SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
ItoMar 21, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (80), Muqdisho (84), Beledweyne (87), Baydhabo (95),  Galkacyo (116),
Sarbeebtii Diinaari
Daabaco Boggan | Print
gaariSomaliTalk: Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa waxbarashada Puntland ugu deeqday gaari iyo buugaag, laakiin..
Akhri...

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


::: Maxaad ka Taqaan Taariikhdii Jeneraalkii Islaamka, Khaalid Bin Waliid

Dagaalo Faraha lagaga gubtay oo saaka waaberigii kabilowday magaalada muqdisho..

Dagaalo saameeyey guud ahaan magaalada muqdisho ayaa saaka waaberigii ka qarxay ex-wasaaradii hore ee gaashaandhiga iyadoo si kafool kafool ah ay isaga hor yimaadeen ciidamada kacdoonka wada ee caasimada muqdisho iyo ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowlada kmg ah oo isgarabsanaya islamrkaana laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan .

Dagaalka oo gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo aan laxaqiijin karin ilaa iyo iminka dagaalka oo socda darteed iyadoo dagaalku uu ku faafay deegaano badan oo kamida magaalada muqdisho islamrkaana madaafiicdahabowga ah ay ku dheceen qaar katirsan xaafadaha magaalada muqdisho .

Sidoo kale dagaalkan oo ah mid faraha laysula tegey ayaa waxaa wadooyinka baar ubax ,isgoyska ex-carwo idko iyo meelo kale lagu arkayey meydka askarta lagu sheegay inay ethiopian yihiin lagu jiid-jiidayey wadooyinka halka qaaekoodna la gubay .

Dagaalka ayaa waxa uu ka dambeeyey ka dib markii Ciidamadii Dowladda ee laga keenay dhanka Bali-doogle lagu soo daad-gureeyey saqdii dhexe ee xalay agagaarka wasaaradii hore ee Gaashaandhiga iyo xeradii Kabida .

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay Ciidamadu baaritaano ka bilaabeen xaafadaha Shiirkole iyo Al-baraka, ka dibna ay kooxaha hubaysan weeraro culus oo fool-kafool ah kala hortageen.

Goobaha uu dagaalku sida qaraar uga soconayo ayaa waxaa yaala dad badan oo Mayd iyo dhaawacba isugu jira, inkastoo ilaa iyo haatan la qiyaasi karin khasaaraha dhabta ah ee halkaasi ka jira.

Kooxaha weerarka wada ayaa Hoobiyayaal iyo Madaafiic kalaba ku garaacaya xarumaha ay ku jiraan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia, halka Qoryaha Tangiga iyo BM-ka ay kusoo jawaabayaan Ciidamada.

Madaafiicda la isku adeegsanayo oo ah kuwa aad u cul-culus ayaa waxa ay xilligan ku dhacayaan Xaafadaha Magaalada, iyadoona ilaa iyo haatan ay ku habsadeen agagaarka Garoonka Stadium-Muqdisho iyo suuqa khudaarta iyo meelo kale ee Bakaaraha, balse aan khasaaraha rasmiga ah la ogaan karin.

Dhawaqa iyo dayranka Madaafiic ayaa saaka lagu soo baraarugay, iyadoo ay dadku wadnaha farta ku hayaan, islamarkaana ay walaac ka muujinayaan in ay Madaafiic habow ah waxyeelo u geysato, sida inta badanba dhacda.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Maydadka lagu gubay dhawaan Isgoysyada Baar Ubax iyo carwo idko  ee Magaalada Muqdisho kuwaas oo lagu muransan yahay cidii ay ahaayeen Ethiopian iyo somali inkastoo aan taas la xaqiijin Karin.
 

Muuse Maxamuud Jiisow

 

 

Mar aan tagay Isgoyska Baar Ubax ayaan ku arkay ruuxaan Maydkiisa la gubayo iyadoo qaar ka mid ah dadkii ku sugnaa halka lagu gubayay ay sheegeen inuu ahaa Mayd Askari Ethiopian ah, balse aan la xaqiijin Karin inuu ahaa Ethiopian iyo in kale.

 

Dadweyne badan ayaa ku xoonsanaa goobta lagu gubayay maydka, waxaase wararku ay sheegayaan in maydadkaa la gubayo laga soo qaaday goobaha ay ku dagaalameen ciidammada dowladda iyo kooxaha ka horjeeda oo aan la garanayn haybtooda.

 

Sidoo kale warar aan helnay ayaa waxay sheegayaan in laba ruux oo kalena iyagna maydkooda lagu hayay agagaarka Stadium Muqdisho, halkaasoo la sheegay inay maydadkaas yaalleen waddada dhinaceeda, iyadoo qaawan ayna dadweyne fara badan kor dhoobnaayeen.

 

Lama sheegin karo in maydadkaas dharka laga siibay ee la dhigay waddooyinka dhinacooda, qaarkoodna la gubay ay ka mid ahaayeen kuwa Dowladda iyo in kale, waxaase dadka deegaannadaas ku sugan ay ku adkeysanayaan inay yihiin ciidammada dowladda.

 

Waa markii ugu horreysay oo lagu arko Magaalada Muqdisho maydad lagu gubayo, kaddib dagaalladii Mareykanka iyo kooxo ka tirsan taageerayaashii Gen. Caydiid ku dhex maray Muqdisho.

 

Wadooyinka magaalada ayaa qaarkood maanta waxaa la marsiinayey meydad ku dhintey dagaalkii saaka oo dhinacwalbo la isu dhaafinayey waxaana ku jiray uwo la jidayey wadooyinka qaarkood

Dagaal la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo saakay ka billowday xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho 

Dagaalkaan ayaa  u dhexeeyay ciidammada Dowladda iyo kuwa Ethiopia oo gacan siinaya iyo  kooxo hubeysan oo diidan jogitaanka ciidamada shisheeye ayaa ka dhacay aroornimadii hore  ee maanta agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

 Dagaalkaan oo ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ahaa mid qaraar oo saakay aroortii hore ka dhacay xaafadaha la xiriira wadada warshadaha , waxaana dagaalkaan la shaaciyay inay ku dhinteen in ku dhow 15-ruux oo isugu jira ciidammada Dowladda iyo sidoo kale qaar ka mid ah kooxaha hubeysan ee ka horjeeda.

 Sidoo kale warar  ayaa sheegaya in dagaalladaan ay sidoo kale la dhaceen agagaarka Stadium Muqdisho ,taleex,warshada caanaha ,xeradii guulwadaasha ummada , halkaasoo ay isku fara saareen qaar ka mid ah ciidammada Dowladda oo kaashanaya kuwa Ethiopia  iyo kooxaha hubeysan ee ka horjeeda.

 

Iska horimaadkaan ka dhacay agagaarka Stadium Muqdisho ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u cuslaa, waxaana wararku sheegayaa inay ku dhinteen in ku dhow 5-ruux oo kale oo la sheegay inay ahaayeen iyaguna kooxaha kale ee dagaalka kala horjeeda kuwa Dowladda.

 

Dhanka kale, waxaa madaafiic lagu billaabay Magaalada Muqdisho iyadoo madaafiicdaas ay ku dhinteen in ku dhow 6-qof oo kale oo la sheegay inay u badan yihiin dad rayid ah oo ay haleeleen madaafiic habow ah.

 

Gantaalahaan  la is weydaarsanayay ayaa waxay u badan yihiin Hoobiyeyaal iyo PM, waxaana mararka qaar  ay ka kala imaanayaan dhanka Dowladda iyo sidoo kale dhanka kooxaha ka horjeeda Dowladda.

 

Iska hor imadkaan  oo ahaa midkii ugu xumaa  ee ka dhacay Muqdisho tan iyo intii ay dowladdu soo gaartay Caasimadda ayaa hadda kusii fidaya meelo kale oo horey u nabdoonaa , iyadoo la sheegayo inaysan jirin kala tag labada dhinac ah, balse la filan karo inay dagaallo kale xooggan dhacaan.

Ilaa iyo hada ma jirto cid xaqiijin karta qasaaraha saxda ah ee kala gaaray sidoo kale ma jirto wax waanwaan ah oo u sodo iyo cid isu xilsartey

 

Dadweyne caraysan iyo malleeshiyooyin hubeysan oo isugu soo baxay Isogyska Kaasabobolare iyo dhabarka dambe ee Tarabuunka 

 

Kooxo hubeysan oo aad u fara badan ayaa isugu soo baxay agagaarka Tarabuunka iyo Isgoyska Kasabobolare, kuwasoo la sheegay inay ka hareen Maxkamadihii laga itaalka roonaaday, waxaana kooxahaan la sheegay inay isku diyaarinayaan dagaal ay la galaan ciidammada Dowladda.

 

Dhabarka dambe ee Tarabuunka illaa Isgoyska Kasabobolare ayaa la sheegay inay isku xiran yihiin kooxahaan oo ka sameystay halkaas gabbaadyo kala duwan, waxaana wararku sheegayaan in ciidammada Ethiopian-ka ee ku sugan Isbitaalkii hore ee Digfeer ay korka ka ilaalinayaan dhaqdhaqaaqa kooxahaas isku soo baxay ee hubeysan.

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidammo fara badan oo ka tirsan kuwo Ethiopia ay wadaan dhaqdhaqaaqyo ay waardiye kaga hayaan kooxahaas oo aan illaa iyo hadda wax rasaas ah furin, waxaase wararku sheegayaan inay sugayaan gawaarida ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda oo halkaas mara.

  

Kooxaha hubeysan ee isugu soo baxay goobahaan cusub ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwii gacan-saarka la lahaa Maxkamadihii Midoobay, balse intii ay dowladdu soo gashay caasimadda hubkooda qarsaday, waxaana tani u muuqataa inaysan raalli ka ahayn joogitaanka dowladda ee Magaalada Muqdisho.

 

 

Muuse Maxamuud Jiisow

somali39@hotmail.com

Muqdisho Somaliya 

025215576666

002521653623

 

  • Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2007



    Soomaali
    Xal u helidda Dhibaatada ka Taagan Soomaaliya hadda.

    Kulan ay ka soo qayb galeen culimaa'udiin, aqoonyahanno iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa waxaa... Akhri....



     

  • Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
    © www.SomaliTalk.com