SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA



Hoobiyuhu yuu Dan u yahay?

(Nin Wax jooga aan garan, wax soo socdana ma garto)

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Nin Oday ah oo aad ugu xeel dheel dheer xaalada siyaaso ee Soomaaliya ayaan waxaa wax ka weydiiyay sida uu u arko waxyaabaha maalmahan dambe ka dhacaya Magaaladan Muqdisho oo ah Madaafiicda ay is weydaarsanayaan Ciidamada Shisheeye iyo kooxaha kacdoonka ka wada magaalada Muqdisho, wuxuuna ku jawaabay Ninkaas Odeyga ah “Aniga aragtideyda haddii aan rog rogo oo dhinac walba ka eego Hoobiyaasha la tuurayo waxay faa’iido weyn ugu jirtaa Cabdullaahi Yuusuf”, markaas ayaan waxaan ku celiyay oo sidee faa’iido ugu jirtaa waa nin doonaya in ay shaqayso Dawladdiisa, markaas ayuu wuxuu igu yiri “Cabdullaahi degaanadiisa Nabad ayuu ku soo dabaalay oo waxaa ka jirta wax u eg dawladnimo iyo kala dambayn, Xamar Cabdullaahi cidi kama joogto oo waxa uu ku jiraa daartaa Sedaxda Dabaq ah, wuxuuna haystaa Ciidamo xooggan oo difaacaya, waxay kaloo ciidamada Xooggan u ilaaliyaan Ilaha dhaqaale, haddii Xamar uu gubanayo kama laha Dan iyo Heelo”, wuxuu intaa sii raaciyay “Cabdullaahi wuxuu rabaa in maciishaddu kor u kacdo oo dadku ciriiri ka gasho Nolosha, sidoo kale wuxuu doonayaa in doolarku cirkaa isku shareero, dib u fiiriya maalmihii uu yimid Malyan iyo Seddax Boqol ayuu marayay, maanta waad u jeedaan halka uu marayo oo waa Malyan iyoi Toddoba Boqol, wuxuuna doonayaa inuu gaarsiiyo Seddax Malyna, Reer Muqdisho waad huruddaana hurdada ka toosa oo la imaada Caqli kale”, wuxuu intaa sii daba dhigay “Xitaa haddii aad Hoobiyaha ka joojisaan goobaha dawladdu ku sugan tahay ama ay ku sugan yihiin ciidamada Shisheeye waxaa laga yaabaa inuu xitaa lacag ku bixiyo sidii koox kale ay u fulin lahayd qandaraas ah in Hoobiyaha uu sii bato, waad u jeediin Muqdisha in dadku maalin walba ay ka cararayaan iyagoo doonaya in ay nafsadooda ka bad baadiyaan Hoobiyaasha la isku ridayo’.

Ninkaa odeyga ah oo ilmo ay ka socoto ayaa waxa uu yiri “War Dadka Reer Muqdishoo waxaan idinka codsanayaa inaad Hoobiyaasha aad joojisaan oo aad la timaadaan tab kale oo Cabdullaahi aad kula dagaalantaan si aad u bad baadisaan dadkiina iyo hantidiina dhex ceegaagta Magaalada Muqdisho, waa taqaaniin Cabdullaahi waa Nin dagaalyahan oo soo maray Marxalado kala duwan, wuxuuna kursigan u huray naf iyo maal isagoo kursiga u soo halgamayay muddo Afartan Sana ah. bal khudbadihiisa dib u raaca oo dhuuxa nuxurkooda, waxaa kuu soo baxaya in Cabdullaahi uu fiirsanayo kursigaas oo keliya, dhowr jeer ayuuna ku cel celiyay war dagaal muddo ayaan u soo joogay oo wax kama taqaaniinee meel iska jooga.

“Cariiriga maalin walba ay ku sii socdaan dadweynaha ku nool magaalada Muqdisha ayaa waxa ay keeni doontaa in Cabdullaahi si sahal ah la isugu dhiibo haddii aan lala iman caqli ka duwan midka Hoobiyaha ah “ ayuu ninkaas Odeyga ah oo diiday in magaciisa la sheego uu yiri, wuxuuna sii raaciyay “Qaraxyada iyo Miinada iyo Hoobiyaha dan uma aha Ummaddiina iyaga ayaana ku baaba’aya Cabdullaahi la Xisaabtama, waayo dawladda waxaa lagu dhisay 4.5 oo ah hab qabiili ah oo dhaha Cabdullaahi sidan nama anfacdo kaana yeeli mayno, dalka waa naga wada dhaxeeyaa.

Hoobiyaasha maalin walba la tuurayo waxa ay ku dhacayaan dad aan waxba galabsan, hadda ka hor ayaa anagoo wada jiifna nin dhalinyara ah isla markaana ay socoto duqayntii UNOSOM ayaa inta aan booday oo naxay ayaan damcay inaan ka baxo albaabka markaas ayaa wiilkii dhalinyarada ahaa igu yiri “Ma aha madaafiicdan middii USC-da oo kale ee waxa ay leedahay bar tilmaameed, marka iska seexo Nin yahow” inta yaabay ayaan waxaan ku iri “Nin yahow adiga Ma Ciidan baad ahaan jirtay?”, inta qosley buu wiilkii dhalinyarada ahaa iigu jawaabay “Wax walba waan la soconaa”.

“Madaafiicda iyo hoobiyaasha ka dhacaya magaalada Muqdisho ee aan bartilmaameedka lahayn waxay keeni karaan bur bur iyo baa’ba, middaana horey ayaan u soo aragnay ee walaalayaalow la imaada wax ka beddelan arrintan, waayo umaddu Soomaaliyeed way ka daashay Xabbad, Macluul, Gaajo, Cuduro, Barakac iyo wixii la mid ah”.

Ugu dambayntii Odayaasha Muqdisha ayaa waxaa laga doonayaa in ay la yimaadaan wax xal u noqon kara magaalada Muqdisha si looga samata baxo dhibaatooyinka jira, waxayna Soomaalidu tiraahdaa “Nin Wax jooga aan garan, wax soo socdana ma garto, ee waa inaad u istaagtaan sidii aad ku bad baadin lahaydeen bulshada ku nool muqdisho oo maalin walba uu dul qaadkii ka sii dhamaanayo, waxayna dadka qaarkood taagan yihiin oo ka mareysaa (WAXBA DHOWRAN MAYNEE RABBOOW DHAGAXYO SOO DAADI). Ragga hoobiyaha tuuraya ogaada in Muqdisho ay tahay mid weliyo badan oo ay jiraan gacmo daahsoon oo doonaya in ay sii baabi’yaan wixii ka harey dagaaladda xitaa rag baa doonaya in uusan waxba ka harin Suuqa Bakaaraha ee ku yaalaan Daaraha dhaadheer ee quruxda badan.

Xamar Xaalkiisa: Ninba Taagtii ha talaabsado

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Maarso 22, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com