SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006


Ma Dhabaa In Sirdonka Maraykanku Kala Dhex-dhexadinayo Sarakiisha Ethiopia Iyo Ugaandha Ee Ku Sugan Muqdisho .

Waxaa beryahanba isa soo tarayey khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay ciidamada ugaandha iyo kuwa xukuumada Ethiopia iyadoo khilafkan loo aanay-nayo joogitaanka dalka soomaaliya iyo xarumaha muhiimka ah ee dekeda iyo garoonka caalamiga ah ee muqdisho .

Wararka ayaa sheegaya in Sirdoonka Mareykanku ay maalmihii ugu dambeeyay ku mashquulsanaayeen sidii loo yareyn lahaa khilaafkan oo sii xoogaysanaya islamarkaana keeni kara isku dhac iyadoo warku intaas ku darayo in sirdoonka maraykanku la kulmay Saraakiisha Ciidamada Uganda oo Taliyahoodu yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM.

khilaafkan ayaa sidoo kale salka ku haya arrimo la xiriirinayo howlgalada amaan sugida caasimada iyo soo wareejinta dekada Muqdisho oo ay ka cago jiidayaan Saraakiisha Ethiopia oo uu dakhli fara badan kasoo galay islamrkaana kumamay dakhligaas....

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in tiro yar oo ka tirsan Saraakiisha sirdoonka xafiis ka furteen qeybta afisione ee garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyagoo qalab isgaarsiined ku rakibay xafiiska, ayaa goobjoogayaal waxey sheegeen iney labadii maalmood ee ugu dambeysay ay saraakiisha shir joogta ah la lahaayeen Saraakiisha Ciidamada dalalka Uganda iyo Ethiopia.

Lama garanayo waxa kasoo baxay shirarkan joogtada ah waloow lasheegayo inay kulan qarsoodi ah la qaateen Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ethiopia Mr. Seyum Mesfin habeen hore , kulankaasoo looga dooday sidii ay ugu wareejin lahaayeen Dekada Ciidamada Uganda, Wararka ayaa intaasi raacinayaa in Ethiopia ay soo hor dhigtay Saraakiisha Mareykanka in 15,000 oo Ciidamadeeda ah lagu biiriyo Ciidamada AMISOM ay ku jiraan kuwa Dekada jooga iyo kuwa Madaxtooyada fariisin ku leh.

si kastaba ha ahaatee arintan ayaa sii xoojinaysa hadal hayntii hore ee ahayd inaysan ogolayn xukuumada Ethiopia inay kala baxdo ciidankeeda gudaha wadanka soomaaliya iyadoo tiro dhowr jeer ah shaacisay inay ciidankeeda kala bixi doonto soomaaliya .

Qarax Bam Oo Dad Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Degmada Afgooye

Waxaa beryahanba ku soo badanayey deegaanada sh/hoose iyo gobolka banaadir oo isu dhow qaraxyada ka dhasha waxyaalaha qarxa ee ay kamid yihiin bamka noocyadiisa kala duwan,ilaa 6 -qof ayaa ku dhintay 3-na waa ku dhaawacantay qarax- bam oo maanta ka qarxay guri ku yaalay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose .

Dadka ku dhintay qaraxan ee kakooban 6-da qof ayay 4 -caruur yihiin halka labada kalena yihiin dad waaweyn oo waayeel ah lama cadayn karo ilaa iyo iminka cidda qaraxan bamka ah tuurtay ,iyadoo ay warar laysla dhex marayo ay sheegayaan inuu qaraxani ahaa bam dhulka ku jiray iyo inuu ahaa wax kale oo qarax sameeyey

Qaraxan oo gili-giley sida warku nagu soo gaarayo deegaanka xaafada Mbagati ee degmada Afgooye oo 30 km dhanka koonfureed kaga beegan caasimadda muqdisho ayaa arga-gax iyo cabsi ku reebay dadka deegaankaas oo ay ku jiraan markii hore kabarakacay magaalada muqdisho oo ka cararay madaafiicda ay is-dhaafsanayaan kooxaha kacdoonka wada iyo ciidamada dowlada kmg ah iyokuwa Ethiopia oo isgarabsanaya .

Sikastaba ha ahaatee maaha markii ugu horaysay ee sidan oo kale qarax dad ku dhintaan uu ka deegaanada sh/hoose iyadoo ay jiraan qaraxyo aan lagaranayn cidda kadambaysa oo ka qarxay deegaanada sh/hoose ka tirsan iyo weliba caasimada muqdishow ayadoo ay jiraan sida warku nagu soo gaarayo ay dadadaalo baaritaan oo ay goobtaas ka wadaan ciidamada dowladda KMG ah oo gaaray goobtaas .

Markab Sida Taangiyo Iyo Saanad Milatari Oo Ay Leeyihiin Ciidamada Ugaandha Oo Soo Gaaray Muqdisho.

Markabkan oo ah nooca waaweyn ayaa Sida uu xaqiijiyay afhayeenka ciidamada midowdga Afrika Captan Paddy Ankundha, ah mid u sida ciidamada ugaandha ee ku sugan caasimada muqdisho taanigiyo iyo qalab kale oo ah saanad milatari.

Markabkan ayaa waxaa uu saacadihii la soo dhaafay ku soo xirtay dekeda weyn ee magaalada Muqdisho kaasoo sida qalab Milateri oo u badan Taangiyada ciidamada Ugandha, isagoo kasoo baqoolay sida wararku sheegayaan xeebta magaalada Mombassa ee dalka Kenya.

Markabkan oo aan weli laga dejin qalabkii milatari iyo taangiyadii ayaa kahor lagu war geliyay maraakiibta iyo Doonyiha ganacsiga ee ku xiran dekeda weyn ee Muqdisho inay ka Baxaan halkaas illaa iyo inta amar dambe kasoo baxayo maamulka dekeda, iyadoo haatana la sheegay inay ka baxeen maraakiibtii kale ee ganacsiga ayna ku hareen labo Doonyood oo yar yar kuwaasoo gabo gabo ay u mareyso daad gureynta rarkii saarnaa.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in markabkaasi lagu bilaabo dejin, waxaana la filayaa in Taangiyadaasi ay ka howl galaan magaalada muqdisho .

Dhinaca kale, warar aan la xaqiijin oo laysla dhex marayo ayaa sheegaya in lagu arkay hawada caasimada muqdisho gaar ahaan degmada wadajir illaa dhowr diyaaradood oo nooca Qumaatiga u kaca ah oo duulimaad hoose ku duulayey sida ay saxaafada u xaqiijiyeen goob-joogayaal indhhooda ku arkay diyaaradahaas oo diiday in magacooda lashaaciyo

Si kastaba ha ahaatee waxaa isa soo taraya saanada iyo qalabka milatari ee iska soo daba dhacaya ee loo wado ciidamada loogu magac daray Amisom ee kasocda afrika .

March 15, 2007: Dil Arxan Darro Ah Oo Loo Gaystay Mid Kamida Difaacayaasha Xuquuqul Iinsaanka Iyo Dad Kale .

Magaalada Muqdisho ee Caasimdda ah ayaa waxaa had jeer ka dhacaya dilal isdaba joog ah oo lagu ugaarsanayo dadka rayidka ah gaar ahaan aqoonyahanada bulshada Soomaaliyeed ka dhex muuqda ee u adeegaya.

Dhacdadii ugu dambeysay ayaa Maqribnimadii xalay waxaa kooxo hubaysan oo aan haybtooda la garan waxa ay dil naxariis darro ah la beegsadeen Marxuum la oran jiray Ciise Cabdi Ciise oo madax ka ahaa mid ka mid ah Hay'adaha Xuquuqul Aadanaha u dooda ee ka jirta Gobalka J/hoose ee magaalada kismaanyo

Marxuum Ciise Cabdi Ciise ayaa waxaa lagu dilay goob laga Qaxweeyo oo ku taala Ilinka hore ee Hotel uu ka deganayaa Caasimadda oo ku dhegan Shirkada Isgaarsiinta ee Telecom Somaliya.

Madaxa Xadgudubyada Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble, C/laahi Calas Jimcaale, ayaa si kulul u cambaareeyey falka lagu khaarajiyey Marxuumkaasi oo u ololeyn jiray Xuquuqda Insaanka.

"Marxuum Ciise Cabdi Ciise ALLAHA U NAXARIISTEE, waxaa uu ahaa shaqsi aqoon yahan ah oo u dooda xuquuqda Insaanka waxa uuna Muqdisho u yimid isagoo kasoo kicitimay magaalada kismaanyo ,Siminaar gaaban, balse kooxo wax magarato ah oo awood isbiday ayaa dil arxan dara ah la beegsaday" ayuu sii raaciyey C/laahi Calas Jimcaale.

Dhinaca kale waxaa isla maqribnimadii shalay lagu toogtay isla agagaarka suuqa weyn ee bakaaraha labo wiil oo dhalin yaro ah oo kasoo jeeda beelaha dega kilinksa shanaad Lama garanayo ujeedada rasmiga ah ee ka dambaysa dilalalkan iyo weliba kan Sarkaalkani Madaxda ka ahaa Hay'ad Xuquuq Aadane u ololaysa oo ka jirta Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka J/hoose.

Allle how naxariistee ciise cabdi ciise ayaa ahaa wiil dhalinyaro ah oo ku dhashay magaalada kismaanyo islamarkaana kamid ahaa aqoon yahanada soomaaliyeed iyadoo ay falkan arxan darada ah ee dilka loogu gaystay ay cambaarayaan dhamaan hay,adaha u dooda xuquuqul iinsaanka ee jubooyinka iyo dhamaan kuwa ka jira dalka gudahiisaba

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 17, 2007


"Ciidamada Afrikaanka ee Nabad Ilaalinta Soomaaliya ma waxay u Adeegayaan Danaha Batroolka iyo Gaaska ee Reer Galbeedka"
Xiriirka u dhexeeya dagaalada Soomaaliya iyo batroolka... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com