SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OHIO

Xal u helidda Dhibaatada ka Taagan Soomaaliya hadda.

Shirkii Jaaliyada Dibada ee Waqooyiga Ameerika.

Waxaa maanta (Maarso 10, 2007) ka bilowday Gobol Ohio ee Dalka Maraykanka Shir xambaar sanaa cinwaan kaas kore loogana hadlayey arimaha hada ka taagan Soomaaliya iyo sidii xal loogu heli lahaa. Waxaa kasoo qayb galay shirkaan dad si khaasa loogu casumay oo ka koobnaa Culimo owdiin, Aqoon yaho iyo siyaasiyiin. Tirada dadka ayaa ahaa in ku dhow 150 qofood oo ka kala socday Waqooyiga America.

DSC01380
Sawirada shirka halkan ka daalaco..GUJI..

Shirka ayaa lagu furay inaan cidgooni ah Soo qaban qaabin magac ururna aan lagu qaban ee uu yahay dadaal iyo is xilqaan ay wadaan Jaaliyada ku nool Waqooyiga Ameerika, ayna sababtay ka damqasho ay ka xanuun sanayaan xalaada ay ku sugan tahay Soomaaliya xiligan xaadirka ah.

Shirka ayaa ahaa mid aad loosoo agaasimay laguna qabtay goob loogu tala galay shirarka. Furitaankii iyo soo dhawayntii shirka ka dib,  waxaa miiska lasoo saaray ajandihii shirka loo qabtay, kaasoo ka koobnaa 4 qodob.

  • Itoobiya waa inay Soomaaliya uga baxdaa si dagdag ah.
  • Waa in lagu badalaa Ciidamadda Itoobiya kuwo dhexdhexaad ah, oo ka kala yimid Africa iyo wadamadda Islaamka.
  • In la qorsheeyo diyaarinta shir dibu heshiisiineed wax ku ool ah, oo u dhexeeya dhamaan qaybaha Soomaaliya.
  • In lamideeyo lana qorsheeyo codka Soomaalida Qurbaha si dhinaca wanaagsan wax loogu badelo Soomaaliya.

DSC01385
Waftiyada Kulanka oo si koox koox ah u doodaya... Sawira oo dhan ka aeeg halkan..GUJI..

Shirkaan waa ka duwanaa shirarka Soomaalida ee inta badan ka dhaca meelo kala duwan, maxaa yeelay ma jirin dad iyaga kaliya la dhagaysanayey ee waxaa la isu qaybiyey kooxo kooxo  aan ku salaysnayn is aqoon iyo in isku magaalo laga wadda yimid sida; Columbus ama Toronto oo kale. Waxaa dhacaysay dhowr iyo tobon qof oo aan cidna iska aqoon ama mid ama laba uun is garanayaan.

Dr_Kuusuw_xiiirin khadijo_cosoble_xiriirin
Xiriiriyayaasha kulanka: Dr. Kuusow iyo Khadiijo Cosoble

Isbarasho kadib waxaa laguda galay in mid mid loo qaadaa dhigayo qodobada kore. Tusaale ahaan sidee Itoobiyaanka loo saarayaa? yaa keenay markoodii hore? maxay tahay dhibaatada ay keeni karaan ee loosaarayo iyo kuwo kaloo badan. sidoo kale Ciidamada nabad ilaalinta iyo doorkooda, kuwa ay noqonayaan, haday dhibaato keenaan maxaa laga yeelayaa. Shirka dibu heshiisiintu muxuu yahay? yaa la heshiisiinayaa? ma isku midbaa midka April laqabanayo? ugu danbaytii waxaa laga hadlay Jaaliyadaha dibada sida loo midayno iyo danta ku jirta midayn tooda iyo kaalintay ka ciyaari karaan xaalada calowsan ee ka taagan Soomaaliya.

DSC01425 DSC01433 DSC01434 DSC01411 DSC01412 Dr_Galayr
Qaar ka mid ah wufuuda oo ka hadlaya kulanka... Sawirada oo dhan halkan ka eeg...

Dood Cilmiyeed iyo falan qayn dheer kadib, waxaa lasoo gaaray gabagabadii shirka iyo in koox kasta laga dhagayso nuxurkii doodii oo kooban. kadibna waxaa lagu kala hoyday arimahaas oo dhan uruurintooda iyo isu gayntooda in loo saaray gudi soo kooba waxaana loo dib dhigay qaybta bari (Axad Maarso 11, 2007) ee shirka hadii alle idmo. Kalasoco SomaliTalk shirkaas iyo meesha uu biyo dhigo.

Somalitalk Columbus, Ohio

Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2007

WARARKA KALE EE MAANTA:::

Dadka reer Uganda oo ka walwalsan Ciidamadooda loo direy Soomaaliya.
.Qarax Miino oo lala beegsdey Ciidamada Itoobiyaan ah oo..
.Iska hor imaad dhexmarey Ciidamo kawada tirsan DFKMG
.Gabar Soomaaliyeed oo lacag deeq ah u soo dirtay....
Wararka oo dhan ka akhri halkan...... Mar 11


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com