Xamar Xaalkiisa: Ninba
Taagtii ha talaabsado
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Shacabka ku nool
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo wajahday cabsidii
ugu weyneyd kadib markii ay dareemeen in ay
mindiyaha isku soofeysanayaan Dowladda Federaalka oo
gacan ka heleysa Ciidamada Itoobiya iyo kooxaha
kacdoonkaka wada Magaalada Muqdisho.
Waxaa Magaalada Muqdisho maalin walba ka qaxaya dad
fara badan kuwaas oo doonaya in ay ka badbaadaan wax
ka scoda Magaalada Muqdisho. “Inta ayey mareen
kooxihii wax weerarayey, oo markaan wayba cadeysteen,
oo cid ay ka cabsanayaan ma jirto, waxoodana
banaanka ayey la yimaadeen” ayey tiri Haweeney
aragtay kooxahaasi oo soconaya qaar ka mid ah
wadooyinka Magaalada Muqdisho.
Labo haween ah oo iyana sheekeysanaya ayaa mid waxay
ku bilaabeysaa “heblo ma maqashay in caawa laga
cabsi qabo weeraro” tiii kale ayaa inta ay soo
boodey tiri “Abaayo run ii sheeg”, waxayna ugu
celisay “runtii aniga ayaa soo ogaaday iyaga oo
taleefano ku xiriiriya oo leh, caawa weeraro ayaa
jira”.
Labo dhallinyaro ah oo iyana sheekeesanaya ayaa mid
waxa uu leeyahay “Waryaa maalmaha soo socda Muqdisho
bandow ayaa lagu soo rogayaa”, kii kale ayaa waxa uu
leeyahay “oo bandowgu goormuu bilaabanayaa”, wuxuuna
ugu jawaabayaa ‘waxa ii sheegay niman ka tirsan
Ciidamada Dowladda Federaalka, laakiin goorta iima
aysan sheegin”.
Labo odey oo iyana markooda afka isku dhaweystay
ayaa mid waxa uu leeyahay “War heedhe duqii ayaa
yimid”, “oo duqee?” ayuu weydiiyey, wuxuuna ugu
jawaabay “kii madaxweynaha ahaana”, “Ninyahow muxuu
naga soo doonay, hadda ayey balaayo kow tahay,
Baydhabo ayuu ku fiicnaaye muu Baydhabadiisa iska
joogo”, wuxuuna u sii daba dhigay “ma maqashay in
Salaad Cali Jeele oo isna hanjabay” kii kale ayaase
weydiiyey “Muxuu yiri?”, waxa uuna ugu jawaabay
“Xamar shaqo ayaan ka qabanayaa oo kooxaha
canaasiirta ah ayaan sifeynayaa”, “oo adiga qudhaada
ma ogid miyaa in uu Gacma Dheere hadalay”, ayuu isna
weydiiyey saaxiibkiisa, wuxuuna ku jawaabay “Kaas
warkiisa ha igu sheegin, muxuuse yiri?” “Wuxu
sheegay in kooxaha wax tuuraya saacadaha soo socda
gacanta lagu soo dhigi doono” ayuu ugu jawaabay.
“Jug ayaa la maqlay,
markaasaas ayaa labo gabdhood oo ku jirtay goob
farmashiyo ah mar qura la soo boodeen “Alla………Allaa………..
jug ayaa yeertay”, middi kale ayaa ayaase si kulul u
tiri “Naa naga aamus Gaarigaan Caasiga ah ee meesha
maraya ayaa Albaabka dambe loo xirayey” “Alla..anigaa
beerkii iyo wadnihii ayaa I cadaaday, ar Xamar intee
ka aadaa oo intee galaa” ayey si la yaab leh u tiri.
Waxaa iigu yaab badneynd mar aan Bakaaro ku sugnaa
ayaa meel agteeda ah ka yeertay Jug, labo haween ah
oo I ag taaganaa ayaa mid ka mid ahi dibadda ku
dhacay, waxayna ku qeylineysay “Wallee waa agteena,
meelahan dabaq kama dhawo miyaa”, in cabaar ah
markii ay marba dhinac u carartay ayay dib waxay ugu
soo laabatay Haweeneydii kale ee saaxiibteyda ahayd,
waxayna ku tiri “Naa adigu geesisanidaa, beer naxo
kuma yaalo miyaa?”, waxayse ugu jawaabtay “waa iska
caadi oo markii Illaah kuu qoro ayaad dhimaneysaa”,
Markii jugtii la baaray ayaa waxaa la ogaaday in
Baqaar ku dhow lagu dedejinayey raashin jugtuduna
halkaas ka soo yeertay.
Dadka oo dhan Dhegaha ayaa u wada taagan oo wada
fiigsan yihiin wax ay yeelaana garan maayaan, qaar
waxay leeyihiin (Wallee Xamar kama baxayo wax kastoo
igu dhaca, waayo xabaduhu kuwii hore kama xanuun
badna, oo waxaan u soo joognay 16 sano oo wax kasta
la isku ridayey), halka kuwo kalana ay ku
tashanayaan sidii ay uga baxsan lahaayeen Magaalada
Xamar.
Anigoo maraya Suuqa Cirtoogte ee Bakaaraha markaana
uu qof ila socdo, ayaa meel agteena ah nin Baas la
fariistay oo baraawo aheyd, labadiyadiiba inta aan
naxnay ayaa qofkii ila socday orod is taabtay, waan
ka daba qayliyey, balse waa uu maqli waayey, mar
dambe ayaan meel jeerad ah isugu imaanay, waxa uuna
igu yiri “War waxa dhacay ma maqal miyaa dhegahaada
intay jireen, mise dhego maba qabtidba?,” “oo maxaa
dhacay?” ayaa weydiiyey, “oo Saaxiibow wixii la isku
ridiyey oo dhan ma maqleyn oo u ekaa in ay labo qolo
meesha isku heshay”, waxaanse ku iri “War heedhe waa
cirtoogte” hadalkii ka soo baxayna waxa uu noqday
isagoo cirtoogo habaarayaba “Cirka balaayo kuu
toogatay”.
Xaalka Xamar haatan waxa uu u muuqdaa mid faraha ka
sii baxaya, haddii aan deg deg xal loogu helina, oo
uu tanaasul imaanina waxay arintu noqoneysaa lagdan
aan wax guul ah laga gaarin, balse dibir la isla
dhaco oo keliya.
Gebagabadii, Xamar waxa uu haatan u muuqdaa mid ay
ku hardamayaan awoodo fara badan oo mid waliba ka
maqan tahay in uu raadiyo xalka Soomaaliya, sidoo
kalana awoodahan isku haysta Magaalada Muqdisho,
waxay ku hardamayeen mudadii l16-ka sano ahayd, taas
oo ilaa iyo hadda cid guul ka gaartay aysan jirin,
marka laga reebo khasaare naf iyo maalba leh, waxa
uuna haatan xaalka Muqdisho u Muuqdaa ninba taagtii
ha talaabsado, waxayna soomaalidu ku tiraahdaa (Ninkii
roon reerka ha u haro”, oo aan ku fasiri karno (Ninkii
roon Xamar u haro),
Faafin:
SomaliTalk.com | Mar 17, 2007
"Ciidamada Afrikaanka ee
Nabad Ilaalinta Soomaaliya ma waxay u Adeegayaan Danaha Batroolka iyo Gaaska
ee Reer Galbeedka"
Xiriirka u dhexeeya dagaalada Soomaaliya
iyo batroolka...
Akhri..