Warar: March 18, 2007
:::
Cali Maxamed
Geeddi iyo DFKMG oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "Geeddi uu
Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta Xoolaha Soomaaliya..."
Cabdulaahi
Shiikh Xasan oo sheegey in shirkii Global uu ahaa mid lagu been abuurtey..
Maalintii shalay ahayd ayaa Hotel Ramadaan ee Magaalada Muqdisho ka dhacay
kulan waxaana kulankaasi ka qaybgalay 150-Xunood oo isugu jiray Odayaal,
Culaamaa’udiin, Waxgarad, iyo Siyaasiyiin oo ka tirsan Beesha Mudulood.
Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay labo arimood oo kala ah kulankii ka dhacay
Hotel Global oo la sheegay in ay ka qaybgaleen Waxgarad ka tirsan Beesha
Abgaal waxaase arintaan wax kama jiraan ku tilmaamay Siyaasiga Caanka ah ee
lagu magacaabo C/llaahi Shiikh Xasan waxa uuna sheegay in kulankaasi lagu
been abuurtay ka qaybgalkiisa Ugaasyada, Odayaasha, Culumaa’udiinka, iyo
Imaamka isagoo sheegay Been abuurkaasi uu sameeyey Gen. Jilacow.
”Jilcow waa nin Miletari ah waa inuu ku ekaadaa Militarigiisa oo uu fara
kala baxo arimaha Qabiiliga ah ”ayuu yiri C/llaahi Shiikh Xasan oo sheegay
in Beesha Abgaal aysan ahayn Milatare uu sidaasi uu u ogaado.
C/laahi Shiikh Xasan waxa uu sheegay in Beelaha Hawiye aysan marnaba ka
qaybgali doonin Shirka uu ku baaqay C/laahi Yuusuf isagoo ku tilmaamay mid
la doonayo in lagu marin habaabiyo Beesha Caalamka.
C/laahi Shiikh Xasan mar aan wax ka weydiinay sababta Shirka Jaraa’id ugu
qaban waayeen halka uu ka dhacay Shirka ayuu waxa uu sheegay in ay ka
cararayeen isku dhac balse waxa uu sheegay in Shirkaasi uu qabsoomay, C/laahi
waxa uu sheegay in sidoo kale kulankasi looga hadlay kufsigii loo geystay
Suuban Maalin waxa uu sheegay in Beesha Mudulood
ay aad uga xun tahay in Niman Itoobiyaan ah Gabdhahooda ku kufsadaan
Deegaanadooda taasoo ku tilmaamay mid aan loo dulqaadin karin.
Beelaha
ku nool Gobolada jubooyinka oo ka caroodey hadalkii...
Beelaha ku nool Gobolka Jubada Hoose ayaa si wayn uga carooday hadalkii ka
soo yeeray Gudoomiyaha Gobolka Jubada Hoose Ilyaas Bedal Gaboose ee ahaa in
aragti lagu toogto Kooxaha Burcadda ah waxayna hadalkaani Beelaha ku
tilmaameen mid sii hurinaaya Xaalada Cakiran ee ka taagan Gobolka Jubada
Hoose.
”Waxaa la doonayaa in lagu banneysto in la iska dilo Dad aan waxba galabsan
hadhowna la yiraahdo waa Burcad ”ayey yiraahdeen Beelahaasi uu u soo
jeediyey Gudoomiyaha inuu dib uga noqdo hadalkaasi isla markaana ay Dowladda
ay soo qabato Kooxaha Burcadda ah hadii dambe lagu helo Sharciga la horkeeno.
Beelaha Gobolka Jubada Hoose ayaa ku qanacsaneyn Maamulkii loo sameeyey
Gobolada Jubooyinka oo ay sheegeen in uu ahaa mid cadaalad daro ku dhisan oo
aan laga qaybgalin dhamaan Beelaha Soomaaliyeed ee ku nool Gobolada
Jubooyinka
Kulan looga arinsanayey Xadgudubyada
loo geysto Suxufiyiinta oo ka dhacay…
Kulanka looga ariinsanayey Tacdiayadda iyo Xadgudubyada loo geysanayo
qaybaha kala duwan ee warbaahinta ayaa shalay ka dhacay Hotel Banaadir
waxaana soo qaban-qaabiyey Hay’adda isku xirka Nabadda Xaquuqda Aadanaha ee
Inxa iyo Hay’adaha u dooda Xaquuqda Aadanha. Kulankan ayaa waxa uu ku soo
beegamay Xilli Tacadiyo balaaran loo geysanayo Saxafiyiinta ka howlgasha
Dalka ayaa waxaa halkaasi ka hadalay Saharo Camar Maalin oo ka mid ah
Saraakiisha Hay’adda INXA waxayna sheegtay in aad uga xunyihiin dhibaatada
lagula kacayo Saxafiyiinta oo sheegtay in markasta ku howlanyihiin howlo ku
saabsan Bulshada sidoo kale waxaa ka hadlay Tafaftiraha Wargeyska Sanaca
Xasan Fanax waxuuna sheegay in Hay’adaha Xaquuqda Aadanaha looga baahan
yahay in ay markasta il gaar ah ku eegeen Dadka Xadgudubka ku sameenaya
Saxfiyiinta.
Sidoo kale waxaa ka hadalay C/laahi Calas jimcaale waxuuna u soo jeediyey
Dowladda federaalka ah in ay sii daayaan Wariye Xasan Sade Dhqane oo
maalintii 10-aad u xiran Dowlada fedaraalka ah.
Shariif Xasan iyo Wafdi uu hogaaminayo oo
maanta booqasho uga bilaabaneysa..
Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo maalmahaan
ku sugnaa Dalka Eretereya ayaa la filayaa in maanta ay booqasho isaga iyo
xubno kale ay uga bilaabayo qaar ka mid ah Wadamada yurub iyo Jaamacada
Carabta.
Shariif Xasan ayaa marti qaad ka helay qaar ka mid ah Wadamadaasi waxaana la
filayaa in inta uu joogo Wadamadaasi uu kulamo la yeesho Masuuliyiin ka
tirsan Yurub iyo Carbta isagoo la sheegay inuu ka dhaanicin doono xaalada ka
taagan Wadanaka Soomaaliya.
Shariif Xasan ayaa sidoo kale waxa uu kulamo la yeelan doonaa Jaaliyadaha
Soomaaliyeed ee ku nool Wadamada uu tagayo isagoo lagu waramay inuu ka
dhaadhicin doono sidoo gacan uga geysan lahaayeen sidii DAlka looga saari
lahaa Ciidamada itoobiya ee ku duulay Waddanka.
Dowlada Fedaraalka ah howlgal ka bilaabeysa
Muqdisho..
Warar aan ka helanay dhinaca Madaxtooyada ayaa waxa inuu sheegay in
Ciidamada ka tirsan Dowladda fedaraalka ah oo Gacan ka helaya kuwa Itoobiya
ee howlagal ka sameyn doonaan Guud ahaan magaalada Muqdisho.
Howlgalkaan oo lagu wado in dhaco saacadaha soo socda ayaa Afhayeen u
hadlaya waxa uu sheegay in howlgalkaasi uu noqon doono mid lagu balaariyo
Guud ahaan Magaalada Muqdisho.
Dadka u kuurgala Siyaasadda ayaa waxa sheegeen in howlgalkaani uu keeni karo
Khasaaro isugu jiro Naf iyo Maalba leh hadii aysan Dowladda la imaanin Xal
kale oo ay kaga baaqsan karto awood Ciidan.
Qaar ka mid dadwaynaha ku nool Magaalada Muqdisho ayaa si wayn uga soo
horjeeda howlgalkaasi iyagoo sheegay in ay keeni karto dhibaata aad u xoogan
oo gaara Bulshada rayidka ah, iyadoo maalmahan Magaalada Muqdisho ay ka
socoto qax aad u balaaran, si ay uga baxsadaan madaafiicda
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Toronto iyo Tartanka
Somali Champions League.
Waxaa magaalada Toronto ka furmi donaa tartankii la magac baxay
Somali Champions League. Tartankan ayaa ka kooban ciyaaraha kubadda cagta,
kolleyga iyo orodadda intabba. Maamulka tartankan ayaa kooxaha ka
soo qeybgalayo tartankan u sheegayaa iney si deg deg ah isu soo diiwaan
geliyaan.
Kooxaha ka imanaya Yurub waa iney ugu dambeyntii isa so diwaan
geliyaan soona dhiibaan lacagtoodi(FEE) ugu dambeyntii April 5,2007,
Halka kooxaha ka socoda North America waqtiga loo qabtay ay tahay April 15.2007
M Busuri
mbusuri@hotmail.com
Lawless Somalia will keep Karamoja armed forever.
By Maj. Felix
Kulayigye
[UPDF spokesperson]
Faafin: SomaliTalk.com | March 18, 2007
Xal u helidda Dhibaatada ka Taagan Soomaaliya hadda.
Kulan ay ka soo qayb galeen culimaa'udiin, aqoonyahanno iyo
siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa waxaa...
Akhri....
|