SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
ItoMar 26, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (85), Muqdisho (89), Beledweyne (92), Baydhabo (100),  Galkacyo (121),
Sarbeebtii Diinaari
Daabaco Boggan | Print
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
gaariSomaliTalk: Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa waxbarashada Puntland ugu deeqday gaari iyo buugaag, laakiin..
Akhri...

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


WARARKII: March 26, 2007
  • Qodobo muhiim ah oo ka soo baxay kulankii Odayaasha Hawiye…
  • Mucaaradka Itoobiya oo uga digay in Ciidamada ee ku sugan soomaaliya in ay galaan dagaal qabiil...
  • Ban-Ki Moon oo u soo jeediyey kooxaha ku dagaalamaya soomaaliya in ay...
  • C/llaahi Yuusuf oo markii ugu horeysay ka soo baxay xarunta…
  • Geeddi oo kulan gaar ah la qaatay ganacsade Abuukar Cumar Caddaan…
  • Gacma Dheere "Waa idinka la kulmay Itoobiyee ka xaab-xaabiya"

  • The Plan -- according to U.S. General Wesley Clark (Ret.) | Youtube...

Qodobo muhiim ah oo ka soo baxay kulankii Odayaasha Hawiye…

Kulan qaatay todobo saacadood ayaa waxaa shalay yeeshay Odoyaasha Beelaha Hawiye, waxaana shirkaasi shir guddoominayey Guddoomiyaha Beesha Xaaji Cabdi Iimaan Cumar, waxaana kulankaasi looga hadlay xaaladda ka taagan Magaalada Muqdisho iyo waxa ay beeshu damacsan tahay, waxaana dood dheer iyo falanqeyn kaddib kulankaasi laga soo saaray dhowr qodob, waxaana qodobadaasi halkaasi ka akhriyey Guddoomiyaha Beesha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan Cumar, waxaana qodobadaasi ka mid ahaa: in Beesha Caalamka ay ogaato in la doonayo in la barakiciyo beel gaar ah oo deegaan ahaan degan 10-kun oo Kiilomitir oo lab jibaaran laga soo bilaabo Gaalkacyo ilaa iyo Kismaayo, waxay beeshu sheegtay in ay adkeeneyso xabad joojintii ay wada galeen Odoyaasha Beelaha Hawiye iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ahaa in nabad lagu soo dabaalo Magaalada Muqdisho, waxaa kaloo qodobadaasi ka mid ahaa in Ciidamada Itoobiya ay ka baxaan dalka sida ay horey u ballanqaadeen ka gadaal marka ay yimaadaan ciidamada Midowga Afrika.

Qodobada kale ee ay beeshu soo saartay waxaa ka mid ahaa in Beeshu ay si wadajir ah isaga difaacdo gardaro kasta oo lagula kaco, waxayna sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay difaacdaan dalkooda iyo Diintooda, sidoo kale waxay ugu baaqday Wasiirada iyo Xildhibaanada ka tirsan Beelaha Hawiye ee ku jira Dowladda Federaalka ah in ay hor yimaadaan Odoyaasha Beelaha Hawiye si loola xisaabtamo maadaama xilka ay u dhiibeen shacabka Beelaha Hawiye, sidoo kale qodobada waxaa ka mid ahaa in Ciidamada Puntland ee laga keenay gobalada W/Bari in ay dib ugu laabtaan gobaladoodii, in maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii dhawaan ka dhacay Muqdisho lagu wareejin doono beelahoodii. Ugu dambeyntii waxay Odoyaasha Beelaha Hawiye ugu baaqeen dadka in ay dib ugu soo laabtaan Guryahooda aysan jirin doonin xabad dambe.

Mucaaradka Itoobiya oo uga digay in Ciidamada ee ku sugan soomaaliya in ay galaan dagaal qabiil...

Dood uu qabtay Taleefishinka dalka Itoobiya ayaa waxaa doodaasi la isugu keenay dad ku xeel dheer arimaha geeska afrika iyo arimaha qabiilada ku nool Soomaaliya iyo wadamada kale.

Doodaas ayaa waxaa ugu kululeyd nin mucaaradka ka tirsan oo Dowladda Itoobiya u soo jeediyey in Ciidamada Itoobiya aysan gelin dagaal qabiil, maadaama hadafkii ay u tagtay Soomaaliya ay gaartay.

Ninkaas mucaaradka ah waxa uu sheegay in Beelaha Hawiye ay degaan dhul aad u baaxad weyne oo ku yaala Soomaaliya, sidoo kale ay deegaano xoog leh ku leeyihiin wadamada Kenya iyo Itoobiya loona baahan yahay in shucuubtaasi la tixgeliyo.

Dooddaan ayaa dadkii ka qaybgalay waxay isku hadaf ka noqdeen in Ciidamada Itoobiya aysan ka qayb-qaadan dagaalo Qabiili ah, maadaama Dowladdii lagu soo dhisay dalka Kenya ay markii horeba ahayd mid lagu soo dhisay qaab qabiiil, sidaasna lagu qaybsaday, lana tixgeliyo axdiga ku meel gaarka ah iyo Dowladda.

Ban-Ki Moon oo u soo jeediyey kooxaha ku dagaalamaya soomaaliya in ay...

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban-Ki Moon ayaa waxa uu sheegay in Qaramada Midoobey walaac weyn ka qabto dagaalada ka soo cusboonaaday dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Xoghayaha waxa uu shegay in kooxaha isku haya Soomaaliya ay sida ugu dhaqsiyaha badan u joojiyaan dagaalka khilaafkana ku xaliyaan wada hadal iyo is afgarad.

Xoghayaha waxa uu sheegay in Qaramada Midoobey ay diyaar u tahay in ay caawinto dadka ku waxyeeloobay dagaalada iyo kuwa ka barakacay ay dhibaatadu ku hayso qaar ka mid ah Gobalada Soomaaliya.

Ban-Ki Moon waxa uu hoosta ka xariiqay in Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka qaybgalaan shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee la qabanayo 16-ka April ee uu ku baaqay Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed, kaas oo uu sheegay inay ka soo bixin karaan natiijo wax ku ool ah oo anfacda shacabka Soomaaliyeed

C/llaahi Yuusuf oo markii ugu horeysay ka soo baxay xarunta…

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii uu soo gaaray xarunta madaxtoonyada ee Dowladda Federaalka ee Villa Somalia uu shalay u soo baxay bannaanka, isla markaana waxa uu kormeer ku soo maray deegaano ka tirsan Magaalada Muqdisho.

Deegaanada uu madaxweynuhu soo kormeeray ayaa waxaa ka mid ah xaruntii Faaniinta Soomaaliyeed ee Tiyaatarka, Gurigii Hooyooyinka, Taaladii Daljirka Dahsoon, iyo Jidka taga Hotelkii hore ee Jubba.

Madaxweynaha DFKMG ayaa intii uu ku jiray kormeerkaasi waxa uu soo indha-indheeyey xaaladda goobahasi, waxa uuna sheegay in Dowladda Federaalka sida ugu dhaqsiyaha badan ay u dayactiri doonto xarumihii Dowlada, si ay dowladdu u hesho goobo ay ku shaqeyn karto.

Madaxweynaha DFKMG c/llaahi Yuusuf ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu soo kormeero Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho, Garoonka Diyaaradaha iyo Goobo kale oo Muhiim ah, waxaana kormeerkii Maanta ku wehliyey wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka, waxaana ilaalinayey Ciidamo ka tirsan Uganda iyo Ciidamada Itoobiya.

Geeddi oo kulan gaar ah la qaatay ganacsade Abuukar Cumar Caddaan…

Wararka ka imaanaya Magaalada Nayroobi waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo ay wehliyaan Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele, Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Max’ed Cali Ameerika ay shalay ku booqdeen gurigiisa Ganacsade Abuukar Cumar Caddaani oo ka mid ahaa ragga sida aadka ah u taageeri jiray Maxaakiimtii Islaamiga.

Kulankaas ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi waxayna isku afgarteen Ganacsade Abuukar Caddaani in uu ka shaqeeyo nabadda, in uu taageero Dowladda Federaalka iyo in uu ka qaybgalo shirka dib u heshiisiinta ee la filayo in uu dhaco 16-ka April ee Foodda nagu soo haysa.

Ganacsade Abuukar Caddaani ayaa waxa uu u soo jeediyey Shacabka Soomaaliyeed in ay Dowladda kala shaqeeyaan nabadgelyada Magaalada Muqdisho iyo waliba sidii nabad loogu soo dabaali lahaa guud ahaan dalka, waxayna labada dhinac isku afgarteen in la iscafiyo wixii horana la iska ilaabo, iyadoo Ra’isul Wasaarubu shalay u ambabaxay Dalka Sucuudi Carabiya, sidoo kale kulankaas waxaa goob joog ka haa Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Max’ed Nuur Sheekh Aadan Madoobe

Gacma Dheere "Waa idinka la kulmay Itoobiyee ka xaab-xaabiya"

Wasiirka arrimaha gudaha Max’ed Max’uud Guuleed (Gacma Dheere) ayaa wax laga weydiiyey sida uu u arko kulankii dhex maray saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Muqdisho iyo Waxgaradka Beelaha Hawiye, waxa uuna sheegay in Dowladda Federaalka ay soo dhaweyneyso wax kasta oo nabad u keenaya shacabka ku nool Magaalada Muqdisho, waxaa kaloo uu sheegay in ay habooneed in Waxgaradka Beelaha Hawiye ay soo maraan mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka si ay iskula meel dhigaan Xaaladda ka taagan Magaalada Muqdisho, waxaa la weydiiyey adinka oo Dowladdii ah ayey Waxgaradka Beelaha Hawiye la kulmeen Saraakiisha Itoobiya marka side ayaad u aragtaa arintaasi?, waxa uuna Gacma Dheere ku tilmaamay arintaasi ay mid ay Dowladdu ka xun tahay, maadaama uu sheegay in la hareer maray Dowladda Federaalka, waxa uuna yiri “Waa taa ay la kulmeen Itoobiyee ha ka xaabxaabiyeen”.

Gacama Dheere waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay dooneyso in ay la kulanto waxgaradka Beelaha Hawiye si loo soo afjaro dhibaatada ka jirta Magaalada Muqdisho isla markaana loo joojiyo qaxa fara badan ee ka socda Magaalada Muqdisho.

“Dhowr jeer ayaanu qoraalo u dirnay Waxgaradka Beelaha Hawiye, waxaana ku wargelinay in aan ka wada shaqeyno sidii wax looga qaban xaaladda Muqdisho” ayuu yiri Gacma Dheere oo sheegay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo nabad ku soo dabaalida Muqdisho qayb ka qaadaneysa.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

March 26, 2007

::: Maxaad ka Taqaan Taariikhdii Jeneraalkii Islaamka, Khaalid Bin Waliid


Uganda: Ciidamada Uganda Lama Geyn Doono Meel Ka Baxsan Magaalada Muqdisho
.Magacyadda Maxaabiista la hayo oo ay soo badhigeen...
.Dagaal Xooggan oo ka Dhacay Magaalada Cadaado...
.Ciidamadama Uganda oo ka walaacsan Joogitaanka Itobiyan.
.C/llaahi Sheekh Xasan “Waxaan Awoodnaa in aan weerarno
.Warbixin: dagaalada dib uga soo cusboonaaday Muqdisho
.Puntland oo Beenisey in Ciidamo Ka Joogaan Muqdisho
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Mar 23


Soomaali
Xal u helidda Dhibaatada ka Taagan Soomaaliya hadda.

Kulan ay ka soo qayb galeen culimaa'udiin, aqoonyahanno iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa waxaa... Akhri....


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com