SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - TANZANIA
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006


Guddoomiyaha Xizbiga golaha Qaranimada Soomaaliyeed oo baaq ka soo saaray xaalada dalka Soomaaliya

Guddoomiyaha ururka Somali National Congress Part horeyna uga mid ahaa xubnihii aasaasay ururkii la dagaalanka "argagixisada" iyo soo celinta nabadda C/shukri Cali Xirsi ayaa war-saxaafadeed uu maanta (maarso 17, 2007) soo saaray kaga hadlay arrimo badan oo la xiriira siyaasada dalka Soomaaliya. 

Guddoomiyaha oo haatan ku sugan magaalada Daara-salaam ee xarunta dalka Tanzaniya una joogo howlo shaqo iyadoo la ogyahay in dowladda Tanzaniya ay ka mid tahay dowladdaha ku jira ururka Xiriirka Soomaaliya (Contact Group), ayaa sidoo kale, waxa uu baaqan u soo jeediyay beesha caalamka, sida ururada Midowga Africa, UN-ka iyo Dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna u qornaa sida tan:- 

17/03/2007  

KU; GOLAHA AMAANKA EE QARAMADA MIDOOBE                         
KU; GOLAHA AMAANKA EE MIDOWGA AFRIKA
KU:DAWLADDA FEDERAALKA SOMAALIYA.

UJEEDO:  BAAQ  CAALAMI AH  

Anigoo ku hadlaya magaca ururka SNCP waxaan halka maanta baaq caalami ah oo xal u ah xalinta mushkilada ku habsatay dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo aan  ujeedinayaa qaybaan hoosta ku xusan: 

DAWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYEED;  

Waxaan Dawladda Federaalka ugu baaqeynaa maadaama ay hanan weydey waajibaad keedi dawladnimo, kalsoonidii shacabka ay lumisay, iskuna bedeshay Dawlad hal jufa hogaamineyso oo dooneysa in ay beelaha kale ee Soomaaliyeed ku muquuniso xoog ciidan shisheeye oo ayaga u adeegaaya si masabka siyaasadeed ay meesha uga saaraan beelaha kale  iyo in dhaqaalahood oo lagu xalaaleysto iyadoo loo adegsanayo sharciga ku sheega AMARKA DEGDEGA AH, sidaa daraadeed waa in ay sida ugu dhaqsiha badan; 

(1)  In ay dib  uceliso  ciidan beeleedka ay ku magacawday ciidan qaran oo ay ka keentey gobolada waqooyi bari ee la magac baxay Puntland oo shacabka Koonfurta Soomaliyana ay u arkeen ciidan beeleed oo kusoo duulay Koonfurta Soomaaliya oo raba in ay ayagana hubka haystaan beela kale ee Soomaaliyeedna hubka dhigis ku sameeya oo shacab laga dhigto..

(2)  waxaa ugu baaqeynaa Dawladda Federaalka in ay sida ugu degdegta badan  ay si sharaf leh isu casisho oo fursad siiso Umadda Soomaliyeed in ay sameystaan dawlad loo wada dhan yahay oo ku timaada rabitaan kooda. Waxaan uga digeynaa hadii ay Dawladdu qaadan weydo talooyinkaas kor ku xusan in la kulmi doonto kacdoonkii 1991 dii oo taliskii Maxamed Siyaad Barre  looga saaray Muqdisho mid ka daran oo dagaal qabiil ah sameeyana dhamaan gobolada Soomaaliyeed oo gaaridoona qaasatan gobolada Waqooyi Bari oo la magac baxay Puntland. 

GOLAHA AMAAN EE MIDOWGA AFRIKA 

Midowga Afrika waxaan ugu baaqeynaa in maadaama aysan macluumaad fiican  ka haysan mushklilada siyaasadeed ee ka aloosan Soomaaliya, iyo ayagoo ciidamadooda ka jooga Soomaaliya aysan dhaxdhaxaad ahayn oo lasafan yihiin Dawladda federaalka oo taagerada shacabka Soomaliyeed haysan sidaa daraadeed;

(1)  Waa in ay san qasab ama san duleyn uga dhigin shacabka Soomaaliyeed in ay raacaan ama taageeraan Dawlad aysan raali ka ahayn.

(2)  Waa in ay dhaxdhaxaad ka ahadaan qilaafka siyaasadeed ee qeybaha Soomaaliyadeed dhaxyaal oo aysan cidna si gaar ah ulasafan, hadii kale ay wadanka isaga baxaan si nabad ah.

(1)  Waxaan uga digeynaa hadii ay Ciidamada Midowga Afrika ay qaadan waayaan talooyiinkaas kor ku xusan in ay cawaqib xumo iyo halaag ay la kulmi doonaan oo ka daran tii 1993 dii qabsatay ciidamadii UNSOM. 

GOLAHA AMAANKA EE QARAMADA MIDOOBE  

Waxaan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe  mar labaad ugu baaqeynaa in sida ugu dhaqsaha badan ay usoo gurmadaan dadka iyo dalka  Soomaaliya oo ay usoo diraan Ciidaan QM oo dhaxdhaxaad ka ah arimaha siyaasadeed ee Soomaaliya  oo ay weliba hormood ka ahaadaan Ciidaan ka socda wadamada reer galbeydka ah. Dhaxdhaxaad nimada ciidanka QM waxay kalsooni buuxda ay ka heli doonaan shacabka Soomaliyeed min Ras kamboni ila Raa caseyr oo ayagoo raali ah ay hubkooda ku wareegin doonaan, waxaana ciidankaas ee QM hawshooda noqoneysa in ay dhamaan dalka Soomaaliya hub kadhigis ku sameeyaan oo ay ugu horeeyaan Dawladda Federaalka, Puntland iyo Somaliland. Markaas kadib waxaa laga rabaa  bulshada caalamka in ay Umadda Soomaliyeed  uqabtaan  shirweyne qaran oo dib uheshisiineed  oo loogu gogol xaarayo dhisme Dawlad Qaran oo loo dhan yahay  kuna timaada rabitaanka Shacabka Soomaliyeed. Sidaasna ay tahay xalka keli ah ee looga bixi karo mar xaladan cakiran ee Soomaaliya ku sugan tahay oo ku dhaca jawi amaan oo dhaxdhaxaad ah laguna gaari karo hormar iyo nabad waarta. 

Waxaan kaloo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ugu baaqeynaa in aysan ka aqbalin oo aysana dhaqaale ku bixin shir ku sheega ay Dawladda Federaalka ku dooneyso in lagu qabto Magaalada Muqdisho 16/04/2007 sababtuna; 

(1)  Waa shir la rabo in lagu marin habaabiyo bulshada Caalamka oo  dhaqaale lagu kasbanayo.

(2)  Waa shir loogu magac daray shir dib uheshisiin qaran oo lagu heshiisiinayo beleelaha Soomaaliyeed oo aan lagu marti qaadin ururada mucaadka.

(3)  Runtiina manta siyaasad baa Soomaali  isku haystaa ee qabiil ma ahan sidaa daraadeed waxay ahayd in la isku keeno Siyaasiyiintii mucaaradka ku ah DF oo waliba ay gogosha nabadda ay dhigaan bulshada caalamka oo dhaxdhaxaad ka ah arimaha Soomaliya.Laakiin ma ahan in ay DF oo ayada lasaluugsan yahay laguna kalsooneyn in ay dhigto gogol nabadeed, waa in la helaa gacan sedexaad oo dhaxdhaxaadisa Umadda Soomaaliyeed.

Guul iyo Gobanimo Soomaliyana Hanoolaato.


CABDISHUKRI CALI XIRSI
GUDDOOMIYAHA URURKA SNCP.

Waxaa soo tebiyey
Mohamed Hussein Jantiile
jantiile@mail.com

iyo Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com