SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Hogaanka xisbiga shaqaalaha Iswiidhan oo ay dumarku la wareegeen

C/risaq Maxamed Xuseen,

Eskilstuna , Swdeden.

Email:  habdirisak@hotmail.com


Hordhac

Shirweynihii xisbiga shaqaalaha iswiidhan ( the social democratic party) ee horay loo shaaciyey ayaa waxaa uu maalintii sabtiga ee 17-ka maarso ka bilaamay magaalada caasimada ah ee Stockholm. Shirkaas oo qorshihiisa ugu weyni ahaa in gudoomiye xisbiga shaqaalaha loogu doorto ayaa loogu talo galay in uu socodo muddo laba maalmood ah.

Maadaama aan xubin fir-fircoon ka ahay xisbigaas ayaa waxaa la igu casumey inaan si marti sharafnimo ah uga qayb galo shirkaas. 17-kii bishan maarso oo ahayd maalintii shirku furmaayey ayaan ka baxnay magaalada aan deganahay oo ilaa mudo saacad ah u jirta magaalada caasimada ah ee Stockholm. Waxaanu ahayn dad jogooyin kala duwan ka haya maamulka xisbiga ee magaalada aan deganahay. Waxaanu wadanay bas weyn oo ilaa 30 qof qaada. Muddo saacad ah ka dib ayaan tagnay hoolkii weynaa ee shirku ka socdey oo ku yaal bartamaha Stockholm. Markiiba waxaan dhiibaney waraaqihii casumaada iyo kuwii aqoonsiga ee aan wadaney. Waxaa naloo qaybiyey kaararkii hoolka weyn ee shirka lagu gelaayey. Baaritaan xaga amaanka ah ka dib waxaa aanu gudaha usii galay hoolkii weynaa ee shirka. Waxaa aan fariistay kursigii la iigu talo galay si aan u dhegeysto qudbadaha ay soo jeedinayeen masuuliyiinta xisbiga ee ka kala yimid gobolada dalka.


Doorashadii gudoomiyaha xisbiga

Khudbado kala duwan ka dib waxaa loo doortay gudoomiyaha xisbiga gabadha la yiraahdo Mona Sahlin. Doorashada gabadhaasi waxaa ay ahayd mid la filaayey maadaama aanu jirin qof kale oo la tartamaayey. Mona waxaa ay noqotay qoftii dumar ah ee ugu horeysey ee hogaamiye ka noqotay xisbiga shaqaalaha iswiidhan. Mona Sahlin waxaa ay khibrad dheer u leedahay dhinaca siyaasada. Waxaana ay ahayd wasiir in ka badan tobban sano. Gabadhani waxaa ay horay isugu dayday iney hogaamiye xisbagan u noqoto muda haatan laga joogo ilaa 11 sano. Waagaas uma aaney suurto gelin in ay noqoto gudoomiyaha xisbiga maadaama ay ku soo baxeen fadeexado siyaasadeed. Taas oo ay ugu weyneyd iyadoo kaarka bangiga ee dowlada u isticmaashay arimo iyada gaar u ah. Ka dib kolkii ay warbaahinta iswiidhan aad iyo aad u daba galeen waxaa Mona lagu khasbay in ay ka tanaasusho hamigeedii ahaa iney godoomiye xisbigeeda u noqoto ka dibna ay isu sharaxdo wasiirka kowaad ee wadanka. Mona waxaa ay Baarlamaanka iswiidhan soo gashay 1982-dii iyadoo 25 jir ah, taas oo wakhtigaas ka dhigtay qofkii ugu da`da yaraa ee baarlamaanka soo gala. Siyaasad ahaan Mona Sahlin waa qof debecsan , jecelna iney dadka dhegeysato inta aaney goàan gaarin. Waa qof aad u jecel iney dadka iyada ku wareegsan ee la shaqeeyaa ahaadaan kuwo tayo fiican leh. Hal ku dhigeedu waxaa weeyaan ” si wada jir ah ayeynu isbedel ku keeni karnaa”

Kaalinta dumarka ee xisbiga


Dumarka ayaa sanadkan lafdhabar u ah xisbigaan shaqaalaha, waxayna hayaan jagooyin muhiim ah. Arintani ma aaney ahayn mid xisbigani dhaqan u leeyahay. Maxaa yeelay jagooyinka muhiimka ah waxaa badanaaba hayn jirey nimanka. Waxaad moodaa arintaasi iney hadda soo afjarantay. Dumarka haya hogaanka xisbiguna ay isu diyaarinayaan iney mar kale dib u hantaan maamulka wadanka oo sanadkii hore lagaga guuleystey. Dumarkan muhiimka ahi waa kuwa soo socda:

-Marita Ulfskog. Waa xoghayaha guud ee xisbiga shaqaalaha. Jagadaasi waa mid aad iyo aad muhiim ugu ah xisbiga. Waxaa ay gacanta ku haysaa maamulka iyo habsami u socodka howlaha xisbiga. Marita waa xubin muhiim u ah gudoomiyaha cusub.

Wanja Lundby-Wedin : Waa gudoomiyaha ururada shaqaalaha Iswiidhan. Ururadaani waa kuwo aad iyo aad ugu dhow xisbiga shaqaalaha. Haweeneydaani waa mid aad iyo aad ugu ololaysa horumarka iyo sidii uu xisbigu ku heli lahaa kalsoonida cududa shaqaalaha iswiidhan.

Kolkii la doortay gudoomiyaha cusub waxaa ay ahayd dadkii ugu horeeyey ee u hambalyeynaayey. Waxaa gabadhani muddo dheer u olloleyneysey in xisbiga shaqaaluhu yeesho hogaamiye haween ah. Gabadhani waxaa ay ka mid tahay taageerayaasha waaweyn ee gudoomiyaha cusub.

Nalin Pekgul: Gabadhaan oo asalkeedii kasoo jeeda dadka Kurdiga ah ayaa ah gudoomiyaha ururka haweenka. Ururkaas oo ku xiran xisbigaan shaqaaalaha. Nalin waxaa ay ka mid ahayd dadkii wacadka ku maray in xisbigu yeesho gudoomiye haween ah. Mar walbana waxaa ay idaacadaha ka sheegi jirtey in la gaarey wakhtigii qof dumar ah la dooran lahaa. Gabadhani iyana waa xubin muhiim u ah gudoomiyaha cusub ee xisbiga shaqaalaha.


Dhinaca bidixda: aniga (C/risaq Maxamed), wasiirkii hore ee cadaalada Tomas bosrom,
iyo laba nin oo kale oo xisbiga ka mid ah degana magaalada aan degnahay


Margot Wallström: Waa xubin ka mid ah baarlmaanka yurub waxaana ay u qaabilsan tahay xagga qorshaha xiriirka iyo qaab dhismeedka ahyàadka dowliga ah. Waa gabar aad iyo aad looga jecel yahay wadanka Iswiidhan. Waana qoftii markii hore xisbigu doonaayey inuu gudoomiye u doorto balse ka cudur daaratay. Gabadhaan waxaa ay aad isugu dhow yihiin gudoomiyaha cusum mrs Mona Sahlin. Iyada iyo gudoomiyaha cusubi waa dad isku daàh kuna soo wada barbaaray siyaasada xisbiga shaqaalaha. Waxaa la rajeynayaa in Margot dhowaan kasoo laabato siyaasada yurub si ay u caawinto gudoomiyaha cusub. Haddaba waxaan shaki ku jirin in gabdhuhu gacanta ku dhigeen xisbigii shaqaalaha. Iyagoo maanta lafdhabar u ah xisbiga. Waan arki doonaa in ay dowladnimada la wareegaan sanadka 2010.

Raggii xagee galeen


Raggii mudada hogaaminaayey qaybaha kala duwan ee xisbiga shaqaalaha waxaa ay hadda isugu urureen jogooyinka dhexe ee xisbiga. Weli raggu waa kuwo awood leh walow ay u badan yihiin gudoomiyayaal iyo ku xigeeno waaxaha kala duwan ee xisbiga. Kolkii aanu joogney banaanka hoolka weyn ee shirka ayaan waxaan arinkan kala sheekeystay wasiirkii hore ee cadaalada Thomas Bodström. Waxaa uu Tomas ka war-wareegey inuu ka hadlo arinkan gabdhaha la wareegey hogaankii xisbiga. Balse waxaa uu ku cel-celiyey in xisbigaani yahay mid laga wada shaqeynaayo. Waana in qof walba aqoontiisa iyo khibradiisa la isticmaalaa. Muhiim ma aha in qofkaasi yahay dumar ama rag. Waxaa muhiim ah siyaasada iyo wax qabadka ayuu yiri wasiirkii hore ee cadaalada.

Bal waan arki doonaa sida uu wasiirkii hore ee cadaaladu ula shaqeeyo gabdhahaan hogaanka la wareegey.

Mahadsanidin

Akhri: Maxaa Keenay Guuldarada Ardeyda Soomaaliyeed ee Sweden.

C/risaq Maxamed xuseen- Eskilstuna, Sweden
habdirisak@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh afhayeenka xisbiga Ramaas.

Faafin: March 19, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com