SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
ItoMar 15, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (74), Muqdisho (78), Beledweyne (81), Baydhabo (89),  Galkacyo (110),
Sarbeebtii Diinaari
Daabaco Boggan | Print
gaariSomaliTalk: Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa waxbarashada Puntland ugu deeqday gaari iyo buugaag, laakiin..
Akhri...

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Mar 11, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (70), Muqdisho (74), Beledweyne (77), Baydhabo (85),  Galkacyo (106),
Sarbeebtii Diinaari


Wararkii: March 15, 2007

  • Ciidamada Uganda oo gebi ahaanba joojiyey Canshuurtii Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKMG ka qaadijireen Garoonka Diyaaradaha ..
  • C/llaahi Yuusuf oo kulamo xasaasi ah la leh Saraakiishiisa ..
  • Jaaliyadda Beesha Garre ee ku nool Dibadaha oo laga codsadey..
  • Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo cambaareysey Falalka lagu waxyeeleynayo..
  • Somalia: 'Ethiopians must go'

Ciidamada Uganda oo gebi ahaanba joojiyey Canshuurtii Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKMG ka qaadijireen Garoonka Diyaaradaha ..

Tan iyo markii Ciidamada Itoobiya oo gacansiinaya Dowladda Federaalka ay soo galeen Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay canshuur ku soo rogeen garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan dadka ka baxay iyo dadka soo degay iyo alaabaha kale ee garoonkaasi laga dhoofiyo ama laga soo dejiyo. Canshuurtaan oo ah mid aad u xad-dhaaf ah ayaa waxaa dhibaato ku qabay Bulshada soomaaliyeed ee isticmaali jirtay garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Dhowr jeer ayay shirakadaha Diyaaradaha damceen in ay gebi ahaanba joojiyaan duulimaadyada ay ku tagayaan Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho sababo la xiriira xagga canshuurta, hase yeeshee Dowladda Itoobiya iyo Dowladda Federaalka ayaa diyaaradahaasi ku amray in aysan joojin Karin duulimaadyadooda haddii ay joojiyaana gebi ahaanba laga mamnuuci doono in ay yimaadaan gudaha dalka Soomaaliya.

Dhawaan ayaa markii ciidamada Uganda oo ka tirsan Ciidamada Nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ay la wareegeen Garoonka ayaa dad goob-joogayaal ah waxay noo sheegay in Ciidamada Uganda ay joojiyeen canshuurtii laga qaadi jiray garoonkaasi. Nin qariyey Magaciisa ayaa waxa uu noo sheegay in sababaha ciidamada Uganda u joojiyeen canshuurtaasi ay tahay iyagoo doonaya in wixii ka soo baxay garoonkaasi si siman loogu qaybiyo Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan inta laga heshiisiinayo dhamaan Ummadda soomaaliyeed. Ciidamada Uganda oo si aad ah u ilaaliya garoonkaasi ayaa joojintii ay joojiyeen canshuurta waxaa si aad ah u soo dhaweeyay ummadda Soomaaliya, iyadoo dhawaan mas’uul u hadlay ciidamada Uganda uu sheegay in ciidamada Uganda ay dhex dhexaad ka noqon doonaan arimaha Soomaaliya, islamarkaana ka shaqeyn doonaan sidii la isugu keeni lahaa Ummadda Soomaaliyeed. Afhayeen u hadlay Midowga Afrika ayaa waxa uu sheegay in Mas’uuliyiinta Maxaakiimta Islaamiga ah ay dib ugu soo laaban karaan gudaha dalka Soomaaliya, waxaana soo dhaweeyey shacabka Soomaaliyeed, oo sheegay inay wax ka tareyso dib u heshiisiinta la qaban doono.

C/llaahi Yuusuf oo kulamo xasaasi ah la leh Saraakiishiisa ..

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo maalintii doraad ahayd dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa warar aan ka heleyno Madaxtoonyada waxay sheegayaan in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu kulamo xasaasi ah la leeyahay saraakiishiisa Ciidamada, waxaana kulamadaasi la sheegay in loo arinasayo waxa laga yeelayo Muqdisho.

Kulamada qaarkood oo saacado qaatay waxaa lagu waramay in Magaalada Muqdisho ay ka hawlgalaan Ciidamada Dowladda Federaalka ah si loo sugo Ammaanka Magaalada oo waayadan faraha ka sii baxayey, warar ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Booliiska ee ku sugnaa saldhigyad Booliiska ee Gobalka Banaadir, gebi ahaanba lagu wareejiyeo ciidamo ka socda Dowladda gaar ahaan kuwii dhawaan uu tababarku ugu soo dhamaaday Garoonka Diyaaradaha ee Balidoogle.

C/llaahi Yuusuf ayaa lagu waramay in uu gebi ahaanba u yeertay ciidamadiisii ku sugnaa Magaalada Baydhabo, waxaana shalay Magaalada Muqdisho soo gaaray qaar ka mid ah ciidamadaasi kuwaas oo la sheegay inay ka qayb-qaadan doonaan sidii loo sugi lahaa ammaanka Gobalka Banaadir.

Jaaliyadda Beesha Garre ee ku nool Dibadaha oo laga codsadey..

Duqa Magaalada Tooratoo-row ee Gobalka Sh/hoose Xaaji Cadde Xaaji Xasan ayaa baaq u jeediyey Hay’adaha samafalka, Hay’adaha ka shaqeeya gudaha dalka, dowladda Federaalka iyo Jaaliyadda Beesha Garre ee ku nool dibadaha, waxa uuna ka dalbaday inay gargaar la soo gaaraan ilaa iyo 500 oo qoys oo dhawaan ku gurya beelay dab ka kacay degmada Tooratoorow, waxa uuna dabkaasi baabi’iyey 50 guri oo ku yiil degmadaasi. Duqa Magaalada waxa uu sheegay in qoysaskaasi ay haatan ku hoydaan meel banaan ah oo ay ku hayso qorax, cuduro iyo hoy la’aan, waxa uuna u soo jeediyey in sida ugu dhaqsiyaha badan gargaar loola soo gaaro dadkaasi. Waxa uu sheegay duqu in deegaankaas aan weligiis la soo gaarsiin wax mucaawino ah, isagoo sheegay inay ku nool yihiin qoysas sabool ah oo aan waxba haysan

Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo cambaareysey Falalka lagu waxyeeleynayo..

Xarunta Ismaaciil Jimcaale ee xaquuqda Aadanaha ayaa walwal iyo walaac ka muujisay xaaladda ammaandaro iyo qaraxyada madaafiicda joogta ah ee ku dhacaya deegaanada ay degan yihiin dadka rayidka ah kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac iyo waliba burbur hantiyadeed.

Xarunta waxay sidoo kale walwal ka muujisay dilalka lala beegsanayo dadka rayidka ah, waxayna xaruntu sheegtay in falalkaan aragagaxa leh ay xadgudub ku yihin shareecada Islaamka, xeerarka soo jireenka ah ee dhaqanka Soomaalida, axdiga federaalka Dowladda iyo baaqa caalamiga ah ee xaquuqda aadamiga qodobkiisa saddexaad oo leh (qof waliba waxa uu xaq u leeyahay in uu ku noolaado nabad iyo xoriyo).

Xarunta waxay ka codsaneysaa kooxaha ka soo horjeeda Dowladda, Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda in ay joojiyaan dagaalada ay wadaan, sidoo kalana waxay cambaareysay xadgudubkii lagula kacay weriyayaashii Idaacadda ka hawl gasha Muqdisho, Max’ed Ibraahim Raage, Ismaaciil Cali Cabdi, C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala iyo Max’ed Ibraahim Ruush, sidoo kale waxay dowladda ka codsaday in si shuruud la’aan loo sii daayo weriye Xasan Sade Dhaqane.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Wararkii: March 14, 2007

  • C/llaahi Yuusuf oo isagoo ku sugan Madaxtoonyada lagu soo weeraray..
  • Ciidamada Itoobiya oo kufsaday Hooyo Soomaaliyeed oo 8 Carruur ah dhashay..
  • Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu weeraray inta u dhaxeysa Zobe iyo..
  • Qaar ka mid ah Xubnaha Dowladda oo diiday in ay Muqdisho yimaadaan…
  • Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika oo sheegey .
  • Xil ka qaadistii Muxiyadiin Darbaweyne oo ay soo dhaweeyeen Bahda Sporti-ga …
  • Beelaha Isaaqa ee Koonfurta oo dhaleeceeyey Guddi ay hore u sameysteen..
  • Weerar lagu qaaday gaari uu saarnaa Guddoomiye ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho..
  • Dr. Axmed Taajir oo ku guuleystey in in Buro 5 kiilo ah ka soo saaro Gabar yar oo jirta Sagaal bilood

C/llaahi Yuusuf oo isagoo ku sugan Madaxtoonyada lagu soo weeraray..

Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa isagoo ku sugan xarunta Madaxtoonyada waxaa weerar ku soo qaaday kooxo aan la garaneyn, waxa uuna socday weerarkaasi mudo daqiiqado ah, ayaan la garaneyn khasaarihii ka dhacay xarunta madaxtoonyada, hase yeeshee madaafiicdii ay rideen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa waxaa khasaaro ka soo gaartay dad rayid ah, waxaana la xaqiijiyey in ay ku dhinteen ilaa iyo 7 qofood oo ay madaafiicdu guryahooda ugu tagtay.

Warar ayaa waxay sheegayaan in markii madaxtoonyada la weeraray uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed kulan la lahaa saraakiisha ciidamada oo uu kala hadlayey arimaha nabadgelyada ee Magaalada Muqdisho.

Madaafiicdii la ridiyey ayaa waxay ku dhaceen agagaarka Cali Kamiin, xaruntii hore ee Xisbiga, Baar Ayaan iyo Foloransa iyo waliba Towfiiq. Sidoo kale madaafiicdaasi waxay dhaawaceen dad gaaraya ilaa iyo 15 qofood.

Bishii janaayo ee sanadkaan ayay ahayd markii goor habeen ah kooxo aan la garaneyn ay madaafiic ku gaareen Madaxtoonyada xiligaas oo uu ku sugnaa Madaxweyne C/llahi Yuusuf.

Maalintii doraad ayay ahayd markii Golaha Baarlamaanka isku raacay in Golaha Baarlamaanka iyo xukuumaddaba ay si dhaqsi leh ugu guuraan Magaalada Muqdisho si ay halkaasi uga hawlgalaan, hase yeeshee qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Dowladda ayaa sheegay in waqtigaan aysan xasilooni qabin Muqdisho.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa dhawaan ku dhawaaqayin 16-ka bisha April lagu qaban doono Muqdisho kulan dib u heshiisiin ah oo lagu soo afjarayo khilaafaadka u dhexeeya Beelaha Soomaliya, hase yeeshee kulan ay dhawaan iyana isugu yimaadeen Odoyaasha iyo Waxgaradka Beelaha Hawiye ayaaa iyana sheegay in aysan ka qaybgali doonin kulankaasi, iyagoo Madaxweynaha ku eedeeyey in uu ku xadgudbay axdiga ku meel gaarka ah.

Ciidamada Itoobiya oo kufsaday Hooyo Soomaaliyeed oo 8 Carruur ah dhashay..

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanka Darmooley ee Ceel-Cirfiid ayaa kufsaday Hooyo-Soomaaliyeed oo da’deedu tahay 37 jir oo dhashay sideed carruur ah mar ay ku soo socotay Magaalada Muqdisho, wadatayna Gaari Dameer u saarnaa xoogaa Caws ah oo ay dooneysay inay ka iibsato Magaalada Muqdisho.

Hooyadaas Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Suuban Maalin Cali Geedi ayaa shalay shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho, waxayna ku faahfaahisay qaabkii ay Ciidamada Itoobiya u kufsadeen, waxayna sheegtay in ay goor barqo ah ay ku soo baxeen labo nin oo Itoobiyaan ah kadibna inta ay gaarigii ka dejiyeen ay u geysteen garaacis, kadibna ay u jiideen meel hawd ah halkaas oo ay ku fara xumeeyeen.

Suuban waxay sheegtay in waqti dambe halkaasi laga soo qaaday iyadoo aad u xanuusaneysa, waxaana la keenay Isbitaalka Kaydsaney, waxayna Taakhaatiirtu sheegeen in Hoyadaas Soomaaliyeed si xun loo kufsaday, waxayna ku wargeliyeen ninkeeda in uusan u tagi mudo lix bilood ah, dhanka kalana aysan nuujin Karin canugeeda, mudadadaas kadibna dib loogu soo celiyo Isbitaalka si looga baaro cudurkaq Aidska.



Ninkeeda oo lagu magacaabo Axmed Cali Xasan ayaa waxa uu sheegay in Xaaskiisa lagula kacay wax ka baxsan Bini’aadannimada, waxaa uuna u soo jeediyey Dowladda Federaalka in ay gacan ka gaysato sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa labadii nin ee Itoobiyaanka ah ee kufsaday Xaaskiisa.

Dowladda Federaalka ayaa ilaa iyo haatan ka hadlin kufsiga loo gaystay hooyadaasi Soomaaliyeed, dhanka kale shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho ayaa iyana aad uga carooday falkaas lagula kacay hooyadaas Soomaaliyeed ee dhashay 8-deeda carruurta ah.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu weeraray inta u dhaxeysa Zobe iyo..

Kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo marayey inta u dhexeysa Isgooysyada Soobe ilaa iyo kan Banaadir ayaa halkaas lagu weeraray, waxaana lagu waramay in ciidamada Itoobiya laga gubay gaari, sidoo kalana kooxdii gaystay weerarkaasi ayaa iyana waxay sidoo kale rasaas la dhaceen Ciidanka Itoobiya ee Gawaaridaas saarnaa, markaas kadib oo ay Ciidamada Itoobiya rasaas aan loo meel dayin ku fureen dadweynihii halkaasi ka dhawaa, waxaana halkaasi ku dhintay afar qofood oo ka ag dhawaa goobtii uu ka dhacay weerarkaasi.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa la sheegay in markii la weerarayey ay ahaayeen kuwo ka baxayey Magaalada Muqdisho kuna sii jeeday dalkooda, waxaana goobta uu ka dhacay qaraxa yimid markii dambe Ciidamo ka socday Dowladda Federaalka oo baaritaan kula dhaqaaqay dadweynihii halkaasi ka dhawaan iyadoo qaarkood loo gaystay jirdil, sidoo kale dad goob-joog ahaa ayaa sheegay in ciidamadii Dowladda ay galeen masaajid halkaasi ku yiilay, iyagoo wata kabahoodii, waxaana si aad ah arintaasi uga carooday dadkii ku dukanayey masaajidkaasi.

Qaar ka mid ah Xubnaha Dowladda oo diiday in ay Muqdisho yimaadaan…

Wararka naga soo gaaraya Baydhabo waxay sheegayaan in xubno ka tirsan Dowladda iyo Baarlamaanka ay diideen inay yimaan Magaalada Muqdisho, kadib markii ay sheegeen in Magaalada Muqdisho aysan ahayen magaalo nabdoon oo aysan xiligaan ka shaqeyn Karin xubnaha labada gole.

Xubnahaan waxay sheegeen in ay iska joogi doonaan Magaalada Baydhabo, hase yeeshee madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay in Xildhibaankii iyo Wasiirkii aan tagin Magaalada Muqdisho uu la mid yahay nin ka soo horjeeda go’aanka Baarlamaanka.

Maalintii shalay ahayd ayaa Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda Muqdisho ay soo gaaraan xubnaha labada gole, iyadoo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi lagu waramay in uu maalintii shalay ahayd u ambabaxay Magaalada Nayroobi halkaasi oo uu kulamo kula soo yeelan doono mas’uuliyiin ka tirsan Beesha Caalamka iyo waliba Dowladda Kenya.

Weerar lagu qaaday gaari uu saarnaa Guddoomiye ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho..


Burburkii Gaarigii Ibrahim Omar Sabiye oo yaal wadada dhinaceeda,
Sawirka: Talaada March 13, 2007. [AP]


Gaari uu saarnaa Guddoomiye ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho ee Arimaha Nabadgelyada iyo Siyaasadda Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweeye) ayaa mar uu marayey agagaarka Isgooyska Xararyaale waxa uu la kulmay qarax aad u weyn oo gebi ahaanba burburiyey gaarigii uu Saarnaa Guddoomiye ku xigeenka.

Gaarigaas ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhinteen labo qofood oo uu ku jiray ku xigeenkii Ibraahim Shaaweeye oo la oran jiray Mudane Duubane, dhanka kalana Ibraahim Shaaweeye ayaa isna la sheegay in uu soo gaaray dhaawac.


Gaari DFKMG oo gubanaya, Muqdisho, Talaada march 13, 2007. AFP


Gaarigaan oo gebi ahaanba burburay ayaa la garaneyn in qaraxaasi uu ahaa mid uu loo dhigay Gaariga ama uu ahaa mid horey loogu soo rakibay, waxaana haatan baaritaan ku haya Ciidamada Dowladda Federaalka.

Waxaa maalmahan weeraro lagu hayey mas’uuliyiinta iyo Ciidamada Dowladda Federaalka, iyadoo dhawaan Isgooyska Lambar Afar lagu dilay labo ka tirsan Ciidanka Booliiska kadib ay si gaadmo ah ku soo weerareen kooxo dabley ah, sidoo kale waxaa iyana weerar lagu qaaday ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka kuwaas oo la sheegay inay waxyeelo ka soo gaartay weeraradaasi.

Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika oo sheegey .

Afhayeenka Midowga Afrika ee Nabad ilaalinta ayaa shalay waxa uu daboolka ka qaaday in ciidamada Midowga Afrika ay dhex dhexaad ka noqon doonaan Xaaladda Soomaaliya.

Afhayeenku waxa uu sheegay in ay kulamo la yeelan doonaan Odoyaasha iyo Waxgaradka ku nool Magaalada Muqdisho si looga wada hadlo xaaladda nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho oo maalmahan faraha ka sii baxeysay.


Ciidamo Uganda ah oo ilaalinaya Garoonka Muqdisho. March 12, 2007. Reuteres


Afhayeenka waxaa kale oo uu sheegay in Midowga Afrika uu qorsheynayo in qaybaha Siyaasadda isku haya ee Soomaalida la isugu keeno shir dib u heshiisiin ah, waxa uuna carabak ku adkeeyey in shirkaasi laga qaybgeli doono Mas’uuliyiinta Maxaakiimta Islaamiga ah.

Xil ka qaadistii Muxiyadiin Darbaweyne oo ay soo dhaweeyeen Bahda Sporti-ga …

Iyadoo maalintii doraad ahayd Shirweyne ay isugu yimaadeen Naadiyadda kala duwan ee K/cagta ayaa waxay ogolaadeen go’aankii Guddiga Fulinta ee Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta ee ahaa in xilka laga qaado Muxiyadiin Xasan Cali Darbaweyne kadib markii lagu eedeeyey in uu lunsaday dhaqaalihii xiriirka iyo waliba in uu ku xadgudbay xeerka Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta.

Bahda Isboortiga ayaa si weyn u soo dhaweysay xil ka qaadistaasi waxayna ku tilmaameen mid toosineysa Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta oo ay sheegeen in uu wax weyn ka tari karo horumarinta k/cagta ee Soomaaliya.

Bahda Isboortiga Soomaaliyeed waxay u rajeeyeen waxay u rajeeyeen Guddoomiyaha cusub ee Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta Siciid Mugaanbe in uu xilkaasi u guto si cadaalad ah iyagoo uga digay in uu qaado wadadii Muxiyadiin Darbaweyne.

Guddiga xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta ayaa mudooyinkaan kulamo ka lahaa waxa laga yeelayo Muxiyadiin Darbaweyne, waxayna aakhiri-taankii isku raaceen in xilka laga qaado Muxiyadiin Darbaweyne, iyadoo ugu dambeyntii soo hor dhigay go’aankaasi Shir aan caadi aheyn ee isugu yimaadeen madaxda Naadiyada kuwaas oo markii dambe cod aqlabiyad ah ku aqbalay go’aankaasi.

Beelaha Isaaqa ee Koonfurta oo dhaleeceeyey Guddi ay hore u sameysteen..

Warqad qoraal ah oo ay na soo gaarsiiyeen Odoyaal iyo Waxgarad ka tirsan Beelaha Isaaqa ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxay dhaleeceeyeen guddiga Beelaha Isaaq ee Koonfurta Soomaaliya waxayna ku eedeeyeen in ay ku takrifaleen hanti ay lahaayeen beelaha Isaaq ee Koonfurta, sidoo kale waxay ku eedeeyeen inay bedeleen magicii Guddiga Beelaha Isaaq.

Max’ed Xirsi Axmed oo ka mid ahaan jiray Guddigaasi ayaa waxa uu sheegay in uu ka baxay guddigaasi sababa la xiriira eedeymahaasi.

Guddigaan oo u qaybsanaa uruurinta Beelaha Isaaq ee Koonfurta, iyo waliba ka hortagida wixii dhibaato ah ee ku imaan kara beelahaasi, ayaa waxgaradkaani waxay sheegeen in dhamaan waxyaabahaasi aysan guddigii loo xilsaaray waxba ka qaban, waxayna u soo jeediyeen in guddigaasi si deg deg ah xilka u wareejiyo.

Qoraalkaan ayaa waxaa kaloo guddiga Isaaq lagaga dalbaday inay dib u soo celiyaan wixii hanti laheyd beeshu oo ay horey u lunsadeen.

Dr. Axmed Taajir oo ku guuleystey in in Buro 5 kiilo ah ka soo saaro Gabar yar oo jirta Sagaal bilood



Waxaa taariikhdu Markey ahayd 7/3/2007, Isbitaalka Kaysaneey Loogu sameeyay Qalliin Gabar yar ee jirta 9 Bilood, Gabadha waxaa lagu magacaabaa Caasha Cismaan Isaaq, Hooyadeedna waxaa lagu Magacaabaa Soonto Cali Aadan, Gabadha ayada oo jirta 2 Billood waxay eheledeeda caloosha Uga arkeen Buro aad u soo korayso bilba bisha ka dambeeysa, Ilaa ay kala ekaato waynigeeda sida sawirka ka muuqda, Laguna qiyaasay ilaa iyo 5 Kiilo.Gabadha oo ka dhalatay qooys aad sabool u ah, ayeey la Xariireen Isbitaalka SOS ee magaalada muqdisho, kadbna sidaa ayaa Loogu soo wareejiyay Isbitaalka Keysaneey oo Qalliinka ,Loogu sammeeyay si tabarrucaad ah, ayadoon wax lacag ah Laga qaadin, Qalliinka waxaa looga soo saaray Buro culyskeeda lagu Qiyaasay 5 Kiilo oo Caloosh ilaa iyo Kalyaha ku fidday. Ilaahay mahaddiis waa lagu guuleeystay qalliinka oo socday qiyaastii 2 Saac, Haddana xaaladda bukaanku waa ay wanaagsantahay, Qalliinka waxaa sammeeyay Dr.Ahmed Mohamed Ahmed [Ahmed Taajir] Madaxa Qalliinka Isbitaalka Keysaneey.

Hadaba Gabdhaa yar ciddii dooneysa in ay u kaalmeyso ha la soo xiriiraan

Dr ahmed mohamed ahmed
dr_taajir@hotmail.com 

ama Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Tel 2521-5532494

Faafin: March 14, 2007



Soomaali
Xal u helidda Dhibaatada ka Taagan Soomaaliya hadda.

Kulan ay ka soo qayb galeen culimaa'udiin, aqoonyahanno iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa waxaa... Akhri....



 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com