Sancada Suuriya iyo Suuqyada Dimishiq.
Asad
Cadaani Ibraahim
Suuriya Dimishiq.
e-mail:
asadlaska@hotmail.com
Dalka Suuriya gaar ahaan, guud ahaan dhulka loo
yaqaano Shaam waxa uu aad ugu caanbaxay ganacsiga
iyada oo Quraankana kariimka ahna lagu xusay labadii
xilli ee Qurayshi u qalab qaadan jirtay
Baayac-mushtarka, Qaboobaha iyo Kulaylaha una kala
safri jireen Shaam iyo Yaman.
Waxaana ugu caansanaa goobaha ganacsiga loo soo
raadsan jiray, Basra-Shaam oo iyada la sheego in ay
ahayd goobtii uu Nabigu (NNKH) ka soo gaadhay dhulka
Shaam,waxaa iyana dhinaca warshadaha iyo ganacsiga
caan ku ah magaalada Xalab oo iyadu ahayd magaalo
Taariikh dheer ku lahayd warshadaha iyo ganacsiga
iskuna xidhi jirtay dhulkii Roomaanka iyo
Muslimiinta.

Warshadaha maanta ku yaala dalka Suuriyana waxay u
badan yihiin magaalada Xalab wax soo saarka ugu
balaadhana uu ka soo baxo dhinaca farsamada,tiir
dhaqaale oo weyna u ah dalka Suuriya, waxaana
warshadahaas lagu sameeyaa qalabka waaweyn, iyo
qalabka dhismaha IWM.
Magaalada Dimishiq ayaa iyadu haddaba waxay tahay
goobta had iyo jeer ay ka dhacaan heshiisyada
ganacsiyada baahsan ee uu dalkani aadka ugu
caan-baxay, inkasta oo marka loo eego dalalka
horumaray ee reer galbeedka iyo aasiyada barri la
odhan Karin dalkani wuu la tartami karaa , hadana
waxa uu dalka Suuriya isku filaansho ka gaadhay
qaybo badan oo farsamada ah, dhawaana waxayba
wadanka Iiraan wada sameeyeen gaadhi nooca lagu
tamashleeyo ah oo loogu magac daray (Sham).
Haddaba waxaa dalkan Suuriya ganacsi uu uga socdaa
Soomaali badan, kuwaas oo iyagu Wadamo badan
badeecadda geeya, sida dalalka waqooyiga Ameerika ,
Yurub, Soomaaliya, Ustareeliya, News land.

Waxayna had iyo jeer u badan yihiin qalabka ay
qaadaan Kuraas,Hurdooyin, Daahyo, Dhar, kuwaas oo
loo diro dalalka reer galbeedka,iyo Soomaaliya ,
sababta badeecadan loogu qaado dalalkaas ayaa waxa
ay tahay sida uu ii sheegay C/raxmaan Cumar Ibraahim
(Taamow) oo isagu ah ganacsade ku dhaqan dalka
Suuriya Kana mid ah dadka meheradaha ku haysta in ay
ka jaban yihiin qalabka lagu sameeyo dalalka reer
galbeed, isla markaana kaba tayo wanaagsan yihiin,
xagga quruxdana ay kuwan Suuriya laga qaadaa
bilicsan yihiin.
Wuxuuna intaas ku daray Mr.Taamow isaga oo ka
waramaya ganacsiga Dhinaca Soomaaliya loo qaado in
ay ka mid yihiin badeecadaha, Kabaha,Daahyada,
Daawooyinka iyo warshadaha yar yar ee markaas wax
qabad deg deg ah looga baahan yahay, sida warshadaha
sameeya Masaamiirta, Bahacaha, Bolikeetiga, IWM.
Suuqyada ugu Caansan ee ay Soomaalidu ka adeegato
ayaa waxa aanu wax ka weydiinay C/casiis Cabdi Jiir
oo isagu in badan ka ganacsanayey magaalada Dimishiq,
wuxuu sheegay in Suuqa ugu caansan ee ay Soomaalidu
ka ganacsato lagu magacaabo Xamiidiya,Suuqan oo la
aasaasay xilligii dawladii Cusmaanyiinta ka
talinayeen Dunida Islaamka, isagoo loogu magac daray
Suldaankii la odhan jiray Suldaan C/xamiid, waxaana
lagu qiyaasaa in uu suuqani jiray muddo gaadhaysa
500 oo sano.
Suuq
aan isaguna ka fogeyn oo ka farcama suuqan weyn ee
loo yaqaano Xamiidiya oo isagan lagu magacaabo
Xariiqa,waxa kale oo ka mid ah suuqa loo yaqaano
Mitxat Baashaa, suuqyadan waxaa laga gataa ayuu
yidhi C/casiis Dharka, iyo Daahyada,waxaa isaguna
jira suuq lagu magacabo Daariya oo isagana kuuraasta
iyo Hurdada laga iibsado ayuu hadalkiisii ku soo
gabagabeeyey C/casiis.

C/raxmaan Taamow mar aan wax ka weydiiyey goorta ay
Soomaalidu ganacsiga ka bilowday dalka Suuriya waxa
uu ii sheegay in 16 sanno ee ugu danbaysay
Soomaalidu ay aad uga ganacsanaysay dalka Suuriya,
iyaga oo halkan ka helay badeecad jaban, tayadeeduna
aad u sarayso.
Wuxuuna intaasu ku daray Taamow in tujaarta
Suuriyiintu dadka Sooomaalida ah aad u soo
dhaweeyaan, ayna ku barteen hufnaan iyo daacadnnimo,
tujaarta qaarkoodna ayba marmarka qaarkood alaabta
lacag la’aan ku siiyaan Soomaaliduna ay iska soo
celiso.

Mr.
Taamow oo aan wax ka weydiiyey goobaha ugu badan ee
alaabta loo dhoofiyo ayuu waxa uu sheegay in dalalka
Yurub kaalinta koowaad kaga jiraan goobaha ay
Soomaalidu ganacsiga u dhoofiso, ayna kaalinta
labaad ku jiraan Waqooyiga Ameerika ,Ustaraaliya,
iyo Newsland.
Magaalada Dimishiq ayaad waxaad ku arkaysaa Soomaali
badan oo ka soo kicitima dalalka Yurub iyo Waqooyiga
Ameerika oo iyagu halkan u soo gaadhan Ganacsi iyo
Caafimaadba, hawgu badnaadeen dadka Caafimaad ilkaha
u yimaadee.
Asad Caddaani Ibraahim
Dimishiq Suuriya
asadlaska@hotmail.com