Qadartii rabigay
iyo qalbi jabkii shacabka soomaliyeed
Waxay mahadi u
sugnaatay mar hore iyo mar dambaba allaha
calaamul quyuubka ah qafuuru raxiimka ah xaliimul
caliimka ah. Naxariis iyo nabad galyana korkiisa ha
ahaato nabi muxamed (CSW). Axwaasha iyo inbadalka
dhacdooyinka aduunku waxay aayaad u yihiin awooda
alle iyo in uu kaligii koonka maamulo oo uu yahay
midka kaliya ee iskaleh tasarufka aduunka,
Hadaan tusaale yar
soo qaadano oo ku saabsan bini’aadamka iyo
miisaanka caqliga ah waxay natusaysaa garasha
xumadiisa. Miskiin nimadiisa. Iyo rabitaankiisa ku
salaysan dulmiga. Inta badan bini’aadamku wuxuu
jecelyahay wanaaga. Barwaaqada iyo caafimaadka,
sidoo kale waxaa uu necebyahay xumaanta.
Balaayada.gaajada.iyo colaada.
Waana dabeecadiisa,
bini’aadamku intiisa badani ma saadaaliyo xaalada
ku soo wajahan iyo arintu waxay dib ka noqondoonto.
Arintiisu waxay un ku
egtahay xaalada markaas uu ku suganyahay haday
dhibaato asiibto, sida abaaraha.cudurada iyo
colaada, Wuxuu gaarayaaa quus tii ugu dambaysay
waxaana hadheeya murugo iyo calool xumo farta ugu
fiiqda guuldarada ku soo wajahan,wuxuna meesha ka
saaraa rajadii iyo naxariistii alle. Bini’aadamku
hadii uu ku jiro barwaaqo iyo bash bash wuxuu
hilmaamaa abaalkii alle u galay iyo ku
shugrintiisii wuxuuna isu maleeyaa inuu yahay mid
ka nabad galay masiibooyinka, sidoo kale waxaa uu
ku hadlaa hadalo laqwi ah, sida anigaa iskaleh,
xogaygaan ku shaqaystay, maxaad igu darsatay, IWM.
Markaad fiiriso kii hore ee dhibaatadu dilootay
iyo kan barwaaqada ku jira, waxaaba daran xagga
kibirka iyo doqonimada kan barwaaqada ku jira.
Illahay markii uu abuuray bini’aadamka ayuu wax
isugu daray, maxaa yelay? Jinsi kasta oo illahay
abuuray wuxuu wax ku leeyahay dhinac kasta markii
laga fiiriyo jinsiga uu ka tirsanyahay.
Sidoo kale
bini’aadamka dabeecadihiisa waxaa kamid ah markii uu
ladanyahay inuusan talada qaadan, Markay balaayo ku
habsatana inuusan sugnaanin, oo uu oohin iyo
calaacal bilaabo, alle waxaan waydiisanaynaa
sugnaan, samir iyo xamdi joogta ah.
Qadartii rabigay
Qadarta alle waa shay
xaq ah qof kasta oo rumeeyay alle iyo
rasuulkiisana (CSW) waa in uu rumeeyo qadarta alle,
qofkii rumayn waayo qadarta alle wuu ku gaaloobayaa,
sidaas darteed waxaan rumaysanahay wax kasta oo ku
dhaco qadarta alle, shay kastana wuxuu leeyahay
sabab iyo wax loo tiiriyo.
Wixii ka dhacay
soomaaliya aakhir kii bishii 12/2006 da waxay
ahayd wax qadaran hadana waxaan leenahay waxaa
sabab u ahaa qaabkii loo maamulay, waxayna ahayd
mid guracan, shay kasta oo uu illahay abuuray
wuxuu u sameeyay dad macalimin ku ah, oo loogu
tala galay in looga dambeeyo, sidas darteed waxaa
haboon shay kasta in loo isticmaalo sida uu ugu
micna badanyahay loogana dambeeyo qofka aqonta u
leh si loogaaro hadafkii iyo ujeedadii laga laha
shaygaas. Shacabka soomaaliyeed waa shacab nasiib
badan, hadana, ayaan daran, waa qoomiyada kaliya
ee isku diinta ah, isku luuqada ah, isku sinjiga ah,
dhinaca kale markii aad ka fiiriso waa shacabka ugu
ayaanka daran, maxaa yeelay? Waxaa jirta qaacida
oranaysa shacab xun majira ee madax xun ayaa jirta,
shacabkani waligii ma helin hogaan wanaagsan, sida
aan ognahayna hadii hogaanka xumaado umadaasi
horumar magaarto kamana baxdo tafararuq, duli,
gu’nimo iyo gumaysi. Waxaa nasiib daro ah 47 sano
kadib in dib loo qabsaday dhulkii xorta ahaa ee
soomaliya oo gumaysi loo gacan galiyay, sidoo kale
waxaa ayaan daro ah dad sheeganaya inay
soomaliyo masuul u yihiin isla markaana ah daba
dhilif Ethiopia inay ku qanacsan yihiin in gumaysi
loo gacan galiyo dalka, in tabo waxaa ka sii daran
shacabkii soomaaliyeed I nuu ku qanacsanyahay in
laguumaysto, taasna waxaa markhaati u ah oo ay ka
wahsadeen oo ay gacmaha ka laabteen inay dagalamaan
oo ay difaacaan dalkooda dadkooda iyo diintooda,
nin hal yeey qabiil
ahaa wuxuu yiri lix halkaad ku joogtaan dagaal
laabya ka ogaada, hadii luqunta la idin jaro
lugaha meer meersha,
qalbijabkii shacabkii
soomaaliyeed
soomaalidu waxay ku
maah maahdaa ku qabatay iyo qadar alle ba waa la
qaataa, maah maahdaan waxaan hadalka ugu bilaabay
shacabka soomaliyeed inay ku qancaan qadarta alle
isla markaan aan la isu dhiibin oon dhabarka loo
rogan gumaysiga soo jireenka ah iyo daba dhilifka
hor socda, waxaad oga tihiin cadaawada naga dhaxayso
anaga iyo Ethiopia , dagaal kanaguna wuxuu marayaa
600 oo sano inta taariikhdu xustay, sidookale
waxaa naga dhaxeeyo iyada iyo gaalada kaleba
cadaawad asal ah, oo ah tii u dhaxaysay
muslimiinta iyo gaalada.
Sayid maxamed wuxuu
yiri,
-
hadaan waayay
calan lay’nashro tan iyo Nairobi
-
Miyaan waayay
naamuus janiyo daalac iyo naasil,
-
-
Hadaan waayay ruux
iga naxoo, ii nasabad sheegta,
-
Miyaan waayay,
naxariis alliyo nabiga jaahiisa,
-
-
Hadaan waayay,
ciid oo naqleh, iyo inaan nugaal daaqo
-
Miyaan waayay,
naar aan shidiyo, nolol qurmoonaatay,
Macnaha aan u soo
qaatay baydadkaan gabayga ah hadaan idin dareen
siiyo, waa sida tan, hadaan waynay nin nagu
xukuma kitaabka alle iyo sunada nabiga (CSW),
hadaan waynay qof
nagu xukumo jacbur uu isagu samaytay, oo nabad
galiya nafta iyo maalka iyo diinta, miyaan waynay
inaan dagaalano in ta aan ka helayno waxa dantanada
ay ku jirto aakhariyo aduunba,
Ethiopia waa dal aan
daris nahay waana cadowga koowaad ee shacabka
soomaaliyeed, 16 sano waxya ka dhismi wayday
dowlada soomaaliyeed waa Ethiopia, suurta galna ma
aha dawlad Ethiopia soo dhistay inay xal u keenta
soomaaliya, sidookale waxaan suurta gal ahayn in
masuul soomaaliyeed loo aqoonsado xalna laga sugo
dad kii aabaha u ahaa dhibaatada soomaliya.
Bur burkii ciidan ee
midawga maxaakiimta islaamiga soomaaliyeed
Bur bur ki ciidan ee
ku dhacay midawgii maxaakiimta islaamiga ah, wuxuu
qalbi jab wayn ku riday shacabka soomaliyeed meel
kasta oo ay joogaan, 99 % wuxuuna noqday mid aan la
filayn sida ay wax u dhaceen, hogaan xumadu waa
cudur kamid ah cudurada waa wayn ee dawadooda
lagu dhibtoodo, midawga maxaakiimtu waxay hanteen
qalbiga iyo jeebka shacabka soomaaliyeed, markii
ay ka adkaadeen hogaamiye kooxeed yadii isla
markaasna ay horseedeen nabad galyo iyo xasilooni,
taasina waxay dhalisay caalamku inuu ku baraarugo
nuurka ka soo iftiimay gobalada koofureed ee
soomaliya, kadibna wuxuu isku raacay in la damiyo
nuur kaas illahay se waa diiday,
Maxkamaduhu waxay
muujiyeen muslinimo iyo soomaalinimo, hase yeeshee
waxay u dhaqmeen sida xoolo raacatada oo kale,
ninka geel jirka ah wuxuu jecelyahay geela inuu
daajiyo meel wanaagasan, oo cosob ah, si uu dag dag
u gu cayilo, wuxuuna daajiyaa meelaha cidlada ah ee
loo yaqaano daafaha, wuxuna halis galiyaa naftiisa
iyo geelaba, wuxuuna Qatar u yahay duulaamada
cadowga iyo dugaaga, maxaa yelay asaga ayaa
geeska u xiga. Meeshii laga soo galayay. Ninkaa
geel jirka ah wuxuu ka fikiray geeliisa dharagtiis
aoo kaliya, waxna uma diyaarsan dugaaga iyo cadowga
ku soo wajahan. Oo uu ogyahay inaysan isa seegayn.
Taasina waa khaa’inimo xambaarsan mas’uuliyad xumo.
Waxa lamid ah oo aan u
soo qaatay tusaalahaan mas’uuliyiintii sar sare ee
maxaakimtu waxay ku guul daraysteen inay ka run
sheegaan mas’uuliyadii ay qaadeen, iyo inay u diyaar
garoobaan dagaalkii ay galiyeen shacabkii
soomaaliyeed, nasiib daro waxay u dhaqmeen sidii
ninkii geel jiraha ahaa ee aan kor ku soo xusnay.
Nasiib darada haysato umada soomaaliyeed waxay
tahay. Madaxdooda oo kula dhaqanta mas’uuliyad
xumo, cadaalad daro iyo daba dhilifnimo, taasina
waxay hor seeday guul daro, gumaysi iyo inay u
nuglaato cadawgeeda, qof kas ta oo soomali ah oo
mas’uuliyad qabta wuxuu la soo baxaa labo ciladood,
mida koowaad wuxuu beelaa dhagaha oo wax tala ah ma
qaato, mida labaadna , wuxuu noqdaana nin khiyaana
mas’uuliyadii iyo maalka umada, meesha uu masuulka
ka yahayna waxaa si khaas ah u yeesha iasag aiyo
jifadiisa hoose,
Midawga maxaakiimtu
waxay diideen in ay aqoon sadaan dawladii ku meel
gaarka ahayd ee ay soo dhistay Ethiopia, waxayna ku
dhawaaqeen jihad, sida runta ah waxay fiicnayd in
la diido, masiirka umada soomaliyeed inay maamusho
Ethiopia, maxayse u diyaariyeen in looga hor tago
oo awood ah ? caalamka waxaa ka jira marka laga
hadlayo intaraajiid ayada dagaalka casriga ah.
Labo qaybood, qaybta koowaad waa dagaal dhexmaro
laba dawladood, inta badana ay isu dheeli tiran
yihiin awooda ha dagaalamayo, sida madaafiicta
goobta, taangiyada, ciidanka lugta, difaaca circa,
ciidanka circa, iyo ciidanka bada,
qaybta labaad waa
dagaal dhex maraya dawlad iyo jabhad, dagalka
dawlada iyo jabhada waa uu ka duwanyahay midki
hore, labada awoodoodna isuma dheeli tirmaan,
darteed ayaa jabhadu waxay ka carartaa inay gasho
dagaal ka fool kafool ah, waxayna jeclaystaan inuu
yaraado khasaarahooda dhimashadooda iyo
dhaawacooduba, wuxuu can ku yahay oo loo yaqaanaa
dagaalka dhexmarayo dawlada iyo jabhada ku dhufoo
ka dhaqaaq, dagaaal kani wuxuu dhaawac wayn u
gaysanayaa dawlada wuxuuna yaraynayaa qasaaraha
jabhada, hadabo waxaa is waydiin mudan midawga
maxaakiintu labaan qaab kay ku dagaalameen oo ay
adeegsadeen? Hadaad la socotay istaraajiid yadii
dagalka ee midawga maxaakiimta iyo hadaadan la
soconba, waxay ku dagaal galeen qaabkii labada
dawladood, taasina waxay ahayd khiyaano qaran, iyo
masuuliyad xumo, sida aan horay u soo xusnay
shacabka soomaaliyeed waxaa mar kasta dhibaato u
horseeda dadka madaxda u ah ku waas oo gudan waya
xilkii ay umada u hayeen,
dar daaran ku wajahan
shacabka soomaaliyeed
hada kahor soomaliya
waxaa ka soo baxay nin mujaahid ah oo ahaa
hogaamiye ruuxiya, ninkaasi wuxuu isku dayay
soomaaliyo inuu ka saaro dawladihii guumaysanayay
kadibna uu ka dhiso dawlad islaami ah, waxase ku
dhacday nasiib daro, nasiib daradaasi waxay noqotay
madax dii sarsare ee la talin jirtay inay noqdeen
niman diin la aan ah, oo aan lahayn wadaniyad iyo
caqli saliim ah midna, sida taariikhdu xusayso
dacay oo ahaa ninkii ugu xoolaha badnaa
daraawiishta kana mid ahaa qusuusuyiintii ayaa
u galay englishkii berbero fadhiyay, sayid
maxamed cabdille xasna markuu maqlay dacay inuu
mid noqday ciidamada engriiska u jaajuusa, wuxuu
tiriyay gabayo murugo leh, ku waas oo ku cabirayay
nuxurka soomaalidu sida uu u liito iyo sayidku
waxa uu rabo miisaanka ay leeyihiin iyo waxa ay
soomaalidu rabto sida ay u yaryihiin, waakan
gabaygii sayid maxamed oo aan dhawr bayd ka soo
qaadanay
-
wiil yahoow, nin
ciil dilahayoo, duuban baan ahaye
-
dadabtii, la ii
dhigay, ma galin, toban diraacoode
-
waxa diifta
iiyeelay, waa caro daraadeede
-
-
hadii doobke
caaniyo, karuur dacalka lay saaro
-
ama darab la ii
soo dhigiyo, duqus la geedeeyay
-
dib nahayga, soor
uma furoo waan diqaysnahaye
-
soomalidii baan u
dudi daaduf ka ahayde,
baydka waxaan u soo
qaatay inaan idin xusuusiyo daba dhilif iyo gaala
raacba inay waligood soo jireen hadana jiri doonaan,
dhibaato wayna u gaysten dad badan oo mujaahidiin
ahaa , ku waas oo difaacayay dadkooda, dalkooda,
iyo diin toodaba, sidaas darteed waxaan idiin
dardaar mayaa iniidan u nuglaan cadawgeena soo
jireenka ah iyo daba dhilifka hor socda, sidookale
waxaan idiin dar daarmayaa inaad illahay dartii
isugu xirnaataan , taasina waxay keenaysaa in shaa
alahu dalka inaan cadawga ka saarno , soona
celino mid nimadii, kala dambayntii, iyo
qaranimadii umadda soomaliyeed,
dib u heshiisiinta
suurta galka ah waqtiga hada lagu jiro
aduunku waa hooska
labadiisa galin wuxuu isu daba socdaa sida
maalinta iyo habeenka qoraxda iyo dayaxa, sidaa
soo kale ayay guusha iyo guuldaradu isu daba
socdaan, 4 todobaad ka hor waxaa hogaaminayay
masiirka shacabka soomaaliyeed midawgii maxakiimta
islaamiga ah, saacada kadibna waxaa hogaaminayay
Ethiopia iyo daba dhilifka hor socda, waxaan
ognahay in si xoogleh, loo wiiqay awoodii ciidan
ee midawga maxaakiimta, sidoo kale waxaan oganahay
awoodii maxaakiimta waxa bur buriyay inay tahay
Ethiopia ee aysan ahayn daba dhilifka hor socda ee
lagu magacaabo dawlada KMG ah,
mar haday arintu
sidaas tahay qolaba inaysan ka boodin xaqiiqda
jirto iyo xaalada dhabta ah ee hor taala, waxana
haboon in la helo kalsooni dhiiri galiso wada
hadal nabadeed, taasina waxay ku dhici kartaa in la
helo shuruudaha soo socdo,
1:waa in
Ethiopia dadka ay ka baxdo, siidaysana
maxaabiista ay ka qabsatay gudaha soomaliya,
2:dhamaan waa
in la cafiyo xubnihii midawga maxaakiimta, ooysan
jirin wax gooni loo ugaarsado,
3: hadii intaa
lahelo midawga maxaakiimta waa inay ictiraafaan si
shuruud la’aan ah wada hadalka ,
4: waa in
golaha wasiirada loo qaybsado labo meelood, midawga
maxaakiimta iyo dawlad ku sheegta,
5: si uu u
suurta galo wadahadalka waa in shirka koowaad lagu
qabto dal dibada ah oo aysan ku jirin Ethiopia iyo
Kenya,
hadii la waayo
qadobadaan suurta galin karo in la helo xasilooni
iyo kala dambayn, waxaan la huri doonin in la
dagaalamo, iyadoo taargad laga dhiganayo ciidamada
shisheeyaha iyo dabada dhilifka hogaaminaya
waxaana rajaynayaa inaan ka guulaysan doono in
shaa allaah,
waxaan ku gaba
gabaynayaa dhawr bayd oo gabay ah
ninkii mowka diidiyo.
Gun’nimo kalama maarmaane
mudka u galiya
maaraha kufrigu way namoogyahaye
murtidkana hadaynina
faranjiguu maandhihiis yahaye
mintidaay in shaa
allaahu goor dhaw baan mahdin doonaaye
qore
ugaaska beesha sade ahna afhayeenka salaadiinta
beelaha daarood
ugaas maxamed wali sh axmed nuur
Faafin:
SomaliTalk.com | Mar 21, 2007
"Ciidamada Afrikaanka ee
Nabad Ilaalinta Soomaaliya ma waxay u Adeegayaan Danaha Batroolka iyo Gaaska
ee Reer Galbeedka"
Xiriirka u dhexeeya dagaalada Soomaaliya
iyo batroolka...
Akhri..