Ku Baaqidda Mudaaharaad Guud.
Xassan
C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
Afhayeenka Guud.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Ee Nabada,Midnimada Iyo Cadaalada.
England-UK-25/03/2007-
sharifhassan50@yahoo.com
Dhaq-dhaqaaqa Soomaaliyeed ee Nabada,Midnimada iyo Cadaalada Markii
eey arkeen Xaaladda qalfsan,Dhibaatada weyn oo ka taagan Dalkeena hooyo,gaar ahaan
Caasimadda Muqdisho iyo degaamada u dhoowba,markii la arkay khasaare xad dhaafka
ah,Bara-kaca,Tacadiyada xariyad ka qaadida lagu hayo Bulshada Somaaliyeed ee sidda
Nabad ah,xasiloonidda ugu sugnaan degaankooda,guryahooda iyo Ciidooda hooyo,markii
la arkay hanaan khaldan iyo falalka cadoownimo ee Ciidamada Dowlada Federaalka ee
uu Hogaanka u hayo C/Laahi Yuusuf iyo Ciidanka Gumeeysiga Madoow Itoobiyaanka ku
soo duulay Dalkeena,Najaaseeyeey Xurmadii iyo jiritaanka Qaranka Somaaliyeed,kuna
xadgudbeey Shuruucda Caalamiga ah iyo xeerka Qaramada Midoobeey iyo kuwo ururka
Midoowga Afrika,Markii la arkay heerka xun iyo marxalada cakiran oo Dalkii galay.
Dgaq-dhaqaaqa Somaaliyeed ee Nabada, Midnimadda iyo Cadaalada markii uu
Diraasad balaaran ku saleeyeey qorshaha Rajiimka Federaalka iyo Xulafadooda iyo sida
Arrimuhu u socdaan ama u dhacaayeen Maalmahaan, hanjabaadda, luqadda qalafsan iyo
Talaabooyinka Colaadeed oo lagu kala fogeeynaayo Ummada Somaliyeed,lagu abuurayo
Dagaalada Sokeeye iyo xiisaha Naceeyb iyo soo celinta Maalmihii madooba ee hore u
soo maray Dadka iyo Dalkaba, Boqolaalka kun ku naf waayeey,boqolaalka kaalena ka
dhigay naafo,Malaayiintana ka dhigay Qaxootiga dayacan iyo kumayaal silic,Qafaad
iyo dar-xumo ilaa hada ku sugan.
Hadaba Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu ugu baaqaayaa Ummada Gudaha
Jooga iyo Qurba jooga Somaaliyeedba abaabulidda Mudaaharaadyo,Banaan-baxyo lagu
Diidan yahay Dagaalka iyo xiisaha Colaadeed oo xiligan ka aloosan Dalkii hooyo,gaar
ahaan Caasimadda Muqdisho, Talooyinka Khaldan ee Dowlada Federaalka ku kaceeyso, Fara-gelinta Dowladda Itoobiya iyo duulanka Ciidankeeda ku qabsaday Aqlabiyadda
Dalkeena hooyo,Banaan baxyo lagu diidan yahay dhiiga Somaaliyeed ee qubanaaya iyo
Qorshayaasha Gumeeysiga iyo raxanta Xulafadiisa ahba,Jaaliyadda Soomaaliyeed ee
Qurba jooga ah oo ha iyo jeer muujisa dareenka wadaniyadeed iyo qiiradeeda Dalka
Jaceylka leh,waxaa la gudboon maanta gudashada masuuliyaeeda Qarameed,Aklaaqeed
iyo kaalinta kaga aadan Difaaca Ciidda Hooyo,Baaqanu wuxuu si gaar ah ugu wajahan-
yahay Jaaliyadaha Somaaliyeed ee Dalalkan:-
1-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Norway.
2-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Sweden.
3-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Danmarka.
4-HJaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Holland.
5-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Finland.
6-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Germany.
7-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Belgium.
8-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Switzerland .
9-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalkan Boqortooyada Baretaaniya.
10-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Canadda.
11-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Mareeykanka.
12-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Austaraaliya.
13-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Newzeland.
14-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Talyaanigga.
15-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Masaaridda.
15-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Sudaan.
16-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Syria.
Waxaanu ku baaqeeynaayaa in sida ugu dhakhsaha badan loo sameeyo habka iyop Abaabulka Mudaaharaadkaas Dareenka wadaniyadeed leh,kana turjumaaya Codka iyo
Damiirka Daka Somaaliyeed ee Dalkooda Wanaaga iyo Samaanta la jeceyl,xumaanta iyo
Dagaalka iyo colaada Sokeeyana diidan iyo guud ahaanba Talaabooyinka khaldan ee
Rajiimka Federaalka iyo Gumeeysiga Itoobiyaba,Dalkeena iyo Dadkeena waxaanu u
Rajeeyneeynaa Nabadgelyo buuxda,Kheeyr iyo hanaan Wanaagsan oo lagu hanto ama
lagau helo Dowlada Somaaliyeed oo ka turjumeeysa danaha iyo rabitaanka Dadweynaha
kuna dhisan hab Cadaaladeed,Sinaan iyo Sharci xaq ah.
Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
Afhayeenka Guud.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Ee Nabada,Midnimada Iyo Cadaalada.
England-UK-25/03/2007-
sharifhassan50@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan Faafin:
SomaliTalk.com | Mar 26, 2007
"Ciidamada Afrikaanka ee
Nabad Ilaalinta Soomaaliya ma waxay u Adeegayaan Danaha Batroolka iyo Gaaska
ee Reer Galbeedka"
Xiriirka u dhexeeya dagaalada Soomaaliya
iyo batroolka...
Akhri..


|