Warar dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii
ka dhacay Muqdisho..
Shalay
waabarigii ayaa ciidamo isugu jira Dowladda Federaalka iyo kuwo
Itoobiyaan ah waxay ku soo faafeen xeradii hore ee Oodweyne, Shiirkole
iyo deegaano kale oo ku dhow dhow, waxaana markiiba halkaasi ka bilowday
rasaas ka dhaceysay qoryahaha fudud iyo kuwa culus. Dagaalkaan oo socday
mudo shan saacadood ayaa aakhirkii waxa uu keenay in ciidamadii Dowladda
FKMG qaarna la qabto kuwana la dhaawaco, kadibna dib loogu celiyo
xaruntii Wasaaraddii Gaashaandhiga.
Ciidamada
Dowladda FKMG ayaa waxaa la dagaalamayey kooxo aad u hubeysan oo markii
hore ka tirsanaa deegaanka, kadibna xoojin ka helay deegaano kale, waxaa
kaloo dhacday in ciidamada Dowladda qaarkood lagu khasbay in ay dhigaan
dareeskii ay wateen iyo waliba qoriyihii ay wateen.
Qaar ka mid ah
ciidamadii Dowladda ee ku dhintay dagaalkaasi oo aan la garaneyn in
ahaayeen kuwo Dowladda ka tirsan iyo kuwa Itoobiyaan ah ayaa wadooyinka
waaweyn gaar ahaan jidka Sodonka iyo kan wadnaha lagu jiiday maydkooda
qaarkoodna dab la qabadsiiyey.
Dagaal kale
ayaa waxa uu ka bilowday agagaarka Hotel Ramadan iyo Ex-Shaneeco
Puntland, waxaana la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud, waxa
uuna dagaalkasi socday mudo labo saacadood, kadibna galabnimadii ayaa
dagaal xoogani ka bilowday Suuqa Xoolaha iyo agagaarka Darmooley,
waxaana lagu waramay in dagaalkasai ahaa mid aad u kharaaraa, waxaana la
sheegay in Ciidamada Itoobiya ay madaafiic la dhacayeen dadka rayidka
ah.
Isku soo wada
duuboo dagaalkii shalay waxaa ku dhintay ilaa iyo dad gaaraya sodon
qofood oo labada dhinac ah. Dowladda Itoobiya ayaa beenisay in qaar ka
mid ah ciidamadooda lagu jiiday wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho,
waxayna sheegtay Dowladda Itoobiya in aysan ciidamadooda dagaalkaas ka
qayb-qaadan, sidoo kale ciidamada Uganda ayaa sheegay in dagaalkii ka
dhacay Muqdisho aysan ka qayb-qaadan oo ay ku ekaayeen xeryahooda.
Dowladda Federaalka ayaa lagu waramay in aysan ilaa iyo hadda si rasmi
ah uga waramin dagaalkii dhacay, hase yeeshee C/llaahi Yuusuf ayaa laga
soo xigtey uuna sheegay in koox yar ay ka soo horjeedo Dowladdiisa,
kuwaasna gacanta lagu soo dhigi doono.
Dowladda Federaalka oo ku kala qaybsan
tahay..
Dowladda Federaalka ayaa ku kala qaybsan dagaalkii shalay ka dhacay
qaybo ka mid ah Magaalada muqdisho.
Qaar ka mid ah
wasiirada Dowladda ayaa waxa ay dagaalkaasi ku tilmaameen mid la doonayo
in lagu baabi’iyo qabiil gaar ah, waxayna uga digeen Ciidamada Shisheeye
in ay u kala hiiliyaan Dowladda lagu dhisay qaabka Qabiilka. Cali Max’ed
Geedi iyo C/llaahi Yuusuf ayaa waxay sheegeen in ay dagaal xoog leh la
gali doonaan wax uu ugu yeeray kooxo yar oo ka soo horjeeda Dowladda
Federaalka, iyagoo sheegay in maalmaha soo socda la soo afjari doono.
Dhanka kale Xildhibaanada iyo Wasiirada ka soo jeeda Beelaha Hawiye ayaa
waxay ku hanjabeen in ay xilalkooda ka tagi doonaan, haddii aan wax laga
bedelin Mowqifka C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi ee ku wajahan Beelaha Hawiye.
Dowladda
Mareykanka oo ka hadashay..
Safiirka
Mareykanka u fadhiya Magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ayaa ka hadlay
dagaalka ka soo cusboonaaday Magaalada Muqdisho oo u dhexeeya Ciidamada
Dowladda oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya iyo kooxo ka soo horjeeda,
waxaa uuna dagaalkaasi ku tilmaamay mid aan loo baahneyn waqtigaan,
isagoo sheegay in dagaalada noocaan ah ay weligood ka dhici jireen dalka
Soomaaliya.
Safiirku waxa
uu sheegay in Dowladda Mareykanka ay diyaarineysay 60-Milyan oo Doolar
oo uu sheegay in ay ugu talagashay shirka dib u heshiisiinta ee la
filayo in la qabto April 16-keeda, balse safiirku waxa uu sheegay in
lacagtaasi aysan Dowladda Mareykanka si toos ah uga soo bixin, ugu
dambeyntii waxa uu sheegay in shirarka dib u heshiisiinta ah laga
qayb-galsho shaqsiyaadkii qunyarusocodka ahaa ee ka tirsanaa Maxaakiimta
Islaamiga ah.
Sheekh Xasan
Daahir oo markii ugu horeysay ka..
Guddoomiyahii
Golaha Shuurada Maxaakiimta Sheekh Xasan Daahir Aweys oo tan iyo intii
Maxaakiimta laga awood roonaaday aan wax hadalin ah bixin ayaa xalay ka
hadlay xaaladda Soomaaliya, waxa uuna sheegay Sheekhu in aad ugu xun
yahay waxa ku habsaday ummadda Soomaaliyeed, isagoo ku tilmaamay
dagaalada Muqdisho ka socda kuwo Bulshada Soomaaliyeed ay ku dooneyso in
ay isku xoreeyaan, Xasan Daahir Aweys waxa uu Beesha Caalamka ku
eedeeyey inay ka hiilisay, isagoo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay
dagaalamaan inta ay nool yihiin isaga iyo dhamaan Mas’uuliyiintii
Maxaakiimta, Sheekh Xasan waxa uu carabka ku dhiftay in ay nabad qabaan
isaga iyo mas’uuliyiintii Maxaakiimta ayna joogaan meel ka mid ah dalka
Soomaaliya. Ugu dambeyntii Xasan Daahir Aweys waxa uu tilmaamay in ay
Soomaalida dhexdeeda heshiin karto, haddii laga daayo faragelinta lagu
hayo, isla markaana ay dalka isaga baxaan ciidamada shisheeye.
Axmed Diiriye oo ku tilmaamay dagaalkii...
Afhayeenka
Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye ayaa sheegay in dagaalkii shalay
ka dhacay qaybo ka mid ah Muqdisho uu u dhexeeyey Dowladda Federaalka oo
sida uu tilmaamay horkaceysa wax uu ku tilmaamay ciidamo dalka ku soo
duulay iyo Beesha Hawiye.
Axmed Diiriye
waxa uu hoosta ka xariiqay in C/llaahi Yuusuf uu doonayo in uu dagaal
cad la galo Beelaha Hawiye, isla markaana uu duulaan ku yahay Beelaha
Hawiye, waxa uuna taa ku tilmaamay mid riyo ah, Beesha Hawiyana ay is
difaaci doonto.
“Horey ayaan u
ogeyn in C/llaahi uu qorsheynayo in uu duulaan ku soo qaadayo Beesha
Hawiye, iyadoo Beesha caalamka aan ku bandhignay, balse ay ka aamustay,
haddana dagaalku waxa uu ku bilowday sidii uu C/llaahi doonayey” ayuu
yiri Axmed Diiriye oo sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro in wadajir
ah looga hadlayo arinta Soomaaliya, isla markaana ay laga maarmaan tahay
in la qabto shirweyne ay ka qaybgalaan dhamaan qaybaha Soomaalida.