Daabaco
Boggan | Print
SomaliTalk:
Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa waxbarashada Puntland ugu deeqday gaari iyo buugaag,
laakiin..
Akhri...
Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya
oo
Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka
Soomaaliya...
Akhri
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado
xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka
Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...
Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006
Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006
ARAGTIDA/MAQAALLADA
DADWEYNAHA EE MAANTA
Mar 11, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu
gashay: Kismaayo
(70), Muqdisho
(74), Beledweyne
(77), Baydhabo
(85), Galkacyo
(106),
Sarbeebtii Diinaari |
Warar: March 16, 2007
- Cabdulaahi Yuusuf oo ka codsadey
Sayum Masvin in Ciidamada Itoobiya ay sii joogaan…
- Ciidamada Uganda ee ku sugan
Garoonka Diyaaradaha oo sii daayey Maxaabiis u xirnaa..
- Muddo loo qabtey Xildhibaanada ka
maqan Kalfadhiyada Baarlamaanka
-
Lawless Somalia will keep Karamoja armed forever.
By Maj. Felix
Kulayigye
[UPDF spokesperson]
Cabdulaahi
Yuusuf oo ka codsadey Sayum Masvin in Ciidamada Itoobiya ay sii joogaan…
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Wadanka itoobiya ayaa si qarsoodi ah ku soo
gaaray Magaalada Muqdisho waxa uuna ku sugnaa Magaalada Muqdisho muddo
24-Saacadood ah, wax yar intuusan ka ambabixin Magaalada Muqdsho ayaa waxa
uu la hadlay Saxaafada waxa uuna sheegay in Sadax qaybood marka loo qaybiyo
Ciidamada Itoobiya ee soo galey Soomaaliya labo qaybood ay dib ugu laabateen
Dalka itoobiya isagoo sheegay in qaybta hartay sida uga dhaqsiyaha badan uga
bixi doonaan Dalka, balse warar ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada
itoobiya ay ka qaybgali doonaan sugida Amaanka Dalka gaar ahaan Magaalada
Muqdisho.
Wasiirka arimaha dibada itoobiya waxa uu kulamo la yeeshay Madaxweynaha
Dowladda Fedaraalka Cabdulaahi Yuusuf waxa ay isla soo qaadeen sidii
ciidamada itoobiya uga qaybqaadan lahaayeen nabad ku soo dabaalida Dalka
Soomaaliya siiba Magaalada Muqdisho, C/llaahi Yuusuf ayaa waxaa la sheegey
in uu ka codsaday Wasiirka arimaha dibadda Musfin in Ciidamada itoobiya ay
sii joogaan gudaha Wadanka Soomaaliya tan iyo inta ay iska bedaleyso Xaalada
Soomaaliya hase yeeshee warar aan ka helnay Madaxtooyada ayaa waxa
sheegayaan in C/llaahi Yuusuf laga aqbalay in Ciidamada itoobiya ay gacan
siiyaan kuwa Midowga Afrika.
Wasiirka arimaha dibadda ee Itoobiya ayaa waxa kaloo kulan la yeeshay Wafti
ka socda Midowga Afrika oo isna soo gaaray Magaalada Muqdisho waxayna isla
soo qaadeen sidii Ciidamada itoobiya ay gacan u siin la haayeen Ciidamada
Midowga Afrika oo Qaar ka mid ah Ciidamadaasi ay soo gaareen Dalaka kuwaas
oo ka socday Wadanka Uganda.
Ciidamada Uganda ee ku sugan Garoonka
Diyaaradaha oo sii daayey Maxaabiis u xirnaa..
Ciidamada Uganda oo ku sugan Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho
dhawaan la wareegay Amaanka Garoonkaasi ayaa sii daayey ilaa iyo 20 Maxbuus
oo u xirnaa Ciidamada itoobiya laguna hayey Xabsi ku yaala Garoonka
Diyaaradaha ee Magaalada Muqisho.
Ilaa haatan lama garanayo sababaha Ciidamada Uganda ay u siidaayeen
Maxaabiistaas balse warar ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Uganda ay
maalmahaan wadeen Qorshayaal ay doonayaan in ay xiriir la sameystaan
Shacabka Soomaaliyeed si Ciidamadooda loogu arko kuwa u yimid Nabad ilaalin
iyo dib u hashiisiin.
Maxaabiista la sii daayey ayaa la sheegay in ahaayeen kuwa Ciidamada
itoobiya ay ka soo qabteen gudaha Magaalada Muqdisho waxaa kaloo la sheegay
in ku jireen kuwa ay soo qabteen Dowladda fedaraalka ah , waxaana Dad arkay
Maxaabiistaasi ay noo sheegeen in Maxaabiistaasi ay ka muuqatay Diif iyo
Darxumo qaarkoodna waxaa la sheegay in lagu sameeyey Jir Dil.
Ciidamada Uganda ee ka howl gala Garoonka Diyaaradaha ayaa gabi-ahaanba
joojiyey Canshuurtii laga qaadi jiray Dadka iyo Rakaabka ay keenaan
Diyaaradaha waxaana la sheegay sababaha ay u joojiyeen Canshuurtaasi ay
tahay iyagoo doonayaan in ay Dakhliga ka soo xarooda Garoonka Diyaaradaha ay
si siman loogu qaybiyo Bulshada Soomaaliyeed.
Muddo loo qabtey Xildhibaanada ka maqan
Kalfadhiyada Baarlamaanka
Warar naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in
Kalfadhi ay isugu yimaadeen Golaha Baarlamaanka ayaa waxa looga hadalay waxa
laga yeelayo 40-iyo labo Xildhibaan oo mudooyinkaan aan soo xaadirin Golaha
Baarlamaanka oo uu ku jiro Gudoomyihii hore Golaha Baarlamaanka Shariif
Xasan Shiikh Aadan.
Dood dheer iyo falaqayn ka dib ayaa la isku raacay in mudo Bil ah oo loo
qabto Xildhibaadaasi hadii mudadaasi ku soo xaroon waayaan laga qaado Xilka
Xildhibaanimada ay u hayaan Bulshada Soomaaliyeed.
Xildhibaadan ayaa xoogooda ay ku sugan yihiin Wadanka Eretariya waxaana ku
jira Gudoomiyihii hore Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan waxayna horay
wareysiyo u bixiyeen ay ku sheegeen in Baarlamaanka Soomaaliya uu la heysto
u yahay Dowladda itoobiya wax go’aanka ah ay gaari karaana aysan jirin.
Xildhibaanadan waxa ay sheegeen in dadaal ugu jiraan sidii Dalka looga
xoreen lahaa Ciidamada itoobiya oo ay sheegeen inay si Sharci dara ah ay ku
soo galeen Dalka Soomaaliya, Qaar ka mid ah Beelaha ay ka soo jeedaan
xildhibaanada Digniinta loo jeediyey ayaa waxa la sheegay in Magaalada
Baydhabo ay ka wadaan Olole ay ku doonayaan in ay ku buuxiyaan Boosaskaas
waa hadii aysan si dhaqsi leh ku soo galin xildhabaanadaasi oo aysan u
hogaansimin Mudadaasi loo qabtay
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Wararkii: March 15, 2007
- Ciidamada Uganda oo gebi ahaanba
joojiyey Canshuurtii Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKMG ka qaadijireen
Garoonka Diyaaradaha ..
- C/llaahi Yuusuf oo kulamo xasaasi
ah la leh Saraakiishiisa ..
- Jaaliyadda Beesha Garre ee ku nool
Dibadaha oo laga codsadey..
- Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo
cambaareysey Falalka lagu waxyeeleynayo..
-
Somalia: 'Ethiopians must go'
Ciidamada Uganda oo gebi ahaanba joojiyey
Canshuurtii Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKMG ka qaadijireen Garoonka
Diyaaradaha ..
Tan iyo markii Ciidamada Itoobiya oo gacansiinaya Dowladda Federaalka ay soo
galeen Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay canshuur ku soo rogeen garoonka
Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan dadka ka baxay iyo dadka soo
degay iyo alaabaha kale ee garoonkaasi laga dhoofiyo ama laga soo dejiyo.
Canshuurtaan oo ah mid aad u xad-dhaaf ah ayaa waxaa dhibaato ku qabay
Bulshada soomaaliyeed ee isticmaali jirtay garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.
Dhowr jeer ayay shirakadaha Diyaaradaha
damceen in ay gebi ahaanba joojiyaan duulimaadyada ay ku tagayaan Garoonka
Diyaaradaha ee Muqdisho sababo la xiriira xagga canshuurta, hase yeeshee
Dowladda Itoobiya iyo Dowladda Federaalka ayaa diyaaradahaasi ku amray in
aysan joojin Karin duulimaadyadooda haddii ay joojiyaana gebi ahaanba laga
mamnuuci doono in ay yimaadaan gudaha dalka Soomaaliya.
Dhawaan ayaa markii ciidamada Uganda oo ka
tirsan Ciidamada Nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ay la wareegeen Garoonka
ayaa dad goob-joogayaal ah waxay noo sheegay in Ciidamada Uganda ay
joojiyeen canshuurtii laga qaadi jiray garoonkaasi. Nin qariyey Magaciisa
ayaa waxa uu noo sheegay in sababaha ciidamada Uganda u joojiyeen
canshuurtaasi ay tahay iyagoo doonaya in wixii ka soo baxay garoonkaasi si
siman loogu qaybiyo Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan inta laga
heshiisiinayo dhamaan Ummadda soomaaliyeed. Ciidamada Uganda oo si aad ah u
ilaaliya garoonkaasi ayaa joojintii ay joojiyeen canshuurta waxaa si aad ah
u soo dhaweeyay ummadda Soomaaliya, iyadoo dhawaan mas’uul u hadlay
ciidamada Uganda uu sheegay in ciidamada Uganda ay dhex dhexaad ka noqon
doonaan arimaha Soomaaliya, islamarkaana ka shaqeyn doonaan sidii la isugu
keeni lahaa Ummadda Soomaaliyeed. Afhayeen u hadlay Midowga Afrika ayaa waxa
uu sheegay in Mas’uuliyiinta Maxaakiimta Islaamiga ah ay dib ugu soo laaban
karaan gudaha dalka Soomaaliya, waxaana soo dhaweeyey shacabka Soomaaliyeed,
oo sheegay inay wax ka tareyso dib u heshiisiinta la qaban doono.
C/llaahi Yuusuf oo kulamo xasaasi ah la
leh Saraakiishiisa ..
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo maalintii doraad ahayd dib ugu soo
laabtay Magaalada Muqdisho ayaa warar aan ka heleyno Madaxtoonyada waxay
sheegayaan in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu kulamo xasaasi ah la leeyahay
saraakiishiisa Ciidamada, waxaana kulamadaasi la sheegay in loo arinasayo
waxa laga yeelayo Muqdisho.
Kulamada qaarkood oo saacado qaatay waxaa lagu waramay in Magaalada Muqdisho
ay ka hawlgalaan Ciidamada Dowladda Federaalka ah si loo sugo Ammaanka
Magaalada oo waayadan faraha ka sii baxayey, warar ayaa waxay sheegayaan in
ciidamada Booliiska ee ku sugnaa saldhigyad Booliiska ee Gobalka Banaadir,
gebi ahaanba lagu wareejiyeo ciidamo ka socda Dowladda gaar ahaan kuwii
dhawaan uu tababarku ugu soo dhamaaday Garoonka Diyaaradaha ee Balidoogle.
C/llaahi Yuusuf ayaa lagu waramay in uu gebi ahaanba u yeertay ciidamadiisii
ku sugnaa Magaalada Baydhabo, waxaana shalay Magaalada Muqdisho soo gaaray
qaar ka mid ah ciidamadaasi kuwaas oo la sheegay inay ka qayb-qaadan doonaan
sidii loo sugi lahaa ammaanka Gobalka Banaadir.
Jaaliyadda Beesha Garre ee ku nool
Dibadaha oo laga codsadey..
Duqa Magaalada Tooratoo-row ee Gobalka Sh/hoose Xaaji Cadde Xaaji Xasan ayaa
baaq u jeediyey Hay’adaha samafalka, Hay’adaha ka shaqeeya gudaha dalka,
dowladda Federaalka iyo Jaaliyadda Beesha Garre ee ku nool dibadaha, waxa
uuna ka dalbaday inay gargaar la soo gaaraan ilaa iyo 500 oo qoys oo dhawaan
ku gurya beelay dab ka kacay degmada Tooratoorow, waxa uuna dabkaasi
baabi’iyey 50 guri oo ku yiil degmadaasi. Duqa Magaalada waxa uu sheegay in
qoysaskaasi ay haatan ku hoydaan meel banaan ah oo ay ku hayso qorax, cuduro
iyo hoy la’aan, waxa uuna u soo jeediyey in sida ugu dhaqsiyaha badan
gargaar loola soo gaaro dadkaasi. Waxa uu sheegay duqu in deegaankaas aan
weligiis la soo gaarsiin wax mucaawino ah, isagoo sheegay inay ku nool
yihiin qoysas sabool ah oo aan waxba haysan
Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo
cambaareysey Falalka lagu waxyeeleynayo..
Xarunta Ismaaciil Jimcaale ee xaquuqda Aadanaha ayaa walwal iyo walaac ka
muujisay xaaladda ammaandaro iyo qaraxyada madaafiicda joogta ah ee ku
dhacaya deegaanada ay degan yihiin dadka rayidka ah kuwaas oo sababay
dhimasho iyo dhaawac iyo waliba burbur hantiyadeed.
Xarunta waxay sidoo kale walwal ka muujisay dilalka lala beegsanayo dadka
rayidka ah, waxayna xaruntu sheegtay in falalkaan aragagaxa leh ay xadgudub
ku yihin shareecada Islaamka, xeerarka soo jireenka ah ee dhaqanka
Soomaalida, axdiga federaalka Dowladda iyo baaqa caalamiga ah ee xaquuqda
aadamiga qodobkiisa saddexaad oo leh (qof waliba waxa uu xaq u leeyahay in
uu ku noolaado nabad iyo xoriyo).
Xarunta waxay ka codsaneysaa kooxaha ka soo horjeeda Dowladda, Itoobiya iyo
kooxaha ka soo horjeeda in ay joojiyaan dagaalada ay wadaan, sidoo kalana
waxay cambaareysay xadgudubkii lagula kacay weriyayaashii Idaacadda ka hawl
gasha Muqdisho, Max’ed Ibraahim Raage, Ismaaciil Cali Cabdi, C/raxmaan
Yuusuf Al-Cadaala iyo Max’ed Ibraahim Ruush, sidoo kale waxay dowladda ka
codsaday in si shuruud la’aan loo sii daayo weriye Xasan Sade Dhaqane.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Wararkii: March 14, 2007
- C/llaahi Yuusuf oo
isagoo ku sugan Madaxtoonyada lagu soo weeraray..
- Ciidamada Itoobiya
oo kufsaday Hooyo Soomaaliyeed oo 8 Carruur ah dhashay..
- Ciidamo Itoobiyaan
ah oo lagu weeraray inta u dhaxeysa Zobe iyo..
- Qaar ka mid ah
Xubnaha Dowladda oo diiday in ay Muqdisho yimaadaan…
- Afhayeenka
Ciidamada Midowga Afrika oo sheegey .
- Xil ka qaadistii
Muxiyadiin Darbaweyne oo ay soo dhaweeyeen Bahda
Sporti-ga …
- Beelaha Isaaqa ee
Koonfurta oo dhaleeceeyey Guddi ay hore u sameysteen..
- Weerar lagu qaaday
gaari uu saarnaa Guddoomiye ku xigeenka Duqa Magaalada
Muqdisho..
- Dr. Axmed Taajir oo
ku guuleystey in in Buro 5 kiilo ah ka soo saaro Gabar
yar oo jirta Sagaal bilood
C/llaahi Yuusuf oo isagoo
ku sugan Madaxtoonyada lagu soo weeraray..
Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay soo
gaaray Magaalada Muqdisho ayaa isagoo ku sugan xarunta
Madaxtoonyada waxaa weerar ku soo qaaday kooxo aan la
garaneyn, waxa uuna socday weerarkaasi mudo daqiiqado ah,
ayaan la garaneyn khasaarihii ka dhacay xarunta
madaxtoonyada, hase yeeshee madaafiicdii ay rideen Ciidamada
Dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa waxaa khasaaro ka soo
gaartay dad rayid ah, waxaana la xaqiijiyey in ay ku
dhinteen ilaa iyo 7 qofood oo ay madaafiicdu guryahooda ugu
tagtay.
Warar ayaa waxay sheegayaan
in markii madaxtoonyada la weeraray uu Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf Axmed kulan la lahaa saraakiisha ciidamada oo uu kala
hadlayey arimaha nabadgelyada ee Magaalada Muqdisho.
Madaafiicdii la ridiyey
ayaa waxay ku dhaceen agagaarka Cali Kamiin, xaruntii hore
ee Xisbiga, Baar Ayaan iyo Foloransa iyo waliba Towfiiq.
Sidoo kale madaafiicdaasi waxay dhaawaceen dad gaaraya ilaa
iyo 15 qofood.
Bishii janaayo ee sanadkaan
ayay ahayd markii goor habeen ah kooxo aan la garaneyn ay
madaafiic ku gaareen Madaxtoonyada xiligaas oo uu ku sugnaa
Madaxweyne C/llahi Yuusuf.
Maalintii doraad ayay ahayd
markii Golaha Baarlamaanka isku raacay in Golaha
Baarlamaanka iyo xukuumaddaba ay si dhaqsi leh ugu guuraan
Magaalada Muqdisho si ay halkaasi uga hawlgalaan, hase
yeeshee qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Dowladda ayaa sheegay
in waqtigaan aysan xasilooni qabin Muqdisho.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf
Axmed ayaa dhawaan ku dhawaaqayin 16-ka bisha April lagu
qaban doono Muqdisho kulan dib u heshiisiin ah oo lagu soo
afjarayo khilaafaadka u dhexeeya Beelaha Soomaliya, hase
yeeshee kulan ay dhawaan iyana isugu yimaadeen Odoyaasha iyo
Waxgaradka Beelaha Hawiye ayaaa iyana sheegay in aysan ka
qaybgali doonin kulankaasi, iyagoo Madaxweynaha ku eedeeyey
in uu ku xadgudbay axdiga ku meel gaarka ah.
Ciidamada Itoobiya oo
kufsaday Hooyo Soomaaliyeed oo 8 Carruur ah dhashay..
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanka Darmooley ee
Ceel-Cirfiid ayaa kufsaday Hooyo-Soomaaliyeed oo da’deedu
tahay 37 jir oo dhashay sideed carruur ah mar ay ku soo
socotay Magaalada Muqdisho, wadatayna Gaari Dameer u saarnaa
xoogaa Caws ah oo ay dooneysay inay ka iibsato Magaalada
Muqdisho.
Hooyadaas Soomaaliyeed oo
lagu magacaabo Suuban Maalin Cali Geedi ayaa shalay shir
jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho, waxayna ku
faahfaahisay qaabkii ay Ciidamada Itoobiya u kufsadeen,
waxayna sheegtay in ay goor barqo ah ay ku soo baxeen labo
nin oo Itoobiyaan ah kadibna inta ay gaarigii ka dejiyeen ay
u geysteen garaacis, kadibna ay u jiideen meel hawd ah
halkaas oo ay ku fara xumeeyeen.
Suuban waxay sheegtay in waqti dambe halkaasi laga soo
qaaday iyadoo aad u xanuusaneysa, waxaana la keenay
Isbitaalka Kaydsaney, waxayna Taakhaatiirtu sheegeen in
Hoyadaas Soomaaliyeed si xun loo kufsaday, waxayna ku
wargeliyeen ninkeeda in uusan u tagi mudo lix bilood ah,
dhanka kalana aysan nuujin Karin canugeeda, mudadadaas
kadibna dib loogu soo celiyo Isbitaalka si looga baaro
cudurkaq Aidska.
Ninkeeda oo lagu magacaabo Axmed Cali Xasan ayaa waxa uu
sheegay in Xaaskiisa lagula kacay wax ka baxsan
Bini’aadannimada, waxaa uuna u soo jeediyey Dowladda
Federaalka in ay gacan ka gaysato sidii gacanta loogu soo
dhigi lahaa labadii nin ee Itoobiyaanka ah ee kufsaday
Xaaskiisa.
Dowladda Federaalka ayaa ilaa iyo haatan ka hadlin kufsiga
loo gaystay hooyadaasi Soomaaliyeed, dhanka kale shacabka
Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho ayaa iyana aad
uga carooday falkaas lagula kacay hooyadaas Soomaaliyeed ee
dhashay 8-deeda carruurta ah.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo
lagu weeraray inta u dhaxeysa Zobe iyo..
Kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo marayey inta u dhexeysa
Isgooysyada Soobe ilaa iyo kan Banaadir ayaa halkaas lagu
weeraray, waxaana lagu waramay in ciidamada Itoobiya laga
gubay gaari, sidoo kalana kooxdii gaystay weerarkaasi ayaa
iyana waxay sidoo kale rasaas la dhaceen Ciidanka Itoobiya
ee Gawaaridaas saarnaa, markaas kadib oo ay Ciidamada
Itoobiya rasaas aan loo meel dayin ku fureen dadweynihii
halkaasi ka dhawaa, waxaana halkaasi ku dhintay afar qofood
oo ka ag dhawaa goobtii uu ka dhacay weerarkaasi.
Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa la sheegay in markii la
weerarayey ay ahaayeen kuwo ka baxayey Magaalada Muqdisho
kuna sii jeeday dalkooda, waxaana goobta uu ka dhacay qaraxa
yimid markii dambe Ciidamo ka socday Dowladda Federaalka oo
baaritaan kula dhaqaaqay dadweynihii halkaasi ka dhawaan
iyadoo qaarkood loo gaystay jirdil, sidoo kale dad goob-joog
ahaa ayaa sheegay in ciidamadii Dowladda ay galeen masaajid
halkaasi ku yiilay, iyagoo wata kabahoodii, waxaana si aad
ah arintaasi uga carooday dadkii ku dukanayey masaajidkaasi.
Qaar ka mid ah Xubnaha
Dowladda oo diiday in ay Muqdisho yimaadaan…
Wararka naga soo gaaraya Baydhabo waxay sheegayaan in xubno
ka tirsan Dowladda iyo Baarlamaanka ay diideen inay yimaan
Magaalada Muqdisho, kadib markii ay sheegeen in Magaalada
Muqdisho aysan ahayen magaalo nabdoon oo aysan xiligaan ka
shaqeyn Karin xubnaha labada gole.
Xubnahaan waxay sheegeen in ay iska joogi doonaan Magaalada
Baydhabo, hase yeeshee madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa
sheegay in Xildhibaankii iyo Wasiirkii aan tagin Magaalada
Muqdisho uu la mid yahay nin ka soo horjeeda go’aanka
Baarlamaanka.
Maalintii shalay ahayd ayaa Magaalada Muqdisho waxaa soo
gaaray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana la filayaa
in maalmaha soo socda Muqdisho ay soo gaaraan xubnaha labada
gole, iyadoo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi lagu waramay
in uu maalintii shalay ahayd u ambabaxay Magaalada Nayroobi
halkaasi oo uu kulamo kula soo yeelan doono mas’uuliyiin ka
tirsan Beesha Caalamka iyo waliba Dowladda Kenya.
Weerar lagu qaaday
gaari uu saarnaa Guddoomiye ku xigeenka Duqa Magaalada
Muqdisho..
Burburkii Gaarigii Ibrahim Omar Sabiye oo yaal wadada dhinaceeda,
Sawirka: Talaada March 13, 2007. [AP]
Gaari uu saarnaa Guddoomiye ku xigeenka Duqa Magaalada
Muqdisho ee Arimaha Nabadgelyada iyo Siyaasadda Ibraahim
Cumar Sabriye (Shaaweeye) ayaa mar uu marayey agagaarka
Isgooyska Xararyaale waxa uu la kulmay qarax aad u weyn oo
gebi ahaanba burburiyey gaarigii uu Saarnaa Guddoomiye ku
xigeenka.
Gaarigaas ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhinteen labo
qofood oo uu ku jiray ku xigeenkii Ibraahim Shaaweeye oo la
oran jiray Mudane Duubane, dhanka kalana Ibraahim Shaaweeye
ayaa isna la sheegay in uu soo gaaray dhaawac.
Gaari DFKMG oo gubanaya, Muqdisho, Talaada march 13, 2007. AFP
Gaarigaan oo gebi ahaanba burburay ayaa la garaneyn in
qaraxaasi uu ahaa mid uu loo dhigay Gaariga ama uu ahaa mid
horey loogu soo rakibay, waxaana haatan baaritaan ku haya
Ciidamada Dowladda Federaalka.
Waxaa maalmahan weeraro lagu hayey mas’uuliyiinta iyo
Ciidamada Dowladda Federaalka, iyadoo dhawaan Isgooyska
Lambar Afar lagu dilay labo ka tirsan Ciidanka Booliiska
kadib ay si gaadmo ah ku soo weerareen kooxo dabley ah,
sidoo kale waxaa iyana weerar lagu qaaday ciidamo ka tirsan
Dowladda Federaalka kuwaas oo la sheegay inay waxyeelo ka
soo gaartay weeraradaasi.
Afhayeenka Ciidamada
Midowga Afrika oo sheegey .
Afhayeenka Midowga Afrika ee Nabad ilaalinta ayaa shalay
waxa uu daboolka ka qaaday in ciidamada Midowga Afrika ay
dhex dhexaad ka noqon doonaan Xaaladda Soomaaliya.
Afhayeenku waxa uu sheegay in ay kulamo la yeelan doonaan
Odoyaasha iyo Waxgaradka ku nool Magaalada Muqdisho si looga
wada hadlo xaaladda nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho oo
maalmahan faraha ka sii baxeysay.
Ciidamo Uganda ah oo ilaalinaya
Garoonka Muqdisho. March 12, 2007. Reuteres
Afhayeenka waxaa kale oo uu sheegay in Midowga Afrika uu
qorsheynayo in qaybaha Siyaasadda isku haya ee Soomaalida la
isugu keeno shir dib u heshiisiin ah, waxa uuna carabak ku
adkeeyey in shirkaasi laga qaybgeli doono Mas’uuliyiinta
Maxaakiimta Islaamiga ah.
Xil ka qaadistii Muxiyadiin
Darbaweyne oo ay soo dhaweeyeen Bahda Sporti-ga …
Iyadoo maalintii doraad ahayd Shirweyne ay isugu yimaadeen
Naadiyadda kala duwan ee K/cagta ayaa waxay ogolaadeen
go’aankii Guddiga Fulinta ee Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta
ee ahaa in xilka laga qaado Muxiyadiin Xasan Cali Darbaweyne
kadib markii lagu eedeeyey in uu lunsaday dhaqaalihii
xiriirka iyo waliba in uu ku xadgudbay xeerka Xiriirka
Soomaaliyeed ee K/cagta.
Bahda Isboortiga ayaa si weyn u soo dhaweysay xil ka
qaadistaasi waxayna ku tilmaameen mid toosineysa Xiriirka
Soomaaliyeed ee K/cagta oo ay sheegeen in uu wax weyn ka
tari karo horumarinta k/cagta ee Soomaaliya.
Bahda Isboortiga Soomaaliyeed waxay u rajeeyeen waxay u
rajeeyeen Guddoomiyaha cusub ee Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta
Siciid Mugaanbe in uu xilkaasi u guto si cadaalad ah iyagoo
uga digay in uu qaado wadadii Muxiyadiin Darbaweyne.
Guddiga xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta ayaa mudooyinkaan
kulamo ka lahaa waxa laga yeelayo Muxiyadiin Darbaweyne,
waxayna aakhiri-taankii isku raaceen in xilka laga qaado
Muxiyadiin Darbaweyne, iyadoo ugu dambeyntii soo hor dhigay
go’aankaasi Shir aan caadi aheyn ee isugu yimaadeen madaxda
Naadiyada kuwaas oo markii dambe cod aqlabiyad ah ku aqbalay
go’aankaasi.
Beelaha Isaaqa ee
Koonfurta oo dhaleeceeyey Guddi ay hore u sameysteen..
Warqad qoraal ah oo ay na soo gaarsiiyeen Odoyaal iyo
Waxgarad ka tirsan Beelaha Isaaqa ee Koonfurta Soomaaliya
ayaa waxay dhaleeceeyeen guddiga Beelaha Isaaq ee Koonfurta
Soomaaliya waxayna ku eedeeyeen in ay ku takrifaleen hanti
ay lahaayeen beelaha Isaaq ee Koonfurta, sidoo kale waxay ku
eedeeyeen inay bedeleen magicii Guddiga Beelaha Isaaq.
Max’ed Xirsi Axmed oo ka mid ahaan jiray Guddigaasi ayaa
waxa uu sheegay in uu ka baxay guddigaasi sababa la xiriira
eedeymahaasi.
Guddigaan oo u qaybsanaa uruurinta Beelaha Isaaq ee
Koonfurta, iyo waliba ka hortagida wixii dhibaato ah ee ku
imaan kara beelahaasi, ayaa waxgaradkaani waxay sheegeen in
dhamaan waxyaabahaasi aysan guddigii loo xilsaaray waxba ka
qaban, waxayna u soo jeediyeen in guddigaasi si deg deg ah
xilka u wareejiyo.
Qoraalkaan ayaa waxaa kaloo guddiga Isaaq lagaga dalbaday
inay dib u soo celiyaan wixii hanti laheyd beeshu oo ay
horey u lunsadeen.
Dr. Axmed Taajir oo ku
guuleystey in in Buro 5 kiilo ah ka soo saaro Gabar yar oo
jirta Sagaal bilood
Waxaa taariikhdu Markey ahayd 7/3/2007, Isbitaalka Kaysaneey
Loogu sameeyay Qalliin Gabar yar ee jirta 9 Bilood, Gabadha
waxaa lagu magacaabaa Caasha Cismaan Isaaq, Hooyadeedna
waxaa lagu Magacaabaa Soonto Cali Aadan, Gabadha ayada oo
jirta 2 Billood waxay eheledeeda caloosha Uga arkeen Buro
aad u soo korayso bilba bisha ka dambeeysa, Ilaa ay kala
ekaato waynigeeda sida sawirka ka muuqda, Laguna qiyaasay
ilaa iyo 5 Kiilo.Gabadha oo ka dhalatay qooys aad sabool u
ah, ayeey la Xariireen Isbitaalka SOS ee magaalada muqdisho,
kadbna sidaa ayaa Loogu soo wareejiyay Isbitaalka Keysaneey
oo Qalliinka ,Loogu sammeeyay si tabarrucaad ah, ayadoon wax
lacag ah Laga qaadin, Qalliinka waxaa looga soo saaray Buro
culyskeeda lagu Qiyaasay 5 Kiilo oo Caloosh ilaa iyo Kalyaha
ku fidday. Ilaahay mahaddiis waa lagu guuleeystay qalliinka
oo socday qiyaastii 2 Saac, Haddana xaaladda bukaanku waa ay
wanaagsantahay, Qalliinka waxaa sammeeyay Dr.Ahmed Mohamed
Ahmed [Ahmed Taajir] Madaxa Qalliinka Isbitaalka Keysaneey.
Hadaba Gabdhaa yar ciddii dooneysa in ay u kaalmeyso ha la
soo xiriiraan
Dr ahmed mohamed ahmed
dr_taajir@hotmail.com
ama Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Tel 2521-5532494
Faafin: March 14,
2007
Xal u helidda Dhibaatada ka Taagan Soomaaliya hadda.
Kulan ay ka soo qayb galeen culimaa'udiin, aqoonyahanno iyo
siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa waxaa...
Akhri....
|