SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XAMAR
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006


C/llaahi Sheekh Xasan oo jira jaraa'id ku qabtay Muqdisho Cambaareeyayna Shirkii Global ka dhacay oo...

Maarso 17, 2007: Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay C/llaahi Sheekh Xasan oo ah siyaasi u dhashay beesha Abgaal ayaa si weyn u cambaareeyay shir ka dhacay Hotel Global oo lagu dhisay Gole la magac-baxay Golaha Guurtida Abgaal.


C/llaahi Sheekh Xasan


C/llaahi Sheekh Xasan oo shirkiisaan jaraa’id ku soo qaatay laba qodob oo uu ku sheegay inay yihiin shirkaas lagu qabtay Global iyo haweeney la sheegay in lagu kufsaday Duleedka Waqooyi ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale C/llaahi Sheekh Xasan wuxuu sheegay in kulan looga soo horjeedo labadan qodob ay saakay ku qabteen 150-xubnood oo ka soo jeeda beelaha Mudullood, si ay go’aanno uga soo saaraan arrintaan, balse markii ay damcmeen inay la hadlaan saxaafadda uu sheegay in cidammo uu wato Maxamed Cismaan Dhagaxtuur oo ka socda dowladda ay kala eryeen saxaafadda ayna hanjabaado u gudbiyeen, waxaana uu sheegay inay go’aan ku gaareen in shirkaan jaraa’id ay qabteen.

“Shirkii lagu qabtay Global wuxuu ahaa mid been abuur ah oo looga been abuurtay Imaamka Abgaal iyo sidoo kale Ugaaska Abgaal, waxaana labada oday dhaqameed ee ka soo abgaal ay qayb ka ahaayeen kulankii maanta ka dhacay Hotelka Ramadaan ee ay carqaladeeyeen ciidammada Dowladda” ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan oo intaas ku daray: “Kulankii aan maanta ku qabannay Hotelka Global ee la carqaladeeyay waxaan hal-ku-dhig uga dhignay BEENTA AAN RAADKA LAHAYN OO RUNTA LOOGA JAWAABAY”.

C/llaahi Sheekh Xasan wuxuu si weyn ugu weeraray shirkiisaan jaraa’id Gen. Axmed Jilacoow Caddoow oo uu ku sheegay inuu isagu ka dambeeyo shirarka ka dhaca Hotelka Global oo uu ku sheegay inay yihiin kuwo aan sax ahayn, isla markaana lagu doonayo in lagu kala dhantaalo midnimada Abgaal.

“Imaamka iyo Ugaaska waxay noo sheegeen maanta inaysan shirkaas ka mid ahayn golaha lagu dhisay, waxaana u baahan in dadku ay ogaadaan in Abgaal uu weligii lahaa gole Guurti oo ay madax ka ahaayeen Imaanka iyo Ugaaska Abgaal” ayuu mar kale si caro ay ka buuxdo u yiri C/llaahi Sheekh Xasan.

Mar uu ka hadlay Gen. Jilacoow iyo eedeynta uu u soo jeedinayo ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan: “Beesha Abgaal ma ahan Askar, taasoo aan u sheegayno Gen. Jilacoow, Abgaal waa beel Soomaaliyeed oo ka mid ah beelaha Soomaaliya waxayna leedahay hoggaan dhaqan iyo mid siyaasadeed”, wuxuu intaas ku daray: “Gen. Jilacoow waxay u tahay ceel inuu maanta yiraahdo waxaan ahayn hoggaamiye beeleed, hana ka fiirsado tallaabooyinka guracan ee Abgaal lagu kala dilayo ee uu qaadayo”.

Dhanka kale, mar uu ka hadlay Gabadha sheegtay in la kufsaday ayuu sheegay in shirkooda ay uga hadleen ayna shacabka Soomaaliyeed uga codsanayaan inay kaalmeeyaan gabadhaas oo uu sheegay inay ku dhacday fadeexo weyn.


C/llaahi Sheekh Xasan

“Gabadhaas la kufsaday dhaqanka Soomaaliyeed waa ku ceeb, waxaana shacabka Soomaaliyeed aan u sheegaynaa inay dhaqaale ahaan iyo niyad ahaan taageeraan qoyska ay gabadhaas ka soo jeeddo” ayuu mar kale yiri C/llaahi Sheekh Xasan.

Shirka Jaraa’id ee uu qabtay C/llaahi Sheekh Xasan oo ka dhacay Hotelka Daamey ee Muqdisho ayuu sidoo kale ku sheegay in kufsiga gabadha ay beenisay Dowladda balse ay iyagu xaqiijiyeen oo ay la kulmeen dhaqtarkii baaritaanka ku sameeyay oo ku sugan Keysanay, wuxuuna sheegay in ciddii u baahan xogteeda dhabta ah ay la xiriiraan Isbitaalka Keysney si ay wax badan uga ogaadaan.

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623


kulan baraan oo ka dhcay hotelka global ayna ka so qeyb galeen madaxda iyo mas.uuliyiinta ugu sareyso ee beesha abgaal ayaa lagu dhisay golaha guurttida abgaal iyo golohoosaadyadiisa .
 
Maarso 16, 2007: Dhismaha guddiggaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay guddiga Dib u heshiisiinta iyo Danaha Abgaal, waxaana kulankaan oo ahaa mid si her sare ah loo soo agaasimay ka muuqday goobta kulanka uu ka dhacayay Imaamka Beesha Abgaal Imaam Maxamuud Imaam Cumar iyo Sidoo kale Ugaaska Beesha Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle.

 

Xaaji Muxyadiin Xasan Afrax oo ah Xoghayaha Warfaafinta ee Beesha Abgaal oo kulankaas kaddib hadal siiyay saxaafadda ayaa sheegay in kulankaan ay isugu yimaadeen ugu 150-xubnood oo isugu jira Boqorrada, siyaasiyiinta iyo haweenka Beesha Abgaal, waxaana uu sheegay in golaha dib u heshiisiinta iyo danaha Abgaal uu hordhiyay qorshahaan dhismaha Golaha Guutida Abgaal oo ay iyagu soo diyaareen la iskuna raacay.

 

Wuxuu sheegay in golaha ay ka koobnaan doonaan 81-xubnood oo 39-xubnood oo ka mid ah ay noqonayaan Golaha Fulinta ee Golaha Guurtida Abgaal, waxaana Xaaji Muxyadiin uu carrabka ku dhuftay in golahaan uu ka shaqeyn doono danaha beesha Abgaal ayna iskaashan doonaan golihii horay u dhisnaa ee Dib u heshiisiinta iyo Danaha Abgaal.


Muxyadiin

 

Golaha ayuu sheegay Xaaji Muxyadiin oo saxaafadda uga warramayay waxa ka soo baxay kulankaas inuu ka shaqeyn doono is raaca beesha Abgaal iyo dhameynta khilaafaadyada jira, isagoo carrabka ku dhuftay inuu golahaan guurtida Abgaal noqon doono marjaca wax walba oo la isku afgaran waayo loola soo laabto.

 

Mar uu ka jawaabayay Su’aal ahayd golahaan cidda madaxda u noqonaysa ayuu Xaaji Muxyadiin Xasan Afrax wuxuu yiri: “Beesha waxay leedahay hoggaan buuxa oo ay ugu horreeyaan Imaamka iyo Ugaaska iyo inta kale ee dhaqanka ah oo iyaga kaabaya, marka isku shuqlin mayno cidda hoggaaminaysa, iyagaa hoggaan la imaanaya”.

 

Waxa kale oo uu Sheegay Xaaji Muxyadiin in guddiga fulinta ee ay iska dhex doorteen xubnaha 81-ka ah ee Golahaan loo magacaabay ayaa waxay soo dhisi doonaan guddoomiye ku xigeen iyo xoghayayaal, waxaana uu sheegay in taasi aysan wax dhib ah ku kacay oo ay dib ka sheegi doonaan cidda sida dhabta ah ugu guulaysatay.

 

Wuxuu sheegay in xubnaha ay iyaga dhexdooda isla dooranayaan iyagana ay u taallo oo keliya inay aqbalaan kuna dhawaaqaan, waxaana uu sheegay inay rajeynayaan inay saxaafadda dhawaan siin doonaan cidda la doortay iyo howlaha horyaalla golaha guurtida Abgaal.

 

Dhanka kale, waxaa la soo jeediyay baaqyo ka kooban 7-baaq oo ku saabsan xaaladda Ammaanka ee Muqdisho, waxaana baaqyadaas looga codsaday kuwa shacabka Dhexdooda ka tuura hoobiyeyaasha inay shacabka u naxaan ayna taageeraan Dowladda.

 

Waxaa kaloo lagu sheegay baaqyada in loo baahan yahay in cid walba oo ku dhaqan caasimadda ay xil weyn iska saarto sidii ay nabadda Caasimadda uga shaqeyn lahayd, ayna daayaan dhibaatooyin iyo nabadgalyo xumada ay ka wadaan Muqdisho, haddii kale ay dhibaatada inteeda badan iyaga ku dhacayso.

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 17, 2007


"Ciidamada Afrikaanka ee Nabad Ilaalinta Soomaaliya ma waxay u Adeegayaan Danaha Batroolka iyo Gaaska ee Reer Galbeedka"
Xiriirka u dhexeeya dagaalada Soomaaliya iyo batroolka... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com