrikaanka. Waa in la beeniyaa warbixinnada ay bixinayaan khubarada reer galbeedka oo ah in Soomaalidu ay tahay ummad colaad u joog ah (divisive) oo u kala fadhida qabiil-qabiil (clan-oriented), oo aan marnaba yeelan maamul dhexe (central authority), isla markaana iyagu is neceb, ajnabigana neceb. Waa in perception-ka noocaas ah la beeniyaa, sida lagu beenin karana waa in xoogagga African Union la soo dhoweeyo, lana diido kuwa Ethiopia.

Waxaa muuqata oo aan daah naga saarnayn in dowladda Ethiopia aysan raalli ka ahayn in ciidan ka socda African Union ay yimaaddaan Soomaaliya, sababtoo ah waxay doonaysaa inay suta-dheeraysato qabsashada ay qabsatay Soomaaliya. Dowladda Ethiopia siyaasad double-faced ama laba-wejiilenimo ah ayay ku wajahaysaa reer galbeedka iyo dalalka Carabta. Waxaa mucjiso ah in Ethiopia ay ka dhaadhiciso dalal ka mid ah walaalaha Carbeed in qabsashada ay qabsatay Soomaaliya ay sax ahayd. Sidaa aawadeed, Ethiopia waxay gacanta midig ku walaaqaysaa Soomaaliya, gacanta bidixna waxay kula hadlaysaa adduunyada oo ay leedahay ciidan u soo dira Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho uma horreyso caasimad lagu soo duulo oo la qabsado. Paris oo ah xarunta iyo xuddunta xadaaradda dadka ku hadla afka-Faransiiska ayaa naazigii Jarmalku inta uu ku soo duulay uu qabsaday. Wuxuu kaloo cagta mariyey caasimadaha Bruxelles, Amsterdam iyo Warsaw. Isagoo ku sii socda London oo doonaya inuu madax uga dhigo nin British ah oo isaga taageersanaa oo la oran jiray Oswald Mosley ayaa waxaa soo celiyey ciidammadii gaashaanbuurta 1945-kii. Shacabka Soomaaliyeed ayaa, dhab ahaantii, waxay maanta dareemayaan wixii ay dareemi lahaayeen dadweynaha Ingiriiska haddii uu Hitler ku guuleysan lahaa inuu Mosley madax uga dhigo Britain.

Si kasta ha ahaatee, Magaalada Muqdisho wey xoroobi doontaa, sharaftii iyo dadnimadoodiina way soo ceshan doonaan dadweynuhu, taas ayaanan ku kalsoonahay anigu. Waxaan ku soo afjarayaa gabaygii qiimaha lahaa ee Alle ha u raxmadee, Maxamed Nuur Fadal, “Lix halkaad ku joogtaan dagaal laabta ka ogaada, haddii luqunta sare leydin jaro lugaha meermeersha.”

Allaa weyn ninkii aaminaa awood leh!

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Ingiriis@yahoo.com

SALIM LONE “Haddii Mareykanku uu ciribtirayo argagixiso, waxay ahayd inuu gacansiiyo Maxkamadaha... Akhri
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 1, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com