WARARKII: March 31, 2007
Warbixin: Dagaalka
Muqdisho....
Dagaalkii Muqdisho ayaa Sabtidii galay maalintii saddexaad, dagaalkaas oo sii xoogeystey. Waxayna hay'adda
ICRC dagaalkaas ku macnaysay "kii ugu xumaa muddo 15 sano ah."
Meydka ayaa waran waddooyinka, madaafiicda
iyo hubka culus oo dhacaya ayaana suurta gal ka dhigi waayey in dhaawaca iyo
meydka la qaado, ayey tiri Aljazeera. Dadka magaalada Muqdisho deggana waxay
sheegeen in boqolaal qof ay dhinteen, ayaa warku intaas raaciyey.
"Ma garaneyno meel aan aadno. Waxaan
ku xayirahay guryahay, meydkuna waxa uu yaalaa dariiqyada," sidaas waxaa
yiri
Ibraahim Ducaale oo ah weriye ka tirsan AFP oo jooga dhanka
koonfureed ee magaalada xaafada Cali Kamiin. Waxana uu intaas ku daray "Ma
jirto fursad lagu qaadi karo dhaawaca iyo meydka sabatoo ah hubka culul iyo
lidka diyaaradaha oo dhacaya awgeed."
Xaafad gubaneysa, Muqdisho, Maarso 3, 2007. Sawirka: AFP |
Salaado Yebarow, oo deggan Muqdisho, waxay
hay'adda wararka ee Reuters u sheegtay "Waxaan halkan joogey 16 sano,
weligayna ma arkin wax la mid ah sidan." Waxayna intaas ku dartay "Magaalada
oo dhan waa la duqaynayaa si aan loo meel dayin."
Hadal uu soo
saaray Wasiirka Warfaafinta Itoobiya oo laga baahiyey telefishanka Itoobiya
ayaa ku andacoodey in ay dileen boqolaal hubaysan oo ka soo hor jeedey, waa
sida hadalka loo dhigay 'e. Waxana hadalku intaas ku daray "Itoobiya waxay
dishey 200 oo hubaysan oo ka haray Maxkamadaha Islaamiga waxaana la
dhaawacay in badan."
Dhanka kale
hay'adda u dooda xuquuqul Insaanka ee loo yaqaan
Human Rights Watch (HRW) ayaa si kulul u
eedaysay dawlahada Kenya, Ethiopia iyo Soomaaliya iyo USA, waxayna ku
eedaysay in ay si qarsoodi ah u xabisayaan boqolaal qof oo ka cararaya
dagaalka Soomaaliya.
"Mid
kasta oo dawladahaas ka mid ah waxay qayb waji gabax ah ka qaadatay in si
xun loola dhaqmo dad ka cararay aagga dagaalka," sidaas waxaa yiri hogganka
HRW,
Georgette Gagnon.
"Dersino dad
ah ayaa la dhigay xabsiyada Itoobiya" ayuu yiri
Gagnon, oo intaas ku daray "waxaa lagama maarmaan ah in Itoobiya ictiraafto
in ay dadkaas hayso, una ogolaato in ay arkaan beesha caalamka oo ka madax
bannaan."
Qaramada
Midoobey waxay sheegtay in laga soo bilaabo bishii Febraayo ee sannadkan in
Muqdisho ay ka qaxeen dad lagu qiyaasay
58,000
qof.
Faadumo Cadow oo 90-jir ah, oo hoos fadhida
geed ku yaal xaydaanka cisbitaal Madiina, Maarso 31, 2007. Cidbitaalka oo
xamili waayey dhaawaca dadka ak soo gaaray duqayntii Muqdisho. Sawirka:
Reuters.
Maxamed Deeq Abuukar Aruuni oo laba joodari
madaxa ku sitey isagoo ka sii baxaya magaalada Muqdisho ayaa waxa uu
hay'adda wararka ee AP u sheegay in uusan weligiis ka bixin Muqdisho,
laakiin maanta uu ka qaxayo sababtoo ah madafiicda aan loo meel dayin oo
lagu sio ridayo xaafadaha Muqdisho.
Jicamadii
ayey ahayd markii diyaarad ka mid ah kuwa ka qayb qaadanaya duqaynta
Muqdisho gantaal lala helay oo ay kusoo dhacday Muqdisho.
Ruqiya Shaafi Muxyadiin oo deggan Muqdisho
waxay tiri: Diyaaradu waxay hawada ka soo dhacday iyadoo gubaneysa, siday u
sheegtay AP.
Afhayeen u hadlayey madaxweynaha DFKMG ayaa
Sabtidii qiray diyaaradii Jimcadii laga soo ridey Itoobiya.
WARARKII: MARCH 30, 2007:
Galkacyo:
Ciidamo Itoobiyaan ah oo Soo Galay Puntland.
- Ciidamada Itoobiya oo Kusii Jeeda
Boosaaso?
Ciidamo tiradooda lagu sheegay in ku dhaw
kun askari ayaa soo galay gudaha Magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka Mudug
maalintii khamiista ee ay bishu ahayd 29 March.
Ciidankan ayaa ka soo gudbay xadka dalka Itoobiya iyaga oo aan la sheegin
ujeedadooda dhabta ah ee ay u yimaadeen Galkacyo halka ay wararkalena ay
sheegayaan in ay ku jeedaan Ciidankani Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.
Maahan markii ugu horaysay ee ciidamo Itoobiyaan ah ay soo galaan magaalada
galkacyo balse waxay noqonaysaa markii ugu horaysay ee ay ciidamo itoobiyaan
ah u jihaystaan magaalada Boosaaso oo sida la sheegay ay ciidamadani ku sii
jeedaan maal maha soosocda, sidoo kalena maahan markii ugu horaysya ee ay
Garowe yimaadaan ciidamo itoobiyaan ah iyada oo ay mararbadan imaanjireen
ciidamo iyo saraakiil lagu sheegi jirey tababarayaal ah Magaalada xarunta u
ah Puntland ee Garowe halkaasi oo ay mararbadan tababaro ku sii yeen
ciidamada daraawiishta puntland qaybo badan oo ka tirsan xiligii uu C/laahi
Yuusuf madaxwaynaha ka ahaa puntland balse ilaa iyo intii uu C/laahi yuusuf
ka tagay puntland noqdayna madaxwaynha Somalia lama hayo askari ka danbeeyay
oo itoobiyaan ah oo yimaada Garowe.
Ciidamadan oo ku huybaysan qoryaha lidka diyaaradaha iyo kuwa fudud watana
ugu yaraan 7 gaari ayaa ka yimid dhanka dalka Itoobiya waxaana la dejiyey
xaruntii Warshadaha ee magaaladda Gaalkacyo.
Arinkan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo Madaxwaynaha Dawlad Goboledka
Puntland uu ku sugan yahay dalka Itoobiya maalmihii ugu danbeeyayna halkaasi
oo madaxwaynha iyo Taliyaha Daraawiishta Col. Carays ay ku suganyihiin
halkaasi iyada oo arimaha ciidamadan soo galay puntland uu qayb ka yahay
safarkooda sidoo kale Cade Muuse ayaa la sheegay in uu wali kulamo la
leeyahay raysal wasaaraha Itoobiya Malez zanawi.
Cade Muuse ayaan ilaa iyo hada la shaacin xiliga uu ka ambabaxayo dalka
Ethiopia iyo in uu ku soo laaban doono puntland ama uu meel kale u sii
safridoono ilaa iyo hadana lamahayo warar rasmi ah oo ku saabsan waxyaabihii
uu Cadde Muuse kala hadlay madaxda Dalka Itooobiya iyada oo haadda lagu
baraarugay Ciidamadan Itoobiyaanka ah ee yimid Galkacyo haadana ay dadbadani
iska waydiinayaan waxa ku xigi doona imaanshaha Ciidankan Itoobiyaanka ah.
Magaaalada Ganacsiga ee Boosaaso waxaa ku
taal dekeda ugu weyn gobolada hadda Puntland.
Dekeda Boosaaso. Sawirka: GoogleEarth
Dadka siyaasadda odorosa ayaa tilmaamay in
qorshaha ay Itoobiya waddo uu yahay mid ka tarjumaya siyaasadda Itoobiya ee
sidii ay gebi ahaanba ku qabsan lahayd Soomaaliya, iyadoo ay jiraan qoraalo
ay qaar ka mid ah Itoobiya cadaysay, gaar ahaa qoraal ay hore u
faafisay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ee ku salaysan Soomaalida..
Akhri halkan....
Muqdisho: Diyaarad Helikopter
ah oo Lagasoo Ridey Ciidamada Itoobiya
Diyaaradaas oo duqayneysey Magaalada
Muqdisho....
Diyaarad laga soo ridey Itoobiya. Aljazeera
Maarso 30, 2007: Wararka ugu dambeeyey ee
ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa tibaaxay in maanta (Jimce) duhurkii
diyaarad helikopter laga soo ridey ciidamada Itoobiya. Waxaa wararku intaas
ku dareenin diyaaradu dhacday kaddib markii lala helay gantaal ah nooca
lidka diyaaradaha. Diyaaradaas oo qayb ka ahayd diyaaradihii ilaa shalay
duqaynayey magaalada Muqdisho.
Dad arkayey markii diyaardu soo dheceysey
ayaa sheegay in diyaaradaasi dhacday iyadoo holceysey.
Dagaalkii shalay bilowday ayaa meeshiisii
ka sii socdey maanta oo Jimce ah, kaas oo sii xoogeystey. Aljazeera waxay
werisey in rasaas laga maqlayey meel u dhow Villa Soomaaliya.
Dab ka soo baxaya aagga Garoonka Diyaaraha
Muqdisho, kaddib markii diyaarad helikopter ah gantaal lala helay. Maarso
30, 2007. Sawirka: AP
Shalay ayey ahayd markii Ciidamada Itoobiya
laga gubey gaari nooca Uuraalka, sida ku cad warka hoose.
Ugu Yaraan Toddoba Ciidamada
Itoobiya oo Khamiistii Lagu Diley Dagaalkii Muqdisho
Maarso 29, 2007: Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa
tibaaxay in dagaalkii Khamiistii ka dhacay magaalada ay ku dhinteen ugu
yaraan 30 qof oo badankoodu shacab ah, inkasta oo tirada dhabta ah ee
shacabka ku dhintay ama ku dhaawacmay dagaalkaas aan la xaqiijin karin.
Waxaa wararku intaas ku dareen in dagaalkii
Khamiistii ay ku dhinteen ugu yaraan 7 askari oo ka tirsan ciidamada
Itoobiya, iyadoo ay jiraan warar tirada intaas aad uga badanaya. Waxaana
wararku sheegeen in gaari nooca Uuraalka loo yaqaan laga gubey ciidamada
Itoobiya. Waxaana meyka askartaas la sheegay in lagu jiidey wadooyinka
magaalada Muqdisho.
Dagaalkan ayaa waxaa ka qayb qaatay
diyaaradaha dagaalka ee helikoptarada ee Itoobiya kuwaas oo duqeeyey
Muqdisho.
Guri holcaya, Muqdisho, Sawirka: AFP, Mar 29, 2007
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland oo
Shaqadii Lagu Soo Celiyey...
(Maarso 29, 2007): Wararka ka imanaya
Puntland ayaa sheegay in wareegto uu saaray Madaxweyne Kuxigenka DGPL, Xasan
Daahir Afqurac, uu ku caddeeyey in shaqadii lagu soo celiyey Taliyihii
Ciidanka Booliska Puntland ee shalay xukunka laga fariisiyey. Wareegtada
ayaa la sheegay in lagu raali geliyey taliyaha Ciidanka DGPL,
Siciid Cali
Xaaji Siciid, waxaana la sheegay in sababtii shaqada looga fariisiyey
taliyaha ay ahayd mid khaldan oo aan sal iyo raad toona lahayn.
Madaxweyne kuxigeenka ayaa ahaa kii markii hore ansixiyey wareegto uu soo
saaray wasiirka arrimaha Gudaha ee DGPL ee jagada looga qaaday taliyaha,
taas oo su'aasha is weydiinta leh ay tahay: Maxaa madaxweynuhu arrinta
markii hore u hubsan waayey intii uusan ansixin in jagada laga qaado
taliyaha?.
Warka
qaabkii jagada markii hore looga qaaday talihaha hoos ka akhri:
Taliyihii
Ciidanka Booliska Puntland oo Shaqadii Laga Fariisiyey...
(Maarso
28, 2007): Wararka ka
imanaya Puntland ayaa sheegay in taliyihii ciidanka DGPL,
Siciid Cali Xaaji (Siciid Karaama), shaqadii laga
joojiyey. Arrintaas oo la sheegay in lagu caddeeyey wareegto ka soo
baxday Wasiirka arrimaha gudaha DGPL,
Axmed Cabdi
Xaabsade, wareegtadaas oo sida la sheegay uu ansixiyey madaxweyne ku
xigeenka DGPL, Xasan Daahir Afqurac. Waxaana xilka loo sii xilsaaray
kuxigeenkii koowaad ee ciidanka DGPL,
C/Casiis Siciid
Maxamuud (Gacamey).
Waxaana wararka
ka imanaya Puntland ay sheegeen in sababta taliyaha booliska shaqada
looga joojiyey ay tahay kaddib markii uu taliyuhu xabsiga ka sii
daayey nin magaciisa la yiraahdo Maxamed Cali Xaashi oo la sheegay
in loo haystey dagaal uu la galay DFKMG iyo Puntland, Xilligii ay
maxkamadahu maamulayey in badan oo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya.
Wararku waxay intaas ku dareen in
ninkani uu muddo ku jirey xabsiga magaalada Boosaaso isagoo aan
maxkamad la soo taagin, taas oo ka soo horjeeda qaanuunka u deggan
DGPL, taas oo sida la sheegay taliyaha ciidanka Booloska Puntland,
Siciid Karaama, uu codsaday in ninkan caddaalada la hor geeyo ama la
sii daayo, sida wararku sheegeen markii uu jawaab sugan ka waayey
maamulka sare ee DGPL waayey uu Taliyuhu xorriyadiisii u celiyey
Maxamed Cali Xaashi.
Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse,
weli wax war ah arrintan kama soo saarin maadaama mar sii horeysey
laga soo xigtey in uu sheegay in uu cafis u fidiyey dadkii uu ku
sheegay in ay taageereen maxkamadaha. Cadde Muuse waxa uu hadda
safar aan hore loo sii sheegin ku joogaa magaalada Addis Ababa ee
dalka Itoobiya, safarkaas oo waxa uu ku saabsan yahay aysan
xukuumadiisu u sharraxin shacabka Puntland.
Siciid Cali Xaaji (Siciid
Karaama) ayaa jagadaas taliyaha ciidanka Booliska Puntland waxaa loo
magacaabay kaddib markii uu is-casiley talihii hore,
Yuusuf A.
Khayre.
March 29,
2007
:::
Maxaad ka Taqaan
Taariikhdii Jeneraalkii Islaamka, Khaalid Bin Waliid
Ciidamada Itoobiyaaan ah oo Galay Kulliyaddii Hore ee Jaalle Siyaad..
.Warar dheeraad ah oo ka soo baxay qarixii Darmooleey..
.Saraakiil ka tirsan Uganda la kulmaya Odayaasha Beelaha
.Maxaa ka soo baxay kulankii Yuusuf iyo Qabqablayaasha..
.Wafdi ka socda Midowga Afrika oo ku soo fool Muqdisho..
.Soomaaliya iyo Itoobiyaan lagu daadiyey Xeebaha Yemen..
Wararkii oo dhan
ka akhri halkan.... Mar 28
|